fiidweerar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiidweerar
-ka: (magac, lab, keli) eeg fiid-horor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiidmeer
(Fiidmeer-ta)
Nafley shinbir u eg aanse ahayn: waxay leedahay baalal xuub adag ka samaysan oo ay ku duusho, naaso iyo caano dhasheedu nuugto, arag aan fiicnayn iyo karti lala yaabo oo ay cayayaanka ku hesho oo ku eryooto, kuna garato oo kaga leexato wax kastoo ka hor yimaada iyadoo aan orodkeeda inna dhimayn; habeenkii bay ugaarataa maalintiina waa ay nasataa oo meelay iska lushaa iyadoo foororta; kibilli ama kobolli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiidmeer
m.dh Haad naasleyda ka mid ah, cayayaanka ku nool leh, baalal xuub adag oo ay wax ku dareento oo habeenkii duusha; kibilli.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiidmeer
m.dh Haad naasleyda ka mid ah, cayayaanka ku nool leh, baalal xuub adag oo ay wax ku dareento oo habeenkii duusha; kibilli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiidmeer
f. n. bat (flying mammal)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiidmeer
-ta: (n) bat (baat) ~ kabali
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiidmeer
-ta: (magac, dhedig, keli) nafley shinbir u eg aanse ahayn; waxay leedahay baalal xuub adag ah oo ay ku duusho, naaso iyo teeda dhaddig oo caano leh, arag aan fiicnayn iyo awood gaar ah oo ay cayayaanka ku qabsato, kuna garato oo kaga leexato wax kasta oo ka hor yimaadda iyada oo aanu orodkeedu isdhimin. Habeenkii bay ugaadhsataa maalintiina meel bay isku qarisaa oo iska soo laadlaadisaa iyada oo foororta. Dh: kobolli, lali, kibilli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiidmeer
de: bat (flying mammal)
lx: fiidmeer
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: fiidmeer
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
fiidmeer
وَطُواط خُفَّاش
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiidcarar
-ka: (magac, lab, keli) socodka habeenka intiisa hore la socdo. Dh: guure.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiirodheeraw
-ga: (magac, lab, keli) garashabadni iyo ildheeri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiradheeraan
m.f.dh eeg fiiradheer. la-mid: fiiradheeraansho, fiiradheeri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiradheeraan
-ta: (magac, dhedig, keli) indheergaradnimo iyo garaadbadni.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dheerar
-ka: (n) height (haayt); length (leength); tallness (tool-nes)-, stature (istaa-jar); depth (dhe-path) ~ dherer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiidhoror
-ka: (magac, lab, keli) weerar dad lagu qaaday waqti fiid ah. Dh: fiid-gooyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiid'horor
(Fiid'horor-ka)
Fiidgooyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiid-horor
fiid-horor¹: m.l 1. Weerar dad lagu qaaday waqti fiid ah. 2. la-mid: fiid-gooyo.
fiid-horor²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Waqti fiid ah dad weerar ku qaadid. 2. Fiid-horaad wax qabasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiid-horor
m. n., [compound] milking at dusk
fiid-horor: v., [compound] attack ~ assault early in the evening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiid-horor
(fal) milayga fiidka, weerar gaad.
fiid-horor-ka: (magac, lab, keli) eeg fiidgooyo.
fiid-horor-ka: (magac, lab, keli) maalidda xoolaha fiidka hore la maalo, hore loo maalo. Dh: fiidgooyo, fiidmaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiigacarar
(Fiigacarar-ka)
Carar aan meel loo socdo la aqoon; fiigid; baxsad; baydad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiigacarar
fiigacarar¹: m.l la-mid: fiigacararid.
fiigacarar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Carar aan meel loo socdo la aqoon cararid; fiigid; baydadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiigacarar
v., [compound] run away in panic, flee, escape
fiigacarar vl. n., [compound] panic flight
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiigacarar
-ka: (magac, lab, keli) orod aan meel loo socdo la aqoon. Geelii waxaa ku dhacay fiigacarar. Dh: fiigid, baxsad, baydad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiigicarar
v., [compound] run in panic, flee
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiigicarar
a: fiigacarar
de: run in panic, flee
lx: fiigicarar
pd: (fiigicararay)
ps: v1=cmp
key: fiigicarar
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fidid dherer
Linear Expansion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casarweerar
-ka: (magac, lab, keli) weerar badheedh ah oo aan geed loogu soo gabban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiid-horaad
m.l Fiidka intiisa hore.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiid-horaad
m. n. early in the evening
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiid-horaad
-ka: (v) early evening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiid-horaad
-ka: (magac, lab, keli) eeg fiidadaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiradheeri
m.dh la-mid: fiiradheeraan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiiradheeri
-da: (n) foresight (foor-sayt); prudence (puruu dhansi); discretion (dis kareeshin), forethought il-dheeri, aragti dheeri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiradheeri
-da: (magac, dhedig, keli) garaadbadni iyo indheergaradnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiirodheeri
-da: (magac, dhedig, keli) aragti fog oo xagga maskaxda ah. Dh: aragti, maskax, garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimridheeraan
m.f.dh eeg cimridheer. la-mid: cimridheeraansho, cimridheeri, cimridherer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cimridheeraan
-ta: (magac, dhedig, keli) wakhti badan noolaan.