fidnee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidnee
f.g2 (-neeyay, -naysay) Fidno ku abuurid. la-mid: fidmee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fidnee
f.g2 (-neeyay, -naysay) Fidno ku abuurid. m.f.dh, fidnayn. la-mid: fidmee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fidnee
v. cause trouble, sow sedition
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fidnee
-yey fidnaysay: (v) cause unrest or a troubled condition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidnee
(fal) cid kale, fidno u horseedid. Dh: fidnay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fidnee
de: cause trouble, sow sedition
lx: fidnee
pd: (fidneeyey)
ps: v2b=
key: fidnee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiddee
f.g2 (-deeyay, -deysay) U f.: qof dhintay werdi u akhriyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiddee
(fal) qof geeriyooday, axan iyo sadaqad raaci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidhee
(fal) xoog u orod oo siigo kici. Kolkaad imtixaanka dhamayso fidhee oo baabuurka gaadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidmee
f.g2 (-meeyay, -meysay) la-mid: fidnee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidmee
(fal) dad, belaayo iyo colaad ka dhex rid.
fidmee: (fal) qof toosnaa, jidka ka leexi oo xumaha bar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidnayn
m.f.dh eeg fidnee. la-mid: fidmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexeeye
m.l (-yayaal, m.l/dh) 1. Laba wiil oo isku hooyo iyo aabbe ah, wiil saddexaad oo waalidkood dhalay oo ku soo kordha. 2. Arrin, dood iyo wixi lamida oo laba qof isku hayaan qof aan loo baahnayn oo soo dhex gala siina fidneeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidnaysan
(tilmaame) qof jidka toosan ka leexsan oo la fidneeyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabshadee
(fal) rabshad iyo qas abuur; xiisad kicin. Dh: fidnee, rabshee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabshaysan
(tilmaame) xiisad lagu kiciyay amala fidneeyay ah. Nin rabshaysani ra'yi ma keeno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabshee
(fal) xiisad iyo quiqulato geli. Dh: fidnee, rabshadee.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fiancée
/fiyaansee/ (n) alkun, khadiibad, inanta doonan. e.g. She is my fiancee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiicnee
f.g2 (-neeyay, -naysay) Wax wanaagsan ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiicnee
f.g2 (-neeyay, -naysay) Wax wanaagsan ka dhigid. m.f.dh, fiicnayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiicnee
v. make someone clever; treat nicely; make something good ~ nice
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiicnee
(fal) wax wanaaji; wax hagaaji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiicnee
de: make s.o. clever; treat nicely; make s.t. good ~ nice
lx: fiicnee
pd: (fiicneeyey)
ps: v2b=
key: fiicnee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiinyee
(fal) dibi, sanka fiinyo kaga xidh. Dibigu waa layliye iska fiinyee.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fine
/fayn/ (n) (v) 1. ganaax, ganaaxid (n) 2. fiican (adj) 3. aad u-dhuuban. e.g. Do you have a pencil with a fine point?
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fine
agg. - dhuuban, fiiqan.
s.f. dhammaad.
s.m. dan.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
fine
a., baxsan, quruxsan, qurux badan; n., (penalty) caasir, -ki; v.tr., set a fine upon, caasir.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
idée
idée, n.f. - fikrad; ra'yi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanee
f.g2 (-neeyay, -naysay) Faras la saaranyahay cid kale fan ka saarid. la-mid: fangeli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fidde
(Fidda-ha)
Duco gaar ah oo dadka dhintay loo baxsho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidde
m.l Werdi loo akhriyo dadka dhinta. la-mid: fiddow, fidyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fidde
m.l Werdi loo akhriyo dadka dhinta. la-mid: fiddow, fidyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fidde
m. n., [collective] funeral prayers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidde
-ha: (magac, lab, keli) duco iyo quraan dadka dhintay loo baxsho.
fidde-ha: (magac, lab, keli) cunto sadaqad iyo duco loo niyoodo oo qof dhintay loo bixiyo. Dh: axan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fidde
cf: axan
de: funeral prayers
lx: fidde
pd: (/ha)
ps: n6-m-col
key: fidde
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fidno
(Fidna-da)
Colaad iyo xumaato dadka laga dhex abuuro; rabsho; qulqulad (ama fidmo; fidnad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidno
m.dh 1. Colaad iyo isnecbaan dad dhex taal, rabsho, qalaanqal. 2. Nin f. badan: fidnawale.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fidno
m.dh 1. Colaad iyo isnecbaan dad dhex taal, rabsho, qalaanqal. 2. Nin f. badan: fidnawale.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fidno
f. n. trouble, sedition
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fidno
-fidnada: (n) means civil strife, war, riots fidmo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidno
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fidmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fidno
a: fidmo
de: trouble, sedition
lx: fidno
pd: (/da)
ps: n6-f
key: fidno
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
figee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Cid iyadoo caloosha dhulka loo dhigayo garbadduub u xirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
figee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Cid iyadoo caloosha dhulka loo dhigayo garbadduub u xirid. m.f.dh, figayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
figee
(fal) ganaax aawadii, qof afarta addin xagga dhabarka iskaga xidh oo bogga u jiifi. Dh: miigay, figay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firee
f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Wax firo u yeelid. 2. Waraaq turub oo gembisan dhanka kale u rogid. 3. Kala f.: wax meeshu u jeedey ma ahee meel kale u jeedin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
firee
f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Wax firo u yeelid. 2. Waraaq turub oo gembisan dhanka kale u rogid. 3. Kala f.: wax meeshu u jeedey ma ahee meel kale u jeedin. m.f.dh, firayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firee
v. fragment, turn into fragments ~ scraps; show one's cards
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
firee
-yey I firaysay: (v) put your cards on the table, show one's cards
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firee
(fal) siigo iyo carro ku daadi.
firee: (fal) (kala ~) wax kala kaxee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firee
de: fragment, turn into fragments ~ scraps; show one's cards
lx: firee
pd: (fireeyey)
ps: v2b=
key: firee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idlee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Wax dhammeyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
idlee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Wax dhammeyn. m.f.dh, idlayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
idlee
v. complete, finish
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
idlee
-yey / idleysay: (v) bring to an end; terminate: finish (fin ish)', complete (kam piliit) ~ dhammee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
idlee
(fal) eeg idlay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
idlee
cf: dhammee, marso
de: complete, finish
lx: idlee
pd: (idleeyey)
ps: v2b=
key: idlee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Wax sharci ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jidee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Wax sharci ka dhigid. m.f.dh, jidayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jidee
v. allow, permit; legalize
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jidee
-yey / jideysay: (v) make customary; put into common practice
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidee
(fal) bilow hadda xeer cusub.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jidee
de: allow, permit; legalize
lx: jidee
pd: (jideeyey)
ps: v2b=tr
key: jidee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Dad figrad iyo degaan kala duwan lahaa israacin. la-mid: mideysii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
midee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Dad figrad iyo degaan kala duwan lahaa israacin. m.f.dh, midayn. la-mid: mideysii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
midee
v. unite, unify
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
midee
-yey / mideysay: (v) unify (yunifaay); unite (yunaayt); amalgamate (a maalgameeyt); integrate (in 'tigareeyt)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
midee
de: unite, unify
lx: midee
pd: (mideeyey)
ps: v2b=tr
key: midee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sidee
Sidee?
Habkee? Xaaladdee? Waxee? Maxaa? Maxay ku noqotay?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sidee
fk.we Habkee; xaaladdee?; waxee?; maxaa? maxay ku noqotay?. la-mid: see.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sidee
fk.we Habkee; xaaladdee?; waxee?; maxaa? maxay ku noqotay?. la-mid: see.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sidee
question word, [adverb] how?
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sidee
(adv) how (haaw) Ex: sidee tahay? how are you? ~ sideed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sidee
sidee? (falkaabe) su'aaleed laga horraysiiyo su'aasha xaaladda ku saabsan. Sidee casharka loo dhigaa? Dh: Habkee? Xaaladdee? Waxee? Maxaa?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sidee
de: how?
initial: s
lx: sidee
ps: qw-adv
xe: How is the temperature today?
xv: Maanta hawadu waa sidee?
key: sidee
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
sidee
كيف
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bidcee
f.g2 (-ceeyay, -ceysay) Qof bidci ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bidcee
f.g2 (-ceeyay, -ceysay) Qof bidci ka dhigid. m.f.dh, bidcayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bidcee
v. lead someone into heresy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidcee
(fal) bidco ka dhig; wax sharciga khilaafsan ka dhig. Dh: bidcay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bidcee
de: lead s.o. into heresy
lx: bidcee
pd: (bidceeyey)
ps: v2b=
key: bidcee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cidlee
f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Meel cidla' ka dhigid. 2. Wax baylah ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cidlee
f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Meel cidla' ka dhigid. 2. Wax baylah ka dhigid. m.f.dh, cidlayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cidlee
v. vacate, clear, abandon, leave empty ~ alone, isolate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cidlee
-yey /cidlaysay: (v) 1. remove the occupants of; get rid of objects or obstructions; clear (kiliyar) ~ bannee. Ex: jidka cidleeya; clear the road. 2. leave (liiv); abandon (a-baan-dhen) Ex: guriga ha cidlayn; don't leave home
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidlee
(fal) meel aan qof joogin ka dhig; cidla' ka dhig. Dh: cidlay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cidlee
de: vacate, clear, abandon, leave empty ~ alone, isolate
lx: cidlee
pd: (cidleeyey)
ps: v2b=
syn: bannee
key: cidlee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dinnee
f.mg2 (-neeyay, -naysay) U d.: neef la lisaayo, dinno siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dinnee
(fal) sida bisadda u dhaqmid. Dh: bisadee.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fiancé
/fiyaansey/ (n) alkun, khadiib, inanka gabari u-doonan tahay. e.g. Siciid is my fiance.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fiancé
fiancé, adj. et n. - qof doonan (gabadh ama wiil).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fiddle
/fidhel/ (n) 1. kaman (aalad muusig) (v) 2. kaman garaacid (v) 3. dheel-dheelid, wax ku-ciyaarid ulajeeddo la'aan (v) 4. been-samayn khayaano, sida lacag khiyaano lugu helo
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fidèle
fidèle, adj. - dhabta ah; mukhliska ah,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidnad
m.dh la-mid: fidno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fidnad
f. n. trouble; sedition, mutiny, rebellion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fidnad
-da: (n) trouble (tra bel) ~ see [eeg] fidno
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidnad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fidmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fidnad
a: fidmo
bw: Arabic
de: trouble; sedition, mutiny, rebellion
lx: fidnad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: fidnad
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fiente
fiente, n.f. - xaarka shimbirta
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
figlee
f.g2 (-leeyay, -leysay) Figle samayn.