fidnaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidnaysan
(tilmaame) qof jidka toosan ka leexsan oo la fidneeyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiinyaysan
(tilmaame) dibi sanka fiinyo kaga xidhan tahay. Dibi fiinyaysan ayaa beerta lagu qodayay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fidnayn
(Fidnayn-ta)
Cid fidmo ku abuurid ama dhex dhigid ama ku ridid; qulquladayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidnayn
m.f.dh eeg fidnee. la-mid: fidmayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidnayn
-ta: (magac, dhedig, keli) jidka toosan ka leexin. Dh: fidmayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
inaysan
[pronoun she/they followed by negative action verb] that she / they not.. or she /they must or shall not ... Ex: hooyadu waa inaysan carruuteeda dayicin; the mother should not neglect her children
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firaysan
(tilmaame) wax aan qarsoonayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jidaysan
-aa: (adj) customary (kastamarij, legalised (lii-galaay-zidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidaysan
(tilmaame) wax sharciga iyo qaanuunka waafaqsan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
midaysan
-midaysnaa: (n) united (yuunaaytidh); unified (yunifaayidh) ~ mideysan, isku-duuban,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midaysan
(tilmaame) isku duuban oo hal keliya ah. Li: kalategsan, kalajeeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidbaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) (dii.) Qof wax jidbo hayso ahaansho. la-mid: jadbaysan, jalbaysan, jibbaysan, jilbaysan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jidbaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) (dii.) Qof wax jidbo hayso ahaansho. m.f.dh, jidbaysnaan. la-mid: jadbaysan, jalbaysan, jilbaysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jidbaysan
der. [adjective] ecstatic, in ecstasy, enraptured
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jidbaysan
-aa: (adj) ecstatic (ekis-taatik)-, enraptured (en-rap-jaridh) ~ qiiraysan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jidbaysan
de: ecstatic, in ecstasy, enraptured (in a religious sense)
lx: jidbaysan
pd: (jidbaysnaa)
ps: adj-der
key: jidbaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
micnaysan
(tilmaame) wax la macneeyay oo la sharraxay ah. Erey micnaysan qaamuuska ka dooro. Dh: fasiran, sharraxan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miinaysan
Miino ku aasan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miinaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la miineeyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miinaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la miineeyey ahaansho. m.f.dh, miinaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miinaysan
der. [adjective] mined
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miinaysan
-miinaysnaa: (v) laid explosive mines; mined (maaynidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miinaysan
(tilmaame) miino la dhigay oo la miineeyey ah; miino lagu aasay ah. Goob miinaysan kolkaad socoto is jir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miinaysan
de: mined
lx: miinaysan
pd: (miinaysnaa)
ps: adj-der
key: miinaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siddaysan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax siddo loo yeelay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siddaysan
(tilmaame) sidde leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadnaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax dhaawac halis ah qaba ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiddaysan
Xiddo loo yeelay; xiddo leh; xiddo ku taal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiddaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax xiddo loo yeelay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiddaysan
der. [adjective] having a decorative border woven on (of cloth)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiddaysan
(tilmaame) wax la xiddeeyey ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiddaysan
de: having a decorative border woven on (of cloth)
initial: x
lx: xiddaysan
pd: (xiddaysnaa)
ps: adj-der
key: xiddaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiidimaysan
(tilmaame) mid cashaysan oo xeraaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filnaysiin
m.f.dh eeg filnaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filnaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kala wayna is le'ekaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firshaysan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax firshoobay ahaansho (degaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midabaysan
midabaysan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) Wax la midabeeyey noqosho.
midabaysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la midabeeyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
midabaysan
midabaysan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) Wax la midabeeyey noqosho. m.f.dh, midabaysmid.
midabaysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la midabeeyey ahaansho. m.f.dh, midabaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
midabaysan
der. [adjective] colored
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
midabaysan
-midabaysnaa: (adj) colored (kal'aridh)-, colorful (kalarfuul)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midabaysan
(tilmaame) midab ama midabbo kala goongooni ah la mariyay ah. Taswiir midabaysan ii keen. Dh: naqshadaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
midabaysan
de: colored
lx: midabaysan
nt: midabaysan (midabaysmay) [v1=inch]
pd: (midabaysnaa)
ps: adj-der
key: midabaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiddaysan
(tilmaame) mid dhibban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhmaysan
(tilmaame) xidhmo xidhmo u xidhan ah. Alaabtii oo xidhmaysan ayaan haf la soo idhi Dh: seeraysan, xirmaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meyti ama cid geeriyootay, sadaqo u bixin oo ajarkeega u hibayn; qof dhintay fidde u samayn. Dh: fidays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidays
-ka: (magac, lab, keli) eeg fidayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la kala bixiyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fidsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la kala bixiyey ahaansho. m.f.dh, fidsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fidsan
der. [adjective] enlarged, diffused, spread, unrolled, extended, roomy, spacious; outstretched, stretched out
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fidsan
-aa: (adj) spread (ispareed); stretched (istareejidh) ~dherersan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidsan
(tilmaame) wax ballaadhan ama kala baxsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fidsan
de: enlarged, diffused, spread, unrolled, extended, roomy, spacious; outstretched, stretched out
lx: fidsan
pd: (fidsanaa)
ps: adj-der
key: fidsan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
inayan
conj., vl. pron., neg. that she / they ... not
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
inayan
de: that she / they ... not = in + ay + aan
lx: inayan
pd: (inaanay / inaaney)
ps: conj + vpro + neg
key: inayan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cidnaan
m.f.dh eeg cidan³. la-mid: cidnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiddayn
m.f.dh eeg fiddee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiddayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof dhintay sadaqo u bixin. Dh: axmid,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) baxsasho oo orod dartii siigo isku qarin. Dh: siigayn, cararid, firayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidmayn
m.dh la-mid: fidnayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidmayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale fidmo ku abuurid ama dhaqan xumo beerid. Dh: saraayayn, fidnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filnaan
m.f.dh eeg filan. la-mid: filnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid deeqaya oo ku filan ahaan.
filnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax wax kale deeqsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof wax samayntooda cid fasax lagu siiyay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
idansan
(tilmaame) mid fasaxan, mid idan haysta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
inaynan
conj., vl. pron., neg. that we [incl.] ... not
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
inaynan
[ pronoun we followed by negative action verb], we ... not ... Ex: waxbarashada waa inaynan ka tagin; we should not abandon the education
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
inaynan
de: that we [incl] ... not = in + aynu + aan
lx: inaynan
ps: conj + vpro + neg
key: inaynan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adkaysan
adkaysan¹: m.l la-mid: adkaysi.
adkaysan²: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la adkeeyay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adkaysan
(tilmaame) wax jiidan oo aan dabacsanayn. Rarku markuu adkaysan yahay ma dheelliyo. Li: debacsan.
adkaysan: (tilmaame) wax kakan ama rib ah oo aan jilicsanayn. Waxa la dhisay deyr adkaysan oo an laga gudbi karin. Li: jilicsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biraysan
(tilmaame) noole gawracan. Dh: xalaalaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaysan
f.mg4 Wax wax kale lagu daray ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaysan
(tilmaame) dan ayuu leeyahay. Reerku wuu danaysan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diqaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax dhadhankoodii iyo urtoodii doorsantay ahaansho (biyo).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diqaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax dhadhankoodii iyo urtoodii doorsantay ahaansho (biyo). m.f.dh, diqaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diqaysan
(tilmaame) wax halkii uu ku jiray laga guray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax dembi loo haysto ahaansho; eed saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
eedaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax dembi loo haysto ahaansho; eed saarid. m.f.dh, eedaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidhnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax fidhan ahaan; timo la fidhay oo la qurxiyay ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidnaday
(fal) meel ama deegaan nabad ah, dagaal, qulqulad iyo deganaanshala'aan u horseed. Dh: fidnadee, fidmee.
fidnaday: (fal) qof ama koox wax xun u horseed oo jidka toosan ka leexi. Dh: fidnadee, fidmee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
figeysan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la figeeyey ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filaysad
m.l la-mid: facaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filaysad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, fil iyo fac la mid ah ka dhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furaysan
(tilmaame) fur gashan yahay; la fureeyey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
futaysan
(tilmaame) wax la futeeyey oo xashan; wax rufaagan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinaasan
(tilmaame) qof hinaase hayo ah. Dh: masayrsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iimaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax iin leh ahaansho (nafley).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iimaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax iin leh ahaansho (nafley). m.f.dh, iimaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibaysan
(tilmaame) mid qiiraysan oo jacayl xoog ahi wax u hayo. Dh: qiiraysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jihaysan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: jahaysan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jihaysan
-ta: (adj) directed (di-raktidh)-, addressed (a-dareesed)-, directed to ~ jahaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilaysan
(wadaan, kd.) afka joogta; aad u buuxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilaysan
jilaysan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) Wadaan wax aad u buuxa noqosho.
jilaysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wadaan iyo wixi lamida wax aad u buuxa ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilaysan
der. [adjective] filled up, full to the brim
jilaysan [inchoative] v. get filled up, become brim full
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Likaysan
Sida likaha kor u soo taagan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
likaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax meel ku mudan oo aan dhaqdhaqaaqin ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
likaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax meel ku mudan oo aan dhaqdhaqaaqin ahaansho. m.f.dh, likaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
likaysan
der. [adjective] standing upright ~ erect
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
likaysan
-aa: (adj) projecting outward or forward; vertical ~ ka soo taagan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
likaysan
(tilmaame) wax sida likaha soo foocsan ama wax kale ka dultaagan. Qanjidh likaysan ayaa laga qalay. Dh: foocsan. Li: diisan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
likaysan
de: standing upright ~ erect
lx: likaysan
pd: (likaysnaa)
ps: adj-der
key: likaysan