fidnayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fidnayn
(Fidnayn-ta)
Cid fidmo ku abuurid ama dhex dhigid ama ku ridid; qulquladayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidnayn
m.f.dh eeg fidnee. la-mid: fidmayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidnayn
-ta: (magac, dhedig, keli) jidka toosan ka leexin. Dh: fidmayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meyti ama cid geeriyootay, sadaqo u bixin oo ajarkeega u hibayn; qof dhintay fidde u samayn. Dh: fidays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiddayn
m.f.dh eeg fiddee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiddayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof dhintay sadaqo u bixin. Dh: axmid,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) baxsasho oo orod dartii siigo isku qarin. Dh: siigayn, cararid, firayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidmayn
m.dh la-mid: fidnayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidmayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale fidmo ku abuurid ama dhaqan xumo beerid. Dh: saraayayn, fidnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fadqalallayn
(Fadqalallayn-ga)
Fadqalallo ka dhexridid ama ku ridid; fidnayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fidnee
f.g2 (-neeyay, -naysay) Fidno ku abuurid. m.f.dh, fidnayn. la-mid: fidmee.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
upset
/apset/ (n) murugo (caloolxumo) (adj) 2. murugeysan (calool xun) (v) 3. qallibid (rogid, gaddiyid) (v) 4. fadqalalayn (fidnayn) (v) 5. xanuun u keenid (sida wax calool xanuun kuu keena).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadqalalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhib iyo qas ku abuurid; fadqalallo ka dhexridid ama ku ridid. Dh: arbushid, qasid, fidnayn. Li: xasilin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabshayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xiisad abuurid. Dh: rabshadayn, fidnayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidnadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, fidmo ku abuurid ama ku ridid. Dh: fidnadays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidnaysan
(tilmaame) qof jidka toosan ka leexsan oo la fidneeyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidhnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax fidhan ahaan; timo la fidhay oo la qurxiyay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiicnayn
(Fiicnayn-ta)
Wax fiican ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiicnayn
m.f.dh eeg fiicnee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiicnayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax fiican ka dhigid. Dh: wanaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiday
(fal) cid geeriyootay sadaqo u bixi oo ajarkeega u hibee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
binayn
-ta: (magac, dhedig, keli) guri iyo wax la mid ah, dhisid. Sida daarihii bari, ma bineeyey agalkii. Dh: dhisid, binays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanayn
m.f.dh eeg fanee. la-mid: fanaysi, fangelin, fangelis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidays
-ka: (magac, lab, keli) eeg fidayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidhan
(fal) erey habaar ahaan loogu yiraahdo qof. Dh: dhimo, firan.
fidhan: (tilmaame) timo ama wax la mid ah oo shanlaysan ama feedhan. Wuxu lahaa timo si fiican u fidhan. Dh: feedhan, firan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidnad
m.dh la-mid: fidno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fidnad
f. n. trouble; sedition, mutiny, rebellion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fidnad
-da: (n) trouble (tra bel) ~ see [eeg] fidno
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidnad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fidmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fidnad
a: fidmo
bw: Arabic
de: trouble; sedition, mutiny, rebellion
lx: fidnad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: fidnad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la kala bixiyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fidsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la kala bixiyey ahaansho. m.f.dh, fidsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fidsan
der. [adjective] enlarged, diffused, spread, unrolled, extended, roomy, spacious; outstretched, stretched out
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fidsan
-aa: (adj) spread (ispareed); stretched (istareejidh) ~dherersan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidsan
(tilmaame) wax ballaadhan ama kala baxsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fidsan
de: enlarged, diffused, spread, unrolled, extended, roomy, spacious; outstretched, stretched out
lx: fidsan
pd: (fidsanaa)
ps: adj-der
key: fidsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
figayn
-ta: (magac, dhedig, keli) gacmaha oo gadaal u xidhan, beerka u jiifin. Dh: miigayn, figays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firayn
(Firayn-ta)
1. Firo u yeelid.
2. (turub) warqad badka dhigid, muujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firayn
m.f.dh eeg firee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg fidhayn.
firayn-ta: (magac, dhedig, keli) wax la fuushan yahay ama la wado dib u celin. Faras aan firayn baran lama fuulo waligaa. Dh: celin. Li: kaxayn.
firayn-ta: (magac, dhedig, keli) adoo ordaya ama cararaya fidho kicin. Dh: fidhayn.
firayn-ta: (magac, dhedig, keli) turubka, warqad badka lagu ciyaarayo, dhigid oo muujin. Dh: firays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Idlayn
(Idlayn-ta)
Dhammays tirid; wada dhammayn; wax ka reebid la'aan; marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idlayn
m.f.dh eeg idlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
idlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhammaynta wax tirsanaa ama tuulnaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidayn
-ta: (magac, dhedig, keli) fal la waafajiyo sharciga oo la banneeyo samayntiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Midayn
(Midayn-ta)
Mid ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
midayn
vl. n. unification
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
midayn
-ta: (n) unity (yuniti); unification (yunifikeeyshin); uniting (yunaayting) integration (in 'ti-gareeyshin) ~ mideyn, midoobid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kala firidhsanaa isu keenid oo mid ka dhigid. Dh: midays. Li: firdhin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
midayn
a: mideyn
de: unification
lx: midayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: midayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cidlayn
(Cidlayn-ta)
Cidla' ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cidlayn
m.f.dh eeg cidlee.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cidlayn
Abbandono
Abandonment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel cidi joogin ka dhigid; meel aan wehel lahayn ka dhigid. Dh: cidlays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cidnaan
m.f.dh eeg cidan³. la-mid: cidnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dinnayn
m.f.dh eeg dinnee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dinnayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sida bisadda iska dhigid ama u dhaqmid. Dh: bisadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiddeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof geeriyooday, axan iyo sadaqad raacin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidniin
-ka: (magac, lab, keli) fiditaanka iyo baahista war iyo wax la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filnaan
m.f.dh eeg filan. la-mid: filnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid deeqaya oo ku filan ahaan.
filnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax wax kale deeqsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fixlayn
(Fixlayn-ta)
Aad u qoslid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fixlayn
m.f.dh eeg fixlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fixlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tiflayn ama tifiqtifiqlayn oo aayar u di'id. Dh: tiflayn, tifiqlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ladnayn
(Ladnayn-ta)
Wax ladan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ladnayn
m.f.dh eeg ladnee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladnayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xaaladdiisa wanaajin oo wax ka beddelid. Dh: wanaajin. Li: xumayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
micnayn
m.dh la-mid: macnayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
micnayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sharraxid oo macnaha loo jeedo cid aan garanayn u fasirid Erey la wada fahmayaayi micnayn uma baahna Dh: laqmayn, fasirid, macnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midbayn
m.f.dh eeg midbee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) maanso allifid heesta midheheeda tirin. Dh: mudhayn, curin.
midhayn-ta: (magac, dhedig, keli) midho bixin miro soo saarid. Arabikhidii way is xambaaratay oo midhaynti waxba ugama hadhin. Dh: dhalid, mudhayn, dhalid midhays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miinayn
* (Miinayn-ta)
Miino gelin, ku aasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miinayn
m.f.dh eeg miinee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miinayn
-ta: (magac, dhedig, keli) miino dhigid: miino qaraxda xidhid. Dh: miinays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riddayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax si xoog ah u tuuris. Riddaynta waranka raggii horaa ku ba'asaa Dh: ganid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siddayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sidde u samayn. Dh: siddays.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sidkayn
Coupling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siinayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qurux u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiddayn
(Xiddayn-ta)
Xiddo u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiddayn
m.f.dh eeg xiddee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiddayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sharraxaad iyo shaash qurxoon u samayn. Dh: saanifadayn.
xiddayn -ta: (magac, dhedig, keli) dun midabya leh faraqa guntiga ama go'a salkiisa hoose ku sagsaagid oo ku qurxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xinnayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xinne marin Dh: xinnays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidnadays
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, fidmo ku abuurid ama ku ridid. Dh: fidnadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidsanaan
m.f.dh eeg fidsan. la-mid: fidsa-naansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax fidsan ahaan; fitaaxsanaanta iyo kala baxsanaanta wax laabnaan lahaa ama duubnaan lahaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiidimayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xeraad cunis oo cashayn. Dh: fiidimays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiindhayn
(Fiindhayn-ta)
1. Kala findhicilid; kala soocid.
2. (dad) ximin, filfilin; guulid; jirxumayn; qalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiindhayn
m.f.dh eeg fiindhee. la-mid: fiindhays, fiindho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiindhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dad u jidhxumayn ama dirsooc aawadii qalayn. Dh: ximin, guulid, qalayn, miidhid, dirsoocid, takoorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xafidnaan
m.f.dh eeg xafidan. la-mid: xafidnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xafidnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax korka laga akhriyo oo la xafidsan yahay ahaan.
xafidnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax ilaashan oo ammaankiisa lagu fara adaygo ahaan. Dh: ilaashanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kolla iftiimiya kolla bakhtiyaya ahaan. Dh: biglayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidixayn
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin iyo talo si hagar ama dhagari ku jirto u qabad; hawl si aan qummanayn loo qabto.
bidixayn -ta: (magac, dhedig, keli) xagta bidix ka lissid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax fagan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feydnaan
(Feydnaan-ta)
Wax feydan ama la feydey ahaan; xeydnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feydnaan
m.f.dh eeg feydan. la-mid: feyd-naansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feydnaan
f. n., [abstract] state of being stripped ~ uncovered
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feydnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax feydan ama la feydey ahaan; xaydnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
feydnaan
de: state of being stripped ~ uncovered
lx: feydnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: feydnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidhniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg fidhni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiditaan
m.l la-mid: fidid.