fidnad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidnad
m.dh la-mid: fidno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fidnad
f. n. trouble; sedition, mutiny, rebellion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fidnad
-da: (n) trouble (tra bel) ~ see [eeg] fidno
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidnad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fidmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fidnad
a: fidmo
bw: Arabic
de: trouble; sedition, mutiny, rebellion
lx: fidnad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: fidnad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidhad
-ka: (magac, lab, keli) timo feedhashada ama shanlaysiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidmad
m.dh la-mid: fidno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidmad
-da: (magac, dhedig, keli) aafo iyo belaayo dad laga dhex rido.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidsad
-ka: (magac, lab, keli) wax duubnaa fidsasho; wax laabnaa kala furasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fidnawale
(Fidnawala-ha)
Qofka fidnada abuura oo dadka isku dira; (ama fidmawale).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fidmo
-fidmada: (n) a cause or source of trouble, disturbance, difficulty; trouble (tra bel) ~ fidno, fidnad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) «u ~» fal cid kale u tiirinta, si loo muujiyo in uu sababtiisa lahaa. Aanaynta gabay fidnadeed oo aanay lahayn Caasha, waa xadgudub loo gaystay xuquuqda qoraalka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
colwadeen
-ka: (magac, lab, keli) hoggaanka dagaal ama fidnad kacday. Dh: colwade.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabrima
(tilmaame) haweeney kulul oo dagaal iyo fidnad kicisa. Naag dabrima ah yaa doc la seexan kara!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fataan
-ka: (magac, lab, keli) rabshadwade fidnad iyo isku dir ka shaqeeya. Fataan lalama saaxiibo. Dh: fidnawale, rabshoole.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidnadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, fidmo ku abuurid ama ku ridid. Dh: fidnadays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidnadays
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, fidmo ku abuurid ama ku ridid. Dh: fidnadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
munaafiqadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) laba wajiilayn oo qofba si ula dhaqmid si fidnad iyo xumaan loo horseedo. Dh: nifaaqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidnaday
(fal) meel ama deegaan nabad ah, dagaal, qulqulad iyo deganaanshala'aan u horseed. Dh: fidnadee, fidmee.
fidnaday: (fal) qof ama koox wax xun u horseed oo jidka toosan ka leexi. Dh: fidnadee, fidmee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fidnayn
(Fidnayn-ta)
Cid fidmo ku abuurid ama dhex dhigid ama ku ridid; qulquladayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidnayn
m.f.dh eeg fidnee. la-mid: fidmayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidnayn
-ta: (magac, dhedig, keli) jidka toosan ka leexin. Dh: fidmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiidsad
(Fiidsad-ka)
Fiidsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiidsad
m.l la-mid: fiidsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiidsad
-ka: (magac, lab, keli) inta ay ka noqonayso fiid, sugid ama u kaadsasho. Dh: caweysimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firdhad
(Firdhad-ka)
Firdhasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firdhad
m.l la-mid: Firdhaad; firdhasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firdhad
vl. n. act of scattering, breaking away from a group
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
firdhad
-ka: (n) dispersion (dis-peer-shen); scatter (iskaater); breakup, debris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firdhad
-ka: (magac, lab, keli) cid baxsanaysa oo kala carartay oo kala baahsan.
firdhad-ka: (magac, lab, keli) carar baqasho leh. Dh: baxsad, caymad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firdhad
a: firdhasho (/da) [vn6-f]
de: act of scattering, breaking away from a group
lx: firdhad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: firdhad
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
find
/fayndh/ (v) 1. helid (v) 2. soo-saarid, ogaansho
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
find
v.tr., hel; do not find, waa; find out thy food, helhel, xab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidad
-ka: (magac, lab, keli) tiro; cadad. Habeenkoo dhan cidadkiisu way sida hillaac roobe. Dh: cadad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cidna
Waxna: qofna; ninna.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cidna
pro; n. phr., neg. no one, nobody
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cidna
(pronoun) nobody; no person; not anyone
cidna (pronoun) nobody (noo-baadhi); no person; not anyone ~ qofna. Ex; cidna kuma oran tag; nobody told you to go
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cidna
de: no one, nobody
lx: cidna
pd: (cidina)
ps: pro / np + neg
syn: qofna
key: cidna
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanad
-ka: (magac, lab, keli) meel dheer korid, Dh: fanasho, fuulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fedad
-da: (magac, dhedig, keli) sas, argaggax iyo carar leh. Dh: sas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiday
(fal) cid geeriyootay sadaqo u bixi oo ajarkeega u hibee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fidid
(Fidid-da)
Meel ballaaran ama badan gaarid; kalabbixid; ballaarasho; faafid; fitaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidid
m.f.dh eeg fid. la-mid: fiditaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fidid
Expansion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidid
-da: (magac, dhedig, keli) war, qoraal iyo wax la mid ah, meel kasta ku fidis, ku baahid ama gaadhid.
fidid-da: (magac, dhedig, keli) mugkorodhka dareerayaasha marka la kordhiyo heerkulkooda. Fididda biyaha waxa la gartaa kolka heerkulkooda la kordhiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fidno
(Fidna-da)
Colaad iyo xumaato dadka laga dhex abuuro; rabsho; qulqulad (ama fidmo; fidnad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidno
m.dh 1. Colaad iyo isnecbaan dad dhex taal, rabsho, qalaanqal. 2. Nin f. badan: fidnawale.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fidno
m.dh 1. Colaad iyo isnecbaan dad dhex taal, rabsho, qalaanqal. 2. Nin f. badan: fidnawale.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fidno
f. n. trouble, sedition
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fidno
-fidnada: (n) means civil strife, war, riots fidmo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidno
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fidmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fidno
a: fidmo
de: trouble, sedition
lx: fidno
pd: (/da)
ps: n6-f
key: fidno
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fiend
/fiindh/ (n) 1. ibliis, sheyddaan (n) 2. qofka wax ka-hela, ama wax aad u-jecel. e.g. She is a health fiend.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
fiend
n., (devil) cifriid, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fikad
(Fikad-ka)
Fikasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fikad
m.l la-mid: fakasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fikad
-ka: (magac, lab, keli) eeg fakad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Filad
(Filad-ka)
Filasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filad
m.l la-mid: filasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
filad
vl. n. expectation, hope
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Filad
name-unisex expectation, hope
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filad
-ka: (magac, lab, keli) wax ay suurgal tahay inuu dhaco, sugid. Dh: dhawrid, malaysasho, rajay, quuddarrayn. Dh: filasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
filad
de: expectation, hope
lx: filad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: filad
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
final
kasa daabeys
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
final
/faynal/ (adj) ugu-dambeeya, ugu dambayn
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
final
final, adj. - ugu dambayne kama dambayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Idaad
(Idaad-da)
Xarig adag oo yaryar oo inta jilib lacaaf leh afka lagaga xiro, badda, kd., lagu tuuro oo kalluunka lagu qabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idaad
idaad¹: m.dh (-do, m.l) 1. Bir qaroofan oo mallayga lagu dabo. 2. Laqanyo.
idaad²: f.mg1 (-day, -dday) Laqanyo dareemid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
idaad
f. n. fishing line, tackle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
idaad
-da: (magac, dhedig, keli) dareen uu keeno cunitaanka baruurta idaha iyo wax la mid ah. Dh: laqanyo, ladaadyo.
idaad-da: (magac, dhedig, keli) xadhig dhuuban oo aad u adag oo callaafta lagu xidho marka la kalluumaysanayo. Waan soo kalluumaysan lahaaye, idaaddii baa iga luntay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
idaad
de: fishing line, tackle
lx: idaad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: idaad
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Idnam
Heath land
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Midna
Mid oo iyaga ahna...; xataa mid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
midna
n. phr., neg. not one, no one, neither one
midna n. phr., [conjunction] and one ..., and the other ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
midna
(pronoun plus negative) no one; nobody
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midna
(magac'uyaal) erey lagu cabbiro in uu qofna wixii loo baahnaa ka soo bixin; xataa mid kuwaa ahna. Raggii kolkay iga baxeen midna ma arag. Dh: qofna.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biddad
(Biddad-da)
Naag sida biddaha loo addoonsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biddad
m.dh (-do, m.l) Haweeney la leeyahay aan xor ahayn oo sidii la doono loogu shaqeysto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biddad
f. n. female slave
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biddad
-da: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo la addoonsado. Biddad ama buulka ku hayso ama bud la agtaagnoow. Dh: addoon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biddad
de: female slave
lx: biddad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: biddad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cidaad
(Cidaad-da)
Catir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cidaad
m.dh (-do ml.) Meyrax jilcan, si gaar ah loo farsameeyey oo weelasha la culay lagu nadiifiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cidaad
m.dh (-do ml.) Meyrax jilcan, si gaar ah loo farsameeyey oo weelasha la culay lagu nadiifiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cidaad
f. n. dish cloth
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CIDAAD
(Idad) S Caesalpinia oligophylla Harms. Caesalpinaceae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cidaad
name-m black
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidaad
(fal) «kuweel la culay ama daawe iyo wax la mid ah, maro ku masax. Daawaha maro aan ku cidaado ii keen. Dh: catir.
cidaad: (fal) «ku ~» meel yar oo daloosha, walax kale, si cidhiidhi ah u geli. Bal aan soo cidaadee, maxaa cunaha dhaafaya.
cidaad -da: (magac, dhedig, keli) maro ama maydhax la feedhay oo weelka caanaha marka la cugo, madawgii ku hadhay lagaga masaxo. Dh: catirid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cidaad
cf: catir
de: dish cloth
lx: cidaad
pd: (-da)
ps: n1-f, n2a-f
key: cidaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dinnad
(Dinnad-da)
Dummad; yaanyuuro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dinnad
m.dh (-do, m.l) Dummad; yaanyuuro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dinnad
f. n. cat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dinnad
-da: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah xayawaanka dabjoogta ah oo bahda libaaxa ka mid ah. Dh: basho, yaanyuur, mukulaal, bisad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dinnad
bw: Arabic
de: cat
lx: dinnad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: dummad
key: dinnad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fadfad
(Fadfad-ka)
Godgod yaryar sida raadka furuqu oogada dadka ku reebo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadfad
fadfad¹: m.l.u Godgod yaryar oo cudurka furuqu ku reebo jirka nafleyda; furuqdhaw, furuqdhoon.
fadfad²: f.mg1 (-day, -dday) 1. Jir nafley humbuluuluqid. 2. Raashin karaya tiqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fadfad
m. n. pock mark (on the face)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadfad
-da: (magac, dhedig, keli) godod yaryar oo uu cudurka furuqa iyo wixii la mid ah, dadka ku reebaan. Fadfadkii uu lahaa, Cali ma ka bogsaday? Dh: furuqdhoon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fadfad
de: pock mark (on the face)
lx: fadfad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: fadfad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feenad
(Feenad-ka)
Feenasho.