fidmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidmo
m.dh la-mid: fidno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fidmo
f. n. sedition, plot, trouble
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fidmo
-fidmada: (n) a cause or source of trouble, disturbance, difficulty; trouble (tra bel) ~ fidno, fidnad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidmo
-da: (magac, dhedig, keli) dhib iyo shaqaaqo dad ka dhex dhacda oo diin iyo dadba taabata; diradiraha iyo kala dilka dadka. Dh: fitan, fidno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fidmo
a: fidno
de: sedition, plot, trouble
lx: fidmo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: fidmo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
idmo
(fal) qof kale u fasax in uu ku metelo. Dh: wakiilo, igmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Didmo
(Didma-da)
Wadajir iyo isku duubnaan loo yaaco, baqasho darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
didmo
m.dh Yaacidda xoolo, ugaar iyo wixi lamida baqdin awgeed la yaacaan. la-mid: dųdmo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
didmo
vl. n. act of huddling together from fear
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
didmo
-da: (magac, dhedig, keli) carar cabsiyi ku jirto oo is moogaan wadar loo yaaco. Dh: didid, baxsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
didmo
de: act of huddling together from fear
lx: didmo
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: didmo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fidho
-fidhtay / firatay: (v) 1. comb (koom) ~ feero, shanlayso. 2. dust) (dhast) ~ firo, boor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidho
(fal) timaha shanlayso. Dh: feedho.
fidho: (fal) gaarufo oo geesaha dhulka ku faq. Soo gaarufo oo fidho sida dibida.
fidho-da: (magac, dhedig, keli) xashiish ama saxar aad u yaryar; wax aad iyo aad u yaryaraaday oo habaasoobay oo dabayshu qaaddo. Fidhoda ka dabool biyaha. Dh: saxar, siigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fidno
(Fidna-da)
Colaad iyo xumaato dadka laga dhex abuuro; rabsho; qulqulad (ama fidmo; fidnad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidno
m.dh 1. Colaad iyo isnecbaan dad dhex taal, rabsho, qalaanqal. 2. Nin f. badan: fidnawale.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fidno
m.dh 1. Colaad iyo isnecbaan dad dhex taal, rabsho, qalaanqal. 2. Nin f. badan: fidnawale.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fidno
f. n. trouble, sedition
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fidno
-fidnada: (n) means civil strife, war, riots fidmo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidno
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fidmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fidno
a: fidmo
de: trouble, sedition
lx: fidno
pd: (/da)
ps: n6-f
key: fidno
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fidro
(Fidra-da)
Sadaqo la baxsho kolka soonku dhammaado oo la iida hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidro
m.dh (dii.) Seko dadka laga bixiyo oo ay waajib ku tahay in uu bixiyo qof kasta oo muslin ah oo awooda dhammaadka bisha Ramadaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fidro
m.dh (dii.) Seko dadka laga bixiyo oo ay waajib ku tahay in uu bixiyo qof kasta oo Muslin ah oo awooda dhammaadka bisha Ramadaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fidro
f. n. alms given at the end of Ramadan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fidro
-fidrada: (n) money or goods given as charity to the poor at end of Ramadan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidro
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo qaddaran oo ay waajib tahay in qof walba uu baxsho ama laga baxsho dhammaadka bisha Ramadaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fidro
cf: ciid, iid
de: alms given at the end of Ramadan
lx: fidro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: fidro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidso
f.g3 (-saday, -satay) Wax kala baxsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fidso
f.g3 (-saday, -satay) Wax kala baxsasho. m.f.dh, fidsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fidso
v. expand, enlarge, diffuse, spread ~ unroll something for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidso
(fal) gogol iyo wixii la mid ah oo duuban kala baxso; kala fidso; kala fitaaxso.
fidso: (fal) lugaha iyo wixii la mid ah oo laabnaa, xagga hore u fidi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fidso
de: expand, enlarge, diffuse, spread ~ unroll s.t. for oneself
lx: fidso
pd: (fidsaday)
ps: v3a=tr
xe: Expand territorially!
xv: Dhul fidso!
key: fidso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidyo
m.dh la-mid: fidde.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidyo
-da: (magac, dhedig, keli) xukunka xoolo laga bixiyo oo gef diinta ah ku salaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ridmo
m.dh Dhabaq la'aanta iyo isku dubbadhaca cod, muusig iyo wixi lamida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ridmo
-da: (magac, dhedig, keli) dhabaq la'aanta iyo isku dubbadhaca cod, muusig iyo wixii la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fidnayn
(Fidnayn-ta)
Cid fidmo ku abuurid ama dhex dhigid ama ku ridid; qulquladayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabash
rabash¹: m.l Rabsho; fidmo; qulqulad; qas. la-mid: rabshad, rabsho.
rabash²: f.g1 (-bshay, -bashtay; -bshi) Cid qulquladayn. la-mid: rabshadee, rabshee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rabash
rabash¹: m.l Rabsho; fidmo; qulqulad; qas. la-mid: rabshad, rabsho.
rabash²: f.g1 (-hshay, -bashtay; -bshi) Cid qulquladayn. m.f.dh, rabshid. la-mid: rabshee.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Sedition
Dembi, Fidmo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidmayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale fidmo ku abuurid ama dhaqan xumo beerid. Dh: saraayayn, fidnayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidnad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fidmo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidnadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, fidmo ku abuurid ama ku ridid. Dh: fidnadays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidnadays
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, fidmo ku abuurid ama ku ridid. Dh: fidnadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fitno
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fidmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fidnad
a: fidmo
bw: Arabic
de: trouble; sedition, mutiny, rebellion
lx: fidnad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: fidnad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiidimo
(Fiidima-da)
Cunnada fiidkii la cuno; caweysimo; casho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiidimo
m.dh Cuntada fiidkii la cuno; casho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiidimo
m.dh Cuntada fiidkii la cuno; casho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiidimo
f. n. evening meal, supper
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiidimo
-da: (magac, dhedig, keli) cuntada fiidka la cuno. Dh: casho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiidimo
de: evening meal, supper
lx: fiidimo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: casho
key: fiidimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįidmo
m.dh la-mid: dįidid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diidmo
dįidmo: m.dh la-mid: dįid.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Diidmo
Negation
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diidmo
f. n. refusal; prohibition; veto
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diidmo
-diidmada: (n) negation (ni-geey-shin); refusal (rif-yuusal)-, rejection (ri-jak-shin) — see also [eeg] diidid
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Diidmo
Rifiuto
Refusal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diidmo
-da: (magac, dhedig, keli) jawaabta taban ee uu qofku ka baxsho marka aanu rabin wax la sheegayo ama la amrayo. Li: oggolaansho, yeelid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diidmo
de: refusal; prohibition; veto
lx: diidmo
pd: (/da)
ps: n6-f
xe: veto
xv: diidmada qayaxan
key: diidmo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fidato
agg. - aamin ah, lagu kaalsoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiddow
m.l la-mid: fidde.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiddow
-ga: (magac, lab, keli) xoolaha la qalo iyo Allebariga loo sameeyo qofka geeriyooday. Dh: fidde, axan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidmad
m.dh la-mid: fidno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidmad
-da: (magac, dhedig, keli) aafo iyo belaayo dad laga dhex rido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidmee
f.g2 (-meeyay, -meysay) la-mid: fidnee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidmee
(fal) dad, belaayo iyo colaad ka dhex rid.
fidmee: (fal) qof toosnaa, jidka ka leexi oo xumaha bar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiidho
-da: (magac, dhedig, keli) xashiishka dabaysh qaaddo sida buulallada, iyo buushiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiidso
f.mg3 (-saday, -satay) Waqti fiid ah maararroobid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiidso
f.mg3 (-saday, -satay) Waqti fiid ah maararroobid. m.f.dh, fiidsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiidso
v. spend the evening, be (in a place) at dusk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiidso
(fal) inta ay fiidka noqonayso, sug oo u kaadso. Dh: caweysin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiidso
de: spend the evening, be (in a place) at dusk
lx: fiidso
nt: fiidsad (ka) [vn-m], fiidsasho [vn-f]
pd: (fiidsaday)
ps: v3a=
key: fiidso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firdho
f.mg3 (-dhaday, -dhatay) Wax qarxaday ama col jabay, wax ka kala yaacid, ka soo go'id.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
firdho
f.mg3 (-dhaday, -dhatay) Wax qarxaday ama col jabay, wax ka kala yaacid, ka soo go'id. m.f.dh, firdhasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firdho
v. scatter, break away from a group, disperse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firdho
(fal) kala yaac oo kala firidh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firdho
de: scatter, break away from a group, disperse
lx: firdho
pd: (firdhaday)
ps: v3a=intr
key: firdho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khidmo
(Khidma-da)
1. Soddonka jus oo Quraanka oo kol isku meel lagu wada akhriyo.
2. Hawl cid loo qabto; adeeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khidmo
m.dh 1. (dii.) Soddonka jus ee quraanka oo kol isku meel lagu wada akhriyo. 2. Hawl cid loo qabto; adeeg. 3. (- ooyin, m.l) Lacagta la siiyo qof hawl fudud qabtey. la-mid: khidmad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khidmo
m.dh 1. (dii.) Soddonka jus ee quraanka oo kol isku meel lagu wada akhriyo. 2. Hawl cid loo qabto; adeeg. 3. (-ooyin, m.l) Lacagta la siiyo qof hawl fudud qabtey. la-mid: khidmad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khidmo
f. n. service, work done; compensation for service
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khidmo
-khidmada: (n) 1. service (servos); favor (feey ver). 2. service charge; fee (fii) ~ khidmad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khidmo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg khidmad. khilaaf -ka: (magac, lab, keli) heshiis la'aan iyo is fahmi waa. Dh: maandhaaf, afgaranwaa. Li: afgarad. Wa: khilaafyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khidmo
bw: Arabic
de: service, work done; compensation for service See also: khidmad
lx: khidmo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: khidmo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ridhmo
-da: (magac, dhedig, keli) cantuugo hal marah; af muggi. Dh: rudhmo, hudhmo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhmo
-da: (magac, dhedig, keli) in isku xidhan. Xidhmo buugaag ah ayaa diyaaradda iila socota. Dh: guntin, cutub, seere, xirmo.
xidhmo -da: (magac, dhedig, keli) meel loo seereeyey in kol dambe la daago. Xidhmo doogle ayaan irmaanka u xidhay: Dh: seere, xirmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiidmo
m.l Dheefshiidka intiisa yaryar oo ay ku dhammaato calooshu iyo qabsiinnada u dhexeeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiidmo
m.l Dheefshiidka intiisa yaryar oo ay ku dhammaato calooshu iyo qabsiinnada u dhexeeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiidmo
m. n., pl. intestines
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xiidmo
-xiidmaha: (n) intestines (in-tes-tanis); guts (gatis); bowels (baawlis) ~ mindhiciro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiidmo
-ha: (magac, lab, keli) eeg xiidme.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiidmo
cf: uurkujir, xaab, xaalo
de: intestines
initial: x
lx: xiidmo
pd: (/ha)
ps: n3-m-pl
key: xiidmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidmoole
m.l la-mid: fidnoole.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidmoole
-ha: (magac, lab, keli) qofka diradiraalaha ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiddimo
-da: (magac, dhedig, keli) cuntada fid la cuno. Dh: casho, xiraad, xeraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiidnimo
(Fiidnima-da)
Fiid ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiidnimo
m.dh.fk Waqti fiid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiidnimo
f. n. dusk
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiidnimo
-fiidnimada: (n) the darker stage of twilight (tuwaay laayt): early evening