fidato
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fidato
agg. - aamin ah, lagu kaalsoon.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fiato
s.m. - neef, adkeysi.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Aammin (CR.)
Fidato
Trustworthy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhato
-da: (magacwadareed) dad bililiqaysi iyo boob ku kaca. Dh: farato.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fissato
agg. - ku dhadhabay.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fondato
agg. - sal leh.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
dato
agg. e s.m. mucayan, la yaqaanno.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fato
s.m. - aayatiin, aayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiday
(fal) cid geeriyootay sadaqo u bixi oo ajarkeega u hibee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fidho
-fidhtay / firatay: (v) 1. comb (koom) ~ feero, shanlayso. 2. dust) (dhast) ~ firo, boor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidho
(fal) timaha shanlayso. Dh: feedho.
fidho: (fal) gaarufo oo geesaha dhulka ku faq. Soo gaarufo oo fidho sida dibida.
fidho-da: (magac, dhedig, keli) xashiish ama saxar aad u yaryar; wax aad iyo aad u yaryaraaday oo habaasoobay oo dabayshu qaaddo. Fidhoda ka dabool biyaha. Dh: saxar, siigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidmo
m.dh la-mid: fidno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fidmo
f. n. sedition, plot, trouble
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fidmo
-fidmada: (n) a cause or source of trouble, disturbance, difficulty; trouble (tra bel) ~ fidno, fidnad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidmo
-da: (magac, dhedig, keli) dhib iyo shaqaaqo dad ka dhex dhacda oo diin iyo dadba taabata; diradiraha iyo kala dilka dadka. Dh: fitan, fidno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fidmo
a: fidno
de: sedition, plot, trouble
lx: fidmo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: fidmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fidno
(Fidna-da)
Colaad iyo xumaato dadka laga dhex abuuro; rabsho; qulqulad (ama fidmo; fidnad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidno
m.dh 1. Colaad iyo isnecbaan dad dhex taal, rabsho, qalaanqal. 2. Nin f. badan: fidnawale.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fidno
m.dh 1. Colaad iyo isnecbaan dad dhex taal, rabsho, qalaanqal. 2. Nin f. badan: fidnawale.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fidno
f. n. trouble, sedition
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fidno
-fidnada: (n) means civil strife, war, riots fidmo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidno
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fidmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fidno
a: fidmo
de: trouble, sedition
lx: fidno
pd: (/da)
ps: n6-f
key: fidno
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fidro
(Fidra-da)
Sadaqo la baxsho kolka soonku dhammaado oo la iida hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidro
m.dh (dii.) Seko dadka laga bixiyo oo ay waajib ku tahay in uu bixiyo qof kasta oo muslin ah oo awooda dhammaadka bisha Ramadaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fidro
m.dh (dii.) Seko dadka laga bixiyo oo ay waajib ku tahay in uu bixiyo qof kasta oo Muslin ah oo awooda dhammaadka bisha Ramadaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fidro
f. n. alms given at the end of Ramadan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fidro
-fidrada: (n) money or goods given as charity to the poor at end of Ramadan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidro
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo qaddaran oo ay waajib tahay in qof walba uu baxsho ama laga baxsho dhammaadka bisha Ramadaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fidro
cf: ciid, iid
de: alms given at the end of Ramadan
lx: fidro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: fidro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidso
f.g3 (-saday, -satay) Wax kala baxsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fidso
f.g3 (-saday, -satay) Wax kala baxsasho. m.f.dh, fidsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fidso
v. expand, enlarge, diffuse, spread ~ unroll something for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidso
(fal) gogol iyo wixii la mid ah oo duuban kala baxso; kala fidso; kala fitaaxso.
fidso: (fal) lugaha iyo wixii la mid ah oo laabnaa, xagga hore u fidi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fidso
de: expand, enlarge, diffuse, spread ~ unroll s.t. for oneself
lx: fidso
pd: (fidsaday)
ps: v3a=tr
xe: Expand territorially!
xv: Dhul fidso!
key: fidso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidyo
m.dh la-mid: fidde.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidyo
-da: (magac, dhedig, keli) xukunka xoolo laga bixiyo oo gef diinta ah ku salaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiito
(Fiita-da)
1. Ubuxu intuu duuban yahay oo uusan weli dillaacin.
2. Cudur idaha, kd., irmaan naasaha ka gala.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiito
m.dh 1. Ubax aan weli dillacin o isku duuban. 2. Caws cosob ah oo aan la daaqin. 3. Dhaawac biskoon waayey. 4. Cudur idaha irmaan naasaha ka gala.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiito
m.dh 1. Ubax aan weli dillacin o isku duuban. 2. Caws cosob ah oo aan la daaqin. 3. Dhaawac biskoon waayey. 4. Cudur idaha irmaan naasaha ka gala.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiito
f. n. bud
fiito [feminine] n., [collective] pimple; wound; disease affecting udder of lactating cattle
fiito [feminine] n. veto
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiito
fiitada: (n) veto (vii-tow) ~ diimada qayaxan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiito
-da: (magac, dhedig, keli) ubaxu inta u duuban yahay oo aanu weli dillaacin.
fiito -da: (magac, dhedig, keli) geedcawseed adhigu daqaan.
fiito -da: (magac, dhedig, keli) curub; yurub.
fiito -da: (magac, dhedig, keli) nabarro iyo dhaawac aan bogsanayn.
fiito -da: (magac, dhedig, keli) tigaad iyo cosob aan weli la daaqin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
finto
agg. - dhalanteed ah, dabiici ahayn.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fitto
agg. - jiq.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fiuto
s.m. - urin (ta).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fakato
m.dh Nooc digirta ka mid ah oo marka ay geedka ku bislaato qarxata.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falato
-da: (magac, dhedig, keli) dadka beeratada ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farato
-da: (magacwadareed) eeg fadhato.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fégato
s.m. beer.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Fidaar
nickname-m tall and thin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Fidaar
magac loo baxsho wiil abuur ahaan dhuuban oo dheer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meyti ama cid geeriyootay, sadaqo u bixin oo ajarkeega u hibayn; qof dhintay fidde u samayn. Dh: fidays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidays
-ka: (magac, lab, keli) eeg fidayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiigto
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fiigtaal.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
finito
agg. - dhammaday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirato
-da: (magacwadareed) dadka xoolaha dhaqda oo wada daaqsada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lifato
(Lifata-da)
Xilliga dayrta qaarki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lifato
m.dh Xilliga ugu dambeeya jiilaalka (diraaca).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Lifato
f. n. autumn rains, rainy part of the lesser wet season
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lifato
-da: (magac, dhedig, keli) xilliga dayrta qaarkeed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Lifato
cf: xilli, Dayr
de: autumn rains, rainy part of the lesser wet season
lx: Lifato
pd: (/da)
ps: n-f
key: Lifato
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qodato
m.dh.u Dad beeraley ah oo ku nool tabcashada beeraha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qodato
m.dh.u Dad beeraley ah oo ku nool tabcashada beeraha.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qodato
f. n., [collective] farmers, peasants
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qodato
-qodatada: (n) small farmer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qodato
-da: (magacwadareed) dadka wax beerta: beeraley
qodato-da: (magacwadareed) xayawaanka inta godadka faqata ee u hoyata. Qaradidu waxay ka mid tahay godarada
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qodato
de: farmers, peasants
lx: qodato
pd: (/da)
ps: n0-f-col
key: qodato
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xadato
m.dh Xididdada oogada oo kaca ama baraaruga kolka ay dareemaan waxyaalo si debecsan oo jilicsan meelaha qaarkood uga taataabanaya. la-mid: xananto, xanato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xadato
m.dh Xididdada oogada oo kaca ama baraaruga kolka ay dareemaan waxyaalo si debecsan oo jilicsan meelaha qaarkood uga taataabanaya. la-mid: xananto, xanato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xadato
f. n. tickle, tickling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadato
-da: (magac, dhedig, keli) dareen raaxo judhuudhucyo ah oo jidhku dareemo marka aayar dubka si debecsan faraha caaradooda ama war Imid ah loo dulmariyo. Xadato haddaan dareemo waan jidhiidhicoodaa. Dh: xadanto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xadato
a: xanato
de: tickle, tickling
initial: x
lx: xadato
pd: (/da)
ps: n-f
key: xadato
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fidanzato
s.m. alkun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidhasho
-da: (magac, dhedig, keli) fal ay dibidu sameeyaan oo geedaha ay isku xamaaraan ama geesaha dhulka ku qodaan kolka ay cartamayaan. Dibi dibi u cartamaysaayi fidhasho ma daayo. Dh: xaamxaamasho, firasho.
fidhasho-da: (magac, dhedig, keli) timo feedhasho. Dh: firasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidsasho
m.f.dh eeg fidso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax laabnaa ama duubnaa kala baxsasho oo kala fidsasho; wax kala fitaaxsasho. Dh: fidsi.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
figurato
agg. - shaxan leh, afka maldahan, sarbeeban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiidarro
-da: (magac, dhedig, keli) saddexda xiddigood ee ay godintu ka kooban tahay, middood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiddaro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fiidarro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fildarro
(Fildarra-da)
Saddexda xiddigood oo godintu ka kooban tahay middood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fildarro
m.dh Foolxumo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fildarro
m.dh Foolxumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fildarro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fildarnaan.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
fixation
(n) (m) the act or operation of holding, suturing, or fastening in a fixed position.
qalitaanka laysku tulo ama laysku xidho meel
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fixation
fixation, n.f. - dhajiska; fadhiisinta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhifato
m.dh la-mid: dafo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Diirato
nickname-m peeler, skinner, stripper. Lit: warrior
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
FAAGATO
(Faghiete) C,S Paederia pospischilii K.Schum. Rubiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faddaro
(Faddara-da)
Aan nadiif ahayn oo naftu kahato; uskag iyo dhusuq badan; faddaaddo; najaaso; wasakh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faddaro
m.dh.kh la-mid: faddare.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faddaro
f. n., [abstract] dirtiness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faddaro
-faddarada: (n) dirty or foul matter; filth (filth); pollution (puluu-shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddaro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg faddare.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faddaro
cf: najaaso
de: dirtiness Opp: nadiif
lx: faddaro
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: faddaro
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fidarsi
v.rifl. aaminid, ku kalsoonaasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiddayn
m.f.dh eeg fiddee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiddayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof dhintay sadaqo u bixin. Dh: axmid,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) baxsasho oo orod dartii siigo isku qarin. Dh: siigayn, cararid, firayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidhiqo
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh yar oo fudfudud. Dh: walasaqo.
fidhiqo -da: (magac, dhedig, keli) daasad yar sida tan tamaandhadu ay ka dhammaato oo wax lagu miisto.