feler
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fêler
fêler, v. - dilaacid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
feeler
/fiilar/ (n) geesaha dareenka ee caya-yaanka midkood (sida kuwa geesoolaha, baranbarada, kaneecada iwm).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
feuler
feuler, v. - ciyid shabeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feer
1. (Feer-ka) a) Sacabka oo duuban oo qof kale, dagaal ama cayaar, xoog loogu dhufto. b) Cayaar ku dhisan, labo qof oo feer isla dhaca, taniyo inta mid laga adkaado; feertan.
2. (Feer-ta) ) Lafo sida qaansada u xoodan oo lafdhabarta ku qodqotoma, xagga horena lafsakaarta, badankood madaxyada ku hayaan, middood. b) Dhinac; barbar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feer
feer¹: m.dh (-ro, m.l) 1. Lafaha dhuudhuuban, xooggan ee ku xeeran dhawraarintana u ah uur ku jirta nafleyda inteeda sare. 2. Hareer; gees, dhinac. 3. (w) Qaaxo.
feer²: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Fara duuban wax ku dhufasho. 2. (f.g) Tin iyo wixi lamida shanleyn. 3. (f.g) Wax dalliig u dillaacin. 4. (f.mg) Roob da'ayay joogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fęer
m.l (-rar, m.l) Dhufashada wax lagu dhufto gacanta oo duuban.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
feer
feer¹: m.dh (-ro, m.l) 1. Lafaha dhuudhuuban, xooggan ee ku xeeran dhawraarintana u ah uur ku jirta nafleyda inteeda sare. 2. Hareer; gees, dhinac. 3. (w) Qaaxo.
feer²: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Fara duuban wax ku dhufasho. 2. (f.g) Tin iyo wixi lamida shanlayn. 3. (f.g) Wax dalliig u dillaacin. 4. (f.mg) Roob da'ayay joogsasho.
fęer: m.l (-rar, m.l) Dhufashada wax lagu dhufto gacanta oo duuban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feer
v. punch, knock down; comb
feer vl. n. blow, knock, punch; act of combing
feer [feminine] n. rib
feer v. stop raining
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
feer
-ay / tay: (v) hit with the fist; punch (panji); box (bookis) ~ feedh
feer -ka: (n) box (bakis); boxing ~ feedh
feer -ta: (n) rib (riib) ~ feedh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feer
-ka: (magac, lab, keli) eeg feedh.
feer-ta: (magac, dheddig, keli) hareer, gees, dhinac.
feer -ta: (magac, dheddig, keli) xanuunka qaaxada.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
feer
ضِلْع، جائِحة
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fêlé
fêlé, adj. - waali yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feker
(Feker-ka)
Waxa qofka maankiisa ama laabtiisa ku soo dhaca oo uu iskula hadlo; islahadal; male (ama fakar).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feker
feker¹: m.l (afkaar, m.dh) 1. Garasho. 2. Wax qofka maskaxdiisa ku soo dhaca oo uu iskula hadlo. la-mid: fakar¹, fikir¹.
feker²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Fikrad raadin. 2. Wax maan ku hayn. la-mid: fakar², fikir².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
feker
feker¹: m.l (afkaar, m.dh) 1. Garasho. 2. Wax qofka maskaxdiisa ku soo dhaca oo uu iskula hadlo. la-mid: fakar, fikir.
feker²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Fikrad raadin. 2. Wax maan ku hayn. m.f.dh, fekerid. la-mid: fakar, fikir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feker
m. n. thought, thinking, reflection, idea; worry, pensiveness
feker v. think, reflect, ponder; worry
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
feker
-ay / tay: (n) think (thiingk); ponder (poondher); reason, reflect, speculate. Ex: aad uga feker; think twice [weigh something carefully]
feker: -ka: (n) thinking (thiingking); worrying (weering); uneasiness ~ fakar. Ex: fekerka badan iskajooji! stop worrying too much!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feker
(fal) maskaxda ka shaqaysii oo talo keen. Intaanad wax falin ka feker. Dh: fikir.
feker -ka: (magac, lab, keli) waxa qofka maankiisa ama laabtiisa ku soo dhaca oo uu iskula hadlo. Dh: male, fakar, fikir.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
feker
فِكْرَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feleg
(Feleg-ga)
1. Xiddigaha wareeggooda iyo sida ay dadka u saameeyaan.
2. (senen) ayaandarro; hoog; dhibaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feleg
m.l 1. Cilmi al f.: xiddigaha wareeggooda iyo sida ay dadka u saameeyaan. 2. Xiddig weyn. 3. (-gyo, m.dh) Ayaandarro, dhibaato, hoog, masiibo. la-mid: fąlag.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
feleg
m.l 1. Cilmi al f.: xiddigaha wareeggooda iyo sida ay dadka u saameeyaan. 2. Xiddig weyn. 3. (-gyo, m.dh) Ayaandarro, dhibaato, hoog, masiibo. la-mid: fąlag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feleg
-ga: (magac, lab, keli) isbeddelka xiddigaha iyo rogroganka waqti. Jeer uu feleg meero, dhulkana fuudhka la saaro, la fadhiisani maayo.
feleg -ga: (magac, lab, keli) cilmiga barashada xiddigaha wareeggooda iyo saamayntooda. Dh: xiddigays.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fêter
fêter, v. - dabaaldegid; damaashaadid
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
fever
(n) abnormally high body temperature, usually associated with illness,
qandho
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fever
/fiivar/ (n) xummad, qandho. e.g. He is in bed with a very high fever.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Fever
Qandho
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
fever
n., dhaxan, -ti; a violent or burning fever, falaad xun or kulul; fit of fever, qadhqadhyo, -adi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
filer
filer, v. (se sauver) - si qarsoodi ah loole baxsado; orday; ordid; orod
filer, v. (la laine) - soohid
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
geler
geler, v. - biyo fadhiisin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
héler
héler, v. - markab uyeerid; ubaaqid
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mêler
mêler, se, V. - isku darsamid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
peler
peler, v. - xuub dhicid; timo dhicid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
vêler
vêler, v. - dhalmada lo'da.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ficeler
ficeler, v. - xadhig lagu xidho; xidhid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bélier
bélier, n.m. - sumal; wanka aan la dhuufaanin
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
cèlere
agg. - aad u dheereeya.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
celery
/selari/ (n) seeleri (laamo cagaaran oo khudaar ahaan loo cuno).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dealer
/dhiiler/ (n) 1. ganacsade (n) 2. qofka turubka bixinaya.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
délier
délier, v. - Debecsan; aan aad u xidhnayn
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
épeler
épeler, v. - yeedhis (erayo ah) xarfaha uu eraygu ka kooban yahay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
falter
/falter/ (v) dhic-dhicid ama hak-hakasho kolka la-hadlayo ama la soconayo, tabar-darro ama cabsi darteed.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
falter
(see stammer).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Feeder
Dheefiye
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fender
/fender/ (n) 1. qaybta baabuurka ee shaagga daboosha (n) 2. xijaab ama dahaar lugu daboolo qaxanka dabka, si-aan dhimbiluhu u daadan
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fermer
fermer, v. - xidhid; oodid; albaabid; furayn; gufayn; jufid
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ferrer
ferrer, v. - bir galin sida marka faraska qoobka birta loo galiyo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fesser
fesser, v. - dabo ka dharbaaxid
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
fester
(v) to generate pus.
malax baa ka bislaatay
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fester
/festar (v) 1. hurgumid, fashfashid (v) 2. xumaansho, ka-darid, sii iid,
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
fester
v.i., (grow virulent) calidh or calir.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fetter
/fetar/ (n) 1. dabar, sida silsiladda maxbuuska lugaha looga xiro (v) 2. dabrid, lugaha ka-xirid, siiba silsiladayn.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
fetter
v.tr., (bind) silsiladee, silsilad ku jebi, xeg, dabdabar, sheekal, qofali, is weydaari, seetee.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fileur
fileur, n. - qofka wax sooha.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
filmer
filmer, v. - sawirid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Filter
Kala-reebe, Miire
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
filter
/filter/ (n) 1. miire, shaandho, qashar-reebe (v) 2. miirid, shaandhayn
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Filter
miire
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
filter
n., (strainer) dharuur, -ti; v.tr., dharuur.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
folder
/ fowldher/ (n) gal, fayl waraaqaha la-gashado
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fouler
fouler, v. - ku tumasho.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
frôler
frôler, v. - agmarid; agtiisa mara; meel u dhaw mara
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
grêler
grêler, v. - soo daadasho baraf.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
helper
n., caawis, -ki, hiiliya, -ihi, ciidan, -ki.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
pedler
n., kabaday, -ihi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
perler
perler, v. - qurxin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
régler
régler, v. - iyada oo masdarad la isticmaalayo xariiqin la sameeyo; go'aan ka gaadhid; nidaamin; fasirid
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
relier
relier, v. - isku xidha mar labaad
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
seller
/selar/ (n) gade (iska-iibiye).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
seller
seller, v. - koorayn (faraska)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
seller
n., nin wax iibiya or iibsha.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
teller
/telar/ qofka bangiga lacagta qabta ama bixiya ( garraani bangi).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
welder
/weldhar/ (n) alxanle (qofka wax alxama).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Welder
Laxaamade
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
welter
/weltar/ (adj) isku-qas (waxyaabo isku qasan o isku murugsan).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
frelater
frelater, v. - isku laaqid; badhxid (labo khamro)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fee
/fii/ (n) ujro (lacagta laga bixiyo adeeg, iskuul iwm) e.g. The admission fee was quite high.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fée
fée, n.f. - naag aad u caqli badan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fer
fer, n.m. - bir; xadiid
marquer au fer - summad; calaamad; maddane; birta wax lagu sunto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-eer
a: =-keer
de: that, those (in the middle distance)
lx: -eer
ps: deic-m-suf
key: -eer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beer
1. (Beer-ka) a) Xubinta oogada kamid ah oo xammeetida samaysa dhiiggana ka ilaalisa wixii sun iyo waabaayo ah. b) (miro) qalbacyada hoose, (sida bun, yicib, quulle, garas,...).
2. (Beer-ta) Dhul la falay oo dhir iyo miro iyo badar iyo waxyaalo kale lagu abuuro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beer
beer¹: m.l (-rar, m.l) 1. Xubin uurkujirta ah lafdhabarleyda ka mid ah midabkeedu madow guduud ku dheehanyahay ah oo samaysa xammeetida, dhiiggana wixii sumeynaya ka ilaalisa. 2. Qaybta dhexe ee miraha, jilicsan, qolof ku dahaaran oo uu geedku ka dhasho.
beer²: m.dh (-ro, m.l) Dhul la falay oo dhir, miro, badar iyo wixi lamida lagu abuuri karo.
beer³: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Dhul miro ku abuurid. 2. Ku b.: dareen gaar ah ku abuurid (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beer
beer¹: m.l (-rar, m.l) 1. Xubin uurkujirta ah lafdhabarleyda ka mid ah midabkeedu madow guduud ku dheehanyahay ah oo samaysa xammeetida, dhiiggana wixii sumeynaya ka ilaalisa. 2. Qaybta dhexe ee miraha, jilicsan, qolof ku dahaaran oo uu geedku ka dhasho.
beer²: m.dh (-ro, m.l) Dhul la falay oo dhir, miro, badar iyo wixi lamida lagu abuuri karo.
beer³: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Dhul miro ku abuurid. 2. Ku b.: dareen gaar ah ku abuurid (qof). m.f.dh, beerid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beer
v. farm, sow, cultivate, plant
beer [feminine] n. farm, garden
beer m. n. liver; flank
beer m. n. kernel; bean species
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
beer
/biir/ (n) biir (nooc khamriga ka mid ah).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beer
-ta: (n) farm (faarrn); plantation; garden (gaardhan)
—beer -ay / tay (v) farm, plant, grow
beer: -ka: (n) liver (livar)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Beer
Azienda agricola
Farm
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
beer
/biir/ (n) biir (kamry kafiif eh).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beer
(fal) dhul abuur oo wax ka soo saar. Barbari ninkii beertay gubtaa. Dh: turuq, qod.
beer: (fal) «kuku abuur jacayl, xumaan iyo walwal. Warkii xalay walawal buu igu beeray.
beer -ka: (magac, lab, keli) iniinyaha labada qalbac leh xubin ku dhex jirta sida bun, yicib, quulleh, garas iyo waxii la mid ah. Beer badan baa ku jira quullaha.
beer -ka: (magac, lab, keli) xubin uurkujirta ka mid ah, jidhka noolaha ku jirta, ka ilaaliya sunta iyo waabeeyada, dheef shiidka door lixaad leh ka qaata, xammeetidana sameeya.
beer-ka: (magac, lab, keli) cudur beerka barariya oo qofka uu hayaa yeesho yalaalugo, neefqabatin, cuntoxumi iyo oonta xoolaha oo uu ku xanuunsado.
beer -ta: (magac, dhedig, keli) dhulka dalagga cunnada laga soo saaro. Dh: aslaax.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
beer
كبد، مزرعة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deer
m.l (-rar, m.l) Deerada keeda lab.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Deer
nickname; name-m light-skinned
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
deer
/dhiir/ (n) deero.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Deer
ama Deerow, magaca wiil midabkiisu casaan yahay oo deeran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deer
-ka: (magac, lab, keli) jaa ka mid ah ugaadha duurjoogta ah oo adhiga laale'eg oo geesa leh keega lab. Deerku wuxu qoodh u yahay deerada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eber
(Eber-ka)
Aan wax ku jirin; maran; baabbah; sufur; cidla'; waxba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eber
m.l 1. Tiro xisaabeed oo marka ay kaligeed tahay aan macne lahayn, laakiin marka tiradu midig ka raacdo toban ku dhufata. 2. Barta kala barta toganaha iyo tabanaha xisaabta. 3. E. ah: wax ama meel maran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
eber
m.l 1. Tiro xisaabeed oo marka ay kaligeed tahay aan macne lahayn, laakiin marka tiradu midig ka raacdo toban ku dhufata. 2. Barta kala barta toganaha iyo tabanaha xisaabta. 3. E. ah: wax ama meel maran.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Eber
Zero
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Eber
Zero