feeyigan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feeyigan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: feeyig.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
feeyigan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: feeyig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feeyigan
(tilmaame) mid digtooni qaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feeyigaan
(Feeyigaan-ta)
Baraarugsanaan; is jirid; digtoonaan; (ama feejigaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feeyigaan
m.f.dh eeg feeyig. la-mid: feejigaan, feejigaansho, feejignaan, feejignaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feeyigaan
f. n., [abstract] carefulness, alertness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feeyigaan
-ta: (magac, dhedig, keli) digtooni qabid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
feeyigaan
a: feeyignaan, feejigaan
de: carefulness, alertness
lx: feeyigaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: feeyigaan
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Feeyiga
nickname; name-f alert, cautious, careful
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feejigan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: feeyig.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
feejigan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: feeyigan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feejigan
der. [adjective] attentive, ready, careful
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
feejigan
-aa: (adj) alert (aleert); attentive (aten-,iv); vigilant (vij-i-lant); careful; countious
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feejigan
(tilmaame) mid baraarugsan oo isjira. Dh: digtoon, foojigan. Li: isdhigtay
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
feejigan
de: attentive, ready, careful
lx: feejigan
pd: (feejignaa)
ps: adj-der
key: feejigan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feeyignaan
(Feeyignaan-ta)
Feeyigaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feeyignaan
m.dh la-mid: feeyigaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
feeyignaan
m.dh la-mid: feejignaan, feejigni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feeyignaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid digtoon ahaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u feeyigan
adj., [expression] attentive to, ready for, careful with
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
u_feeyigan
de: attentive to, ready for, careful with See also: feejigan
initial: u
lx: u feeyigan
pd: (feeyignaa)
ps: adj-expr
key: u_feeyigan
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
attention
n., feeyigan, or fooyigan, or foojigan, -ti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feejigaan
m.dh la-mid: feeyigaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feejigaan
f. n., [abstract] carefulness, alertness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
feejigaan
-ta: (n) vigilance (fiji-lansi); awareness (a-weer-nes)-, watchfulness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
feejigaan
a: feejignaan, feeyigaan
de: carefulness, alertness
lx: feejigaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: feejigaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feeyig
Baraarugsan; is jira; digtoon (ama feejig).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feeyig
f.mg4 (-gaa, -gayd) 1. Wax digtoon ahaansho. 2. Wax dhiillo hayso ahaansho. la-mid: feejig, feejigan, feeyigan, foojig, foojigan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
feeyig
f.mg4 (-gaa, -gayd) 1. Wax digtoon ahaansho. 2. Wax dhiillo hayso ahaansho. m.f.dh, feeyignaan. la-mid: feejig, feejigan, feeyigan, foojigan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feeyig
[adjective] careful, alert, cautious, prudent
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Feeyig
nickname; name-m alert, cautious, careful
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
feeyig
a: feejig ~ foojig
de: careful, alert, cautious, prudent
lx: feeyig
ps: adj
key: feeyig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feedagan
(tilmaame) hadhuudh buushibaxsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feejignaan
m.dh la-mid: feeyignaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
feejignaan
m.dh la-mid: feeyignaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feejignaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof soojeeda oo baraarugsan ahaan; fiiro dheer lahaan. Dh: digtoonaan, foojignaan. Li: isdhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feeryahan
m.l (-nno, m.dh) Nin xeeladaha feerka yaqaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
feeryahan
m.l (-nno, m.dh) Nin xeeladaha feerka yaqaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
feeryahan
-ka: (n) boxer (bookser) ~ feertame
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feeryahan
-ka: (magac, lab, keli) qofka ciyaarta feedhtanka aadka u yagaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feeyignow
inch. v. be alert ~ careful
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
feeyignow
-feeyignaaday / feeyignaatay: (v) be alert (bii aleert); be attentive (bii atentiv); be vigilant (bii vijilanf); be careful; be cautious ~ feejignow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feeyignow
(fal) eeg feejignow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
feeyignow
a: feejignow ~ feeyignoow
de: be alert ~ careful
lx: feeyignow
pd: (feeyignaadey)
ps: v3a=inch
key: feeyignow
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
feign
/feyn/ (v) is-yeelyeelid, iska yeelyeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beegan
La beegay; la miisay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beegan
beegan¹: f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) 1. Wax la beegay noqosho. 2. Ku b.: wax, wax kale ku toosan noqosho.
beegan²: f.mg4 (-gnaa, -gnayd) 1. Wax la beegay ahaansho. 2. Wax la buuxshay ahaansho. 3. Ku b.: wax, wax kale lagu aaddiyey ahaansho. 4. Ku b.: waqti, waqti ku aadan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beegan
beegan¹: f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) 1. Wax la beegay noqosho. 2. Ku b.: wax, wax kale ku toosan noqosho. m.f.dh, beegmid.
beegan²: f.mg4 (-gnaa, -gnayd) 1. Wax la beegay ahaansho. 2. Wax la buuxshay ahaansho. 3. Ku b.: wax, wax kale lagu aaddiyey ahaansho. 4. Ku b.: waqti, waqti ku aadan ahaansho. m.f.dh, beegnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beegan
der. [adjective] measured; deserving
beegan [inchoative] v. coincide, be expected, fall (on a certain day); be due
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beegan
(tilmaame) ahaanshaha wax miisan oo cabbiran. Dh: qiyaasan.
beegan: (tilmaame) meel lala eegtay oo shiishka aan lala gefin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beeyan
vl. pron., neg. she / they ... not
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beeyan
a: baaney
de: she / they ... not + [FOCUS] = baa + ay + aan
lx: beeyan
ps: focus + vpro + neg
key: beeyan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feegar
-ka: (magac, lab, keli) eeg faygar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feejig
Feeyig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feejig
f.mg4 (-gaa, -gayd) la-mid: feeyig.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feejig
[adjective] careful, alert, cautious
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feejig
(fal) fiiro dheerow. Dh: feejignaw, foojig. foojignaw, digtoonow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
feejig
a: feejigan, feeyig, foojig
de: careful, alert, cautious
lx: feejig
ps: adj
key: feejig
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feenin
(Feenin-ta)
Hilibka feenka ah oo lafaha raaca gooni u uruurin; lafaha feenka ka reebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feenin
m.f.dh eeg feeni.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feenin
vl. n. meat that is gnawed off the bone with one's teeth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feenin
-ta: (magac, dhedig, keli) hilibka feenka ah oo lafaha raaca goonni u ururin; lafaha iyo feenka kala reebid.
feenin-ta: (magac, dhedig, keli) ka baaraandegga arrin dhinac walba laga eego intaan geedka garta la iman.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
feenin
de: meat that is gnawed off the bone with one's teeth
lx: feenin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: feenin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feeran
La feeray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feeran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la feeray ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feeran
der. [adjective] hit, knocked, punched; combed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feeran
(tilmaame) qof gacanta uu duuban lagu dhuftay; qof la feedhay.
feeran: (tilmaame) timo iyo wax la mid ah oo la shanleeyay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
feeran
de: hit, knocked, punched; combed
lx: feeran
pd: (feernaa)
ps: adj-der
key: feeran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feetin
(Feetin-ka)
1. Qori qallalan oo af dhuuban oo ama kurtun dhulka ku aasan oo ka soo taagan noqday ama laan geed ku taal ka leexda; fiiqtin.
2. Qori af fiiqan loo yeelay oo wax lagu qodo ama lagu dagaallamo; filgin (ama feytin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feetin
m.l (-nno, m.dh) Qori qallalan oo caarad dhuuban leh oo wax muda. la-mid: feertin, feytin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feetin
m. n. sharp pointed dry stick; stake
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feetin
-ka: (magac, lab, keli) qori af fiiqan loo yeelay oo wax lagu qodo ama lagu dagaalamo. Dh: filgin.
feetin -ka: (magac, lab, keli) qori qallalay oo af dhuuban oo ama kurtun dhulka ku aasan oo ka soo taagan noqday ama laan geed ku taal ka leexday Dh: fiiqtin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
feetin
de: sharp pointed dry stick; stake
lx: feetin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: feetin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feydan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax la feydey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
feydan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax la feydey ahaansho. m.f.dh, feydnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feydan
der. [adjective] uncovered, bared (part of the body); removed (material that covers something)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
feydan
-aa: (adj) having no cover: uncovered (ankaveridh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feydan
(fal) wax bannaysan oo aan asturnayn nogo; noqo wax la feydey ama la xaydey.
feydan: (tilmaame) wax daaha laga qaaday oo muuqda. Dh: qaawan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
feydan
de: uncovered, bared (part of the body); removed (material that covers s.t.)
lx: feydan
pd: (feydnaa)
ps: adj-der
key: feydan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feytan
-ka: (magac, lab, keli) qori yar oo adag oo wax mudi kara.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heegan
1. Heeggan.
2. (rati, kd.) la heegey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heegan
heegan¹: m.l/dh 1. Col yar oo col weyn dib u reeba; raacdareeb. 2. Wax diyaar ah. 3. la-mid: heegmid. la-mid: heeggan¹.
heegan²: f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) 1. Wax heegan ahaansho. 2. Wax diyaar ahaansho.
heegan³: f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax la heegay ama heegan ahaansho. la-mid: heeggan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
heegan
m.l/dh 1. Col yar oo col weyn dib u reeba; raacdareeb. 2. Wax diyaar ah. la-mid: heeggan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heegan
der. [adjective] tied by the leg; alert, ready
heegan [inchoative] v. be tied by the leg; be alert, ready ~ on patrol
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heegan
(tilmaame) wax la heegay.
heegan: (tilmaame) diyaar ah; diyaar laga dhigay.
heegan -ka: (magac, lab, keli) col yar oo colka weyn ka dambeeya si uu wixii raadco daba socota uga hor tego. Dh: raadcoreeb.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meeyan
neg, vl. pron., neg. she / they ... not
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meeyan
de: she / they ... not = ma + ay + aan
lx: meeyan
ps: neg + vpro + neg
xe: They would not have seen it.
xv: Meeyan arki lahayn.
key: meeyan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yeeyan
pron., neg., opt. form: may she not!, don't let her ...!
yeeyan: pron., neg., opt. form: may they not!, don't let them ...!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feedhan
(tilmaame) timo la feedhay; timo shanlaysan. Dh: feeran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feejigo
-da: (magac, dhedig, keli) digtoonaan iyo ildheeri. Dh: digtooni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feertan
(Feertan-ka)
Feertamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feertan
feertan¹: m.l 1. Ciyaar laba qof feer ay ku tartamaan. 2. Isdhaafsashada laba qof feer ku dagaallamaan.
feertan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) 1. Laba qof feer ku tartamid. 2. Feer ku dagaallamid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
feertan
feertan¹: m.l 1. Ciyaar laba qof feer ay ku tartamaan. 2. Isdhaafsashada laba qof feer ku dagaallamaan.
feertan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) 1. Laba qof feer ku tartamid. 2. Feer ku dagaallamid. m.f.dh, feertamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feertan
v. box each other
feertan vl. n. boxing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
feertan
-feertamay / feertantay: (v) take part in a boxing match ~ feedhtan
feertan -ka: (n) the act of boxing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feertan
-ka: (magac, lab, keli) eeg feedhtan.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
feertan
مُلاكمة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heeggan
(Heeggan-ka)
Col yar oo colka weyni dib u reebo inuu gadaal ka ilaaliyo; raacdarreeb; (ama heegan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heeggan
heeggan¹: m.l la-mid: heegan¹.
heeggan²: f.mg4 (-gnaa, -gnayd) la-mid: heegan³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heeggan
m. n. (adj.): guard, night watchman, patrol (vanguard ~ rear guard in football); alert