feenfeenasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feenfeenasho
-da: (magac, dhedig, keli) lafo aan hilib lahayn waxa yare ee ku sii dhegdheggan ilkaha ku sarsarriigid. Dh: sarsarriigasho, xagxagasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarriig
-ga: (magac, lab, keli) dub iyo laf, kala saarid.
sarriig -ta: (magac, dhedig, keli) nafta oo sharafta loo dhawro, oo aan wax xun loo quurin; xishood xurmo ku dheehantahay ku dhaqaan. Dh: edeb xilkas, sheex, xaqdhawr.
sarriig -ta: (magac, dhedig, keli) wax dhuuban oo laamo ama wax kale ka taagtaagan yihiin oo inta gunta ilkaha ama wax kale lagaga qabto, iyadoon kolna la sii deyn, dhifasho xoog leh lagu mudhxiyo, lagu diiro.
sarriig-ta: (magac, dhedig, keli) walax si xun loo jeex jeexay, si daran u feenfeenasho, aad u xagxagasho, diirka ka diirasho. Sarriig riyuhu geedahii diirka kaga saareen.
sarriig -ta: (magac, dhedig, keli) sida ilkuhu u dhilaan wax diirleh.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
gnawing
n., feenfeenasho, -adi, feenfeenad, -ki.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heenheenso
(fal) caano yar oo weel salkii ku hadhay dhowr jeer fuuqfuuqso oo isku foorfoorari. Dh: fuuqfuuqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeenjeenso
(fal) marba dhan jaaha saar oo u geddoon ama qoor u dadab, marba dhinac eeg. Dh: daymodhidarree, jeedjeedso, jeejeeso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceelyeelasho
m.f.dh eeg ceelyeelo. la-mid: ceelyeelad (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leegleegasho
-da: (magac, dhedig, keli) socosho, iyadoo aan waxba la sidan oo keli la yahay oo la farammadhan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leexleexasho
(Leexleexasha-da)
1. Laallaabasho, noqnoqosho, warwareegid, meermeerid.
2. (ka leexleexasho) Arrin qabashadeed ama wax kale, ka madax meerin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexleexasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg leexleexad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yeelyeelasho
m.f.dh eeg yeelyeelo. la-mid: yeelyeelad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeelyeelasho
-da: (magac, dhedig, keli) isu soo ururid, sida daruuro di'id maaggan.
yeelyeelasho-da: (magac, dhedig, keli) kab karkarasho. Yeelyeelashada kabaha waa lagu guryo gaadhaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leegleegsasho
(Leegleegsasha-da)
Socosho, iyadoo aan waxba la sidan oo la faro maran yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leegleegsasho
m.f.dh eeg leegleegso. la-mid: leegleegsad, leegleegsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leegleegsasho
-da: (magac, dhedig, keli) kolba dhan u ciirid oo u dullaamid. Wixii dhacaya leegleegasho ayaa lagu gartaa. Dh: lululasho.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Leex-leexasho
Digressione
Digression
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexleexsasho
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) hawl qabashadeed ama wax kale, ka warwareegid.
leexleexsasho-da: (magac, dhedig, keli) marba dhinac u weecasho. Dh: baydhbaydhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heenseysnaansho
m.l/dh la-mid: heenseyanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afeefasho
(Afeefasha-da)
Afeef dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afeefasho
m.f.dh eeg afeefo. la-mid: afeefad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afeefasho
vl. n. explanation, apology
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afeefasho
-afeefashada: (n) disapproval (dis aparuuvel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afeefasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg afeefad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afeefasho
de: explanation, apology
lx: afeefasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: afeefasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beensasho
-da: (magac, dhedig, keli) hadal la yidhi been u qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deensasho
m.f.dh eeg deenso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deensasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid wax ka amaahasho; deyn qaadasho. Dh: deynsasho, amaahasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feedhasho
-da: (magac, dhedig, keli) timaha saqaf ku kala bixin, shanlaysasho. Dh: shanlaysasho, fidhasho, feerasho, fidhasho, firasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heensasho
m.f.dh eeg heenso. la-mid: heensad, heensi, hiinsad, hiinsasho, hiinsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heensasho
-da: (magac, dhedig, keli) fuuqsasho; hiinsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeensasho
(Jeensasha-da)
Dib ama dhinac wejiga ama oogada oo dhan u jeedin, u duwid, u wareejin; (ama jeesasho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeensasho
m.dh eeg jeenso. la-mid: jeensad, jeensi, jeesad, jeesasho, jeesi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeensasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhinac kale daymood. Dh: jeesasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
keensasho
m.f.dh eeg keenso. la-mid: keensad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
keensasho
-da: (magac, dhedig, keli) keensadka wax kaa maqan. Dh: keensi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Neefsasho
(Neefsasha-da)
Si isdabajoog ah, neef sanbabbada u gelin oo uga soo saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neefsasho
neefsasho¹: m.f.dh eeg neefo. la-mid: neefsad, neefsi.
neefsasho²: m.dh Dariiqadda dheefsasho ee xayawaanka iyo dhirta taas oo walax orgaanik ah la burburinayo lagana dhigayo walxo sahlan isla markaana tamar la soo saarayo, iyada oo lala kaashanayo molikiyuullo gaar ah oo tamarta qaada oo loo isticmaalo dariiqooyin dheefsasho oo kale. Dhirta iyo xayawaanka badankooda neefsashadu waxay u baahantahay ogsajiin, iyo kaarboon laba ogsaydh oo ah dhammaadka maxsuulka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
neefsasho
m.dh Dariiqadda dheefsasho ee xayawaanka iyo dhirta taas oo walax orgaanik ah la burburinayo lagana dhigayo walxo sahlan isla markaana tamar la soo saarayo, iyada oo lala kaashanayo molikiyuullo gaar ah oo tamarta qaada oo loo isticmaalo dariiqooyin dheefsasho oo kale. Dhirta iyo xayawaanka badankooda neefsashadu waxay u baahantahay ogsajiin, iyo kaarboon laba ogsaydh oo ah dhammaadka maxsuulka.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
neefsasho
-neefsashada: (n) the act of breathing, respiration (res-pa-reey-shin); inhaling and exhaling ~ neefsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefsasho
-da: (magac, dhedig, keli) si is daba joog ah neef u soo saarid una qaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenbeenis
-ta: (magac, dhedig, keli) waxbaayo aan jirin oo been ah sheegsheegis, wax aan run ahayn run uga dhigis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
engegsasho
m.f.dh eeg engegso. la-mid: engegsad, engegsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feerfeeran
Kala durdurugsan; jeexjeexan; feeran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feerfeeran
der. [adjective] combed, raked
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feerfeeran
(tilmaame) wax midiba meel taagan yahay oo kala durdurugsan. Ilko feerfeeran ayuu leeyahay. Dh: feedhfeedhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
feerfeeran
de: combed, raked
lx: feerfeeran
ps: adj-der
key: feerfeeran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
finiinasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg finiinad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hafeefasho
m.f.dh eeg hafeefo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafeefasho
-da: (magac, dhedig, keli) cudurdaar horraysiisasho. Dh: afeefasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeenjeensi
-ga: (magac, lab, keli) marka la sheegayo farsamada hilib looga xayuubiyo laf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenaysasho
-da: rumaysasho la'aan, wax laguu sheegay beenaysad, been ka soo qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerfalasho
m.dh Hawsha beerta laga qabto si dalag looga helo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beerfalasho
m.dh Hawsha beerta laga qabto si dalag looga helo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beerfalasho
-beerfalashada: (n) the act of farming (faarming); cultivating
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerfalasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhul beer ah qodasho. Beerfalashadu waa isku fillaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feernaansho
m.l/dh la-mid: feernaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feernaansho
-ha: (magac, lab, keli) timo iyo wixii la mid ah, shanlaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leegleegsho
-da: (magac, dhedig, keli) socosho, iyadoon waxba la sidan oo la fara madhan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meereysasho
m.f.dh eeg meerayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meereysasho
-da: (magac, dhedig, keli) warwareegid oo kolba meel ka meerid. Dh: wareegeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefqabasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg naafqabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seegeysasho
m.f.dh eeg seegeyso. la-mid: seegeysad, seegeysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seegeysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xubinta taranka oo biyaha gacanta looga keeno; siigaysasho; siigaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanjeerasho
(Xanjeerasha-da)
1. Ilmo carruur ah xanbaarid.
2. Guntiga kor u qaadasho; xeydasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanjeerasho
m.f.dh eeg xanjeero. la-mid: xanjeerad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanjeerasho
-da: (magac, dhedig, keli) gunti kor u qaadasho; xaydasho oo guntiga gaabsasho. Dh: xaydasho.
xanjeerasho -da: (magac, dhedig, keli) ilmo carruur ah xanjeer ku xanbaarid. Ilmaha xanjeerashada ka daa oo bogga ku qaado. Dh: xambaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canceensasho
m.f.dh eeg canceenso. la-mid: canceensad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
edebyeelasho
m.f.dh eeg edebyeelo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
edebyeelasho
-da: (magac, dhedig, keli) anshax iyo asluub wanaagsan ku dhaqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedsheegasho
m.f.dh eeg eedsheego.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedsheegasho
-da: (magac, dhedig, keli) eedsheegad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seenyoonaansho
m.l/dh la-mid: seenyoonaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seenyoonaansho
-ha: (magac, lab, keli) neef seenyoon ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beekhaansasho
m.f.dh eeg beekhaanso. la-mid: beekhaansad, beekhaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bennednaansho
m.l/dh la-mid: bennednaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhandhensasho
m.dh la-mid: dhadhansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feejignaansho
m.l/dh la-mid: feeyignaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feejignaansho
-ha: (magac, lab, keli) fiiro dheer iyo digtooni lahaan. Dh: feejignaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feeyignaansho
m.l/dh la-mid: feeyigaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hengelnaansho
-ha: (magac, lab, keli) gabadh, qoorta madhnaan oo cabbaadh iyo wax kale midna ha xidhnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meegaarnansho
m.l/dh la-mid: maageernaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heensaysnaansho
-ha: (magac, lab, keli) faras heense la dul saaray ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heeryeysnaansho
m.l/dh la-mid: heeryeysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reeryeysnaansho
m.l/dh la-mid: heeryeysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeeldheeraansho
m.l/dh la-mid: xeeldheeraan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeeldheeraansho
-da: (magac, dhedig, keli) fiira'dheeri; xirrib fogaan; aragti dheeraan. Dh: xeeldheeri.