feedhfeedh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feedhfeedh
-ka: (magac, lab, keli) timo iyo wax la mid ah, kala taagtaagnidooda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feedhfeedhan
(tilmaame) timo iyo wixii la mid ah, kala taagtaagnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feedhfeedhis
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, feedh ku celcelis.
feedhfeedhis -ta: (magac, dhedig, keli) timo iyo. wixii la mid ah, shanlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heedheedh
-ka: (magac, lab, keli) eeg haydhhaydh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulid
-da: (magac, dhedig, keli) bul ka dhigid maydha, xaskul iyo waxii la mid ah, feedhfeedhid ama tumid. Dh: bulis.
bulid-da: (magac, dhedig, keli) cunid wax laguu yareeyey. Bulid horey ku joogtaye, baahi may qabine.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feedh
(fal) gacanta oo faraheedu duuban yihiin, cid kale xoog ugu dhufo. Dh: feer.
feedh: (fal) timaha shanlay ama fidhin dhex marmari si ay u kala baxaan oo u qurxoonaadaan. Dh: feer, fidh, shanlee.
feedh-a: (magac, lab, keli) lafaha sida qaansada ah ee dhinacyada noole badan ku yaal middood. Cishaduu Ilaahay, carradeenna joojee, Aadan ciidda ka alkumay, xaawana cadkiisiyo, feedh calaanta laga dhigay. Wa: feedho.
feedh -ka: (magac, lab, keli) ciyaar caan ah oo ku dhisan labo qof oo feedh isla dhaca, oo lagu dagaallamo gacmaha intooda hore oo faruhu laaban yihiin. Maxamed Cali Kalay wuxuu ku caan aha feedhka. Dh: feedhfeedh, feedhtan.
feedh -ka: (magac, lab, keli) faraha gacanta oo la duubo oo gacanta xaggeeda hore bud loo ekeysiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feedhis
-ta: (magac, dhedig, keli) caw iyo wixii la mid ah jeexeexid. Dh: feerfeerid, feedhid.
feedhis-ta: (magac, dhedig, keli) timaha shanlayn ama fidhid. Dh: feerid, feedhid.
feedhis-ta: (magac, dhedig, keli) faraha oo duuban cid ku dhufasho, feedh la dhicid. Dh: feedhid, feerid. Wa: feedhfeedhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feedhtan
-ka: (magac, lab, keli) feedh lagu tartamo ama lagu dagaallamo. Feedhtankii baa saaxiibkay laga badiyey. Dh: feedhfeedh, feertan.
feedhtan: (fal) ciyaarta feedhka ciyaar; feedh la dhac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feerfeeran
(tilmaame) wax midiba meel taagan yahay oo kala durdurugsan. Ilko feerfeeran ayuu leeyahay. Dh: feedhfeedhan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadhfeedh
-a: (magac, dhedig, keli) walax yar oo caag ama wax kale ka samaysan oo loo adeegsado feedhista timaha; aalad timaha lagu feedho. Dh: saqaf, shanlo, garfeer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedhajeedho
-da: (magac, dhedig, kali) geed gubanka ka baxa oo dhikrida la bah ah. Dh: jeedajeedo. Wa: jeedhojedhooyin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeedhayeedhe
-ha: (magac, lab, keli) eeg yeedhe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feedhad
-ka: (magac, lab, keli) shanlaysadka iyo fidhashada timaha la hagaajiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feedhid
-da: (magac, dhedig, keli) caw iyo wixii la mid ah jeexeexid. Dh: feerfeerid, feedhis.
feedhid-da: (magac, dhedig, keli) timaha fidhid ama shanlayn. Dh: feerid, feedhis.
feedhid -da: (magac, dhedig, keli) faraha oo duuban cid ku dhufasho, feedh la dhicid. Dh: feerid, feedhis. Wa: feedhfeedhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weedhee
(fal) eeg weedhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeedhee
(fal) xeedho casuumad ah cid u samee. Qaraddaa imanayee u xeedhee. Dh: xeedhay, daraaree, casuun.
xeedhee: (fal) xeedho diiqa ah oo aroos loo diiqayo samee. Inantu intaanay afartan bixin u xeedhee. Dh: diiq, xeedhay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badheedh
m. n., [abstract] (adj.): intention; frankness; purposely, on purpose
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badheedh
(fal) «u ~» ku talogal iyo ulakac wax u fal; si cad oo aan qarsoonayn wax u samee. Dh: bareer, ulakac, kas.
badheedh: magac loo baxsho wiil la filayo in uu noqdo mid dhiirran oo calool adag.
badheedh -ka: (magac, lab, keli) wixii si gabbasho la'aan ah loo sameeyo; wixii si aan qarsoonayn loo sameeyo. Dh: bareer, kas, ulakac. Li: gef, kama'.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badheedh
a: bareer {N}
de: intention; frankness; [atr.] purposely, on purpose
lx: badheedh
pd: (-ka)
ps: n0-m-abs
key: badheedh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deedifee
f.g2 (-feeyay, -feysay) Qof markhaantigiisa ama guddoonkiisa durid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deedifee
f.g2 (-feeyay, -feysay) Qof markhaantigiisa ama guddoonkiisa durid. m.f.dh, deedifayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deedifee
v. insult
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deedifee
de: insult
lx: deedifee
pd: (deedifeeyey)
ps: v2b=
key: deedifee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhfadh
(fal) meel dhulka ah, qod oo haddana qod.
fadhfadh: fadhfadh! (ereycodeed) lagu tusmeeyo shangadha uu bixiyo dherigu kolka wax lagu karinayo gaar ahaan shuurada iyo wixii la mid ah. Dh: kadhkadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feerfeer
(Feerfeer-ka)
Kala durdurug; kala fogfogaan; jeexjeex.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Feerfeer
pr. n., loc. Ferfer [town in west Somalia.]
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feerfeer
v. separate out, comb, rake
feerfeer vl. n. combing, raking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feerfeer
(fal) kala durdurki; kala fogfogay; jeexjeex.
feerfeer -ka: (magac, lab, keli) kala durdurug; jeexjeex; kala fogfogaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidhfidh
-ka: (magac, lab, keli) buurbuur yaryar o subag ah oo caanaha la lulaayo yeeshaan.
fidhfidh -ka: (magac, lab, keli) farac tiro badnaa o dabar go'ay wixii ka soo hadhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedhadh
-ka: (magac, lab, kali) dildilaaca ku dhaca barkadaha iyo dhiskaba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedjeed
-ka: (magac, lab, keli) jaad geeddhexaadka ka mid ah oo midho macaan oo la cuno leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madheedh
-ka: (magac, lab, keli) geed midho cascas oo macmacaan oo la muudmuudsado leh. Midhaha jannadiyo, madheedh u ekeey, macaaneey, ayaa ku muudsada. Dh: mareer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feydfeydo
(fal) marada saray u qaadqaado oo xaydxaydo. Dh: xaydxaydo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-GEED
(Ghed-ghed) N Indigofera amorphoides Jaub. & Spach. Papilionaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faadhfaadh
(fal) baadhbaadh is daba joog ah; dhulka god gaaban ka qodqodid. Aad u faadhfaadh meesha intaanad ka tagin. Dh: faarfaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foodhfoodh
-ka: (magac, lab, keli) kibir ka badbadin ah.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-HAREED
(Ged-hared) N Barleria argentea Balf.F. Acanthaceae.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Feeding, feed
dheef