fedadi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fedadi
(fal) sas iyo argagax lala cararo ku rid. Fedadi tuugta oo eryo. Dh: argagixi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fedad
-da: (magac, dhedig, keli) sas, argaggax iyo carar leh. Dh: sas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fededi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof in uu cabsi awgeed wax uga cararo gayeysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fededi
(fal) cid kale, sas iyo argagax lala cararo ku rid; ka nixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fededid
m.f.dh eeg feded.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fededin
(Fededin-ta)
Sas iyo argaggax lala cararo qof ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fededin
m.f.dh eeg fededi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fededin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, sas iyo argagax lala cararo ku ridid oo ka argagixin. Dh: fededis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fededis
-ka: (magac, lab, keli) eeg fededin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fudaydi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: fududee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fudaydi
(fal) hawl iyo wax la mid ah, ku gacan dhakhso qabashadeeda.
fudaydi: (fal) miisaanka, culayskiisa yaray oo wax ka dhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ededi
(fal) doondoonkiisa ha ka daaline dhiraandhirri. Dh: eegeeg, raadraadi, dhiraandhirri, dhirindhiri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feddo
m.dh (-ooyin, m.l) Dhul sare oo siman.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feddo
-da: (magac, dhedig, keli) buuraha oogada sare ee loo baxo. Fedda daan wareegaa sidii faraw ugaadheede.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feded
(Feded-ka)
Carar argaggax iyo sas leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feded
m.l (-ddo, m.dh) Wax cabsi awgeed uga cararid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feded
v. run away, flee in terror
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feded
-ka: (magac, lab, keli) carar argagax iyo sas leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
feded
de: run away, flee in terror
lx: feded
nt: feded (ka) [vn2a-m]
pd: (fededay)
ps: v1=
key: feded
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ferad
-ka: (magac, lab, keli) madaxanuun aad u xoog weyn. Dh: wareento, berad, ferged.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiddi
m.l (-iyo, m.dh) Ul yar, dhuuban oo lagu ciyaaro shacdurka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiddi
-da: (magac, dhedig, keli) ul loo adeegsado ciyaar ay caruurtu dheelaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geddi
(Geddi-ga)
(webi, kd.) dhinac, daan, gow, gebi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geddi
geddi¹: m.l (-iyo, m.dh) 1. Webi, tog, iyo wixi lamida labadooda dhinac mid ka mid ah; daan; gebi.
geddi²: f.g1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) 1. Wax afrogid. 2. Is g.: wax laysku ogaa wax ka baddalan muujin. la-mid: gaddi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geddi
geddi¹: m.l (-iyo, m.dh) 1. Webi, tog, iyo wixi lamida labadooda dhinac mid ka mid ah; daan; gebi.
geddi²: f.g1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) 1. Wax afrogid. 2. Is g.: wax laysku ogaa wax ka baddalan muujin. m.f.dh, geddin. m.f.dh, geddiyid. la-mid: gaddi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geddi
v.; v. turn over, overturn, turn upside-down, reverse; spill; transform, alter
geddi m. n. river bank; dry river bed; side
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geddi
-yey I say: (v) tip over, upturn (ap teern); overturn (overteern); upset (ap-set), topple (tap-pel) ~ gembi, ganbi, gaddi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geddi
(fal) weel iyo wixii la mid ah, rog oo dhanka kale u gembi. Dh: gembi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
addadi
v. wipe oneself off, dry oneself off
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
addadi
de: wipe oneself off, dry oneself off
lx: addadi
pd: (addadiyey)
ps: v2a=
key: addadi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cadadi
(Cadadi-da, Cadadi-ga)
Lacagta inteeda aan xaashida ahayn; cadadka dhagaxa ah (1/, 50%, 10%, 5%); jajab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadadi
m.l/dh (-iyo, m.dh) Lacagta inteeda birta ah; qaddaaddiic; sanuud.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cadadi
f. n./m: coins, loose ~ small change
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadadi
-da: (magacwadareed) lacagta inteeda aan xaashida ahayn. Dh: qadaadiic; sulaaddi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cadadi
de: coins, loose ~ small change
lx: cadadi
pd: (-da ~ -ga)
ps: n2-f/m
key: cadadi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feydad
(Feydad-ka)
Feydasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feydad
m.l la-mid: feydasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feydad
vl. n. act of stripping, undressing ~ uncovering oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feydad
-ka: (magac, lab, keli) xaydashada wax qarsoonaa la muujiyo. Dh: feydasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
feydad
a: feydasho (/da) [vn6-f]
de: act of stripping, undressing ~ uncovering oneself
lx: feydad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: feydad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eedaadid
(Eedaadid-da)
1. Silic iyo saxariir mudasho.
2. Xanuun la taahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedaadid
m.f.dh eeg eedaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedaadid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad hore u fashay u dhibtood; cidhibta waxaad fashay eedid. Dh: eedis.
eedaadid -da: (magac, dhedig, keli) silic iyo saxariir mudasho. Dh: silcid, saxariirid, rafaadid. Li: rayn, badhaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadfadid
m.f.dh eeg fadfad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feedagid
-da: (magac, dhedig, keli) feedag samayn; badar buushibixin. Dh: buushibixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feraadin
-ta: (magac, dhedig, keli) qofka lafaba kaba. Feraadin ugu yeedha wiilka lugba jabane. Dh: farsamayaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fudaydin
m.dh la-mid: fududayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fudaydin
-ta: (magac, dhedig, keli) culays yarayn; miisaan ka dhimid. Dh: fudaydis.
fudaydin -ta: (magac, dhedig, keli) ku gacandhakhsashada hawl la qabanayo. Dh: fududays.
fudaydin-ta: (magac, dhedig, keli) itixaan iyo wax la mid ah, wax aan adkayn ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fudaydis
-ka: (magac, lab, keli) eeg fudaydin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fudaydsi
m.l la-mid: fududaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fudaydsi
-ga: (magac, lab, keli) dhayalsiga waajib iyo xil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gedaadid
(Gedaadid-da)
Carasho; dhirfid; dharsid; wax diidid; geyrasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedaadid
m.dh la-mid: gadoodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badbadi
f.mg2 (-iyay, -isay) Ka b.: wax, xadkooda dhaafin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badbadi
f.mg2 (-iyay, -isay) Ka b.: wax, xadkooda dhaafin. m.f.dh, badbadin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badbadi
-yey say: (v) [with preposition ka] exaggerate (ig zaa jireeyt); overstate ~ ka badbadi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbadi
(fal) wax biirbiiri oo ino badbadan ka dhig. Dh: korkordhi. Li: yaryaree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baydadi
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley baydad ku ridid. la-mid: beygagi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baydadi
v. make someone flee with fear; help someone escape
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydadi
(fal) cabsi geli; didmo iyo dhiillo ku beer oo sasi.
baydadi: (fal) eryo oo wax baydadaya ka dhig. Neefka baydadi ha baxsadee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baydadi
de: make s.o. flee with fear; help s.o. escape
lx: baydadi
pd: (baydadiyey)
ps: v2a=
key: baydadi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beydari
-ga: (magac, lab, keli) nin ku toog fiican qaansada; qof hargaanti ah oo aad ugu xeeldheer ugaadhsiga iyo farsamooyinkiisa. Eebboow birtaan rabin sidii, beydaroo kale e'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof ciriiri gelin, dhibid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadaadi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof ciriiri gelin, dhibid. m.f.dh, cadaadin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cadaadi
v. harass, intimidate, oppress; pressure, squeeze; hurt, punish, torture
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cadaadi
yey say: (v) 1. press (prees); compress (kom-prees); apply pressure on, 2. urge or force to action; impel (im-peel) 3. oppress (o-prees); repress (ri-prees) 4. harass (haaras)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaadi
(fal) hoos u riix; cadaaji.
cadaadi: (fal) cid kale, dhib gaadhsii; kadeed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cadaadi
de: harass, intimidate, oppress; pressure, squeeze; hurt, punish, torture
lx: cadaadi
pd: (cadaadiyey)
ps: v2a=
key: cadaadi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dedajin
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl, degdeg u qabasho; la dhaqsago oo horay horay u dhammayn. Dh: dedejin, dadajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eedaysi
(Eedaysi-ga)
Eed isu qabsi; garramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedaysi
m.l la-mid: eedaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eedaysi
m. n. accusation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedaysi
-ga: (magac, lab, keli) cid kale, denbi ku eedayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eedaysi
de: accusation
lx: eedaysi
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: eedaysi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fadhdhi
v. continue to sit; stay put
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fadhdhi
a: fadhi {N}
de: continue to sit; stay put
lx: fadhdhi
pd: (fadhdhiyey / fadhdhidey)
ps: v1=
key: fadhdhi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feedhad
-ka: (magac, lab, keli) shanlaysadka iyo fidhashada timaha la hagaajiyo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fidarsi
v.rifl. aaminid, ku kalsoonaasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidfidi
(fal) wax fidi oo haddana fidi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidsani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fidsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foodari
-ga: (magac, lab, keli) joodari iyo joodari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furaadi
(fal) xal u hel. Adaa falaye furaadi. Dh: maaree, maaroodi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gedfani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg gedfanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
handadi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid sasin. la-mid: hanfadi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
handadi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid sasin. m.f.dh, handadin. la-mid: hanfadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
handadi
(fal) u cagajuglee; u hanjab; handed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hedlade
-ha: (magac, lab, keli) qofka kartida badan ee naftiisa daryeela dadkana wax u tara. Li: hurde.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedali
(fal) la dhac jeedalka oo ulee. Dh: ulee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nadaadi
(tilmaame) awr tabaadi ah. Haddii aan nadaadiga la raran naruuradaan geysto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Negaadi
(Negaadi-ga)
Degganaan; guurid la'aan; geeddi ka baaqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
negaadi
negaadi¹: m.l 1. Dhaqdhaqaaq la'aan. 2. Socdaal laga baaqdo. la-mid: nagaadi¹.
negaadi²: f.g2 (-iyay, -isay) Geeddi ka baajin; dejin. la-mid: nagaadi².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
negaadi
f.g2 (-iyay, -isay) Geeddi ka baajin; dejin. m.f.dh, negaadin. la-mid: nagaadi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
negaadi
m. n. permanence, stability; permanent settlement
negaadi: v. make stable ~ permanent
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
negaadi
(fal) ooli oo socod ama safar loo bixi lahaa cid ka baaji. Dhulku waa cabsiye reerka negaadi. Dh: ooli.
negaadi-ga: (magac, lab, keli) oolid oo socod ama safar loo bixi lahaa ka baaqasho. Negaadi ayaan ku heshiinnay maanta. Li: geeddi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sédatif
sédatif, adj. et n. - laxawga yareeya; xanuunka dhima
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
temadin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg temmedin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
temmadi
f.mg2 (-iyay, -isay) Ku t.: meel u socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedqaadid
m.dh Xumaan la falay eeddeeda qaadid. la-mid: eedqaad (2), eedqaadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) eedxambaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedqaadis
m.dh la-mid: eedqaadid.