fayow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fayow
Caafimaad qaba; aan bukin; ladan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fayow
f.mg4 (-oobaa, -oobayd) Wax caafimaad qaba ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fayow
f.mg4 (-oobaa, -oobayd) Wax caafimaad qaba ahaansho. m.f.dh, fayoobaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fayow
[adjective] healthy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fayow
-fayoobaa: (adj) healthy (helthi) ~ roonaan, fiicnaan.—Syn: sound, wholesome, well
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayow
(tilmaame) aan cudur qabine caafimaad ah; aan bukin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fayow
de: healthy
lx: fayow
pd: (fayobaa)
ps: adj
key: fayow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fayo
(Faya-da)
Cudur la'aan; caafimaad; fayoobi; ladnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fayo
m.dh Caafimad, jiro la'aan, bedqabid. la-mid: fayad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fayo
m.dh Caafimad, jiro la'aan, bedqabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fayo
f. n., [abstract] good health
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayo
-da: (magac, dhedig, keli) fayoobi badnaan; caafimaad qab; cudur la'aan; faylanaan.
fayo -da: (magac, dhedig, keli) nakhas marmar isku taaga feedhaha oo xanuun la dareemo leh. Fayoy feedhaha i sii daa. Dh: fajo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fayo
de: good health
lx: fayo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: fayo
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Aayow
name-m future, destiny; benefit from
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayow
(Dayow-ga)
Wareer wax lala kala garan waayo oo qofku aqoon waayo meesha uu joogo iyo goorta ay tahay iyo afartii docood meel ay kala jiraan; jahawareer; asqo; dhama'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayow
dayow¹: m.l 1. Wareer lala kala garan waayo waqtiga iyo meesha la joogo. 2. la-mid: dayoobid.
dayow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wareer awgiis, waqti iyo jaho garan waayid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dayow
dayow¹: m.l Wareer lala kala garan waayo waqtiga iyo meesha la joogo.
dayow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wareer awgiis, waqti iyo jaho garan waayid. m.f.dh, dayoobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dayow
m. n. bewilderment, puzzlement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dayow
-ga: (n) disorientation (dis-oriyanteey-shin); bewilderedness (biwil-dheridh-nes) ~ jahaw- reersanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayow
-ga: (magac, lab, keli) jahawareer ku dhaca ruuxa oo uu garan waayo dhan uu socdo. Dh: salal, dhama'.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dayow
de: bewilderment, puzzlement
lx: dayow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: dayow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falow
(Falow-ga)
Falan (-keed, kd.).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
falow
m. n. state of being bewitched; hoeing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falow
-ga: (magac, lab, keli) qofka ku shaqaysta sixirka. Falow lama aammino lamana raaco. Dh: sixirlow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
falow
de: state of being bewitched; hoeing
lx: falow
pd: (-ga)
ps: n-m
key: falow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farow
(Farow-ga)
1. Gammaanka jaad kamid ah oo Afrika keliya laga helo; wuxuu lee yahay oogo cad oo daliigo madmadow oo dheerdheeri ku wada dhilan yihiin.
2. Xoolaha aad u naaxa oo dhinacyada laallaab iyo daliigo ku yeesha.
3. Xararka rarada, kd., lagu dhigo jaad kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farow
m.l (-wyo, m.dh) 1. Gammaan dibadeed, leh midab isugu jira diillimo caddaan iyo madow ah oo laga helo Afrika kaliya. 2. Xoolaha aadka u cayila. 3. Xararka rarada lagu dhigo jaad ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farow
m.l (-wyo, m.dh) 1. Gammaan dibadeed, leh midab isugu jira diillimo caddaan iyo madow ah oo laga helo Afrika kaliya. 2. Xoolaha aadka u cayila. 3. Xararka rarada lagu dhigo jaad ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farow
m. n. zebra
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farow
-ga: (n) untrained, untamed or undomesticated animal, especially untrained camel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farow
-ga: (magac, lab, keli) hilib xooluhu kolka ay naaxaan kaga samaysma dhinacyada oo laallaab iyo daldaloolo yeesha. Farowgiyo amaanka ha ka cuno fadaqii buureede.
farow-ga: (magac, lab, keli) gammaanka jaad ka mid ah oo laga helo Afrika keliya; wuxuu leeyahay oogo cad oo daliigo madmadow oo dhaadhdheeri ku wada dhilan yihiin.
farow -ga: (magac, lab, keli) gogosha, rarada, harrarka iyo wixii la mid ah, oo lagu midabeeyo xadhadh iyo liidliid.
farow -ga: (magac, lab, keli) geed xooluhu cunaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farow
bw: Arabic
de: zebra
lx: farow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
syn: dameer farow
key: farow
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qayow
v. stop (raining), let up
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qayow
de: stop (raining), let up
lx: qayow
nt: qayood (ka) [vn-m]
pd: (qayooday)
ps: v3a=intr
key: qayow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dubaax
(Dubaax-da)
Neef fayow oo kolkaa la qalay hilibki; hilib cusub oo weli dubaaxina haya; aan tammooti ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ladan
Ladnaan qaba; aan bukin; fayow; fiican; roon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weelduwid
(Weelduwid-da)
Dadka cudurrada xunxun oo lays qaadsiiyo qaba, sida qaaxada, inta dadka fayow laga dhexsaaro, weel u gaar ah oo keligood wax ku cunaan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xorshosh
(Xorshosh-ka)
Qori ama wax kale oo korka sare ka fayow, gudahase ka mootan oo bolol ka ah, oo kolkii la taabto burburaya, tilmaantood, (ama xorshosho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fayoobaan
m.f.dh eeg fayow. la-mid: fayaabi, fayoobaansho, fayoobi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ladnaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) 1. Wax fayow ka dhigid. 2. Wax barwaaqaysan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xorshosh
m.l Qori ama wax kale oo korka sare ka fayow, gudahase ka mootan oo bolol ka ah, oo kolkii la taabto burburaya, tilmaantood. la-mid: xorshosho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sane
/seyn/ (adj) 1. maskax-fayow (miyir qaba) 2. macquul ah.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Objective both senses
Ujeeddo, abballin, il-fayow ku eegidda
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sano
agg. - fayow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saalloon
(tilmaame) mid hagaasan oo qumman ama miyir qaba. Xilliyada wax saareenka iyo saacadaha reeban, sabada iyo rugtay joogtay, gabadh timid ma saalloona. Dh: fayow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliim
-ka: (magac, lab, keli) dhagax dhagxanta dubnadda ka mid ah oo dhinac saddex god ku leh dhagaxa saddexda dhibcood leh ee dubnadda.
saliim: (tilmaame) qof ama shey wax ceeb ah aan lahayn, wax iin ah an lahayn. Dh: fayow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saraayayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale colaadin iyo ibtilayn.
saraayayn-ta: (magac, dhedig, keli) wax fayow cudur iyo wixii la mid ah qaadsiin. Dh: sadhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuqad
-da: (magac, dhedig, keli) kolmo yaryar oo cunaha hoose ku yaal. Xugadaha fayow lama gooyo. Dh: quman.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hygiénique
hygiénique, adj. - nadiif ah; ka dhowrsan wasakh iyo wixii kale ee jiro keenaya; fayow.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sain
sain, adj. - maskax fayow; aan waalayn; dareen; (dareemayaal sida indhaha, dhegta iwm); dhan; caafimaad
sain d'esprit - maskax fayow
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
salubre
salubre, adj. - nadiif ah; ka dhowrsan wasakh iyo wixii kale ee jiro keenaya; fayow; caafimaad-qab
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sanitaire
sanitaire, adj. - nadiif ah; fayow
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sensé
sensé, adj. - maskax fayow; aan walayn; cagliga gali kara
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ufaayow
m.l.kh Cudur raagay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ufaayow
-ga: (magac, lab, keli) joogtoobidda xanuun iyo wax la mid ah.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caymow
name-m takes refuge, be secure, be save; remainder; safety, security
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayrow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Qof cayr ah noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cayrow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Qof cayr ah noqosho. m.f.dh, cayroobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayrow
(fal) cayr noqo; xoolo beel. Dh: caydhow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dadyow
m. n., [collective] people; the people
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dadyow
de: people; the people
lx: dadyow
pd: (-ga)
ps: n0-m-col
key: dadyow
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daymow
v. look at, observe, watch
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daymow
de: look at, observe, watch
lx: daymow
pd: (daymooday)
ps: v3a=tr
key: daymow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dayoow
-dayoobay / dayowday: (v) 1. be bewildered (bi-wil-dheridh); experience disorientation; feel disoriented (dis-oori-yentidh); 2. be dizzy (diisi); feel dizzy ~ dayaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarow
f.mg1 (-roobay, -rowday; -roobi) Caano, dawo iyo wixi lamida faar yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarow
(fal) faar noqo; faar yeelo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fallow
Gafo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fallow
/faalow/ (adj) dhul aan la-beerin, oo sidiisa dabiiciga ah lugu dhawro.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gabyow
nickname-m poet; verse reciter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabyow
magac loo baxsho wiil hadal badan oo loo jeedo inuu noqdo gabyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
odayow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Da' weyn gaarid; waayeeloobid. 2. Waayoaragnimo yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
odayow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Da' weyn gaarid; waayeeloobid. 2. waayoaragnimo yeelasho. m.f.dh, odayoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
odayow
(fal) dugow oo wax gaboobay ahaw.
odayow: (fal) nin garaad iyo talo wanaagsan leh noqo. Dhallinyarada ka bax oo haddeed odayow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabyow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax qabyo ah noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabyow
(fal) qabyo noqo, mid aan dhamays ahayn noqo. Mashruucaygoow qabyow inta fursad lagu helayo.
qabyow -ga: (magac, lab, keli) eeg qabyoobid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qaylow
nickname; name-m yell, yeller, shouter; clamor, noise. Lit: one named after his yelling noise at birth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Qaylow
-ga: (magac, lab, keli) eeg Qaylo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Xaayow
name: Hayow
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xaayow
name-m whittishr; white flower. Cf: Xay, tish
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xaayow
magac loo baxsho wiil cad oo dhalaalaya leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Xaayow
de: Hayow
initial: x
lx: Xaayow
ps: name-m
key: Xaayow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayrow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Xayr jeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xayrow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Xayr jeelasho. m.f.dh, xayroobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xayrow
inch. v. become fat, fatten
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayrow
(fal) xaydh noqo; xaydh yeelo. Hilib yahaw xayrow. Dh: xaydhaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xayrow
de: become fat, fatten
initial: x
lx: xayrow
pd: (xayroobay)
ps: v1=inch
key: xayrow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ayo
Kuma? Kee? Tuma? Tee?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayo
e.we 1. Kuma?, kee?, tuma?, tee? 2. Waa a.?: waa kuma?, yaa waaye?
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ayo
e.we 1. Kuma?, kee?, tuma?, tee? 2. Waa a.?: waa kuma?, yaa waaye?
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ayo
question word: who?
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ayo
who (huu) ~ kee; see [eeg] waayo?
ayo: (suffix)-. [ negative with ma or maan] used to form negative present continuous tense of some verbs with pronoun he or L. Ex: waxba maan arkayo; I am seeing nothing. Waxba maan sheegayo; I am saying nothing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayo
erey weydiin ah oo lagu raadinayo cidda la sheegayo ama wax samaysay. Dh: waa kuma? waa kee? waa tuma? waa tee?
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
FAO
Laanta beeraha iyo cuntada
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faw
faw! (ereycodeed) lagu cabbiro wax dareere ama hawo ah oo meel si xawli ah uga soo furmay. Dh: xaw, gaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fay
(Fay-ga)
(wax) Af; caarad; dacal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fay
fay¹: m.l (-yo, m.dh) 1. Kabihii waayadii hore haweenku qaadan jireen afkooda hore oo godan caaraddiisa. 2. Caarad; gees.
fay²: f.mg1 (-aaday, -ayday) Xaalad caafimaadqab ku sugnaansho; ladnaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fay
f.mg1 (-aaday, -ayday) Xaalad caafimaadqab ku sugnaansho; ladnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fay
m. n., loc. edge, side; part
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fay
(v) cured (kiyuuridh)-, healed (hiilidh)-, recovered (ri-kaveridh). Ex: Cali fay buu noqday; Ali healed [recovered] successfully
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fay
(ereycodeed) lagu tilmaansado orod fudud oo dheer ama halmar xoog u boodid. Dh: gay.
fay-ga: (magac, lab, keli) kabihii waayadii hore haweenku qaadan jireen afkooda hore oo godan caaraddiisa.
fay-ga: (magac, lab, keli) wax ama meel, afkeeda meel hareerteed oo dhinac ah. Dh: baal, cidhif. Li: badhtan.