faylfayl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faylfayl
(fal) alaab, iyo wixii la mid ah; kala daadaadi oo inba meel ku tuur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faylfaylan
(tilmaame) wax kala daadaadsan; kala quban; aan si habboon ahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faylfaylid
-da: (magac, dhedig, keli) alaab, iyo wixii la mid ah, kala daadaadin oo inba meel ku tuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falfal
(Falfal-ka)
1. Hilib garowkaris ah.
2. Fal; Sixir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falfal
falfal¹: m.l 1. Hilib cad, ama cadad waaweyn oo biyo lagu kariyey. 2. Jid laangooyo lagu sameeyey. 3. Sixir.
falfal²: m.dh.sh.r Dhaqdhaqaaqa hore karkaraya.
falfal³: f.g1 (-alay, -ashay) 1. (f.g) Cid sixir ku samayn. 2. (f.mg) Hoore wax karkaray noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
falfal
m.l 1. Hilib cad, ama cadad waaweyn oo biyo lagu kariyey. 2. Jid laangooyo lagu sameeyey. 3. Sixir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
falfal
m. n., [collective] boiled meat
falfal m. n., [abstract] black magic, sorcery, voodoo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falfal
-ka: (magac, lab, keli) hilib biyo keliya lagu karshey.
falfal -ka: (magac, lab, keli) hilib daray ah oo isla markii la qalay la karsho, hilib karis ah oo cad cusub ah. Dh: karis, falfali.
falfal -ka: (magac, lab, keli) fal iyo sixir.
falfal -ka: (magac, lab, keli) saansaanka abuureed ee qof leeyahay. Dh: dabci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haylhayl
(fal) jeexjeex oo haylo laalaada u yeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faalal
(Faalal-ka)
1. (geedo, kd.) iyadoo aan kor loo dheeraan ee dhulka korkiisa ama wax kale korkood, lagu ballaarto sida qaraha.
2. Agagaar; arar.
3. Manjabbaxsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faalal
faalal¹: m.l (-llo, m.dh) 1. Agagaar, hareer. 2. Socod aan meel lagu tegin. 3. la-mid: faalalid.
faalal²: f.mg1 (-alay, -ashay) 1. Dhul ku kor faafid. 2. Lugabaxsi meel aan fogeyn ku tegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faalal
f.mg1 (-alay, -ashay) 1. Dhul ku kor faafid. 2. Lugabaxsi meel aan fogeyn ku tegid. m.f.dh, faalalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faalal
m. n. creeping plant, creeper, rambler; surrounding area; a stroll, ramble
faalal v. grow sideways, ramble (of a plant)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faalal
-ay / faalashay: (v) scatter (iskaater); drift apart; branch out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faalal
(fal) dhulka dushiisa ku baah oo ku ballaadho, dhulka ama meel ballaadhan ku fid.
faalal: (tilmaame) meel ballaadhan oo gudo weyn oo waxa kolkaa loo doonayo qaadi karta. Gurigu waa faalal. Dh: agagaar, arar.
faalal -ka: (magac, lab, keli) geedaha iyo wixii la mid ah, iyaga oo aan kor u dheeraane dhulka korkiisa ama wax kale korkood, ku ballaadha, sida qaraha iyo cinabka.
faalal -ka: (magac, lab, keli) manjabaxsiga iyo tamashlaynta meel aan reeraha ka fogayn. faalali: (fal) ballaadhi oo fidi. Innoo faalali fadhiga. Dh: ballaadhi, waasici. Li: cidhiidhi, kiil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faclay
(fal) orod facle ah orod. Dh: boodbood, orod, ciyaar, rabbaas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fahlay
(fal) si xarrago leh u soco; foohaartan kolka aad socoto ama isqaadqaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
falgal
m. n., [compound] reaction {chemistry}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
falgal
-ay: (v) [Chemistry], chemical reaction
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falgal
-ka: (magac, lab, keli) labo curiye kolka si kiimika ah ay isugu biiraan. Ogsajiinta iyo haydarajiinta, falgal toos ah ayaa ka dhaxeeya. Dh: isdhexgal, islaqabsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
falgal
de: reaction {chemistry}
lx: falgal
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: falgal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faylam
m.l (-yo, m.dh) (baayoloji) Heer loo isticmaalo kala soocidda noolaha kaas oo ka kooban hal ama in ka badan oo isku dhow oo dir. Faylamka waxa ka mid ah borotosoowa, borifera, nimatoodha, artaroboodho, moolaska iyo koordhaata.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faylam
m.l (-yo, m.dh) (baay.) Heer loo isticmaalo kala soocidda noolaha kaas oo ka kooban hal ama in ka badan oo isku dhow oo dir. Faylamka waxa ka mid ah borotosoowa, borifera, nimatoodha, artaroboodho, moolaska iyo koordhaata.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faylan
(tilmaame) caafimaad qaba oo wanaagsan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Faysal
name-m arbitrator, decisive; criterion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalayl
-ka: (magac, lab, keli) qoyaan la'aan. Dh: engeg, qallal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rayfal
m.l (-llo, m.dh) Buntukh dheer oo qaada 11 (kow iyo toban) xabbadood oo markiiba ay ka dhacdo hal rasaas.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rayfal
-ka: (n) rifle (raayfat); shotgun (shaat-gan) ~ qori, buntukh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rayfal
-ka: (magac, lab, keli) qori xabbad keliyaadle ah oo khasnaddiisu qaaddo 11 xabbadood. Rayfal baad wadataaye haddaanad ridaynin iska raar.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
waylay
/wey-ley/ (v) joojin (istaajin, celin).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faallay
(fal) arrin ama xaajo iyo wixii la mid ah falanqay oo faaqid; arrin wax ka sheeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faclayn
(Faclayn-ta)
(xoolaha yaryar) orod facle ah, ordid; durdurin; boodboodid; cayaarid, rabbaasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faclayn
m.f.dh eeg faclee. la-mid: facle (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) orod facle ah oo ay xoolaha yaryari ordaan, samayn. Dh: durdurin, boodboodid, ordid, ciyaarid, rabbaasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faclays
-ka: (magac, lab, keli) eeg faclayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faglayn
m.dh la-mid: fadallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fahlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si fahle ah u socosho. Dh: fahlays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fahlays
-ka: (magac, lab, keli) eeg fahlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayllan
(tilmaame) mid caafimaad qaba; mid ladan oo wanaagsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qallayl
(Qallayl-ka)
Qoyaan la'aan; engeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qallayl
m.l 1. Qoyaan iyo jileec la'aan. 2. la-mid: allalnaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qallayl
m.l 1. Qoyaan iyo jileec la'aan. 2. la-mid: qallalnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qallayl
m. n., [abstract] dryness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qallayl
-ka: (n) dryness (dharaay-nes); aridity (eeridhiti); aridness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallayl
-ka: (magac, lab, keli) eeg qallal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qallayl
de: dryness
lx: qallayl
pd: (-ka)
ps: n0-m-abs
key: qallayl
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qallayl
جفاف
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faallayn
(Faallayn-ta)
Arrin faallo ka bixin; wax ka sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faallayn
m.f.dh eeg faallee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) falanqayn iyo faaqidaad dhinac walba leh; arrin faallo ka bixin iyo wax ka sheegid. Dh: faaqidaad, falanqayn, gorfayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faallays
-ka: (magac, lab, keli) eeg faallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haylhaylan
(tilmaame) wax la haylhaylay ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baylahayn
m.dh la-mid: baylihin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baylahayn
(tilmaame) wax dayacan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadallayn
m.f.dh eeg fadallee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xoog u ordid oo fadallo kicin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faylagoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) boqnagoyn oo si daran u dhaawicid.
faylagoyn-ta: (magac, dhedig, keli) labada faylood jarid. Dh: faylajarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faylitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg faylid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayalwayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolaha intal hayinka ah ee gaanka horkacda. Mayalwaynta iyo aarankiyo goolka murugaystay. Dh: horwayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sayladayn
-ta: (magac, dhedig, keli) suuq geyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faylosofiya
f. n., [abstract] philosophy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faylosofiya
de: philosophy {It}
lx: faylosofiya
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: faylosofiya