fayiigsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fayiigsad
m.l la-mid: fayiigsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayiigsad
-ka: (magac, lab, keli) aragga tabarta yar ee waayeelka; himbiriirsad uu qofka araggu ku adag yahay. Garaaddadan fayiigsaday, markaan rabay in aan fiigo. Dh: fiyiigsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fariisad
(Fariisad-ka)
Fariisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fariisad
m.l la-mid: fariisasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fariisad
vl. n. act of sitting (down)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fariisad
-ka: (magac, lab, keli) dhulka, iyo wixii la mid ah. korkiisa salka dhigid ama saarid; salka dhulka saarid. Dh: fadhiisad, fadhiisasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fariisad
a: fariisasho (/da) [vn6-f]
de: act of sitting (down)
lx: fariisad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: fariisad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fayiigid
m.f.dh eeg fayiig².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayiigid
-da: (magac, dhedig, keli) indho iyo wixii la mid ah, daciifid oo naaqusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fayiigsi
(Fayiigsi-ga)
Aragga tabarta yar oo odayaasha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fayiigsi
m.l la-mid: fayiigsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fayiigsi
m. n. poor vision
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayiigsi
-ga: (magac, lab, keli) himbiriirsi oo si adag wax u arkid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fayiigsi
de: poor vision
lx: fayiigsi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: fayiigsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fayiigso
f.mg3 (-saday, -satay) Indho binixsi samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayiigso
(fal) himbiriirso kolka aad wax feerinayso, aragga oo gaabtay awgii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadiigsad
-ka: (magac, lab, keli) wax la yeeli lahaa, qof kale dartii ama ku xumayntii, u canaadid oo diidid. Dh: carigsasho, cadiigsasho, cadiigsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cariigsad
m.l la-mid: cariiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cariigsad
-ka: (magac, lab, keli) canaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fayiigsasho
m.f.dh eeg fayiigso. la-mid: fayiigsad, fayiigsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayiigsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fayiigsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carriigsad
-ka: (magac, lab, keli) «ku cariigsasho; cariiqsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dangiigsad
(Dangiigsad-ka)
Dangiigsasho; dangiigsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dangiigsad
m.l la-mid: dangiigsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dangiigsad
vl. n. stretching out in bed, act of lying on a mat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dangiigsad
-ka: (magac, lab, keli) dangiigsasho u fadhiisasho. Dangiigsad u seexo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dangiigsad
a: dangiigsasho (/da) [vn6-f], dangiigsi (-ga) [vn7-m]
de: stretching out in bed, act of lying on a mat
lx: dangiigsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: dangiigsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fayiig
fayiig¹: m.l Daymo aan indhaha aad loo kala qaadeyn iyadoo la fiirinayo wax fog ama iftiin xoog badan oo indhaha ka horyimaada.
fayiig²: f.mg1 (-gay, -gtay) Ku f.: wax indho ku baniixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fayiig
m.l Daymo aan indhaha aad loo kala qaadeyn iyadoo la fiirinayo wax fog ama iftiin xoog badan oo indhaha ka horyimaada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayiig
(fal) indho iyo wixii la mid ah, nusqaan oo tamardarree.
fayiig -ga: (magac, lab, keli) nusqaanta ku dhacda indhaha iyo xubnaha la midka ah iyo tamardarrayntooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiidsad
(Fiidsad-ka)
Fiidsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiidsad
m.l la-mid: fiidsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiidsad
-ka: (magac, lab, keli) inta ay ka noqonayso fiid, sugid ama u kaadsasho. Dh: caweysimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiigsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la fiijiyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiigsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la fiijiyey ahaansho. m.f.dh, fiigsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiigsan
der. [adjective] alarmed, in panic
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiigsan
-aa ayd: (adj) terrified (terafaayidh); frightened (faraaytenidh); scared (iskeeridh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiigsan
(tilmaame) neef baydadsan; wax fiigay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiigsan
de: alarmed, in panic
lx: fiigsan
pd: (fiigsanaa)
ps: adj-der
key: fiigsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiiqsad
(Fiiqsad-ka)
Fiiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqsad
m.l la-mid: fiiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqsad
-ka: (magac, lab, keli) heemis ama dhammayn; faaruqin iyo dhammaan laacid. Dh: fiiqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiirsad
(Fiirsad-ka)
Fiirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiirsad
m.l la-mid: fiirsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiirsad
-ka: (magac, lab, keli) eeg'eegista ama fikirka talo laga baaraandego. Dh: fiirsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiigsad
-ka: (magac, lab, keli) wax aad doonaysid inaad taabtid ama gaadhid, si laballaxaadsi ah u tiigsad, u dabajjoogid. Dh: hiigsasho, hiigsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiigsad
(Tiigsad-ka)
Tiigsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiigsad
m.l la-mid: tiigsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiigsad
vl. n. striving, reaching out for something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiigsad
-ka: (magac, lab, keli) marka qofku meel aanu fadhi ku gaadhi karin isu taago ama u cidhbataagsado. Ii tiigso halkasare adaa dheere.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tiigsad
a: tiigsasho (/da) [vn-f]
de: striving, reaching out for s.t.
initial: t
lx: tiigsad
pd: (-ka)
ps: vn-m
see: tiigso
key: tiigsad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariisad
-ka: (magac, lab, keli) inta qorraxdu soo dheeraanayso sugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carigsad
-ka: (magac, lab, keli) canaagista iyo ka hor jeedsiga fikir, talo ama amar la bixiyay; wax la yeeli lahaa, qof dartii ama xumayntii u diidid, ama wax aan la sameeyeen oo qof ku xumayntii loo sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casiisad
(Casiisad-da)
Kimis, si gaar ah oo farsamo iyo aalad badan u baahan, loo sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casiisad
m.dh 1. C. ah: ciso leh (haweenay). 2. Kimis, si gaar ah oo farsamo iyo aalad badan u baahan, loo sameeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casiisad
f. n. bread pudding (prepared with several spices)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casiisad
-da: (magac, dhedig, keli) daqiiq biyo lagu walaaqo oo kimis laga sameeyo. Farsamaynteeda, si gaar ah ayaa loo sameeyaa, qalab badan na waa loo adeegsadaa. Dh: sabaayad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casiisad
cf: kimisdhaal
de: bread pudding (prepared with several spices)
lx: casiisad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: casiisad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadiilad
m.dh Wax dar Ilaah lo bixiyo; sadaqo. la-mid: fadiilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadiilad
-da: (magac, dhedig, keli) sharaf iyo wanaag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falagsad
m.l la-mid: falkasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faqiirad
m.dh Naag sabool ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faqiirad
-da: (magac, dhedig, keli) haweeney aan hanti ku filan haysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fariidad
m.dh.kh F. ah: haweeney karti iyo caqli badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fariidad
f. n. good woman
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fariidad
-da: (n) good girl
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fariidad
de: good woman
lx: fariidad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: fariidad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fatiilad
m.dh la-mid: fatiil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayiigis
-ta: (magac, dhedig, keli) aragga indhaha iyo wixii la mid ah, nusqaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hariisad
-da: (magac, dhedig, keli) basbaas kulul oo cuntada lagu daro. Dh: middimiddi, basbaas, barbari.
hariisad -da: (magac, dhedig, keli) cunto qamadi ama heed ka samaysan oo si gaara loo kariyo.
hariisad -da: (magac, dhedig, keli) jaadadka xalwadda middood. Dh: hariiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaniisad
m.dh (-do, m.l) Meel dhisan oo ay masiixiyiintu wax ku caabudaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaniisad
m.dh (-do, m.l) Meel dhisan oo ay masiixiyiintu wax ku caabudaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaniisad
f. n. church, temple
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaniisad
-da: (n) church (jeerji)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaniisad
-da: (magac, dhedig, keli) dhisme dadka kiristaanku ku cibaadaystaan. Wa: kaniisado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaniisad
bw: Arabic
de: church, temple
lx: kaniisad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: kiniisad
key: kaniisad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
kaniisad
كنيسة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maxiisad
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh caruusad gacanyare u ah ayaanta ay guursanayso. Ilaan la qabaa maxiisad ma noqoto. Dh: mixiisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naqiisad
(Naqiisad-da)
Biro yaryar oo isgala oo shukaanta iyo doonnida isu haya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqiisad
m.dh (-do, m.l) Biro yaryar oo isgala oo shukaanta iyo doonida isu haya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naqiisad
f. n. part of a ship's steering apparatus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqiisad
-da: (magac, dhedig, keli) biro yaryar oo is wada gala oo shukaanta iyo doonnida isu haya. Doonta naqiisadda ayay cilladi ka gashay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naqiisad
de: part of a ship's steering apparatus
lx: naqiisad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: naqiisad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qariisad
m.dh (-do, m.l) (baayoloji) U jajabnaan dabiici ah oo loogu dhaqmo si gaar ah, taas oo aan koritaankeeda, uga baahnayn barasho waayo aragnimo gaar ah leh. Sidaa darteed waa aqoon dhalasho oo dabeeci ah. la-mid: inistinkt.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qariisad
m.dh (-do, m.l) (baay.) U jajabnaan dabiici ah oo loogu dhaqmo si gaar ah, taas oo aan koritaankeeda, uga baahnayn barasho waayo aragnimo gaar ah leh. Sidaa darteed waa aqoon dhalasho oo dabeeci ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qariisad
-da: (magac, dhedig, keli) (baaolaji.) u jajabnaan dabiici ah oo loogu dhaqmo si gaar ah, taas oo aan koritaankeedu u baahnayn barasho iyo waayo-aragnimo gaar ah. Sidaa darted waa aqoon dhalasho oo dabeeci ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayiigid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u kala jiidid. Dh: ballaadhin, waaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ąamiinsad
m.l la-mid: ąamiinsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabiidsad
(Cabiidsad-ka)
Bidde ka dhigad; addoonsad; beelaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabiidsad
m.l la-mid: cabiidsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabiidsad
vl. n. enslavement
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabiidsad
-ka: (magac, lab, keli) addoonsad; bidde ka dhigid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabiidsad
de: enslavement
lx: cabiidsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: cabiidsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cariiqsad
(Cariiqsad-ka)
Cariiqsi, cariiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cariiqsad
m.l la-mid: cariiqsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cariiqsad
vl. n. provocation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cariiqsad
-ka: (magac, lab, keli) amardiiddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cariiqsad
a: cariiqsasho (/da) [vn6-f]
de: provocation
lx: cariiqsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: cariiqsad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
factirsad
-ka: (magac, lab, keli) qof kale oo kula gedo ah, inta gu' ee aad jirteen isku tirsi. Dh: gu'tirsi.

fadhiisad
m.l la-mid: fariisasho.