fataalid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fataalid
(Fataalid-da)
Fataalnimo samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fataalid
m.f.dh eeg fataal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fataalid
-da: (magac, dhedig, keli) rag iyo dumar isu geyn. Dh: fataalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fataalad
m.dh (-do, m.l) Haweeney aan hantida tashiilin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fataalad
f. n. irresponsible woman, wastrel; procurer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fataalad
-da: (magac, dhedig, keli) naagta ragga iyo naagaha u kala qarraafta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fataalad
de: irresponsible woman, wastrel; procurer
lx: fataalad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: fataalad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fataaxid
m.dh la-mid: fitaaxid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
procure
/prowkyuur/ (v) 1. helid (kasbasho; wax dadaal lugu helo) 2. u fataalid (u ruuf-yaamid; ama naag u keenid).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sperperare
v.tr. - fataalid, loofarid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sprecare
v.tr. - ku fataalid, ku loofaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawaadid
-da: (magac, dhedig, keli) ninka ragga iyo dumarka isu gayntooda ka dhex shaqaysta noqosho. Dh: fataalid, rufyaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarraafid
-da: (magac, dhedig, keli) xumaan iyo kala fataalid ka shaqayn. Dh: jillaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farahalid
m.f.dh eeg farahal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraxalid
(Faraxalid-da)
(u faraxalid) qof kale faraha u mayrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraxalid
m.f.dh eeg faraxal². la-mid: faradhaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraxalid
-da: (magac, dhedig, keli) «u ~» qof kale gacmaha u maydhid; faraxal ugu shushubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gantaalid
(Gantaalid-da)
Gantaal ku ridid, ku dhufasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gantaalid
-da: (magac, dhedig, keli) gantaal ku ridid ama ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taltaalid
m.f.dh eeg taltaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fataal
(Fataal-ka)
1. Ragga iyo naagaha isu geeya.
2. Maalka ku cayaara; aan wax dhaqaalaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fataal
fataal¹: m.l (-llo, m.dh) Nin aan wax tashiilan.
fataal²: f.mg1 (-alay, -ashay) Ku f.: hanti ku ciyaarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fataal
fataal¹: m.l (-llo, m.dh) Nin aan wax tashiilan.
fataal²: f.mg1 (-alay, -ashay) Ku f.: hanti ku ciyaarid. m.f.dh, fataalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fataal
m. n. irresponsible man, squanderer, waster; pimp, procurer
fataal v. pimp, solicit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fataal
-ka: (n) 1. pander (paander); procurer (prokiyuurer). 2. one who is financially unfit or irresponsible
ku fataal -ay: (v) spend wastefully or extravagantly; dissipate (disapeeyt); waste weeyst)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fataal
-ka: (magac, lab, keli) qof ragga iyo naagaha isku geeya oo isku shukaamiya.
fataal -ka: (magac, lab, keli) qof dhaqaaladdarro badan oo xoolaha ku ciyaara ama daranyeeya oo daadaadsha. Dh: musrif.
fataal -ka: (magac, lab, keli) qof dadka isku dira oo warka u kala qaada. Dh: namiim, iskudire.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Awaalid
(Awaalid-da)
Filid; malayn; sugid; saadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awaalid
m.dh la-mid: aawil¹, aawilid, awaal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awaalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax saadin; wax saadaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facaali
-ga: (magac, lab, keli) qofka baxaalliga wanaagsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fataaxi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: fitaaxi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fataaxi
v. enlarge, expand, extend
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fataaxi
-yey / say: (v) make larger; expand (ikispaandi) ~ fitaaxi, ballaari, waasici
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fataaxi
a: fitaaxi
de: enlarge, expand, extend
lx: fataaxi
pd: (fataaxiyey)
ps: v2a=tr
key: fataaxi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fatahid
-da: (magac, dhedig, keli) wax badan oo meel ku wada jirey oo isku mar iskood u soo butaaca; buuxdhaafid oo karkaar jebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Itaalid
(Itaalid-da)
(ku itaalid) Le'ekaysiin; ka badin la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
itaalid
m.f.dh eeg itaal³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
itaalid
-da: (magac, dhedig, keli) ku tuntuunsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
matalid
m.dh la-mid: masalid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
matalid
-da: (n) representation (rap'ar zen teey shan) ~ matalaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
matalid
-da: (magac, dhedig, keli) riwaayad ama dhacdo hore fal ahaan cid ku tusid. Mataliddu waa aqoon mawhibo la socoto. Dh: masalid.
matalid -da: (magac, dhedig, keli) masal soo qaadasho. Dh: masalid, tusaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qatalid
-da: (magac, dhedig, keli) dilid ama waxyeello dilka ka dhicin samayn. Inuu Eebbahay inni qatalin qariya laabtiinna.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aawaalid
-da: (magac, dhedig, keli) ka warramidda wax aan weli dhicin iyada oo la kaashanayo astaamaha lagu tilmaansan karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaalid
m.dh la-mid: callaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cataabid
(Cataabid-da)
Hadal cataw ah ku hadlid; calaacalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cataabid
m.f.dh eeg catow². la-mid: catow¹ (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cataabid
vl. n. reproaching; rebuke
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cataabid
-da: (n) complaining (kom-pleeyning) ~ cabasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cataabid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg calaacalid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cataabid
de: reproaching; rebuke
lx: cataabid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: cataabid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dadaalid
(Dadaalid-da)
Dadaal la imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadaalid
m.f.dh eeg dadaal². la-mid: dedaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadaalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qabad dheeraad ah oo muruq iyo maskax ah samayn si yool loo gaadho. Dh: dadaalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dagaalid
(Dagaalid-da)
(qof wax dhimay) dagaal ula tegid; eedayn; ku carabbaabbi'id; haaraamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagaalid
m.f.dh eeg dagaal². la-mid: dagaal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaalid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, la diririd, u hanjabid. Dh: hanjabid, diririd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faalalid
(Faalalid-da)
(geedo, kd.) dhulka korkiisa, sida qaraha, ugu ballaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faalalid
m.f.dh eeg faalal². la-mid: faalal¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faalalid
-da: (magac, dhedig, keli) dhinacyada u kala bixid; hareeraha ka ballaadhsamid. Geedkan faalalidda u diid. Dh: fidin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fajaasid
(Fajaasid-da)
Nabar fajaas ah, ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fajaasid
m.f.dh eeg fajaas². la-mid: fajaas¹ (2), fujaas¹, fujaasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fajaasid
-da: (magac, dhedig, keli) qallacaynta awrku mid kale uu miciyaha ku dhufto. Dh: qallac.
fajaasid -da: (magac, dhedig, keli) qof iyo wax la mid ah, qalab bir ah ku garaacid oo ku saafid.
fajaasid -da: (magac, dhedig, keli) shinni dhulka ku daadin. Fajaasidda beertu nin yagaan bay ku roon tahay. Dh: shinniyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falaadid
(Falaadid-da)
Madaddaalasho; baashaalid; maararroobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaadid
m.f.dh eeg falaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falfalid
(Falfalid-da)
1. (hilib) Garowkaris ka dhigid.
2. Falid; sixrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falfalid
m.f.dh eeg falfal³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falfalid
-da: (magac, dhedig, keli) hilib biyo oo keli ah ku karin.
falfalid -da: (magac, dhedig, keli) falid ama sixrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fashalid
(Fashalid-da)
(arrin) ka jibakeenid la'aan; ku guuldarraysasho; dhicisoobid; jabid; dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fashalid
m.f.dh eeg fashal². la-mid: fashal¹ (2), fashalaad, fashil¹, fashilaad, fash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashalid
-da: (magac, dhedig, keli) guuldarraysad iyo jab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fataal_1
de: irresponsible man, squanderer, waster; pimp, procurer
hm: 1
lx: fataal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: fataal_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fataal_2
de: pimp, solicit
hm: 2
lx: fataal
pd: (fataalay)
ps: v1=
key: fataal_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fataanad
m.dh Haweeney dadka isku dirta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fataaxin
m.dh la-mid: fitaaxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fataaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) kala ballaadhin; kala faaxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fatahmid
m.f.dh eeg fatahan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fatahmid
-da: (magac, dhedig, keli) webi iyo wixii la mid ah, geerka sare dhaafid oo daadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fatashid
(Fatashid-da)
Baarid, fennidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fatashid
m.f.dh la-mid: fatishid, feteshid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fatashid
-da: (magac, dhedig, keli) aad wax ut baadhid. Dh: fatishid, baadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayaamid
-da: (magac, dhedig, keli) murgaamidiye firfricooni ku soo korodha qofka, marka uu qaato wax baraaruja oo la cabbo ama la cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fitaaxid
(Fitaaxid-da)
Wax fitaaxsan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fitaaxid
m.f.dh eeg fitaax². la-mid: fataax¹, fataaxid, fitaax¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fitaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) wax fidsan noqosho oo ballaadhad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galaalid
(Galaalid-da)
Galaal u yeelid, marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaalid
m.f.dh eeg galaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaalid
-da: (magac, dhedig, keli) galaal u marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalaalid
m.f.dh eeg jalaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacaalid
-da: (magac, dhedig, keli) kabo ragcad ku samayn. Kabatolahaasi nacaalidda si fiican ay u saaraa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qafaalid
(Qafaalid-da)
1. Qof laga adkaaday, xoog ku wadasho; afduubid; boojin.
2. (beer) Geedqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qafaalid
m.f.dh eeg qafaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qafaalid
-da: (magac, dhedig, keli) beer, daleed la dhigid oo dhirta ka jarid. Qafaalid la'aan berta lama qodi karo. Dh: jirid, geedqaadid.
qafaalid -da: (magac, dhedig, keli) afduubid, xoog ku kaxaysad. Dh: afduubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qasaalid
(Qasaalid-da)
Biyo ku nadiifin; mayrid; dhaqid; xalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasaalid
m.f.dh eeg qasaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasaalid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo ku maydhis; dhiqid. Dharku waa nadiif oo qasaalid uma baahna. Dh: maydhid, dhaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qataarid
(Qataarid-da)
1. Qataar ku xirid; qufulid.
2. Sixrid; falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qataarid
m.f.dh eeg qataar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qataarid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qafilid.
qataarid -da: (magac, dhedig, keli) cid kale baad u samayn oo wax sixran ka dhigid. Saaxir qataaridda yaqaan lama soo dhawaysto. Dh: sixrid, baabid, falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tacaalid
(Tacaalid-da)
(la-tacaalid) Dhaawac daran ama cudur halis ah, degdeg wax uga qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tacaalid
m.f.dh eeg tacaal². la-mid: tacaal¹.