fasir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fasir
(Fasir-ka)
1. Caddaynta, hadal ama erey aan la aqoon, ulajeeddadiisa la caddeeyo oo la sheego.
2. (dhar) habka loo tolo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasir
fasir¹: m.l la-mid: Fasiraad; fasil¹.
fasir²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax laga hadlayo faahfaahin ka bixin. 2. la-mid: fasil².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fasir
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax laga hadlayo faahfaahin ka bixin. m.f.dh, fasirid. 2. la-mid: fasil.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fasir
v. describe, explain, interpret
fasir vl. n. exegesis, explanation, description; method of sewing clothes
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fasir
-ay / tay: (v) make understandable; define (difaayn); explain (ikispaleeyn)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasir
(fal) wax aad macnaynaysay, sharrax oo cadday si aad loogu fahmo.
fasir: (fal) dhar iyo wixii la mid ah, tol adiga oo qofka loogu talagalay le'ekaysiinaya, qaab hore loo doortay na u tolaya.
fasir -ka: (magac, lab, keli) habka dharka loo tolo.
fasir -ka: (magac, lab, keli) caddaynta, hadal ama erey aan la aqoon ulajeeddadiisa la qeexo oo la sheego. Dh: fassiraad, sharraxaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasiro
f.g3 (-rtay, -ratay) Wax fasir u helid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fasiro
f.g3 (-rtay, -ratay) Wax fasir u helid. m.f.dh, fasirasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fasiro
v. explain something for oneself, interpret
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fasiro
de: explain s.t. for oneself, interpret
lx: fasiro
pd: (fasirtay)
ps: v3b=tr
key: fasiro
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fair
/feer/ (adj) 1. xaq-ah e.g. This is not fair. (adj) 2. iska-roon, iska-fiican. e.g. Her knowledge of the language is fair. (adj) 3. fiican, roon (siiba cimilada kolka laga hadlayo). e.g. fair weather (adj) 4. dhalaalaya oo aan qundi ahayn, siiba tilmaamista midabka iwm. (adj) 5. waadax ah. e.g. fair copy (n) 6. carwo (bandhig).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
fair
a., baxsan, quruxsan, shuban; fair sex, dumar, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casir
casir¹: m.l la-mid: casar.
casir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Xanuun aad ah oo qabatin ah caloosha ka dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
casir
f.mg1 (-ray, -rtay) Xanuun aad ah oo qabatin ah caloosha ka dareemid. m.f.dh, casirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casir
m. n. afternoon; afternoon prayers (one of the five Islamic prayers)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
casir
-ka: (n) afternoon (af-ter-nuun) ~ casar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casir
(fal) calool, majiiran; xanuun keen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casir
de: afternoon; afternoon prayers (one of the five Islamic prayers)
lx: casir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: casir
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
casir
بَعْدَ الظهر
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fajir
m.l la-mid: fajar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fakir
(fal) maskaxdaada wax ku hawl; talo ama xal, maskaxdaada uga raadi.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
fakir
faquir, n., faqiir, -ki; go and beg always for the same thing, ku sii faqiirow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasil
fasil¹: m.l Tolidda la tolo shaar, surweel iyo wixi lamida si loo gashado. la-mid: fasir¹ (2).
fasil²: f.g1 (-ilay, -ishay) Shaar, surweel iyo wixi lamida si loo gashan karo u tolid. la-mid: fasir² (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasil
(fal) sharrax oo faahfaahi. Dh: fasir, macnee.
fasil: (fal) dhar si wanaagsan u tol. ligu fasil wiilka dharkii dugsiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasir
m.l la-mid: qasri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasir
(fal) ganaax dusha ka saar. Kun faran ku qasir ninka shaqadiisa laba saac ku dhammayn waaya. Dh: ganaax, takhsiir, khasir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yasir
f.g1 (-ray, -rtay) U y.: cid wax qabsoomiddiisa u sahlid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yasir
f.g1 (-ray, -rtay) U y.: cid wax qabsoomiddiisa u sahlid. m.f.dh, yasirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yasir
v. simplify, make easy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yasir
(fal) fudayd ka dhig: wax sahlan ka dhig. Rabbi yasir walaa tucasir. Dh: sahal, fududee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yasir
de: simplify, make easy
initial: y
lx: yasir
pd: (yasiray)
ps: v1=
key: yasir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laqbayn
(Laqbayn-ta)
Kitaab Carabi ku qoran, ardada iyo xerta, af-Soomaali ugu fasirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laqbo
(Laqba-da)
Kutubta diinka ah oo Carabiga ku qoran, fasirka wadaaddadu Af-Soomaali ku fasiraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macnayn
(Macnayn-ta)
Macne u yeelid; fasirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macne
(Macna-ha)
Ulajeeddada ereyga ama hadalka; fasir; sharax; (ama micne).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaamuus
(Qaamuus-ka)
1. Buug af dhan ereyadi ku urursan yihiin iyagoo taxan oo sida alifku u kala horreeyo u kala horreeya oo mid walba macnihiisii iyo ulajeeddadiisii ku ag qoran tahay.
2. Buug qolo afkeed ku dhan yahay, isagoo ereyadiisu taxan yihiin, sida alifkana u kala horreeyaan, erey walbana erey kaloo shisheeye oo la macne ahi ku ag qoran yahay oo fasirayo (sida Soomaali/Carabi ama Ingiriis/Soomaali).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rogid
(Rogid-da)
1. Wax afka ama dhinaca korreeya u hoosmarin; genbiyid; geddiyid.
2. (ka rogid) Ka qaadid; ka wareejin.
3. (ku rogid) Ku daboolid; korka ka saarid; ku xirid; dib ugu laabid; ugu celin.
4. Af af kale ku geddiyid, ku fasirid, ku tarjumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tarjumid
(Tarjumid-da)
Af af kale ku fasirid, u rogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tarjumo
(Tarjuma-da)
Fasirka af af kale loo rogo, lagu fasiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taxriif
(Taxriif-ka)
Wax siduu ahaa si aan ahayn loo fasiro, iyadoo loola kasayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasilaad
m.dh la-mid: fasiraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasilan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la fasilay ahaansho. la-mid: fasiran (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasilid
m.f.dh eeg fasil². la-mid: fasirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasilnaan
m.f.dh eeg fasilan. la-mid: fasilnaansho, fasirnaan, fasirnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasiraad
m.dh Micne; laqbo; caddeyn. la-mid: fasilaad, fasir¹ (1).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasirasho
m.f.dh eeg fasiro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fasir_1
cf: macnee
de: describe, explain, interpret
hm: 1
lx: fasir
pd: (fasiray)
ps: v1=
key: fasir_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fasir_2
de: exegesis, explanation, description; method of sewing clothes
hm: 2
lx: fasir
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: fasir_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fasiran
1. Hadal ama erey, macnihiisa iyo ulajeeddadiisa la qeexay, la caddeeyey, la sheegay.
2. (dhar) tolan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Wax la fasiray ahaansho. 2. la-mid: fasilan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fasiran
der. [adjective] explained, clarified
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fasiran
-aa: (adj) defined (difaay-nidh), explained (ikispaleeynidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasiran
(tilmaame) hadal ama eray, macnihiisa iyo ulajeeddadiisa la qeexay oo la caddeeyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fasiran
de: explained, clarified
lx: fasiran
pd: (fasirnaa)
ps: adj-der
key: fasiran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fasirid
(Fasirid-da)
1. Fasir u yeelid; ulajeeddadiisa qeexid; macnayn.
2. (dhar) tolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasirid
m.dh eeg fasir². la-mid: fasilid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fasirid
vl. n. explaining, clarification, formulation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fasirid
-da: (n) definition (difini-shin); explanation (ekispalaneey-shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasirid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fasilid.
fasirid-da: (magac, dhedig, keli) sharrax u yeelid: ulajeeddadiisa qeexid. Dh: macnayn, sharraxid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fasirid
de: explaining, clarification, formulation
lx: fasirid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: fasirid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasirni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fasirnaan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
casier
casier, n.m. - Dheri: Digsi; weelka wax lagu kariyo; Dusuud.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
casiir
-ka:(n) juice (/uns); fruit juice
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casiir
-ka: (magac, lab, keli) sharaabka laga tuujiyo jaadadka kala duwan ee khudradda; miidda midhaha dhirta laga sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faadir
m.l (-riin, m.dh) la-mid: faaddir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faadir
-ka: (magac, lab, keli) qof aan soon xidhan ama afuray; qof aan soon u xidhnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faajir
(Faajir-ka)
Macsilow; saani; dhillay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faajir
m.l (-riin/-rro, m.dh) Nin wax diintu xaaraantimaysay sameeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faajir
m.l (-riin/-rro, m.dh) Nin wax diintu xaaraantimaysay sameeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faajir
m. n. womanizer, adulterer; {religion} non-believer, infidel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faajir
-ka: (n) heretic (heratik); unbeliever of Islamic faith [religion] ~ gaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faajir
-ka: (magac, lab, keli) qof denbi iyo dulmi badan sameeya; qof macsilow ah. Faajir looma hiiliyo. Dh: daalin, macsilow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faajir
bw: Arabic
de: womanizer, adulterer; {religion} non-believer, infidel
lx: faajir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: faajir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faasid
1. (Faasid-da) Faas la dhicid ama ku dhufdhufasho; masaarayn.
2. (Faasid-ka) Xun ama xumaaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faasid
faasid¹: m.l (-diin, m.dh) Qof sameeya waxyaalaha foosha xun ee diintu reebtay.
faasid²: m.f.dh eeg faas². la-mid: faashid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faasid
m.l (-diin, m.dh) Qof sameeya waxyaalaha foosha xun ee diintu reebtay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faasid
m. n. immoral, vicious ~ corrupt person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faasid
(tilmaame) wax xun oo aan habboonayn.
faasid -da: (magac, dhedig, keli) faas la dhicid, faas ku dhufdhufasho. Dh: masaarayn.
faasid -ka: (magac, lab, keli) qof aan wanaagsanayn oo xun; qof fitan iyo belaayo abuura. Faasidka wa in la toosiyaa. Dh: mufsid. Li: saalix, wanaagsane, suubbane.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faasid
bw: Arabic
de: immoral, vicious ~ corrupt person
lx: faasid
pd: (-ka Pl: faasidiin (ta))
ps: n2a-m
key: faasid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faasiq
(Faasiq-a)
Qofka waddada xaqa ah iyo dhaqanwanaagga ka leexda; (ama faasuq).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faasiq
m.l (-qiin/-qyo, m.dh) Qof fisqi badan sameeya. la-mid: faasuq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faasiq
m.l (-qiin/-qyo, m.dh) Qof fisqi badan sameeya. la-mid: faasuq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faasiq
m. n. heretic, wayward sinner
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faasiq
-a: (n) 1. heretic (heratik); immoral, unbeliever, nonbeliever ~ faasuq, faajir, dayuus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faasiq
-a: (magac, lab, keli) qof dadnimadaba iyo diinta ku xun; qof dhaqanka suubban iyo waddada xaqa ah ka leexda. Fooxlaa islaamaha, faragooga baadhee, waar ma faasiq baad tahay? Dh: faasiq
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faasiq
a: faasuq
bw: Arabic
de: heretic, wayward sinner
lx: faasiq
pd: (-a Pl: faasiqiin (ta))
ps: n2a-m
key: faasiq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facsid
-da: (magac, dhedig, keli) budo iyo wax la mid ah rufaaqid oo isku laaqid. Dh: cajiimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faqiir
(Faqiir-ka)
Qof aad u xoolo yar ama aan lahaynba; miskiin; sabool; cayr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faqiir
faqiir¹: m.l (-rro/fuqaraa, m.dh) Qof dan yar ah oo aan hanti lahayn; cayr, sabool.
faqiir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Faqiir noqosho. la-mid: faqiirow, faqri².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faqiir
faqiir¹: m.l (-rro/fuqaraa, m.dh) Qof dan yar ah oo aan hanti lahayn; cayr, sabool.
faqiir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Faqiir noqosho. m.f.dh, faqiirid. la-mid: faqiirow, faqri.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faqiir
-ka: (n) poor person, broken man or woman, bankrupt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faqiir
-ka: (magac, lab, keli) qof sabool ah oo aan waxba haysan; qof aad u xoolo yar amaba aan lahayn. Dh: miskiin, sabool, cayr, caydh, fiqiir. Li: qani, hodan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
farcir
farcir, v. - hilib iyo khodaar la isku dhexkariyo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fàscia
s.f. - faasho, gaarso.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fàscio
s.m. - xirmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fashil
fashil¹: m.l la-mid: fashalid.
fashil²: f.mg1 (-ilay, -ishay) la-mid: fashal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashil
(fal) sir iyo fal la maleegayay, kashif oo qaawi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fasiix
(Fasiix-a)
Qof fasaaxad leh; codkar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasiix
m.l.kh 1. F. ah: qof hadalka si fiican u jeedin yaqaan. 2. Hadal bayaan ah oo si qeexan loo yiri.