fashilmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fashilmid
m.dh la-mid: fashalmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashilmid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl la hayay, wax guuldarraystay noqosho. Dh: dhicisoobid, kharribmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fashilid
m.dh la-mid: fashalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashilid
-da: (magac, dhedig, keli) ku guuldarraysadka iyo dhicisoobidda talo ama hawl la hayay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fashalmid
(Fashalmid-da)
(arrin) dhicisoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fashalmid
m.f.dh eeg fashalan¹. la-mid: fashilmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashalmid
-da: (magac, dhedig, keli) guuldarraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhicisow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Dhicis noqosho. 2. Wax fashilmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuldarro
m.dh Ku fashilmidda dagaal, tartan iyo wixi lamida lagu fashilmo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhicisow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Dhicis noqosho. 2. Wax fashilmid. m.f.dh, dhicisoobid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guuldarro
m.dh Ku fashilmidda dagaal, tartan iyo wixi lamida lagu fashilmo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fail
/feyl/ (v) 1. fashilmid (ku guul-darraysi) (n) 2. dhicid, sida intaxaan ku dhicid (v) 3. daciifid. e.g. The old man is failing quickly. (n) 5. fashal, guul-darro.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fall through
/fool-thuruu/ (v) hirgeli-waayid, fashilmid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fizzle out
/fisal-awt/ (v) fashilmid, dhicisoobid, damid. e.g. Our plans to travel abroad fizzled out when we realized how expensive the trip would be.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
foil
/foyl/ (n) 1. seef dhuuban oo badanaa lugu dheelo (n) 2. warqad macdan ka samaysan (n) 3. ka-badalnaan (ka-duwanaansho) (v) 4. ku-fashilmid, ku-jabid, sida khiddad iwm, oo lugu guul darraysto.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fold
/fowldh/ (v) 1. laa-laabid, laabid (v) 2. duubid (v) 3. dhicisoobid, fashilmid (n) 4. laa-laab, sida laalaabka biigooyinka dharka iwm.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
vain
/veyn/ (adj) 1. is-cajabin (isla- weyni) (adj) 2. natiijo-la'aan (guuldarraysi, fashilmid) (adj) 3. maran (eber ah, faaruq ah).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
falliménto
s.m. - fashilmid (da).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhicisow
(fal) fashilan oo dhexda ku baaba'.
dhicisow-ga: (magac, lab, keli) hawl qorshaysnayd, iyada oo aan halkii loogu talagalay gaadhin, fashilmid oo dhexda ku baabi'id. Dh: fashilan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilhelid
-da: (magac, dhedig, keli) tabco dhagareed la helid; khayaano ku maroorin. Dh: sirid, dhagrid, khayaanayn, fashilmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaqiijin
-ta: (magac, dhedig, keli) hadaf la dhigtay iyo ujeeddo wanaagsan gaadhid, guulo ka gaadhid. Dh: guulaysi. Li: fashilmid.
xaqiijin -ta: (magac, dhedig, keli) dhacdo jiriddeeda iyo jirid la'aanteeda hubin oo ka gungaadhid. Dh: hubin, baadhis. Li: qarin, dedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fashili
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: fashali.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fashili
v. foil, thwart, frustrate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fashili
-yey / say: (v) prevent from being successful; frustrate (forstareeyt); thwart (thuwoort); balk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashili
(fal) sir bixi oo qorshe la waday dhicisee; hawl hirgelinteeda dhexda u joogso oo intaan ujeeddada la gaadhin burburi.
fashili: (fal) arrin, sir iyo wixii la mid ah, docfaruur oo kashif ama kharrib.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fashili
de: foil, thwart, frustrate rw: fashal
lx: fashili
pd: (fashiliyey)
ps: v2a=tr
key: fashili
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasilid
m.f.dh eeg fasil². la-mid: fasirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasilid
-da: (magac, dhedig, keli) maro weyn oo isku taallay, qof ku qiyaasid oo tolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fashalid
(Fashalid-da)
(arrin) ka jibakeenid la'aan; ku guuldarraysasho; dhicisoobid; jabid; dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fashalid
m.f.dh eeg fashal². la-mid: fashal¹ (2), fashalaad, fashil¹, fashilaad, fash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashalid
-da: (magac, dhedig, keli) guuldarraysad iyo jab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fashilin
m.dh la-mid: fashalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashilin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhicis ka dhigidda ama kharribidda qorshe la fulinayay inta aanu dhammaanin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashilis
-ka: (magac, lab, keli) eeg fashilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fashilaad
m.dh la-mid: fashalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fashilaad
f. n. failure; revelation of an important secret
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fashilaad
-da: (n) failure (feel-yer)-, the act or fact of failing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashilaad
-da: (magac, dhedig, keli) qorshe yaallay fulintiisa ku fashilid; ku guuldarraysasho.
fashilaad -da: (magac, dhedig, keli) eeg fashal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fashilaad
bw: Arabic
de: failure; revelation of an important secret (which may lead to the failure of a project or plan)
lx: fashilaad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: fashilaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kashifmid
(Kashifmid-da)
Wax kashifan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kashifmid
m.f.dh eeg kashifan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kashifmid
-da: (magac, dhedig, keli) mid kashifan oo ceebtiisii la ogaaday ama la bartay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bashiicmid
m.f.dh eeg bashiican. la-mid: bishiicmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashiicmid
-da: (magac, dhedig, keli) in yar furnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhashiimid
m.dh la-mid: dhaniimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
facsharmid
m.f.dh eeg facsharan. la-mid: faxsharmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facsharmid
-da: (magac, dhedig, keli) kashifmid iyo asturnaan la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faxsharmid
m.dh la-mid: facsharmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faxsharmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax asturnaa kashifmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fahmid
m.f.dh eeg fahan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fahmid
-da: (n) the act or the fact of understanding or comprehending
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fahmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad u garasho. Dh: kassid, garad, weeleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falmid
(Falmid-da)
1. Wax la falay oo kale, iyadoo aan la taaban, iska noqosho; falan; falow.
2. Is dacar-faalka, aad caloosha uga bixid; dooxmid badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falmid
m.f.dh eeg falan². la-mid: faalmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falmid
-da: (magac, dhedig, keli) isdacarbixin ama isdacarfaalid. Falmidda iska jooji.
falmid-da: (magac, dhedig, keli) sixramid ama qof sixran noqosho. Dh: sixramid, falan, falow.
falmid -da: (magac, dhedig, keli) wax ku mormid; wax dood iyo muran ku salaysan garran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fashil
fashil¹: m.l la-mid: fashalid.
fashil²: f.mg1 (-ilay, -ishay) la-mid: fashal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashil
(fal) sir iyo fal la maleegayay, kashif oo qaawi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shilid
-da: (magac, dhedig, keli) ishortaagid; dib u ridid; shilis.
shilid -da: (magac, dhedig, keli) wax kala dhexgelin; shilis: bishili.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casilid
(Casilid-da)
Meel ama jago uu hayey ka qaadid, ka ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casilid
m.f.dh eeg casil. la-mid: casilaad (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casilid
-da: (magac, dhedig, keli) qof xil hayay, ka qaadid. Dh: casilaad.
casilid: -da: (magac, dhedig, keli) (is ~) xil iyo shaqo aad haysay iskaga fadhiisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhilmid
m.f.dh eeg dhilan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhilmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kala sarreeya ama isku garab taxan kolba liin iskeed u daadasho oo u hobobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faalmid
m.dh la-mid: falmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faalmid
-da: (magac, dhedig, keli) fal iyo sixir qabid. Dh: falmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fadhiid
(Fadhiid-ka)
Ilmaha cudur aawadi ama dheefxumo darteed asaaggi ka hara oo fadhiga ku raaga oo aan soconnin; curyaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadhiid
m.l.kh F. ah: ilmo cudur, nafaqaxumo awgeed waqtigii uu socon lahaa aan socon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fadhiid
m.l.kh F. ah: ilmo cudur, nafaqaxumo awgeed waqtigii uu socon lahaa aan socon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fadhiid
m. n. underdeveloped child (due to disease ~ malnutrition); sedentary person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fadhiid
-ka: (n) growth retardation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhiid
-ka: (magac, lab, keli) ilmo nafaqodarro ama cudur awgeed u lafjabay oo aan socodka horey u baran; ilmo xilligii socodka ama gurguurdka ka gadaal maray ama da'diisii ka dib dhacay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fadhiid
de: underdeveloped child (due to disease ~ malnutrition); sedentary person
lx: fadhiid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: fadhiid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fashali
f.g2 (-iyay, -isay) Fashal ku ridid. la-mid: fashili.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashali
(fal) talo ama wax kale, xumee; guuldarro u horseed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fashiiq
m.l Shuux.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fasirid
(Fasirid-da)
1. Fasir u yeelid; ulajeeddadiisa qeexid; macnayn.
2. (dhar) tolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasirid
m.dh eeg fasir². la-mid: fasilid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fasirid
vl. n. explaining, clarification, formulation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fasirid
-da: (n) definition (difini-shin); explanation (ekispalaneey-shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasirid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fasilid.
fasirid-da: (magac, dhedig, keli) sharrax u yeelid: ulajeeddadiisa qeexid. Dh: macnayn, sharraxid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fasirid
de: explaining, clarification, formulation
lx: fasirid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: fasirid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fasixid
(Fasixid-da)
Fasax siin; wax qabashadood ama yeeliddood oggolaansho; sii deyn; ruqsayn; aftixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasixid
m.f.dh eeg fasax². la-mid: fasaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasixid
-da: (magac, dhedig, keli) oggolaansho iyo rukhsad siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masilid
m.dh la-mid: masalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masilid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg masalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qasilid
(Qasilid-da)
Bariiska la doonayo in la kariyo, biyo ku qasaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasilid
m.dh la-mid: qasaasilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasilid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqid oo biyo ku maydhid. Qasilidda dharka ani igu daa. Dh: qasaasilid, dhaqis, maydhis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Rashiid
name: Rasheed
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Rashiid
name-m wise, righteous, rightly-guided; intelligent, sensible
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Rashiid
bw: Arabic
de: Rasheed
lx: Rashiid
ps: name-m
key: Rashiid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shidmid
(Shidmid-da)
Wax shidma ama shidan noqosho; (dab, xaabo, ...) bixid, hurid; ololid, daarmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shidmid
m.f.dh eeg shidan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shidmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax shidma ama shidan noqosho. Dh: hurid, ololid, daarmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xasilid
(Xasilid-da)
Si xasil ah, ku sugnaan; joogsasho; degid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasilid
m.f.dh eeg xasil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasilid
-da: (magac, dhedig, keli) si xasillooni ah ku sugnaan; aguug iyo xuuraan la'aan ku joogid. Dh: degid.
xasilid-da: (magac, dhedig, keli) dagaal iyo iska hor imaad joojin oo qaboojin. Dh: degid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
akhirmid
m.f.dh eeg akhiran¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ashaamid
m.l Busta madowga badan ee sabuulka maseggada ku dhalata, badarkana madowga ka dhigta.