fasaqasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasaqasho
m.dh la-mid: fasakhasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fasasasho
(Fasasasha-da)
Neef ama wax kale oo inta wadajir loo qiimeeyo oo loo qasho, hadhow qofkii lahaa wadajir ugu gudid; waraarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baysaqasho
m.f.dh eeg baysaqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasakhasho
m.f.dh eeg fasakho. la-mid: fasaqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasakhasho
-da: (magac, dhedig, keli) guur sharciqu oggolaaday ka nikaaxfurasho; nikaaxjebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaqasho
(Baaqasha-da)
Wax dhici lahaa oo aan dhicin; meel la aadi lahaa ama la iman lahaa iska deyn ama dib u dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaqasho
m.f.dh eeg baaqo. la-mid: baaqad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaqasho
vl. n. failure to arrive ~ occur; remaining absent
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baaqasho
-baaqashada: (n) arrival or departure cancellation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax daba mara oo ka dibdhaca waqtigii lagu waday in uu dhaco ama uu yimaaddo. Dh: dibudhac, dibdhac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baaqasho
a: baaqad (ka) [vn-m]
de: failure to arrive ~ occur; remaining absent
lx: baaqasho
pd: (/da)
ps: vn-f
see: baaqo
key: baaqasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faagasho
(Faagasha-da)
1. (xoolo) qodashada ay jeenyaha dhulka ku qotaan oo ciidda sayriyaan, caro darteed, kolkay isu jixina hayaan oo is guula hayaan, dagaalka ka hor.
2. God ama dalool dhulka ka samaysasho; qodasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faagasho
m.f.dh eeg faago. la-mid: faagad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faagasho
vl. n. digging up
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faagasho
-faagashada: (n) the act of digging or excavating
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faagasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax kale, dib uga joogsasho ay cabsi iyo foojignaan ku jiraan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faagasho
a: faagad (ka) [vn2-m], fagasho (/da) [vn6-f]
de: digging up
lx: faagasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: faagasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarasho
m.dh la-mid: farasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarasho
-da: (magac, dhedig, keli) farriin iyo wax la mid ah, farasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaqasho
-da: (magac, dhedig, keli) xaadhasho qashin iyo wixii yaalba ka salabayn oo ka nadifi Gaari xaaqashada aqalkeeda looma tilmaamo. Dh harasho, xaadhasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasirasho
m.f.dh eeg fasiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasirasho
-da: (magac, dhedig, keli) war ama xog macnaysasho oo cadcaddaysasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sasabasho
-sasabashada: (n) flattering (falaat-tering); cajoling (kajool-ing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sasabasho
-da: (magac, dhedig, keli) sasabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasaqnaansho
m.l/dh la-mid: fasakhnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caashaqasho
m.f.dh eeg caashaqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caashaqasho
-da: (magac, dhedig, keli) doon ama markab deked ku xirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhaqasho
-da: (magac, dhedig, keli) eog afdhaqad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balaqsasho
m.f.dh eeg balaqso. la-mid: balaqso, balaqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) biyo ama dareere kale carrabka ku cabbid. Balaqsashada bisaduhuna way yaqaanaan. Dh: dhabaqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaqasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax afaaf bannaan ka dhigasho oo haawanaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Facaysasho
(Facaysasha-da)
Inuu la fac yahay ku doodid; filaysasho; islasimid; la tartamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
facaysasho
m.f.dh eeg facayso. la-mid: facaysad, facaysi, filaysad, filaysasho, filaysi..
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
facaysasho
vl. n. assumption that someone belongs to the same age-group ~ social category
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale la factirsasho, facaysad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
facaysasho
a: facaysad (ka) [vn2-m], facaysi (ga) [vn2a-m]
de: assumption that s.o. belongs to the same age-group ~ social category
lx: facaysasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: facaysasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falagsasho
m.dh la-mid: falkasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falagsasho
-da: (magac, dhedig, keli) bal ama caw, furfurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanaysasho
m.f.dh eeg fanayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) faras ama, wax la mid ah, dhankiisa danbe fuulitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farbarasho
m.dh 1. Barashada qoridda iyo akhrinta ee af. 2. Aqoonta qaabbilsan qurxinta habka qoridda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farbarasho
m.dh 1. Barashada qoridda iyo akhrinta ee af. 2. Aqoonta qaabbilsan qurxinta habka qoridda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farbarasho
vl. n., [compound] learning to write; literacy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farbarasho
-da: (magac, dhedig, keli) barashada sida wax loo qoro ama loo akhriyo. Buuggani waa kii farbarashada. Dh: feegar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farbarasho
de: learning to write; literacy
lx: farbarasho
pd: (/da)
ps: vn6-f-cmp
key: farbarasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gasaysasho
m.f.dh eeg gasayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraqsasho
m.dh la-mid: marqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qasaalasho
(Qasaalasha-da)
(weel, alaab, dhar, kd.) biyo ku mayrasho, dhaqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasaalasho
m.f.dh eeg qasaalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasaalasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhar iskaa u maydhasho. Qof walba qasaalashada dharkiisa isgaa ka masuul ah. Dh: maydhasho, dhaqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasaysasho
m.f.dh eeg rasayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax rasaysan ka dhigasho; taallaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aqasho
(Aqasha-da)
Aq u dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqasho
m.f.dh eeg aqo. la-mid: caqasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqasho
vl. n. starvation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aqasho
-aqashada: (n) extreme lack of water and food; starvation (staarveeyshen) ~ aq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhanqale la'aan dartii dhimasho; harraad u dhimasho. Dadkani aqasho ayay u daateen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aqasho
de: starvation
lx: aqasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: aqasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faasho
f.mg3 (-shaday, -shatay) Faal dhigasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faasho
v. predict ~ foretell the future for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faasho
-faashaday / faashatay: (v) seek advice from fortuneteller (foorjunteelar); psychic (saaykik); palmist, crystal gazer or astrologer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faasho
(fal) faal adeegso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faasho
de: predict ~ foretell the future for oneself
lx: faasho
pd: (faashaday)
ps: v3a=intr
key: faasho
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faqash
-ka: (n) a dirty or corrupt person; filth (filth)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faqash
-ta: (magac, dhedig, keli) qof naaxay oo garaadkuna ku yaryahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faqash
de: loyalist, person loyal to the 'wrong leader'
lx: faqash
pd: Pl: faqash (ta))
ps: n5-m, n2a-m
key: faqash
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasaqo
f.g3 (-qday, -qatay) la-mid: fasakho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fasaqo
-fasaqatay: (v) end marriage with (one's husband) by way of legal divorce ~ iska fasakh, iska fasaq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasaso
f.g3 (-stay, -satay) Fasas qaybsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fasaso
v. slaughter (an animal) jointly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasaso
-ha: (magac, lab, keli) qalitaanka xoolo qurbaan ah xilliyada baahida.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fasaso
de: slaughter (an animal) jointly especially during hard times or famine
lx: fasaso
pd: (fasastay)
ps: v3b=
key: fasaso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aasad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aslasho
m.f.dh eeg aslo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aslasho
-da: (magac, dhedig, keli) weel asal gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baqasho
(Baqasha-da)
Wax cabsi leh, ka cararid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqasho
m.f.dh eeg baqo². la-mid: baqe, baqo¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baqasho
vl. n. fear, flight from fear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baqasho
-baqashada: (n) 1. the feeling of fear; fearfulness. 2. the state or condition of fleeing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqasho
-da: (magac, dhedig, keli) dareen cabsiyeed oo xoog leh. Dh: baqdin, bajin. Li: dhiirrasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baqasho
de: fear, flight from fear
lx: baqasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: baqasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caqasho
m.dh la-mid: aqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg caqad.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CASAASO
(Asaso) N Osyris lanceolata Hochst & Steud. Santalaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fagasho
(Fagasha-da)
Qodqodasho; qufasho; faagasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fagasho
m.f.dh eeg fago.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fagasho
vl. n. digging, scrabbling (of animal)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fagasho
-fagashada: (n) the act of digging or unearthing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagasho
-da: (magac, dhedig, keli) qodqodadka ama qufashada wax gabaabsi ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fagasho
de: digging, scrabbling (of animal)
lx: fagasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: fagasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fajaaso
(fal) beer shinni ku daadso si ay kuugu baxdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fakasho
(Fakasha-da)
1. Wax la hayey oo faraha ka baxsada; farabbaxsasho.
2. Cararid; baxsasho; roorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fakasho
m.f.dh eeg fako. la-mid: fakad, fikad, fikasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fakasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fakad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
falaash
-ka: (n) thermos bottle or thermos (theer-mas) ~ tarmuus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falaash
-ka: (magac, lab, keli) eeg falaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falasho
m.f.dh eeg falo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falasho
-da: (magac, dhedig, keli) beer qodasho. Xilligani waa xilligii falashada. Dh: beerasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanasho
m.f.dh eeg fano.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fanad. fanax: magac loo baxsho wiil labadiisa fool ee hore kala durugsanyihiin ama debinta sare sarantahay.