fasahaadid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fasahaadid
(Fasahaadid-da)
Xumaansho; kibrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasahaadid
m.f.dh eeg fasahaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasahaadid
-da: (magac, dhedig, keli) wax xumaaday ama qaldamay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasahaadi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Dawga toosan ka weecin. 2. Cid kibrin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fasahaadi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Dawga toosan ka weecin. 2. Cid kibrin. m.f.dh, fasahaadin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fasahaadi
v. lead into sin, make someone do evil, give a bad example
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fasahaadi
-yey / say: (v) cause to someone turn away from what is morally right or proper; corrupt (ko-rapt); pervert (peer-veert)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasahaadi
(fal) cid kale, dhaqanxumo bar, fasahaad ku rid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fasahaadi
de: lead into sin, make s.o. do evil, give a bad example
lx: fasahaadi
pd: (fasahaadiyey)
ps: v2a=
key: fasahaadi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fasahaadin
(Fasahaadin-ta)
Fasahaad u keenid; dhaqanxumo barid; kibrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasahaadin
m.f.dh eeg fasahaadi. la-mid: fasahaadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasahaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) fasahaad ku ridid; farabbixin iyo dhaqanxumo barid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasahaadis
m.l la-mid: fasahaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasahaadis
-ka: (magac, lab, keli) eeg fasahaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fasahaad
(Fasahaad-da)
Dhaqanxumo; xumaato; kibir; gurdarro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasahaad
fasahaad¹: m.dh 1. Dawga toosan oo laga leexdo. 2. Kibir.
fasahaad²: f.mg1 (-day, -dday) 1. Dawga toosan ka weecasho. 2. Kibrid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fasahaad
fasahaad¹: m.dh 1. Dawga toosan oo laga leexdo. 2. Kibir.
fasahaad²: f.mg1 (-day, -dday) 1. Dawga toosan ka weecasho. 2. Kibrid. m.f.dh, fasahaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fasahaad
f. n., [abstract] evil, injustice; scandal
fasahaad v. sin, do evil, break the moral code
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fasahaad
-ka: (n) the act of spreading bad behavior and immorality or corruption; depravity (di paraavati) ~ fisqi, fusqi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasahaad
-ka: (magac, lab, keli) dhaqan aan wanaagsanayn oo dadka kale lagu aafeeyo. Dh: fasaad.
fasahaad -ka: (magac, lab, keli) dhaqanxumo iyo aafo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraqaadid
m.f.dh eeg faraqaad². la-mid: faraqaad¹.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fasahaad_1
bw: Arabic
cf: dhaqanxumo, gardarro, kibir, xumaato
de: evil, injustice; scandal
hm: 1
lx: fasahaad
pd: (-da)
ps: n-f-abs
key: fasahaad_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fasahaad_2
de: sin, do evil, break the moral code
hm: 2
lx: fasahaad
pd: (fasahaaday)
ps: v1=
key: fasahaad_2
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
deprave
/dhipreyv/ (v) fasahaadid (dhaqan-xumaan)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasahaadsan
f.mg4 (-sanaa, -sanayd) Wax fasahaaday ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fasahaadsan
f.mg4 (-sanaa, -sanayd) Wax fasahaaday ahaansho. m.f.dh, fasahaadsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ashaamid
m.l Busta madowga badan ee sabuulka maseggada ku dhalata, badarkana madowga ka dhigta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falaadid
(Falaadid-da)
Madaddaalasho; baashaalid; maararroobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaadid
m.f.dh eeg falaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fashalid
(Fashalid-da)
(arrin) ka jibakeenid la'aan; ku guuldarraysasho; dhicisoobid; jabid; dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fashalid
m.f.dh eeg fashal². la-mid: fashal¹ (2), fashalaad, fashil¹, fashilaad, fash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashalid
-da: (magac, dhedig, keli) guuldarraysad iyo jab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fashaqid
m.f.dh eeg fashaq².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fatahaad
m.dh Jabsashada ay biyo, bad, webi iyo wixi lamida ay jabsadaan xaydaankii ay ku jireen.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fatahaad
m.dh Jabsashada ay biyo, bad, webi iyo wixi lamida ay jabsadaan xaydaankii ay ku jireen.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fatahaad
-da: (n) flooding. Ex. fatahaada webiga; the flooding of the river
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fatahaad
-da: (magac, dhedig, keli) karkaardhaafka iyo butaaca dareere xadkiisii dhaafay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jahaadid
(Jahaadid-da)
Jahaad gelid; diinta Islaamka darteed u dagaallamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jahaadid
m.f.dh eeg jahaad². la-mid: jihaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jahaadid
-da: (magac, dhedig, keli) Ilaahay daraaddii, dagaal u galid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saraadid
(Saraadid-da)
Saadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraadid
m.f.dh eeg saraad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saraadid
-da: (magac, dhedig, keli) ka sii sheeg wax inta uuna dhicin, wax dhici doona timaadda sii sheeg. Dh: saadid, saadis, saadaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asaraarid
(Asaraarid-da)
Hadal la sheegay asaraar ka hor keenid; beenin; ogaaldiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaraarid
m.f.dh eeg asaraar². la-mid: asaraar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaraarid
-da: (magac, dhedig, keli) jikaar iyo dood dadka lagala hortago iyadoon waxba la hubsan. Asaraar jinnaa lagu yaqaan abaska naagoode. Dh: jikaarid, murmid, doodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) madaxa bud iyo waxii la mid ah kaga garaacid oo cardaadiqay lafta. Bashaaqid bud lays la dhiciyo inta nabarro la isgaarsiiyey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fannaadid
-da: (magac, dhedig, keli) fintirid iyo kibrid. Dh: kibirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farahalid
m.f.dh eeg farahal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasakhaad
-da: (magac, dhedig, keli) furriin aanu ninku joogin ama oggolayn oo qaadigu go'aamiyo haddii ninku meel dheer joogo ama la waayo oo uu xuquuqdii gabadha bixin keri waayo. Dh: fasikhid.
fasakhaad -da: (magac, dhedig, keli) dharka oo midabkiisu muunad baxo. Dh: liinbixid, doorsoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fashalmid
(Fashalmid-da)
(arrin) dhicisoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fashalmid
m.f.dh eeg fashalan¹. la-mid: fashilmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashalmid
-da: (magac, dhedig, keli) guuldarraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Inshaadid
(Inshaadid-da)
Qasiido ku qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
inshaadid
m.f.dh eeg inshaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalaadid
-da: (magac, dhedig, keli) meel sare ka lulasho. Dh: lulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qashaafid
m.f.dh eeg qashaaf². la-mid: qashaaf¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shahaadid
m.f.dh eeg shahaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaqaadid
m.f.dh eeg calaqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaqaadid
m.f.dh eeg dabaqaad². la-mid: dabaqaad¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) qof wax ka dhacay ka dabaqaadid oo ka daba xadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farasaarid
m.f.dh eeg farasaar². la-mid: farsaar¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farasaarid
-da: (magac, dhedig, keli) la dagaallamidda iyo u gacanqaadidda qof kale.
farasaarid -da: (magac, dhedig, keli) wax ama meel, shaqo iyo hawl ka qabasho; hawl ka fulin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanaqaadid
m.f.dh eeg hanaqaad². la-mid: hanaqaad¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanaqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) korid oo xilli masuuliyad la qaadi karo gaadhid. Dh: xilqaadid, hanaqaadis, mudakarid, taabbagalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabaraadid
m.f.dh eeg kabaraad². la-mid: kabaaradis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalaqaadid
m.f.dh eeg kalaqaad². la-mid: kalaqaad¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalaqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) ilmo kalaqaad u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sakaraadid
(Sakaraadid-da)
Sakaraad noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sakaraadid
m.f.dh eeg sakaraad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakaraadid
-da: (magac, dhedig, keli) sakaraad noqosho, xanuunka geerida. Dh: xaraarugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afkalaqaadid
m.dh 1. Afkalaqaad. 2. Afka oo la kala qaado; hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damaashaadid
m.f.dh eeg damaashaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damaashaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dabbaaldegid oo farxad la ciyaarid. Dh: dabbaaldegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faadhfaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) dhul aasan qodqodid oo soo qufqufid; faadhid oo hadana mar kale faadhid. Dh: baadhbaadhitaan, faarfaarid, faarfaaris, qufitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahardaadid
-da: (magac, dhedig, keli) si xun u fadhiisad; kala daadsanaan. Bahardaadiddaydaad ka garan daalka aan qabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baryaqaadid
(Baryaqaadid-da)
Raabsasho, calalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baryaqaadid
m.f.dh eeg baryaqaad². la-mid: baryaqaad¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baryaqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) gawska wax ku raamsad. Dh: baryaqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Basanbaasid
(Basanbaasid-da)
Dhibaato badan ku dhicid; hoogid; bi'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
basanbaasid
m.f.dh eeg basanbaas².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basanbaasid
-da: (magac, dhedig, keli) silic iyo aad u dhibaatoobid la kulmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calwasaadid
m.f.dh eeg calwasaad². la-mid: calwasaad¹ (2), carwasaad¹, carwasaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carwasaadid
m.dh la-mid: calwasaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalkaqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dhul laga. qaado dadkii lahaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacanhaadin
m.f.dh eeg gacanhaadi. la-mid: gacanhaadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacanhaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) «u ~» qof meel dheer oo uu dhawaaqu gaadhayn jooga, gacanta u taagis si loogu yeedho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacanhaadis
m.l la-mid: gacanhaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacanhaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) «u» qof meel fog jooga, gacanta u taagis si loogu yeedho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gacanqaadid
(Gacanqaadid-da)
1. Gacansaarid.
2. Xaal siin; u hoyasho.
3. Dagaal bilaabid.
4. Wax siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacanqaadid
m.f.dh eeg gacanqaad². la-mid: gacanqaad¹ (4).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haad-haadid
hąad-hąadid: m.f.dh eeg hąad-hąad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haad-haadid
-da: (magac, dhedig, keli) duulduulid; eedaadid; leelleelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibasalaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) hal candhadeed, xoodaamin. Dh: Ibosalaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mashxaradid
m.f.dh eeg mashxarad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashxaradid
-da: (magac, dhedig, keli) damalo samayn oo mashxarad ku jiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaqashaafid
m.f.dh eeg qaqashaaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaqashaafid
-da: (magac, dhedig, keli) wax yar funfunaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salsalaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) si debecsan oo naxriis leh, gacan dul marmarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Walbahaarid
(Walbahaarid-da)
Walbahaar ku dhicid, qabasho; welwelid.