farxid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farxid
(Farxid-da)
Farax helid; riyaaqid; reyrreyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farxid
m.f.dh eeg farax². la-mid: faarxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farxid
-da: (magac, dhedig, keli) farax helid; riyaaqid iyo rayrayn; faaraxid oo riyaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farid
(Farid-da)
1. Hadal ama farriin qof qof ugu dhiibid.
2. Qof ku adkayn inuu wax sameeyo ama fuliyo ama yeelo.
3. (oogada dadka, kd.) dalool ama nabar yar oo af leh, waxa ku jira ka soo bixin; meel wax ku jiraan af yar u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farid
m.f.dh eeg far². la-mid: faarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farid
-da: (magac, dhedig, keli) qof kale ku adkayn in uu wax loo igmaday sameeyo ama fuliyo ama yeelo. Dh: amrid, faris.
farid-da: (magac, dhedig, keli) oogada dadka, iyo wixii la mid ah, dalool ama nabar yar oo af leh u samayn. Dh: fadhid, faris.
farid -da: (magac, dhedig, keli) farriin u dhiibid; hadal ama farriin qof ugu dhiibid; farriin u dirid. Waayeel wanaag farid baa lagu ogyahay. Dh: faris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farxi
f. g/mg2 (-iyay, -isay) Ka f.: cid farxad gelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farxi
f.g/mg2 (-iyay, -isay) Ka f.: cid farxad gelin. m.f.dh, farxin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farxi
v. make happy, gladden
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farxi
(fal) «ka ~» farax geli; wax uu u riyaaqo u sheeg; ka rayraysii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faxid
m.f.dh eeg fax². la-mid: faxis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faxid
-da: (magac, dhedig, keli) qoosh iyo wixii la mid ah, khamiirid. Dh: fixis.
faxid-da: (magac, dhedig, keli) biyo iyo wixii la mid ah, kululaad oo baylid; dareere, aad u kululaansho. Dh: isrogid, karid, fixid. Li: qaboobid, barafoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barxid
(Barxid-da)
(caano) biyo ku darid; dheehid; tarrixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barxid
m.f.dh eeg barax².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barxid
vl. n. mixing of milk and water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barxid
-da: (magac, dhedig, keli) isku darid biyo iyo caano. Dh: badhxid, xariirid.
barxid -da: (magac, dhedig, keli) bibbadka iyo kolba dhan u orodka baraarka oo hurdo maqashii kaga hadhay. Dh: badhxid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barxid
de: mixing of milk and water
lx: barxid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: barxid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faaxid
(Faaxid-da)
Meelo badan gaarid; faafid; fitaaxid; kala bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaxid
m.dh la-mid: faafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaxid
-da: (magac, dhedig, keli) kala bixitaanka iyo kala fididda walax; gaadhidda shey meelo badan ku baaho. Loox biyo ku jiraa faaxid ma daayo. Li: dhadhid, ururid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fariid
(Fariid-ka)
1. Qof wanaagsan; diric; wabar.
2. Hawraarsan; waa yahay; haye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fariid
m.l 1. Nin karti iyo caqli badan; diric. 2. (fk) Waa tahay, waa hagaag.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fariid
m.l 1. Nin karti iyo caqli badan; diric. 2. (fk) Waa tahay, waa hagaag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fariid
m. n. clever man, good person
fariid inter. good!, great!, hooray!, okay!
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Fariid
nickname; name-m good, great, clever. Cf: Facaye, Gaawiido
name-m unique, precious, rare
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fariid
-ka: (n) good boy; good man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Fariid
magac loo baxsho wiil raganimo iyo fariidnimo laga filayo, saansaanyaheegii na laga arkayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fariid
-da: (magac, dhedig, meli) qof dhedig oo ficnaan ama gaarinimo leh. Fariidi filkeed ka roon. Dh: dhabeel. Li: doqon.
fariid -ka: (magac, lab, keli) nin firfircoon oo caqli badan. Fariid faacuuro ma leh. Dh: hanad, geesi, diric. Li: dabbaal, nacas, caran, doqon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farmid
(Farmid-da)
Fartoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farmid
m.dh la-mid: fartoomid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farmid
vl. n. sending ~ acting on a message
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farmid
-da: (magac, dhedig, keli) farriin iyo amar qaadasho; wax lagu faray fulin.
farmid-da: (magac, dhedig, keli) wax kale ka sii farcamid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farmid
cf: faran
de: sending ~ acting on a message
lx: farmid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: farmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farxad
(Farxad-da)
Farax; reyrreyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farxad
m.dh la-mid: farax¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farxad
f. n. happiness, luck
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Farxad
name-m happiness, luck
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farxad
-da: (n) happiness (haapinis); delight (di-laayt); joy (Jooy); pleasure (paleesher) ~ arwaax, riyaaq, farax, raaxo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farxad
-da: (magac, dhedig, keli) dareen nafta raalli geliya oo aanay cadhoon. Li: murugo. Wa: farxado.
farxad -da: (magac, dhedig, keli) nasiibwanaag iyo barako; samaan, khayr iyo sareedo.
farxad-da: (magac, dhedig, keli) farax iyo rayrayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farxad
de: happiness, luck rw: farax
lx: farxad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: farxad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
farxad
فَرْحَةَ، سُرُورٍ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farxin
(Farxin-ta)
Farax gelin; riyaaqin; reyrreysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farxin
m.f.dh eeg farxi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farxin
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) farax gelin; wax uu u riyaaqo u sheegid; ka rayraysiin; ka farxis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farxis
-ka: (magac, lab, keli) eeg farxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firxid
-da: (magac, dhedig, keli) baxsadka cabsi darteed lala cararo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furxid
m.f.dh eeg furux². la-mid: furxasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furxid
-da: (magac, dhedig, keli) mid dubka laga saaray ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marxid
m.f.dh eeg marax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarxid
(Qarxid-da)
Qarxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarxid
m.f.dh eeg qarax². la-mid: qarxad, qarxasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qarxid
-da: (n) explosion (ikis-palow-shin); blast (balaast), eruption (i-rap-shen)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarxid
-ta: (magaca, dhedig, keli) qarxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arwaaxid
(Arwaaxid-da)
Farxid; riyaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bogid
(Bogid-da)
1. Wax qabyo ahaa dhammaystirid; ebyid.
2. (u bogid) jeclaysasho; ku farxid; ku rayrrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guuxid
(Guuxid-da)
1. Guux soo saarid.
2. Farxid; wax u bogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rayrrayn
(Rayrrayn-ta)
Farxid; riyaaqid; (ama reyrreyn).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riyaaqid
(Riyaaqid-da)
Farxid; rayrrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musaraar
musaraar¹: m.l 1. la-mid: musaraarid. Ku farxidda qof aad ugu farxo wax uu helay. 2. Argagax ama sas ama wax kale oo lala maanwareero; jidbo.
musaraar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Qof si aad ah u farxid, musaraar ku dhicid. la-mid: musareer², musuraar².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farax
farax¹: m.l Dareen nayaayiro iyo naallo leh. la-mid: faarax.
farax²: f.mg1 (-rxay, -raxday; -rxi) Nayaayiro iyo naallo dareemid. m.f.dh, farxid. la-mid: faarax.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
musaraar
m.l 1. la-mid: musaraarid. Ku farxidda qof aad ugu farxo wax uu helay. 2. Argagax ama sas ama wax kale oo lala maanwareero; jidbo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
exhilarate
/igsilareyt/ (v) farxid, riyaaqid, arwaaxid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
exult
/igsalt/ (v) 1. ray-rayn, farxid (v) 2. ka-rayn, guul la-farxid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rapture
/raapjar/ rapturous;(n) ray-rayn (farxid, riyaaqid).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rejoice
/rijooys/ rejoicing; (v) farxad gelin (ku farxid).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rid
/ridh/ rid of;(v) ka takhalusid (ka bixid, iska-tuurid).
get rid of ~ ka takhalusid.
good riddance ~ ka takhalusid fiican, oraah muujisa ku farxidda wax laga takhaluso (baga).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
rallegrarsi
v.rifl. - ku farxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arwaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) farxid iyo riyaaqid; rayrayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagabagaysi
-ga: (magac, lab, keli) dhib qof ku dhacday ku farxid; ku digasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qabyo ahaa dhammaystirid. Bogiddii kabadda waxyar baa ka hadhay. Dh: ebyid.
bogid -da: (magac, dhedig, keli) (u ~) ka helid sida wax loo falay, ku farxid, u bogis. U bogid ninki dilay bilisti reerkooda. Dh: bogow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirsad
-ka: (magac, lab, keli) wax qaboobay in yar kulaylsasho.
diirsad -ka: (magac, lab, keli) (ku ~) ku farxid oo fal la sameeyey ka ralli noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaraxid
-da: (magac, dhedig, keli) farxid iyo rayrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faarixid
(Faarixid-da)
Farxid; reyrreyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarixid
m.dh la-mid: farxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarixid
-da: (magac, dhedig, keli) mid faraxsan ahaan; farxad qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farxamid
m.f.dh eeg farxan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darxidh
(fal) qabaal, naadh iyo wax la mid ah biyo ugu shub xoolo.
darxidh -ka: (magac, lab, keli) kolka xoolaha soo arooray loo dhisayo meeshii ay ku cabbi lahaayeen biyaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhxid
-da: (magac, dhedig, keli) isku daridda labo shey iyo in ka badan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Fariida
name-f unique, precious, rare
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Fariido
nickname; name-f good, great, clever
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Farxado
name-f happiness, luck
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Farxiya
pr. n., [feminine] Farhia, Joy
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Farxiya
name-f joyful
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Farxiya
de: Farhia, Joy
lx: Farxiya
ps: name-f
key: Farxiya
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Farxiyo
name-fjoy. Syn: Fayaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Farxiyo
magac loo baxsho gabadh wejigeega laga arkay farxad iyo firfircooni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasaxid
m.f.dh la-mid: fasixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasaxid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, nashao ama madaxbannaani u oggolaansho. Ardaydu fasaxid bay rabaan. Dh: faasixid, ruqsayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fasixid
(Fasixid-da)
Fasax siin; wax qabashadood ama yeeliddood oggolaansho; sii deyn; ruqsayn; aftixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasixid
m.f.dh eeg fasax². la-mid: fasaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasixid
-da: (magac, dhedig, keli) oggolaansho iyo rukhsad siin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GARXIDH
(Garhid) N Cyanotis somaliensis C.B.CL. Commelinaceae..
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharxid
(Sharxid-da)
Sharax u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharxid
m.f.dh eeg sharrax². la-mid: sharaxid, sharixid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sharxid
-da: (n) the act of explaining, describing, defining
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharxid
-da: (magac, dhedig, keli) cashir iyo wixi la mid ah, sharxis.
sharxid -da: (magac, dhedig, keli) qurxin; bilid; sharraxis, sharax u yeelid; xardhid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Arid
Oomane
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
arid
/aarid/aridity;(adj) 1. dhul lama dagaan u eg oo aan dhir ka bixi karin (qalalan). e.g. Most of our country is arid or semi-arid. 2. qoraal ama mawduuc aan xiisa lahayn. e.g. I have read an article in the paper which was very arid and boring.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
arid
/arid/ (adj) dhul roob yer amy engjeghing oo geethy hannuung ingky bahaany. An arid land.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aarid
(Aarid-da)
Qof hor loo diley darti, qof u dilid; aargudid.