farxi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farxi
f. g/mg2 (-iyay, -isay) Ka f.: cid farxad gelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farxi
f.g/mg2 (-iyay, -isay) Ka f.: cid farxad gelin. m.f.dh, farxin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farxi
v. make happy, gladden
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farxi
(fal) «ka ~» farax geli; wax uu u riyaaqo u sheeg; ka rayraysii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farxid
(Farxid-da)
Farax helid; riyaaqid; reyrreyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farxid
m.f.dh eeg farax². la-mid: faarxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farxid
-da: (magac, dhedig, keli) farax helid; riyaaqid iyo rayrayn; faaraxid oo riyaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farxin
(Farxin-ta)
Farax gelin; riyaaqin; reyrreysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farxin
m.f.dh eeg farxi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farxin
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) farax gelin; wax uu u riyaaqo u sheegid; ka rayraysiin; ka farxis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farxis
-ka: (magac, lab, keli) eeg farxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barxi
(fal) ka bajisii oo baydad iyo baxsad ku rid. Naysha hayga barxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaxi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Bur, badar iyo wixi lamida khamiirin. 2. la-mid: faafi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fardi
-ah: (adj) singular (singyalar); individual ~ kali, shakhsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farmi
farmi¹: m.l Culaab la saaro maraakiibta markay faaruqa tahay si loo dheellitiro culayskooda.
farmi²: f.g1 (-iyay, -iday; -iyi) Markab faaruq ah si miisaankiisa la isugu dheellitiro culays saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farqi
(Farqi-ga)
Xala duwanaan; khilaaf (ama faraq).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farqi
farqi¹: m.l Kala duwanaanta laba wax ama ka badan leeyihiin. la-mid: faraq.
farqi²: f.g2 (-iyay, -isay) Wax faraq u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farqi
m.l Kala duwanaanta laba wax ama ka badan leeyihiin. la-mid: faraq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farqi
m. n. difference
farqi v. put a fringe on, fringe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farqi
-a: (n) difference (difrensi), disagreement (disagriiment) ~ kala duwan, khilaaf ~ Syn: dissimilarity, divergence, variation, distinction, discrepancy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farqi
-ga: (magac, lab, keli) xaddiga kala duwanaanshaha u dhaxeeya labo shey ama arrimood. Dh: khilaaf, faraq.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
farsi
v.rifl. - noqosho, iska yeelid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Fatxi
name-m opener of fortune. Syn: Fatxiya (Arb)
name-m triumph; to conquer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Fatxi
wiil loogu magacdaray hordhac hanti, bishaaro wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furxi
f.lg2 (-iyay, -isay) Laba xubnood oo is haaysta kala goyska ka kalabixin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
furxi
v. pull apart at the joint, dislocate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furxi
(fal) xoodhi oo dubka ka saar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
furxi
de: pull apart at the joint, dislocate rw: furux
lx: furxi
pd: (furxiyey)
ps: v2a=
key: furxi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marxi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax tashiilid. 2. Hilib marax ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marxi
v. look after, economize, save
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marxi
(fal) kaydi oo qudhmi. Xigga marxi hadhawbaad xigiye. Dh: madhxin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marxi
de: look after, economize, save
lx: marxi
nt: marxin (ta) [vn-f], marxis (ka) [vn-m]
pd: (marxiyey)
ps: v2a=
key: marxi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarxi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax qarax ku burburin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qarxi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax qarax ku burburin. m.f.dh, qarxin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarxi
v. explode, detonate; fire (a weapon)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qarxi
-yey / say: (v) cause to explode, erupt, burst or blast
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarxi
(fal) bam iyo wixii la mid ah wax, olol ka keen oo kala fidhiidhi.
qarxi: (fal) wax isku yaallay kala qarradhi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarxi
de: explode, detonate; fire (a weapon) rw: qarax
lx: qarxi
pd: (qarxiyey)
ps: v2a=tr
key: qarxi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arwaaxid
(Arwaaxid-da)
Farxid; riyaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bogid
(Bogid-da)
1. Wax qabyo ahaa dhammaystirid; ebyid.
2. (u bogid) jeclaysasho; ku farxid; ku rayrrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faarixid
(Faarixid-da)
Farxid; reyrreyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guuxid
(Guuxid-da)
1. Guux soo saarid.
2. Farxid; wax u bogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rayrrayn
(Rayrrayn-ta)
Farxid; riyaaqid; (ama reyrreyn).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riyaaqid
(Riyaaqid-da)
Farxid; rayrrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arwaaxi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid ka farxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqshiish
baqshiish¹: m.l Hanti yar oo qof adeegay farxin ahaan loo siiyo.
baqshiish²: f.mg1 (-shay, -shtay) Qof adeegay, farxin ahaan hanti yar siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarixid
m.dh la-mid: farxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musaraar
musaraar¹: m.l 1. la-mid: musaraarid. Ku farxidda qof aad ugu farxo wax uu helay. 2. Argagax ama sas ama wax kale oo lala maanwareero; jidbo.
musaraar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Qof si aad ah u farxid, musaraar ku dhicid. la-mid: musareer², musuraar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qosli
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Ka q.: cid qosol ka keenid. 2. Ka q.: cid ka farxin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baqshiish
m.l Hanti yar oo qof adeegay farxin ahaan loo siiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farax
farax¹: m.l Dareen nayaayiro iyo naallo leh. la-mid: faarax.
farax²: f.mg1 (-rxay, -raxday; -rxi) Nayaayiro iyo naallo dareemid. m.f.dh, farxid. la-mid: faarax.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
musaraar
m.l 1. la-mid: musaraarid. Ku farxidda qof aad ugu farxo wax uu helay. 2. Argagax ama sas ama wax kale oo lala maanwareero; jidbo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qosli
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Ka q.: cid qosol ka keenid. 2. Ka q.: cid ka farxin. m.f.dh, qoslin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Fayaan
name-m joy. Syn: Farxiya
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
amazing
/ameysing/amazingly; (adj) wax kaa yaabiya isla markaasna kaa farxiya ama aad ka heshid. e.g. Cairo is an amazing city.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Farxiya
pr. n., [feminine] Farhia, Joy
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Farxiya
name-f joyful
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Farxiya
de: Farhia, Joy
lx: Farxiya
ps: name-f
key: Farxiya
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Farxiyo
name-fjoy. Syn: Fayaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Farxiyo
magac loo baxsho gabadh wejigeega laga arkay farxad iyo firfircooni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farxumi
m.dh 1. Hab qoraal-gacmeed oo qof wax u qoro oo ay adagtahay si loo akhriyo. 2. Hab aan quruxsanayn oo qof u sameeyo farshaxan. la-mid: farxumo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farxumi
m.dh 1. Hab qoraal-gacmeed oo qof wax u qoro oo ay adagtahay si loo akhriyo. 2. Hab aan quruxsanayn oo qof u sameeyo farshaxan. la-mid: farxumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barxid
(Barxid-da)
(caano) biyo ku darid; dheehid; tarrixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barxid
m.f.dh eeg barax².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barxid
vl. n. mixing of milk and water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barxid
-da: (magac, dhedig, keli) isku darid biyo iyo caano. Dh: badhxid, xariirid.
barxid -da: (magac, dhedig, keli) bibbadka iyo kolba dhan u orodka baraarka oo hurdo maqashii kaga hadhay. Dh: badhxid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barxid
de: mixing of milk and water
lx: barxid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: barxid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barxin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka bajisiin oo firxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barxis
-ka: (magac, lab, keli) barxin ku ridid.
barxis-ta: (magac, dhedig, keli) isku daris biyo iyo caano. Falanfalxo idaad badhxis la'aan baa la dhamaa. Dh: badhxis, xariiris.
barxis-ta: (magac, dhedig, keli) barxidda baraarka. Baraxis baraar baa lagu ogaa baarqabna guuxe. Dh: badhxis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faardi
m.l la-mid: faarsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faardi
-ga: (magac, lab, keli) jaad kalluunka ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarsi
faarsi¹: m.l la-mid: faarsasho.
faarsi²: m.l Noocyada kallunka ka mid ah. la-mid: faardi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarsi
-ga: (magac, lab, keli) jaad kalluunka ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faaxid
(Faaxid-da)
Meelo badan gaarid; faafid; fitaaxid; kala bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaxid
m.dh la-mid: faafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaxid
-da: (magac, dhedig, keli) kala bixitaanka iyo kala fididda walax; gaadhidda shey meelo badan ku baaho. Loox biyo ku jiraa faaxid ma daayo. Li: dhadhid, ururid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaxin
m.dh la-mid: faafin¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kala baxsan oo ballaadhan ka dhigid. Kubbadda iyo taayirku faaxintay wax ku taraan. Dh: fidin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaxis
m.l la-mid: faafin¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaxis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg faaxid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
farcir
farcir, v. - hilib iyo khodaar la isku dhexkariyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fariid
(Fariid-ka)
1. Qof wanaagsan; diric; wabar.
2. Hawraarsan; waa yahay; haye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fariid
m.l 1. Nin karti iyo caqli badan; diric. 2. (fk) Waa tahay, waa hagaag.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fariid
m.l 1. Nin karti iyo caqli badan; diric. 2. (fk) Waa tahay, waa hagaag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fariid
m. n. clever man, good person
fariid inter. good!, great!, hooray!, okay!
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Fariid
nickname; name-m good, great, clever. Cf: Facaye, Gaawiido
name-m unique, precious, rare
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fariid
-ka: (n) good boy; good man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Fariid
magac loo baxsho wiil raganimo iyo fariidnimo laga filayo, saansaanyaheegii na laga arkayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fariid
-da: (magac, dhedig, meli) qof dhedig oo ficnaan ama gaarinimo leh. Fariidi filkeed ka roon. Dh: dhabeel. Li: doqon.
fariid -ka: (magac, lab, keli) nin firfircoon oo caqli badan. Fariid faacuuro ma leh. Dh: hanad, geesi, diric. Li: dabbaal, nacas, caran, doqon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fariin
m.l Qalab baabuurka ku samaysan oo loogu talaggalay inuu joojiyo ama hakiyo socodka baabuurka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fariin
m.l Qalab baabuurka ku samaysan oo loogu talaggalay inuu joojiyo ama hakiyo socodka baabuurka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farmid
(Farmid-da)
Fartoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farmid
m.dh la-mid: fartoomid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farmid
vl. n. sending ~ acting on a message
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farmid
-da: (magac, dhedig, keli) farriin iyo amar qaadasho; wax lagu faray fulin.
farmid-da: (magac, dhedig, keli) wax kale ka sii farcamid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farmid
cf: faran
de: sending ~ acting on a message
lx: farmid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: farmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farqin
(Farqin-ta)
Faraq u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farqin
m.f.dh eeg farqi². la-mid: farqis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farqin
-ta: (magac, dhedig, keli) faraq u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farqis
m.l la-mid: farqin.