ereyga

farsug

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

farsug

DHAN
1

farsug: f.mg1 (-gay, -gtay) Farqoraal sixitaankeeda sugid.

2

farsųg: f.mg1 (-gay, -gtay) Arday in looxa macallinku cashar ugu qoro sugid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

farsug

DHAN

f.mg1 (-gay, -gtay) Farqoraal sixitaankeeda sugid. m.f.dh, farsugid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

farsug

DHAN

-ga: (magac, lab, keli) laylitirka iyo hubinta in ay gacantu si sax ah wax u qorayso.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

farsuug

DHAFAN
1

-ga: (magac, lab, keli) geed ka mid ah geed weynaada la beero oo midho macmacaan oo la cuno dhala. Dh: fursug.

2

farsuug-ga: (magac, lab, keli) midhaha macaan ee la cuno ee geedka farsuuga mid ka mid ah. Waxaa uu leeyahay diir buuran oo ay hoosta kaga jirto laf adagi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

farsugid

DHAFANDHAAF
1

farsugid: m.f.dh eeg farsug.

2

farsųgid: m.f.dh eeg farsųg.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

farsugid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) hubinta in ay gacantu si sax ah wax u qorayso.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

garsuge

DHAFANDHAAF

m.l (-gayaal, m.l/dh) Nin xabsi ku jira oo aan xukunayn; rumaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

garsuge

DHAFANDHAAF

m.l (-gayaal, m.l/dh) Nin xabsi ku jira oo aan xukunayn; rumaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

garsuge

DHAFANDHAAF

m. n., [compound] one who is awaiting a decision ~ judgement about his case

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

garsuge

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) qof eedaysane ah; maxbuus aan weli maxkamad la hor geyn; xukun suge.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

garsuge

DHAFANDHAAF
1

de: one who is awaiting a decision ~ judgement about his case

2

lx: garsuge

3

pd: (/ha)

4

ps: n7-m-cmp

5

key: garsuge

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]

farsi

DHAFANDHAAF

v.rifl. - noqosho, iska yeelid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

faalug

DHAFANDHAAF

f.g1 (-gay, -gtay) la-mid: faalig.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

faasuq

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: faasiq.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

faasuq

DHAFANDHAAF

(tilmaame) qof denbiile ah oo aan cibaadada Alle iyo diintiisa ku toosnayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

farmuq

DHAFANDHAAF

f.g1 (-qay, -qday) Cid wax ku tuhmid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

farsad

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) isrogrogga waayaha iyo kaalinta kolba la joogo. Dh: fursad. Wa: farsado.

2

farsad -da: (magac, dhedig, keli) shaqo ama hawl kolba cid gaar ah loo daayo. Farsad baa loo kala sameeyey basaskii is dhex yaacayey. Dh: malko, kal, kaaye.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

farsan

DHAFANDHAAF

[adjective] good handwriting

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

farsho

DHAFANDHAAF

m.dh Waab alaabo kala geddisan lagu iibiyo. la-mid: firsho (1).

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

farsho

DHAFANDHAAF

m.dh Waab alaabo kala geddisan lagu iibiyo. la-mid: firsho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

farsho

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) nooc khamrida ka mid ah oo badar la khamiiriyay laga sameeyo. Dh: khamri.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Faruur

DHAFANDHAAF
1

(Faruur-ta)

2

Bushin; dibin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

faruur

DHAFANDHAAF
1

faruur¹: m.l Cirir.

2

faruur²: m.dh (-ro/-ryo, m.l) 1. Labada bushumood oo afka nafleyda middood. 2. (daawo) Kala jeex faruurta sare ku sameysma iin awgeed.

3

faruur³: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Hoore (sida biyaha iyo wixi lamida) marin u dillaacin. 2. Bushin dillaacin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

faruur

DHAFANDHAAF
1

faruur¹: m.dh (-ro/-ryo, m.l) 1. Labada bushumood oo afka nafleyda middood. 2. (daaw.) Kala jeex faruurta sare ku sameysma iin awgeed.

2

faruur²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Hoore (sida biyaha iyo wixi lamida) marin u dillaacin. 2. Bushin dillaacin. m.f.dh, faruurid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

faruur

DHAFANDHAAF
1

f. n. lip

2

faruur v. cut a channel ~ gap for water

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

faruur

DHAFANDHAAF
1

-ta: (n) lip (lip) ~ bushin, dacay

2

faruur -ka: (n) person with cleft palate

3

faruur -ay / tay: (n) cut or break in the banks of a body of water, especially a river, lake, or channel

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

faruur

DHAFANDHAAF
1

(fal) dhinac ka jeex, sida maangadka biyuhu maraan. Dh: jeex, du', weeci.

2

faruur -ka: (magac, lab, keli) wax debinta sari jeexan tahay. Dh: fanax.

3

faruur -ta: (magac, dhedig, keli) labada debnood midkood. Faruurta libaax, far looma lulee, ka fiirso intaad, fayawdahay. Dh: debin. Wa: faruuryo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

farxun

DHAFANDHAAF

f.mg4 (-umaa, -umayd) 1. Qof qoraal-gacmeedkiisa si loo akhriyo ay adagtahay ahaansho. 2. Qof farshaxannimadiisu aanay wanaagsanayn ahaansho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

farxun

DHAFANDHAAF

f.mg4 (-umaa, -umayd) 1. Qof qoraal-gacmeedkiisa si loo akhriyo ay adagtahay ahaansho. 2. Qof farshaxannimadiisu aanay wanaagsanayn ahaansho. m.f.dh, farxumaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

furdug

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) meel si kadis ah ama kudo ah ugu boodid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

faramugo

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) eeg faramagooggo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

darshub

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) tuuridda gorofka biyaha ah laga soo tuuro ceelka guntiisa illaa darkana la soo gaadhsiiyo. Dh: darbidh.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhursug

DHAFANDHAAF

f.mg1 (-gay, -gtay) Ka dh.: faa'iido dambe ama aayatiin wanaagsan ka dhowrid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dhursug

DHAFANDHAAF

f.mg1 (-gay, -gtay) Ka dh.: faa'iido dambe ama aayatiin wanaagsan ka dhowrid. m.f.dh, dhursugid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

dhursug

DHAFANDHAAF

v., [compound] await the outcome, wait for something to turn up

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

dhursug

DHAFANDHAAF

-ay / tay: (v) [ with preposition ka] expect (ikis-pekt); anticipate (an-tisi-peeyt) ~ ka dhursug, filo

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhursug

DHAFANDHAAF

(fal) «ka ~» rajee oo ha ka quusan wixii aad sugaysay. Li: quuso.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

dhursug

DHAFANDHAAF
1

de: await the outcome, wait for s.t. to turn up

2

lx: dhursug

3

pd: (dhursugay)

4

ps: v1=cmp

5

key: dhursug

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

faarsad

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: faarsasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

faarsan

DHAFANDHAAF

f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la faariyey ahaansho (caano).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

Faaruuq

DHAFANDHAAF

name: Faruk

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]

Faaruuq

DHAFANDHAAF

name-m he who distinguishes truth from falsehood, clarifier

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

Faaruuq

DHAFANDHAAF
1

bw: Arabic

2

de: Faruk

3

lx: Faaruuq

4

ps: name-m

5

key: Faaruuq

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

faradur

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) wax yar oo la iska eegayn, kurtin ama dhagax oo lagu turunturoodo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

faramog

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) geedbiyood xilliga roobku da'o baxa oo leh caleen yaryar oo isku marta duurka iyo burqo ama badhi biyo badan oo aasan. Dh: barash.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

farasho

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg faro. la-mid: faarasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

farasle

DHAFANDHAAF
1

-ha: (magac, lab, keli) koob wax lagu cabbo oo dheg leh. Farasle ayaan shaah ugu shubay.

2

farasle -ha: (magac, lab, keli) ciyaar u dhaxaysa ragga iyo haweenka oo ay wadajir u ciyaaraan, waxay na ka mid tahay ciyaaraha jiibta keliya ah ee aan gabayga lahayn ee caaanka ka ah gobollada Sanaag, Sool iyo meelo kale.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

farceur

DHAFANDHAAF

farceur, n.m. - qofka kaftanka badan leh; qofka maada badan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]

Farduus

DHAFANDHAAF

name-f paradise

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

farming

DHAFANDHAAF

/faarmin/ (n) beer-falasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

farruud

DHAFANDHAAF

f. n., [collective] mature male camels; elders

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

farruud

DHAFANDHAAF
1

de: mature male camels; [fig.] elders

2

lx: farruud

3

pd: (-da)

4

ps: n-f-col

5

syn: qarruud

6

key: farruud

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Farsamo

DHAFANDHAAF
1

(Farsama-da)

2

Aqoonta iyo tabta hawlaha lagu qabto siiba kuwa gacanta.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

farsamo

DHAFANDHAAF

m.dh (-ooyin, m.l) Aqoon iyo tab lagu qabto hawlgacmeed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

farsamo

DHAFANDHAAF

m.dh (-ooyin, m.l) Aqoon iyo tab lagu qabto hawlgacmeed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]

farsamo

DHAFANDHAAF

technique

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

farsamo

DHAFANDHAAF

f. n. manual skill ~ technique; handicraft; technology

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

farsamo

DHAFANDHAAF

-farsamada: (n) 1. handicraft (heendikraaft), technique (tak-niik) ~ farsamada gacanta, 2. technology ~ sanco-da

waa la naqliyay ✓

Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]

Farsamo

DHAFANDHAAF
1

Mestiere; tecnica

2

Craft; technique

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

farsamo

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) hab cilmiyaysan iyo tabaha hawl loo qabto, gaar ahaan kuwa gacmaha lagu sameeyo. Farsamo waa farakuhayn Dh: mihnad. Wa: farsamooyin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

farxumi

DHAFANDHAAF

m.dh 1. Hab qoraal-gacmeed oo qof wax u qoro oo ay adagtahay si loo akhriyo. 2. Hab aan quruxsanayn oo qof u sameeyo farshaxan. la-mid: farxumo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

farxumi

DHAFANDHAAF

m.dh 1. Hab qoraal-gacmeed oo qof wax u qoro oo ay adagtahay si loo akhriyo. 2. Hab aan quruxsanayn oo qof u sameeyo farshaxan. la-mid: farxumo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

farxumo

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: farxumi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

fayruus

DHAFANDHAAF

m. n. virus

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]

Fayruus

DHAFANDHAAF

name-f turquoise

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

fayruus

DHAFANDHAAF
1

de: virus {Eng}

2

lx: fayruus

3

pd: (-ka)

4

ps: n2a-m

5

key: fayruus

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

fearful

DHAFANDHAAF

/fiir-ful/ (adj) 1. cabsi-leh (adj) 2. cabsanaya, baqaya.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

mansuug

DHAFANDHAAF
1

(fal) cunto ama wax kale oo lagu siiyay saluug oo in laguu biiriyo doon. Mansuug waa laguu biirine. Dh: saluug.

2

mansuug: (fal) wax ad hayso cid u diid oo kala bakhayl. Lacag la mansuug.

3

mansuug-ga: (magac, lab, keli) saluug ama yaraysi wax la isa siiyay ama cunto la yaraysto oo biro la doono. Dh: saluug.

4

mansuug-ga: (magac, lab, keli) lexjeclo iyo bakhaylnimo darteed oo cid wax loogu diido. Mansuuggu waa dhagan aan fiicnayn. Dh: bukhli Li: deeqsinimo.

5

mansuug-ga: (magac, lab, keli) qof bakhaylah oon waxba ka dhicin. Mansuug miyir wax ugma baxaan. Dh: dhabcaal, bakhayl.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

sarsuur

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) meel la maro oo cidhiidhi ah, laba dhinacna ka xidhan. Dh: sursuur.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]

Waasuge

DHAFANDHAAF

name-m dawn-waiter. Lit: he who born at dawn

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

Waasuge

DHAFANDHAAF

magac loo bixiyo wiil fooshiisii dheeraatay oo subaxii dhashay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

far-flung

DHAFANDHAAF

/faar-falan/ (adj) baahsan, shaac-ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

faradduug

DHAFANDHAAF

m.l Wax yar oo abaalmarin ahaan loo siiyo hawl la qabtay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

faradduug

DHAFANDHAAF

m.l Wax yar oo abaalmarin ahaan loo siiyo hawl la qabtay.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

farammugo

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) eeg farammaggoogo.

waa la naqliyay ✓