farsamadhaari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farsamadhaari
m.l.kh F. ah: qof farsamo aad u yaqaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farsamadhaari
m.l.kh F. ah: qof farsamo aad u yaqaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farsamadhaari
-ga: (magac, lab, keli) qofka aadka u yaqaan farsamada ee farshaxanka ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farsamadheeri
f. n. far-reaching ~ extensive practical knowledge
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farsamadheeri
de: far-reaching ~ extensive practical knowledge
lx: farsamadheeri
pd: (-da)
ps: np-f
key: farsamadheeri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fardadhaari
m.l (-iyo, m.dh) Nin fardaha aad u yaqaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fardadhaari
-ga: (magac, lab, keli) fuullaandhaaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faramadhan
(tilmaame) mid aan ul iyo wax kale ba gacanta ku haysan.
faramadhan: (tilmaame) aan waxba hayn oo sabool ah. Nin faramadhan ayaa guursaday gabadha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faramadhni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg faramadhnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maradhaari
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhaqaalayn. la-mid: maradhaaree.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maradhaari
v. economize, take care of
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maradhaari
(fal) wax ad hayso yaryaree oo ha baytimaalin. Dh: tashiil, yaryaree, beexaami. Li: baytimaal, daadaadi, takrifal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maradhaari
de: economize, take care of
lx: maradhaari
pd: (maradhaariyey)
ps: v2a=tr
key: maradhaari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faramadhnaan
-a: (magac, lab, keli) hanti la'aan iyo caydhnimo. Dh: saboolnimo. Li: hodnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faradhacsi
-ga: (magac, lab, keli) ciyaar quruurux kulkulucsan lagu ciyaaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faramaraan
-ta: (magac, dhedig, keli) hantila'aan aanu qofku waxba hayn. Dh: xoolola'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaadyari
m.dh la-mid: garaadyaraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garaadyari
f. n., [abstract] irrationality, carelessness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garaadyari
a: garaadyaraan (ta) [n0-f-abs]
de: irrationality, carelessness
lx: garaadyari
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: garaadyari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maradhaami
f.g2 (-iyay, -isay) Cid maaweelo nayaayiro leh u jeedin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maradhaaro
(Maradhaara-da)
Tashiil; dhaqaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maradhaaro
m.dh Tashiilidda wax la tashiilo. la-mid: maraadharin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maradhaaro
f. n. economy, care
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maradhaaro
(fal) xoolahaaga yaryarayso. Biilka maradhaaro. Dh: tashiilo. Li: dhammee, daadi.
maradhaaro -da: (magac, dhedig, keli) yaryarayn iyo ilaalin laga ilaaliyo ku takri fal aan bannaanayn. Dh: tashiilid, dhaqaale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maradhaaro
cf: dhaqaale, tashiil
de: economy, care
lx: maradhaaro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: maradhaaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaradhaami
f.g2 (-iyay, -isay) Cid si fiican u dhaqaalayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaradhaami
v. treat someone kindly ~ well; care for ~ take good care of something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaradhaami
(fal) beerta qodqod oo baaqbaaq. Xaradhaami hadhuudhka. Dh: baaqbaaq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaradhaami
de: treat s.o. kindly ~ well; care for ~ take good care of s.t.
initial: x
lx: xaradhaami
pd: (xaradhaamiyey)
ps: v2a=tr
key: xaradhaami
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farabadnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) tirabadnaan; wax aad u badan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faramarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof aan ul ama wax kale, faraha ugu jirin ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faramaroori
(fal) cid kale, xoog wax kaga qaado: xoog ku muquuni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fardadhacsi
(Fardadhacsi-ga)
Cayaar quruurux kulkulucsan lagu cayaaro; fargan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fardadhacsi
m.l Nooc ciyaaraha dhallinyarada ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fardadhacsi
vl. n., [compound] playing game of marbles
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fardadhacsi
-ga: (magac, lab, keli) ciyaar quruurux kulkulucsan lagu ciyaaro. Dh: fargan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fardadhacsi
cf: fardo + dhacsi
de: playing game of marbles
lx: fardadhacsi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m-cmp
key: fardadhacsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farsamaxumi
m.dh la-mid: farsamaxumaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farsamaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la farsameeyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farsamaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la farsameeyey ahaansho. m.f.dh, farsamaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farsamaysan
(tilmaame) wax si wanaagsan loo qabtay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maradhaarin
(Maradhaarin-ta)
Tashiilid; dhaqaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maradhaarin
m.f.dh eeg maradhaari. la-mid: maradhaarayn, maradhaaris, maradhaaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maradhaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) yaryarayn oo beexaamin. Dh: tashiilid, maradhaaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maradhaaris
m.l la-mid: maradhaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maradhaaris
-ka: (magac, lab, keli) eeg maradhaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
antaradhaafi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax xadkoodi caadiga ahaa ka badin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faramagaarto
-da: (magac, dhedig, keli) eeg faramagaadho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farsamabarad
m.l (-dyo, m.dh) Qof xirfad baranaya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farsamabarad
m.l (-dyo, m.dh) Qof xirfad baranaya.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farsamabarad
-ka: (n) one who is learning a trade or occupation: apprentice (a-praan tis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farsamabarad
-ka: (magac, lab, keli) barashada wax aan hore loo aqoon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farsamabbarad
m. n. apprentice, beginner, learner
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farsamabbarad
de: apprentice, beginner, learner
lx: farsamabbarad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: farsamabbarad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farsamaxumaan
m.dh eeg farsamaxun. la-mid: farsamaxumaansho, farsamaxumi, farsamaxumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farsamaxumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) garashala'aanta farsamada kolkaa loo baahan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farsamayaqaan
m.l (-nno, m.dh) Qof farsamo gaar ah oo gacanta laga qabto aqoon u leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farsamayaqaan
m.l (-nno, m.dh) Qof farsamo gaar ah oo gacanta laga qabto aqoon u leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farsamayaqaan
m. n., [compound] (adj.): expert, skilled person; technician; skillful
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farsamayaqaan
-ka: (n) skilled worker; a craftsman or a craftswoman; technician (tek-neshiri) ~ farsamoyaqaan
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
FARSAMAYAQAAN
Tecnico
Technician
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farsamayaqaan
-ka: (magac, lab, keli) qof farsamo gaar ah yaqaanna oo xirfaddiisa si fiican u yaqaanna. Dh: xirfadaale. Wa: farsamayaqaanno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farsamayaqaan
de: expert, skilled person; technician; [atr.] skillful Alt sp: farsamoyaqaan
lx: farsamayaqaan
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: farsamayaqaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farsamaysnaan
m.f.dh eeg farsamaysan. la-mid: farsamaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farsamaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax si wanaagsan loo qabtay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farakacayaarid
m.f.dh eeg farakacayaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farakacayaarid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaarta gacmaha ah; kaftanka gacmaha la isula tago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farammaggaarto
m.dh la-mid: farammaggaadho.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Farsamo-yaqaan
Tecnico
Technician
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farsamaxumaansho
m.l/dh la-mid: farsamaxumaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farsamaxumaansho
-ha: (magac, lab, keli) garashala'aanta sidii wax loo qaban lahaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farsamaysnaansho
m.l/dh la-mid: farsamaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farsamaysnaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax si wanaagsan loo qabtay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ashqaraari
f.g2 (-iyay, -isay) Cid ashqaraar ku ridid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ashqaraari
v. amaze, astonish
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ashqaraari
(fal) fajac iyo yaab ku rid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ashqaraari
de: amaze, astonish
lx: ashqaraari
pd: (ashqaraariyey)
ps: v2a=tr
key: ashqaraari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baradhacsi
m.l la-mid: baradhacsasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Barcadaadi
Halation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadadhaaf
-ka: (magac, lab, keli) wax sidii ay caadadu ahayd dhinac ka marsan. Caadadhaaf ayaa yimi sanadahan dambe. Dh: caadaguur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrabdaar
-ka: (magac, lab, keli) eeg carrabbaab.
carrabdaar-ka: (magac, lab, keli) qaab nirgaha carabkooda loo jeexo marka la rabo inay hashu ka gudho oo aanay dib danbe u jaqin. Dh: carrabjeex, qalable.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fahmadarro
-da: (magac, dhedig, keli) garasho xumaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farabadane
-farabadanaha: (n) centipede (sentipii); millipede (milapiidh) ~ hanqaraarac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faradhabad
-ka: (magac, lab, keli) hub ama ul la'aan socod. Dh: sacabalay Li: farallaab.
faradhabad -ka: (magac, lab, keli) sacabbada isku dhufasho si la isaga duuliyo boodh ama daqiiq iyo wixii la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faradhaqad
m.l la-mid: faraxalasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faradhaqad
-ka: (magac, lab, keli) maydhista faraha iyo baabacooyinka wax lagu cunayo. Dh: faraxalad, faramaydhad, faraxalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faradhaqan
f.mg4 (-qnaa, -qnayd) la-mid: faraxalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faradhaqid
m.dh la-mid: faraxalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faradhaqid
-da: (magac, dhedig, keli) faraha gacanta, uskagga ka maydhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faradheere
(Faradheera-ha)
Geed xoolaha loo qodo oo ay ku dhacartaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faradheere
m.l Geed xididkiisa xoolaha loo qodo oo ay ku dhacarsadaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faradheere
m. n., [collective] plant species, used for grazing livestock
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faradheere
-ha: (magac, lab, keli) geed xoolaha loo qodo oo ay ku dhacartaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faradheere
de: plant sp., used for grazing livestock
lx: faradheere
pd: (/ha)
ps: n7-m-col
key: faradheere
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farammayro
f.mg3 (-rtay, -ratay) la-mid: faraxalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farammayro
v., [compound] wash one's hands
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farammayro
-farammayrtay / farammayratay: (v) -faradhaqday / faradhaqatay: (v) wash or cleanse hands ~ faradhaqo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farammayro
de: wash one's hands
lx: farammayro
pd: (farammayrtay)
ps: v3b=cmp
syn: faradhaqo, faraxalo
key: farammayro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraqarrar
(Faraqarrar-ka)
1. Kalaggoysyada faraha.
2. Rays qotonkiisu faraha dhererkooda le'eg yahay oo aan calaacal gaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraqarrar
faraqarrar¹: m.l 1. Fantaxda u dhaxeysa faraha nafleyda. 2. Cudur faraha dhexdooda ku dhaca oo dhaliya dhaawac xanuun badan. 3. la-mid: faraqaris.
faraqarrar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Faraha dhexdooda nabarro ku yeelasho.