fardhexo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fardhexo
m.dh Farta u dhexeysa murugsatada iyo kayarada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fardhexo
f. n. middle ~ third finger
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fardhexo
-fardhexada: (n) middle finger
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fardhexo
-da: (magac, dhedig, keli) shanta farood ee calaacasha ku yaalla tan ugu dheer ee lababa dhinac ka xigto. Dh: fardhexo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fardhexo
de: middle ~ third finger
lx: fardhexo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: fardhexo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fardhaxo
(Fardhaxa-da)
Faraha calaacasha tan ugu dheer oo ugu dhexaysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fardhaxo
f. n. middle finger
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fardhaxo
de: middle finger
lx: fardhaxo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: fardhexo
key: fardhaxo
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
middle finger
(n) the second finger from the thumb.
fardhexo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
far_2
cf: suul (thumb), murdiso ~ murugsato (index finger), fardhexo (third), faadumo (ring), faryaro (little)
de: finger; handwriting, script
hm: 2
lx: far
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: far_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fadeexo
(Fadeexa-da)
Ceeb weyn; facshar; bayuur; (ama fadeexad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadeexo
m.dh (-ooyin, m.l) Fal xun oo aan qarsoonayn; ceeb, facsharo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fadeexo
m.dh (-ooyin, m.l) Fal xun oo aan qarsoonayn; ceeb, facsharo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fadeexo
f. n. disgrace, scandal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadeexo
-da: (magac, dhedig, keli) ceeb weyn oo bayuur ah. Dh: fadeexad, ceeb, ceebaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fadeexo
de: disgrace, scandal
lx: fadeexo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: fadeexo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fardhexaad
-da: (magac, dhedig, keli) farta u dhaxaysa murdisada iyo faadumo oo ah tan ugu dheer faraha. Dh: fardhexo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faradhaqo
f.mg3 (-qday, -qatay) la-mid: faraxalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faradhaqo
v., [compound] wash one's hands
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faradhaqo
-faradhaqday / faradhaqatay: (v) wash or cleanse hands ~ farammayro, faraxalo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faradhaqo
(fal) faraha biyo ku nadiifi oo ku maydh; faraha maydho. Dh: faramayro, faraxalo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faradhaqo
de: wash one's hands
lx: faradhaqo
pd: (faradhaqday)
ps: v3b=cmp
syn: farammayro, faraxalo {S & C}
key: faradhaqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afardhegood
m.l/dh 1. Sagaarada lab ee kolkaas u soo baxeen geeso la arki karo oo kolkaa la moodo in ay afar dhegood leedahay. 2. Fallaar dhegtiiba laba tarfaaq leedahay, ama afar geesood oo geeskiiba dheg leeyahay. 3. Digir markaa soo baxday oo afar caleemood leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afardhegood
m.l/dh 1. Sagaarada lab ee kolkaas usoo baxeen geeso la arki karo oo kolkaa lamoodo in ay afar dhegood leedahay. 2. Fallaardhegtiiba laba tarfaaq leedahay, ama afargeesood oo geeskiiba dheg leeyahay. 3. Digir markaa soo baxday oo afar caleemood leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afardhegood
-ka: (magac, lab, keli) sagaarada keega lab oo ay kolkaa uun labadii gees u soo baxeen oo la moodo inuu afar dhegood leeyahay.
afardhegood -ka: (magac, lab, keli) digir markaa uun dhulka soo jiidhay oo afar caleemood leh. afardhegood -ka: (magac, lab, keli) fallaadhahal jaad ka mid ah oo labo tarfaaq leedahay ama afar geesood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fardo
m.l.w eeg faras.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fardo
m. n., pl. horses
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fardo
-fardaha: (n) [plural of faras] horses (hoorsis)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fardo
de: horses
lx: fardo
pd: (/ha Sg: faras)
ps: n8-m-pl
key: fardo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dardho
dardho¹: m.dh Dhaxan badan.
dardho²: f.mg3 (-ooday, -ootay) Dhaxan aad u badan la gariirid (nafley).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dardho
m.dh Dhaxan badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhax
(fal) labo shey ama in ka badan isku dar isku qas; isku laaq. Isku fadhax kuusha cad iyo ta guduudan. Dh: laaq.
fadhax-a: (magac, lab, keli) isku walaaq ama isku darka labo shey ama in ka badan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
farder
farder, v. - midabayn (wajiga)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farsho
m.dh Waab alaabo kala geddisan lagu iibiyo. la-mid: firsho (1).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farsho
m.dh Waab alaabo kala geddisan lagu iibiyo. la-mid: firsho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farsho
-da: (magac, dhedig, keli) nooc khamrida ka mid ah oo badar la khamiiriyay laga sameeyo. Dh: khamri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firdho
f.mg3 (-dhaday, -dhatay) Wax qarxaday ama col jabay, wax ka kala yaacid, ka soo go'id.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
firdho
f.mg3 (-dhaday, -dhatay) Wax qarxaday ama col jabay, wax ka kala yaacid, ka soo go'id. m.f.dh, firdhasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firdho
v. scatter, break away from a group, disperse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firdho
(fal) kala yaac oo kala firidh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firdho
de: scatter, break away from a group, disperse
lx: firdho
pd: (firdhaday)
ps: v3a=intr
key: firdho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gardho
(Gardha-da)
1. Dhogorta ubadka geela.
2. Timaha jilicsan oo kolka la firo, rigrigada iyo hirarka yeesha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gardho
m.dh.u 1. Dhogorta geela markaa dhasha. 2. G. ah: timo jilicsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gardho
f. n., (mass n.): hair of young camel; light hair, fluff
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardho
-da: (magac, dhedig, keli) timo jilicsan oo marka la feedho mardhacyo yeesha. Gardhadii maxaa wiilka ka xiiray? Dh: bis, biliix.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gardho
de: hair of young camel; light hair, fluff
lx: gardho
pd: (/da)
ps: n0-f-mass
key: gardho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kardho
kardho¹: m.dh Dhaxan ama xanuun lala gariiro
kardho²: f.mg3 (-dhaday, -dhatay) 1. Neef irmaan oo ari ah darar awgeed la qaylin. 2. Qof jirro ama dhaxan la gariirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kardho
(fal) wax aad baahi weyn u qabtid raagso oo sugi kari waa. Dh: qumbaco.
kardho: (fal) neef irmaan oo adhi ah darar awgii la qaylin.
kardho -da: (magac, dhedig, keli) dhaxan ama xanuun lala gariiro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardho
m.dh.u Miro aan weli bislaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qardho
m.dh.u Miro aan weli bislaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Qardho
pr. n., loc. city in north east Somalia
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qardho
f. n., [collective] unripe fruit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardho
(tilmaame) midho aan weli bislaan ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadexo
-da: (magac, dhedig, keli) geed cawsaad aan xooluhu ilaa ay gaajoodaan cunin ama inta ay caws kale haystaan oo sedex dhegood dusha ku leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sardho
(Sardha-da)
Hurdo yar; indho iskuqabad yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sardho
m.dh Hurdo yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sardho
f. n. nap, short sleep
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SARDHO
(Sardo) N Agrostis semiverticillata (Forsk) C.Chr. Gramineae.
N Andropogon abyssinicus Fresen. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sardho
-da: (magac, dhedig, keli) hurdo yar; indho isku qabad yar, seexasho yar
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sardho
de: nap, short sleep
initial: s
lx: sardho
pd: (/da)
ps: n6-f
key: sardho
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xardhe
name-m decorater, carver, sculpter, etcher
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhato
-da: (magacwadareed) dad bililiqaysi iyo boob ku kaca. Dh: farato.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fardeau
fardeau, n.m. - culays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fareejo
-fareejada: (n) indicator (indhakeytar); blinker, signal light
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fargaxo
v. make a sudden move (as thief rushing away); simulate a premature birth (of camel)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fargaxo
de: make a sudden move (as thief rushing away); simulate a premature birth (of camel)
lx: fargaxo
pd: (fargaxday)
ps: v3b=intr
key: fargaxo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
farther
/fatha/ further; (adv) ka-fog, ka-shisheeya. e.g. I can't go any farther.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jareexo
(Jareexa-da)
Hadal waxkasheeg ah; xifaalo; kaftan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jareexo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Dhaawac cid la gaarsiiyo. 2. Ceeb cid lagu sheego. 3. Cay cid loo gaysto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jareexo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Dhaawac cid la gaarsiiyo. 2. Ceeb cid lagu sheego. 3. Cay cid loo gaysto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jareexo
f. n. injury; slander
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jareexo
-da: (magac, dhedig, keli) nabar ku dhacay maqaarka iyo ludda.
jareexo -da: (magac, dhedig, keli) hadal qof wax lagaga sheego. Iska daa jareexada iyo ceebaynta dadka. Dh: dhalleeco. Wa: jareexooyin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jareexo
bw: Arabic
de: injury; slander
lx: jareexo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: jareexo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaldhex
f.g/mg1 -xey, -xday la-mid: qaldheb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saddexo
(Saddexa-da)
Nagaar yar oo doomaarta ka tirsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexo
m.dh Nagaar yar oo doomaarta ka tirsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saddexo
f. n. small plant ~ lichen species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexo
-da: (magac, dhedig, keli) naagaadh yar oo doomaarta ka tirsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saddexo
de: small plant ~ lichen sp.
initial: s
lx: saddexo
pd: (/da)
ps: n-f
key: saddexo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sardhee
f.mg2 (-dheyay, -dhaysay) Qof wax yar seexasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sardhee
v. take a nap
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sardhee
(fal) hurdo yar seexo. Dh: dhakool, biririf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sardhee
de: take a nap
initial: s
lx: sardhee
pd: (sardheeyey)
ps: v2b=intr
key: sardhee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadeexow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Fadeexo la kulmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fadeexow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Fadeexo la kulmid. m.f.dh, fadeexoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadeexow
(fal) adigu kashifan oo ceebow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farahalo
f.mg3 (-ashay, -alatay) Gacmaha iska mayrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fargeeto
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Shay maacuunka ka mid ah, faro leh oo loo adeegsado in wax lagu cuno. 2. Faraley.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fargeeto
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Shay maacuunka ka mid ah, faro leh oo loo adeegsado in wax lagu cuno. 2. Faraley.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fargeeto
f. n. fork; rake
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fargeeto
-fargeetada: (n) [Pl. fargeetooyin-ka] 1. fork (foork) 2. pitchfork (pij foork)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fargeeto
-da: (magac, dhedig, keli) shey wax lagu cuno oo xagga danbe malqacadda uga eg, xagga horena faro dhawr ah ku leh oo cuntada, siiba baastada iyo wixii la mid ah, lagu cuno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fargeeto
de: fork; rake {It}
lx: fargeeto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: fargeeto
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
farthest
/fathest/ furthest; (adv) ugu fog, ugu-dheer, ugu-shisheeya. e.g. My house is the farthest one from the school.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firdhiso
m.dh Xabbad gumuc firdha leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firdhiso
-da: (magac, dhedig, keli) kala yaacso wax urursanaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gar'eexo
-da: (magac, dhedig, keli) caddaalad darro; gar la naqay oo cid xigtanimo ama saaxiibnimo loogu eexday; dacwad si xaqdarro ah loo xakumay. Ilaahow aqoon ha nagu cadaabin gar'eexana ha nagaga tegin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qardhabo
(Qardhaba-da)
Qalab manqaska u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardhabo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Qalab yar oo bir ah oo ka kooban laba af oo is qabsata marka la isku riixo oo timaha iyo wixi lamida lagu siisiibo. 2. Nooc ka mid ah kelbadaha. 3.Manqas.