faraxsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraxsan
Wax lagu farxo helay ama maqlay; reyrreyni hayso; arwaaxsan; riyaaqsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax farax dareemaya ahaansho. la-mid: faaraxsan, farxaansan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faraxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax farax dareemaya ahaansho. m.f.dh, faraxsanaan. la-mid: faaraxsan, farxaansan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faraxsan
der. [adjective] happy, glad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faraxsan
-aa: (adj) showing pleasure or joy; delighted (dilaaytidh); happy (happi); glad (glaadh); cheerful ~ riyaaqsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraxsan
(tilmaame) mid farxad iyo rayrayn dareemaya. Dh: riyaaqsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faraxsan
a: faaraxsan
de: happy, glad
lx: faraxsan
pd: (faraxsanaa)
ps: adj-der
key: faraxsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faaraxsan
Farax hayo; reyrreyna haya; (ama faraxsan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaraxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: faraxsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faaraxsan
der. [adjective] happy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaraxsan
(tilmaame) qof farxad iyo rayrayn dareemaya. Dh: faraxsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faaraxsan
a: faraxsan
de: happy
lx: faaraxsan
ps: adj-der
key: faaraxsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraxsani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg faraxsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraqsan
Faraq loo yeelay; bulaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax faraq leh ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faraqsan
der. [adjective] fringed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraqsan
(tilmaame) maro ama wax kale oo fadhaqsan.
faraqsan: (tilmaame) meel ku kala filgan; kala baahsan ama kala firidhsan. Dh: filqan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faraqsan
de: fringed
lx: faraqsan
pd: (faraqsanaa)
ps: adj-der
key: faraqsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax la dhaqaaleyey ahaansho. 2. Hilib wax suyacay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maraxsan
der. [adjective] saved, economized; safeguarded, protected; spoiled, smelling stale; capricious
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraxsan
(tilmaame) kaydsan oo meel lagu qarsaday ah. Harag meel ku maraxsan ayaa uraya. Dh: madhaxsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maraxsan
de: saved, economized; safeguarded, protected; [ext.] spoiled, smelling stale; [fig.] capricious
lx: maraxsan
pd: (maraxsanaa)
ps: adj-der
key: maraxsan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faraxsanow
inch. v. become happy; be pleased
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faraxsanow
de: remain happy; be pleased
lx: faraxsanow
pd: (faraxsanaaday)
ps: v3a=inch
key: faraxsanow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fahmeysan
Aan culays iyo habbiso saarrayn ee baraarugsan oo faraxsan; firfircoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanbalyo
(Hanbalya-da)
1. Qof wax loo bogey sameeyey ama helay oo hadallo diirran oo dhiirriggelis ah lagu yiraahdo; bogaadis.
2. Cid faraxsan oo hadal lagu tuso in faraxooda lala wadaagayo ama lagala qaybgelayo.
3. baga! ama kadabaa! cid ku dhihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaraxsanaan
m.dh la-mid: faraxsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaraxsanaansho
m.l/dh la-mid: faraxsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraxsanaan
m.f.dh eeg faraxsan. la-mid: faaraxsanaan, faaraxsanaansho, faraxsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraxsanaansho
m.l/dh la-mid: faraxsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farxaansan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: faraxsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farxaansanaan
m.dh la-mid: faraxsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farxaansanaansho
m.l/dh la-mid: faraxsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fooriggaalle
m.l 1. Foori gaar ah oo geela lagu dheelmo. 2. Foori qofka faraxsani ku maararoobo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qosol
qosol¹: m.l Cod gaar ah oo ay dadku sameeyaan marka ay faraxsanyihiin iyagoo ilkaha caddaynaya.
qosol²: f.mg1 (-slay, -soshay; -sli) 1. Ilkacaddayn, iyo cod isku darid farxad awgeed. 2. Ku q.: cid ku jeesjeesid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raalli
m.l 1. R. ah: qof faraxsan oo aan waxba tebeyn. 2. R. ah: qof aan arrin diid-daneyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qosol
qosol¹: m.l Cod gaar ah oo ay dadku sameeyaan marka ay faraxsanyihiin iyagoo ilkaha caddaynaya.
qosol²: f.mg1 (-slay, -soshay; -sli) 1. Ilkacaddayn, iyo cod isku darid farxad awgeed. 2. Ku q.: cid ku jeesjeesid. m.f.dh, qoslid.
qosolgariir¹: m.l Qosol naxdin iyo yaxyax keenaan.
qosolgariir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Naxdin iyo yaxyax awgood la qoslid. m.f.dh, qosolgariirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raalli
m.l 1. R. ah: qof faraxsan oo aan waxba tebeyn. 2. R. ah: qof aan arrin diiddaneyn.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
mood swing
(n) shift in emotional state, such as happy then sad.
qofka kula faraxsan kula murugooda
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
anticlimax
/aantklaymakis/anticlimaxes; (n) wax adigoo faraxsan kugu qaboojiya farxadda ama sidii aad filaysay aan nogon; niyad jab. e.g. The rain during our picnic was anticlimax.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
carry on
/ (adv) (v) 1. faraxsanaan (v) 2. wadid (sii-wadid)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cheerful
/jiirful/ (adj) faraxsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraxalan
Sacabbada mayrtay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraxalan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax farahiisu dhaqanyihiin ahaansho. la-mid: faradhaqan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faraxalan
der. [adjective] with one's hands washed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraxalan
(tilmaame) qof gacmaha iyo sacabbada maydhay; qof faraxashay. Dh: faradhaqan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faraxalan
de: with one's hands washed
lx: faraxalan
ps: adj-der
key: faraxalan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fataaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: fitaaxsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fataaxsan
der. [adjective] enlarged, expanded, extended
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fataaxsan
(adj) spacious (ispeeys-shes); roomy (ruumi) ~ fitaax, fataax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fataaxsan
(tilmaame) kala baxsan; kala fidsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fataaxsan
a: fitaaxsan
de: enlarged, expanded, extended
lx: fataaxsan
pd: (fataaxsanaa)
ps: adj-der
key: fataaxsan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farsan
[adjective] good handwriting
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farxan
farxan¹: f.mg1 (-xamay, -xantay; -xmi) Miro kuwa kale ku darsan noqosho.
farxan²: f.mg4 (-naa, -nayd) Miro wax kale ku darsan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farxan
inch. v. be glad, become joyful, get happy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farxan
de: be glad, become joyful, get happy
lx: farxan
pd: (farxamay)
ps: v1=inch
key: farxan
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Aragsan
name-f beautiful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Aragsan
magac loo baxsho gabadh qurux badan oo ay aragtidoodu indhaha u roon tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faansan
La faaniyey; wax faan ah lagu sheegay; ammaanan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faansan
f.mg4 (-naa, -nayd) La ammaanay ahaansho (qof).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faansan
der. [adjective] praised
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faansan
-aa: (adj) commended (kam-maandidh); admired
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faansan
(tilmaame) qof la faaniyey; qof wanaagasan oo aan u baahanayn in la faaniyo. Gabadh faansan baad tahay. Dh: ammaanan. Li: caayan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faansan
de: praised
lx: faansan
pd: (faansanaa)
ps: adj-der
key: faansan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la faariyey ahaansho (caano).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faragan
(tilmaame) qof liishaan wanaagsan; qof toogta yaqaan; qof dhoog fiican. Dh: shiishyahan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraxal
(Faraxal-ka)
Biyo faraha lagu mayro; farammayr; faradhaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraxal
faraxal¹: m.l Biyo yar oo faraha lagu dhaqo. la-mid: faradhaq¹, farammayr.
faraxal²: f.mg1 (-alay, -ashay) Cid gacmo u dhaqid. la-mid: faradhaq².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faraxal
faraxal¹: m.l Biyo yar oo faraha lagu dhaqo. la-mid: faradhaq, farammayr.
faraxal²: f.mg1 (-alay, -ashay) Cid gacmo u dhaqid. m.f.dh, faraxalid. la-mid: faradhaq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faraxal
m. n., [compound] water for hand-washing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faraxal
-ka: (n) water for cleansing or washing hands ~ farxal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraxal
-ka: (magac, lab, keli) biyo gacmanadiifinta loo isticmaalin cuntada horteed ama dabadeed. Dh: faradhaq, faramayr.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faraxal
de: water for hand-washing
lx: faraxal
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: faraxal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farxaan
m.l.kh F. ah: qof farxadi hayso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farxaan
m.l.kh F. ah: qof farxadi hayso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farxaan
m. n. cheerful, happy ~ merry man
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Farxaan
name-m cheerful, happy, merry man
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farxaan
-ka: (n) happy person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Farxaan
ama Fayaan, magac loo baxsho wiil weji furan oo farxad iyo mirqaan laga arkay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farxaan
(tilmaame) qof aan cadhoon oo inta badan weji furan, markasta faraxsan. Wiilkaygu had iyo jeer waa farxaan. Li: wejicabuus.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farxaan
de: cheerful, happy ~ merry man
lx: farxaan
pd: (-ka)
ps: n-m
key: farxaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaaxsan
Neef aan goortii la lisi jirey la lisin oo goor kaloo danbe lala suga hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax caano ku baaqdeen ahaansho (candho xoolaad).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax caano ku baaqdeen ahaansho (candho xoolaad). m.f.dh, gaaxsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaaxsan
der. [adjective] left unmilked (animal); untouched, virgin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaaxsan
-aa: (adj) not milked [a female mammal]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaaxsan
de: left unmilked (animal); [ext.] untouched, virgin
lx: gaaxsan
pd: (gaaxsanaa)
ps: adj-der
key: gaaxsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax maax yeshay ahaansho (ceel).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maaxsan
der. [adjective] full (of water); replete
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaxsan
(tilmaame) maax keenay ah; biyo maax ahi ayay ku jiraan. Laasku wuu maaxsan yahaye intaan lagaaga horrayn gaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maaxsan
de: full (of water); replete
lx: maaxsan
pd: (maaxsanaa)
ps: adj-der
key: maaxsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax cayilay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax cayilay ahaansho. m.f.dh, naaxsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaxsan
(tilmaame) cayilan shilis ah. awr naaxan ayaa saylada la keenay. Dh: buuran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bararsan
Barar leh; barartay; kabrarsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bararsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax barar leh ahaansho (meel jirka ka mid ah).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bararsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax barar leh ahaansho (meel jirka ka mid ah). m.f.dh, bararsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bararsan
der. [adjective] swollen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bararsan
(tilmaame) meel barar iyo caabuq leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bararsan
de: swollen
lx: bararsan
pd: (bararsanaa)
ps: adj-der
key: bararsan