farasle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farasle
-ha: (magac, lab, keli) koob wax lagu cabbo oo dheg leh. Farasle ayaan shaah ugu shubay.
farasle -ha: (magac, lab, keli) ciyaar u dhaxaysa ragga iyo haweenka oo ay wadajir u ciyaaraan, waxay na ka mid tahay ciyaaraha jiibta keliya ah ee aan gabayga lahayn ee caaanka ka ah gobollada Sanaag, Sool iyo meelo kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabayuub
-ka: (magac, lab, keli) weel ama koob dhegle ah oo dheer xagga sarana af ballaadhan ku leh, xagga hoosana u yar. Dh: farasle, dabadhuub.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaradle
-ha: (magac, lab, keli) qofka ama meeshal faaradda ka shaqaysa ama wax faaradeeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faral
(Faral-ka)
Wax in la falo laysku adkeeyey; wax laysku waajibiyey; waajib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faral
m.l.kh f. ah: wax qasab ay qofka ku tahay in uu sameeyo (diinta).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faral
m. n., [collective] obligatory religious duties
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faral
-ka: (n) obligation (oob ligeeyshin), duty (dhuuti) ~ waajib, farad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faral
-ka: (magac, lab, keli) waajib diiniya oo in la falo la isku amray; wax Eebbe Weyne waajibiyey Dh: farad, waajib.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faral
de: obligatory religious duties
lx: faral
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: faral
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faras
(Faras-ka)
Neef lab oo gammaanka kamid ah; wuxuu lee yahay afar addin oo xoogag badan oo qoobab ku dhammaada, guud iyo qanaan dheer: waa la fuulaa, waa la rartaa ama lagu xoojiyaa, beerahaa lagu fashaa...
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faras
m.l (-rdo/-rso, m.l) 1. (cilmiga naflayda) Naasley qurxan, dheereysa, afar addin leh, guudka iyo qanaanta halab dheer oo jilicsan ku leh oo loo adeegasado fuulidda, rarashada iyo falashada beeraha. 2. Fardaha kooda lab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faras
m.l (-rdo/-rso, m.l) 1. (cilmiga naflayda) Naasley qurxan, dheereysa, afar addin leh, guudka iyo qanaanta halab dheer oo jilicsan ku leh oo loo adeegasado fuulidda, rarashada iyo falashada beeraha. 2. Fardaha kooda lab. m.l.w, fardo.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
faras
horse
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faras
m. n. horse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faras
-ka: (n) horse (hoors), stallion (istaalyon)
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Faras
(I) Cavallo, generico;
(E) Horse, generic
(S) FARAS (S. g.: Faràs)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faras
-ka: (magac, lab, keli) noole gammaanka ka mid ah oo leh afar addin oo xoog badan oo ku dhammaada qoobab. Waxa kale oo uu leeyahay guud iyo qanaan dheer. Inta la fuulo ayaa lagu dagaallamaa, la rartaa ama lagu xoogsadaa, beerahana waa lagu fashaa. Dh: sange.
faras -ka: (magac, lab, keli) cabbir lagu garto tamarta mooteerrada. Waxa saaran mishiin toban faras ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faras
bw: Arabic
de: horse
lx: faras
pd: (-ka Pl: fardo (/ha))
ps: n2a-m, n8-m
key: faras
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
faras
فرس، حِصان
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
frase
s.f. - weer.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
arable
/aarabal/ (adj) dhul ku haboon bacriminta, beerista. e.g. arable land.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
arable
/aarabal/ (adj) athably eh amy abuur ky feyly.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
arable
arable, adj. - Ku habboon aboorid (Dhul) badanaaba la bagbaago
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faalle
m.l la-mid: faallo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faalle
m. n. comment, remark
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faalle
-faallada: (n) comment (komment); explanation. Ex: faalle badan uma baahna; it doesn't need much comment
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faalle
a: faallo
de: comment, remark
lx: faalle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: faalle
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fanale
s.m. - nal weyn sida kan baabuurta.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fatale
agg. - geeri leh; aan loo adkaysan karin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
furale
m. n. keyman, one who sells keys
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
furale
de: keyman, one who sells keys
lx: furale
pd: (/ha)
ps: n5b-m, n7-m
key: furale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balasle
-ha: (magac, lab, keli) socod ama orod gaaban oo baadidoon ah oo kolba meel balaslaynayso. Shan casho ayuu balasle ahaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraale
m.l B. leh: wax baro leh.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BARAALE
(Barale) N Digitaria abyssinica (A.Rich.) Stapf. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraale
-ha: (magac, lab, keli) dhulka u dhaw dhul badhaha adduunka. Baraaluhu wuu ka kulul yahay labada geftin ee dhulka. Dh: badhaale,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barafle
-ha: (magac, lab, keli) ganacsade iibiya baraf.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BARAYLE
(Baraile) S Ipomoea obscura (L) Ker. Convolvulaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faashle
-ha: (magac, lab, keli) nin dillaal ah oo aan hanti lahayn. Faashle fuudkuu heluu cabbaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraley
m.dh la-mid: Farammaggooggo; la-mid: farooley.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faraley
-da: (n) [tool] rake (reeyk) ~ fargeetada xashkana lugu uruuriyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraley
-da: (magac, dhedig, keli) bir daab dheer oo la qabsado iyo faro leh oo xashiishka lagu xaadho. Xashiishka faraleyda ku xaadh.
faraley -da: (magic, dhedig, keli) ul dheer oo afka hore saddex ama afar farood oo dhaadheer loogu yeelo oo firida iyo qaranka lagu kala saaro kolka geedgaabka la tumo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
faraóne
s.m. - fircoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farasho
m.f.dh eeg faro. la-mid: faarasho.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Karanle
name-m rain falling at the end of the cool season, before the main autumn rains; feast, banquet; unbroken camel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Karanle
magac loo baxsho wiil dhashay xilli roobaadka karanta.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
parable
/paarabal/ (n) wacdi (hanuunin).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
parable
n., matal, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waranle
(Waranla-ha)
Qalabkiisu waran yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waranle
m.l 1. Qof qalabkiisu waran yahay. 2. Qof dagaal galay oo aan qori wadan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waranle
m. n. spearman, lancer, warrior ~ soldier armed with a spear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waranle
-waranlaha: (n) 1. man armed with a spear; spearman (ispi-yer-mari). 2. layman (leey-man). Ex: wadaad iyo waranle; the priest and the layman.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waranle
-ha: (magac, lab, keli) ninka ummiga ah ee aan Diinta wax ka aqoon. Haddaan waranlow, wax dhac mooye, wehel kaa dayo! Dh: caamo. Li: wadaad.
waranle-ha: (magac, lab, keli) qof ka mid ah ciidanka inta warmaha wadata. Dagaalka waranle iyo sacabbalayba waa la wada galaa. Li: sacabbalayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waranle
de: spearman, lancer, warrior ~ soldier armed with a spear Contrast: dable (soldier who carries firearms)
initial: w
lx: waranle
pd: (/ha Pl: waranley (da))
ps: n5b-m, n7-m
key: waranle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yalasle
-ha: (magac, lab, keli) nafley baalal ku duusha; haad kasta oo hilbo cun ah. Marka yalasluhu, yeedhi waayaa, adna yoomaay laguu yaabaa Dh: haad, baalley.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Yarafle
nickname-m marauder
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraasilo
m.dh (-ooyin, m.l) la-mid: faraasilad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraasilo
-da: (magac, dhedig, keli) walax miisaanka lagu qiyaaso oo u dhiganta qiyaastii 28 rodol ama 16kg.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
favorable
/feyvarabal/ favourable; (adj) habboon, wanaagsan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
favorable
favorable, adj. - ugol; raali ka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balaslee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Si aan degganeyn u socosho (haween).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
balaslee
v. walk in a wavering manner
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaslee
(fal) socod balasbalas ah soco. Sii balaslee intaan ku soo gaadhaayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
balaslee
de: walk in a wavering manner (as an animal ~ person carrying a heavy load)
lx: balaslee
pd: (balasleeyey)
ps: v2b=intr
key: balaslee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraaley
m.dh (-leeyo, m.l) B. leh: wax baro leh (dheddig).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraaley
-da: (magac, dhedig, keli) tigaad barbar leh oo meelaha daadmareennada ah ka baxda.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Barafley
Permafrost
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bararshe
(Bararsha-ha)
Cudur dadka ku dhaca oo oogadu la barbararto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bararshe
m.l Cudur dadka ku dhaca oo wejiga iyo oogadu la barbararto oo dab lagu daaweeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bararshe
m. n., [collective] disease that causes the body to swell
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bararshe
-ha: (magac, lab, keli) cudur barariya oogada dadka. Barashe ayaa haya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bararshe
de: disease that causes the body to swell
lx: bararshe
pd: (/ha)
ps: n6-m-col
key: bararshe
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bearable
/beerabal/ (adj) loo adkaysan karo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
carcasse
carcasse, n.f. - Raqda xayawaanka (Xoolaha) dhiska lafaha jirka.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Carraale
name-m clean; newness; freshness; challanger
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carraale
magac loo baxsho wiil midabkiisu carrada u egyahay ama dhulka ku siibtay kolkii ay hooyadii umulaysay.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
cartable
cartable, n.m; - Shandada lagu qaato alaabta yaryar ee fudud siiba buugaagta (Dugsiga iwm.) waxaanay ka samaysan tahay saan ama shiraac iwm.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dar'Alle
(tilmaame) Eebbe dartii wax loo baxshay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaradee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Alwaax faarad ama raando ku simid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faaradee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Alwaax faarad ama raando ku simid. m.f.dh, faaradayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faaradee
v. plane, smooth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faaradee
-yey / faaradaysay: (v) smooth or finish with or as if with a plane ~ raandhee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaradee
(fal) eeg faaraday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faaradee
de: plane, smooth
lx: faaradee
pd: (faaradeeyey)
ps: v2b=
key: faaradee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarasho
m.dh la-mid: farasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarasho
-da: (magac, dhedig, keli) farriin iyo wax la mid ah, farasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faataale
m. n. boaster, braggart
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faataale
-faataalaha: (n) bluffer (balaafer); see [eeg] faataadhugle
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faataale
de: boaster, braggart
lx: faataale
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: faataadhugle
key: faataale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facfacle
-ha: (magac, lab, keli) eeg faataadhugle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadallee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Fadal samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadallee
(fal) xoog u orod oo fadallo kici.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Fadfadle
nickname-m one who has pock- marks on the face
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagadhle
-ha: (magac, lab, keli) qof aan waxba hubsan si degdeg ahna u xanaaqa. Fagadhle wax uma fiirsado. Dh: fidhiqle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fahrasad
m.dh la-mid: fahraso.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
faisable
faisable, adj. - la yeeli karo; la gaban karo; la suubin karo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fantasme
fantasme, n.m. - iska yeelyeel ah.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farageli
-yey / say: (v) intervene or intrude in the affairs of others; interfere (interfiir)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farageli
(fal) arrin aanad shuqul ku lahayn faraha la gal; qof, umuurihiisa u gaarka ah faraha la gal. Wax aanad lahayn farageli ha is odhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farahalo
f.mg3 (-ashay, -alatay) Gacmaha iska mayrid.