faraqxirasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraqxirasho
m.f.dh eeg faraqxiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraqxiro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Ku f.: saaxiibnimo awgeed cid ula socosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faraqxiro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Ku f.: saaxiibnimo awgeed cid ula socosho. m.f.dh, faraqxirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garxirasho
m.f.dh eeg garxiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaxirasho
m.f.dh eeg dabaxiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraxalasho
(Faraxalasha-da)
1. Cunnada horteeda iyo gadaalkeeda, faraha mayrasho.
2. Biyo kastoo farahu lagu mayrto, nadiifin darteed.
3. (ka faraxalasho) dhammaystirid; farakalabbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraxalasho
m.f.dh eeg faraxalo. la-mid: faradhaqad, faradhaqasho, farammayrasho, faraxalad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraxalasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg faraxalad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farabbarasho
m.f.dh eeg farabaro. la-mid: farabarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faramayrasho
-da: (magac, dhedig, keli) faraha gacmaha, maydhasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farammayrasho
m.dh la-mid: faraxalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afxirasho
m.f.dh eeg afxiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasaqasho
m.dh la-mid: fasakhasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasirasho
m.f.dh eeg fasiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasirasho
-da: (magac, dhedig, keli) war ama xog macnaysasho oo cadcaddaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farbarasho
m.dh 1. Barashada qoridda iyo akhrinta ee af. 2. Aqoonta qaabbilsan qurxinta habka qoridda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farbarasho
m.dh 1. Barashada qoridda iyo akhrinta ee af. 2. Aqoonta qaabbilsan qurxinta habka qoridda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farbarasho
vl. n., [compound] learning to write; literacy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farbarasho
-da: (magac, dhedig, keli) barashada sida wax loo qoro ama loo akhriyo. Buuggani waa kii farbarashada. Dh: feegar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farbarasho
de: learning to write; literacy
lx: farbarasho
pd: (/da)
ps: vn6-f-cmp
key: farbarasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fariisasho
(Fariisasha-da)
1. Dhulka ama wax kale korkood salka dhigid ama saarid.
2. Degid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fariisasho
m.f.dh eeg fariiso. la-mid: fadhiisad, fadhiisasho, fariisad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fariisasho
-fariisashada: (n) the act of sitting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fariisasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fadhiisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraqsasho
m.dh la-mid: marqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maraxsasho
(Maraxsasha-da)
Wax dhaqaalaysasho, dib u dhigasho, tashiilasho, kaydsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraxsasho
m.f.dh eeg maraxso. la-mid: maraxsad, maraxsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraxsasho
-da: (magac, dhedig, kell) eeg madhaxsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raatirasho
-da: (magac, dhedig, keli) qarinta raadka si cid looga dhuunto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sariirasho
m.f.dh eeg sariiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraarasho
m.f.dh eeg waraaro. la-mid: waraarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraarasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel quluul ah hoos uga sisibasho. Xaraarasho ha lagu tartamo. Dh: daadegid.
xaraarasho-da: (magac, dhedig, keli) meel tiiri ah oo fuuliddeedu aad u dhib badan tahay fanasho oo fuulid. Dh: fanasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xariirasho
(Xariirasha-da)
1. Il bugta xariir isaga samayn.
2. Caano xariir ka dhigasho.
3. Summad (xariir) xoolaha ku dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xariirasho
m.f.dh eeg xariiro. la-mid: xariirad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xariirasho
-da: (magac, dhediq, keli) caano bie darid oo badhxasho. Xariirashada caanubad kugu koobnaato. Dh: badhxasho, fadhxasho.
xariirasho -da: (magac, dhedig, keli) il bugta xariir iskaga samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arratirasho
(Arratirasha-da)
Dhar lagu arradbaxo qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arratirasho
m.f.dh eeg arratiro. la-mid: arradtirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arratirasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg arradbax.
arratirasho -da: (magac, dhedig, keli) dhar fiican gadasho ama cid kale u gadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaltirasho
(Daaltirasha-da)
Si daalku ku ba'o, ku kicid; nasasho; bojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaltirasho
m.f.dh eeg daaltiro. la-mid: daaltirad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaltirasho
vl. n. act of resting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaltirasho
-da: (magac, dhedig, keli) daal hore kuu gaadhay iska saarid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daaltirasho
de: act of resting
lx: daaltirasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: daaltirasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqbarasho
m.f.dh eeg daaqbaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharxirasho
m.dh eeg dharxiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharxirasho
-da: (magac, dhedig, keli) labbisasho oo dhar huwasho. Dadku way kala dharxirasho qurux badan yihiin. Dh: labisasho, dharxidhasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falliirasho
m.f.dh eeg falliiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farahalasho
m.f.dh eeg farahalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraqarradh
-ka: (magac, lab, keli) jeedhjeedhka faruhu yeeshaan kolka biyo in badan lagu jiro ama dhaxan badani hayso. Dh: faraqarrar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraxuunsho
(Faraxuunsha-da)
1. Summad u eg raadka xuunshada.
2. Geed yar oo dhulka banka ah ka baxa oo leh laamo dhuudhuuban oo la cuno oo macaan-dhanaan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraxuunsho
m.dh 1. Summad xoolaha lagu dhigo oo raadka xuunshada u eg. 2. Qof fulay ah. 3. Geed abaareed, leh laamo dhuudhuuban oo la cuno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faraxuunsho
f. n. mark, trace
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraxuunsho
-da: (magac, dhedig, keli) geed yar oo laamo dhuudhuuban oo la cuno oo macaan iyo dhanaan isku jira leh. Waxa uu ka baxaa dhulka banka ah.
faraxuunsho-da: (magac, dhedig, keli) summad xoolaad oo leh raadka xuunshada; summad raadka xuunshada u eg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faraxuunsho
de: mark, trace
lx: faraxuunsho
pd: (/da)
ps: n6-f
key: faraxuunsho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raadtirasho
m.f.dh eeg raadtiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayactirasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax dayacnaa hagaajisasho oo wixii ka dhinnaa u dhammaystirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farabaxsasho
-da: (magac, dhedig, keli) xaggiisa u cararid oo dagaal ula tegid. Dh: farabaxsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faradhaqasho
m.dh la-mid: faraxalasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faradhaqasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg faradhaqad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farajucsasho
m.dh la-mid: farajannaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farajucsasho
-da: (magac, dhedig, keli) faraha gacmaha isku jejebin si caajiska iyo daalka loola dagaallamo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gagabtirasho
-da: (magac, dhedig, keli) nabar lagu gagabay ka soo nayaayirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daranyatirasho
-da: (magac, dhedig, keli) daryeelasho oo baylahda ka dhabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraqsanaansho
m.l/dh la-mid: faraqsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharqantirasho
m.f.dh eeg sharqantiro. la-mid: sharqantirad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharqartirasho
m.dh la-mid: shanqartirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arrad-tirasho
m.dh la-mid: arratirasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Baraf barasho
Glaciology
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baryaddilasho
m.dh la-mid: baryadilasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darabqaadasho
m.f.dh eeg darabqaado. la-mid: darabdhaqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darabqaadasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg darabdhaqasho.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
FARA-XUUNSHOW
(Faro-hunsho) C Caralluma dicapuae Chiov. Asclepiadaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farabbaxsasho
m.f.dh eeg farabbaxso. la-mid: farabbaxsad, farabbaxsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraqarrarsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax faraqarraray ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farayaraansho
m.l/dh la-mid: farayaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garbasaarasho
(Garbasaarasha-da)
Garbasaar ka dhigasho; garbasaar huwasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garbasaarasho
m.f.dh eeg garbasaaro. la-mid: garbasaarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbasaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg garbasaarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayladdirasho
m.f.dh eeg qayladdiro. la-mid: qayladdirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanqartirasho
m.dh la-mid: shanqartirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarqaalibasho
(Sarqaalibasha-da)
Wax wax kale u qaadasho, moodid, ku gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarqaalibasho
m.f.dh eeg sarqaalibo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarqaalibasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax beddelkiisii, wax kale u qaado.
sarqaalibasho -da: (magac, dhedig, keli) wax laguu sheegay wax kale u qaadasho. Dh: moodasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faramaroorsasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoog wax ku qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farammarnaansho
(Farammarnaansha-ha)
Qof farammaran ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farammarnaansho
m.l/dh la-mid: farammarnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farammarnaansho
-ha: (magac, lab, keli) hantila'aan qofku aanu wax xoolo ah gacanta ku hayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garraarxidhasho
-da: (magac, dhedig, keli) garraarka xidhashada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garwaaxiidsasho
m.dh la-mid: garwaaxeedsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aftirasho
m.f.dh eeg aftiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aftirasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aftirad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaqsasho
m.f.dh eeg baaqso. la-mid: baaqsad, baaqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) ka baaqsasho - gudasha la'aanta hawl aad qaban lahayd ama meel aad tegi lahayd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaqsasho
(Daaqsasha-da)
Daaqsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqsasho
m.f.dh eeg daaqso. la-mid: daaqsad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaqsasho
vl. n. taking one's livestock out for grazing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo foofsasho. Daaqsasho ayey xooluhu ku dhaqmaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daaqsasho
de: taking one's livestock out for grazing
lx: daaqsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: daaqsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarsasho
m.f.dh eeg faarso. la-mid: faarsad, faarsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraqaris
m.l Cabbir da'mada roobka lagu cabbiro oo rays-qotonku faraha dhexdooda le'egyahay. la-mid: faraqarrar¹ (3).