farammaran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farammaran
1. Aan farihiisa wax ku jirin; aan wax haysan.
2. Farammar qaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farammaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Qof aan hanti lahayn ahaansho. 2. Wax farammar leh ahaansho (qof). 3. Qof aan gacanta wax ugu jirin ahaansho (hub, lacag iyo wixi lamida).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farammaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Qof aan hanti lahayn ahaansho. 2. Wax farammar leh ahaansho (qof). 3. Qof aan gacanta wax ugu jirin ahaansho (hub, lacag iyo wixi lamida). m.f.dh, farammarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farammaran
adj., [expression] empty-handed; poor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farammaran
-aa: (adj) empty-handed (em ti heen dhidh). Ex: ayagoo farammaran bay soo noqdeen; they came back with empty-handed
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farammaran
de: empty-handed; [ext.] poor
lx: farammaran
ps: adj-expr
key: farammaran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faramaran
(tilmaame) qof aan ul ama wax kale, faraha ugu jirin.
faramaran: (tilmaame) qof sabool ah oo aan farihiisa wax ku jirin; waxba aan haysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fara maran
adj., [expression] empty-handed
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fara_maran
de: empty-handed Alt sp: farammaran
lx: fara maran
ps: adj-expr
key: fara_maran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farammarnaan
(Farammarnaan-ta)
Farammarnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farammarnaan
m.f.dh eeg farammaran. la-mid: farammarnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farammarnaan
f. n., [abstract] empty-handedness; poverty
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farammarnaan
a: farammarnaansho (/ha) [n6-m-st]
de: empty-handedness; poverty
lx: farammarnaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: farammarnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farammar
(Farammar-ka)
Wax sacabbada ama faraha lagu duubo ama lagu maro ama la geliyo marka hawlo ad'adag gacanta lagu qabanayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farammar
m.l 1. Wax gacanta la geliyo ama lagu duubo marka hawl adag la qabanayo. 2. la-mid: faraggal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farammar
m. n. work gloves
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farammar
-ka: (magac, lab, keli) walax ka samaysan cinjir iyo wax la mid ah oo gacmaha la gashado kolka la qabanayo hawl looga cabsanayo in ay gacanta wax yeesho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farammar
de: work gloves
lx: farammar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: farammar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karammaan
-ka: (magac, dhaddig, keli) meel daaqsin dibir bannaan ah. Dh: kadhammaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farabbaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la farabaray ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faramaraan
-ta: (magac, dhedig, keli) hantila'aan aanu qofku waxba hayn. Dh: xoolola'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farammarnaansho
(Farammarnaansha-ha)
Qof farammaran ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faramarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof aan ul ama wax kale, faraha ugu jirin ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faramar
-ka: (magac, lab, keli) wax faraha lagu duubo ama lagu maro ama la geliyo marka hawlo ad'adag gacanta lagu qabanayo. Markaad heedda goynayso farmar xidho. Dh: boontaash, gacangashi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farmaan
-ka: (magac, lab, keli) qoriga dheer oo xoogga badan oo shiraacu, gees ilaa gees, ku daruuran yahay oo ku xidhxidhan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faarmaan
(Faarmaan-ka)
(bad, kd.) qori dheer oo xoog badan oo shiraacu, gees ka gees, ku daruuran yahay oo ku xirxiran yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarmaan
m.l (-nno, m.dh) Qori dheer oo xooggan oo shiraaca doonta kor ka haya, markuu furanyahay, marka kalena lagu duubo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faarmaan
m.l (-nno, m.dh) Qori dheer oo xooggan oo shiraaca doonta kor ka haya, markuu furanyahay, marka kalena lagu duubo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faarmaan
m. n. beam from which the sail is hung
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarmaan
-ka: (magac, lab, keli) usha ama tiirka calanka lagu xidho.
faarmaan-ka: (magac, lab, keli) qori dheer oo xoog badan oo shiraaca doonyaha lagu xidho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faarmaan
de: beam from which the sail is hung
lx: faarmaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: faarmaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marmaran
(tilmaame) marmar lagu sameeyey ah; qurux badan oo naqshadaysan. Dh: naqshadaysnayd.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farabadan
-aa: (adj) too much, very much, many ~ tirabadan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farabadan
(tilmaame) aad u badan, u tirabadan.
farabadan -ta: (magac, dhedig, keli) dheertaxaniinyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farafaray
(fal) wax faraha la galgal. Dh: taataabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faramarni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg faramadhni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farammayr
m.l la-mid: faraxal¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farammayr
m. n., [compound] water for washing hands, hand washing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farammayr
de: water for washing hands, hand washing
lx: farammayr
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
syn: faraxal
key: farammayr
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraxalan
Sacabbada mayrtay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraxalan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax farahiisu dhaqanyihiin ahaansho. la-mid: faradhaqan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faraxalan
der. [adjective] with one's hands washed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraxalan
(tilmaame) qof gacmaha iyo sacabbada maydhay; qof faraxashay. Dh: faradhaqan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faraxalan
de: with one's hands washed
lx: faraxalan
ps: adj-der
key: faraxalan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farxumaan
m.f.dh eeg farxun. la-mid: farxumaansho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jarabaran
-aa: (n) tamed (teeymidh)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barlammaan
* (Barlammaan-ka)
1. Shirka mudaneyaasha tolku doorto, oo sharciyadana dejiya, siyaasada dowladdana dusha ka ilaaliya.
2. Golaha ama aqalka mudaneyaashu ku shiraan (ama baarlammaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barlammaan
m.l 1. Urur dawladaha dimoqraadiga ahi leeyihiin xubnahiisana dadka ay soo doortaan, oo goo'aannada iyo sharciyada ansixiya. 2. Xarunta ay xubanaha baarlammaanka ku kulmaan. la-mid: baarlamaan, baarlammaan, barlamaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barlammaan
m. n. parliament
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barlammaan
a: baarlamaan, barlamaan {Eng}
de: parliament
lx: barlammaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: barlammaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabammarin
(Dabammarin-ta)
Meesha u danbaysa geyn; dib u dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabammarin
m.f.dh eeg dabammari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabammarin
-ta: (magac, dhedig, keli) khayaano cid wax loogu diiddan yahay. Dh: seejin, waydaarin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fara badan
many, numerous; outnumbered
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fara_badan
cf: farabbadan
de: many, numerous; outnumbered Lit: many fingers
lx: fara badan
ps: idiom
key: fara_badan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farabbadan
(Farabbadan-ta)
Dheertaxaniinyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farabbadan
farabbadan¹: m.dh la-mid: farammaggooggo.
farabbadan²: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax badan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farabbadan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax badan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farabbadan
f. n., [compound] centipede, millipede
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farabbadan
de: centipede, millipede
lx: farabbadan
pd: (-ta)
ps: n2-f-cmp
syn: dheertaxaniinyo ~ dhuurtaxaniinyo, geelcaacis
key: farabbadan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farabbarad
m.l 1. Qof wax dhigasho bilaabay. 2. Qof farshaxannimo bilaabay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farabbarad
m.l 1. Qof wax dhigasho bilaabay. 2. Qof farshaxannimo bilaabay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faradhaqan
f.mg4 (-qnaa, -qnayd) la-mid: faraxalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farafarayn
m.f.dh eeg farafaree. la-mid: farafarays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farafarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel la dhigay faraha la galid. Dh: taataabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faramadhan
(tilmaame) mid aan ul iyo wax kale ba gacanta ku haysan.
faramadhan: (tilmaame) aan waxba hayn oo sabool ah. Nin faramadhan ayaa guursaday gabadha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farammayro
f.mg3 (-rtay, -ratay) la-mid: faraxalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farammayro
v., [compound] wash one's hands
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farammayro
-farammayrtay / farammayratay: (v) -faradhaqday / faradhaqatay: (v) wash or cleanse hands ~ faradhaqo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farammayro
de: wash one's hands
lx: farammayro
pd: (farammayrtay)
ps: v3b=cmp
syn: faradhaqo, faraxalo
key: farammayro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farayaraan
m.f.dh eeg farayar. la-mid: farayaraansho, farayari, farayaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarabbaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la layliyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jarabbaran
der. [adjective] tamed, broken in, docile (stud animal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarabbaran
(fal) faras ama wax kale oo tababbaran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jarabbaran
de: tamed, broken in, docile (stud animal)
lx: jarabbaran
pd: (jarabbarnaa)
ps: adj-der
key: jarabbaran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxammasan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la maxammasay ahaansho (bun).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farammaroojin
m.f.dh eeg farammarooji. la-mid: farammaroorin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farammaroorin
m.dh la-mid: farammaroojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farammayrasho
m.dh la-mid: faraxalasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabammartayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meeshii loo socday meelaan ahayn aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabammaryayn
(Dabammaryayn-ta)
Dabammaryo kula kicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabammaryayn
m.f.dh eeg dabammaryee. la-mid: dabammaryo (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabammaryayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la isku ogaa khilaafid oo dabafurid samayn. Dh: dabamar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farammarooji
f.g2 (-iyay, -isay) Ka f.: qof wax gacanta ugu jirey xoog uga qaadid. la-mid: farammaroori.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farammarooji
f.g2 (-iyay, -isay) Ka f.: qof wax gacanta ugu jirey xoog uga qaadid. m.f.dh, farammaroojin. la-mid: farammaroori.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farammarooji
-yey / say: (n) [with preposition ka] take by force; twist one's arm ~ farammarooqso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farammaroori
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: farammarooji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faranfardayn
(Faranfardayn-ta)
Birinbirqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faranfardayn
m.f.dh eeg faranfardee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faranfardayn
-ta: (magac, dhedig, keli) jaad orodka ka mid ah oo birinbirqayn orod ah. Dh: tirtirfo, birinbirqayn, farafardayn. Li: cagajiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farsamabarad
m.l (-dyo, m.dh) Qof xirfad baranaya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farsamabarad
m.l (-dyo, m.dh) Qof xirfad baranaya.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farsamabarad
-ka: (n) one who is learning a trade or occupation: apprentice (a-praan tis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farsamabarad
-ka: (magac, lab, keli) barashada wax aan hore loo aqoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baarlammaan
m.l (-nno, m.dh) la-mid: barlammaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fahamsanaan
m.f.dh eeg fahamsan. la-mid: fahamsanaansho, fahansanaan, fahansanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fahamsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) garashada dhabta ah ee qof wax u yeelan karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fahmaddaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax xanuun aan weynayn hayo ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fahmaddaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax xanuun aan weynayn hayo ahaansho. m.f.dh, fahmaddarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fahmaddaran
der. [adjective] indisposed, ill, not feeling well