faragan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faragan
(tilmaame) qof liishaan wanaagsan; qof toogta yaqaan; qof dhoog fiican. Dh: shiishyahan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fargan
(Fargan-ka)
Wax yar oo adag (quruurux, kd.) oo inta si gaar ah faraha loogu qabto, xoog loo gano; finiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fargan
m.l (-nno, m.dh) 1. Qori yar, farraaro leh oo labadiisa farraar isugu xiranyihiin cijir laga gamo quruurux, fud iyo wixi lamida; farlaash. 2. Ciyaar carruureed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fargan
m. n. pebble, small stone (used in a slingshot); marble
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
FARGAN
(Fagan) S Garcinia livingstonei ? Guttiferae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fargan
-ka: (n) slingshot (isling-shaat)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fargan
de: pebble, small stone (used in a slingshot); [ext.] marble
lx: fargan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: fargan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faragal
-ka: (magac, lab, keli) cudur faraha gala.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falagsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: falkan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
falagsan
der. [adjective] woven, interlaced, braided
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
falagsan
-aa: (adj) interlaced (interlaaysidh); woven
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falagsan
(tilmaame) gogol ka samaysan caw ama timir oo furfuran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
falagsan
de: woven, interlaced, braided
lx: falagsan
pd: (falagsanaa)
ps: adj-der
key: falagsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraggal
(Faraggal-ka)
Cudur faraha gala.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraggal
m.l 1. (daawo) Cudur faraha gala oo u yeela dhaawacyo aad u xanuun badan. 2. la-mid: farammar. la-mid: fargal (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faraggal
m.l 1. (daaw.) Cudur faraha gala oo u yeela dhaawacyo aad u xanuun badan. 2. la-mid: farammar. la-mid: fargal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faraggal
m. n., [compound] disease of the fingers
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faraggal
de: disease of the fingers
lx: faraggal
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: faraggal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraqsan
Faraq loo yeelay; bulaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax faraq leh ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faraqsan
der. [adjective] fringed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraqsan
(tilmaame) maro ama wax kale oo fadhaqsan.
faraqsan: (tilmaame) meel ku kala filgan; kala baahsan ama kala firidhsan. Dh: filqan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faraqsan
de: fringed
lx: faraqsan
pd: (faraqsanaa)
ps: adj-der
key: faraqsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraxsan
Wax lagu farxo helay ama maqlay; reyrreyni hayso; arwaaxsan; riyaaqsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax farax dareemaya ahaansho. la-mid: faaraxsan, farxaansan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faraxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax farax dareemaya ahaansho. m.f.dh, faraxsanaan. la-mid: faaraxsan, farxaansan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faraxsan
der. [adjective] happy, glad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faraxsan
-aa: (adj) showing pleasure or joy; delighted (dilaaytidh); happy (happi); glad (glaadh); cheerful ~ riyaaqsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraxsan
(tilmaame) mid farxad iyo rayrayn dareemaya. Dh: riyaaqsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faraxsan
a: faaraxsan
de: happy, glad
lx: faraxsan
pd: (faraxsanaa)
ps: adj-der
key: faraxsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maragsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Nafleey wax la merjiyay ahaansho. la-mid: meregsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maragsan
der. [adjective] strangled, suffocated
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maragsan
(tilmaame) marag laga dhigtay ah. Cali ayaa ani ii maragsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maragsan
a: meregsan
de: strangled, suffocated
lx: maragsan
pd: (maragsanaa)
ps: adj-der
key: maragsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fagan
f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) 1. Wax qodmay noqosho. 2. Wax duugoobay noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagan
(tilmaame) wax fadhan ahaan; wax la fagay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faran
1. Meel oogada kamid ah, dalool ama nabar yar lagaga sameeyey; (nabar) af yar loo yeelay.
2. Farriin loo dhiibey; wax lagu qaybshey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faran
faran¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) la-mid: fartoon.
faran²: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Wax farriin la faray ahaansho. 2. Wax fandharan ahaansho (nabar).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Wax farriin la faray ahaansho. 2. Wax fandharan ahaansho (nabar). m.f.dh, farnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faran
der. [adjective] pricked; lanced (of a boil, etc.); assigned
faran: v. obey, take orders, act on a message received
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faran
(tilmaame) qof wax lagu amray ama la faray; qof farriin loo dhiibey.
faran: (tilmaame) wax la fadhay.
faran-ka: (magac, lab, keli) lacagta ay isticmaalaan waddamada faransiiska ku hadla intooda badan.
faran -ta: (magac, dhedig, keli) eeg furin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faagad
(Faagad-ka)
Faagasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faagad
m.l la-mid: faagasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faagad
-ka: (magac, lab, keli) dib u gurasho dagaal loo diyaar yahay; cabsi darteed dib u gurasho. Fulay faagashadii faydashaa xigta.
faagad -ka: (magac, lab, keli) kolka ay dibidu isku hanjabayso oo isguulguulayaan, dagaalka ka hor ayay dib u kala fogaadaan oo jeenyaha iyo geesaha dhul ku qodaan iyaga oo ciid dib u saydhinaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faalan
f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) la-mid: falan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faalan
(tilmaame) mid la falay; qof falan oo la baabay. Dh: falan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaran
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: faran².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaran
(tilmaame) wax la faadhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraar
m.l la-mid: farraar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraca
(magac, lab, keli) sarfiga iyo saafidda ereyga kolka la darsayo, erayada ka yimaadda ereysaleedka oo uu ku dabakarmo salkordhisku.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farayn
(Farayn-ta)
Faro ku taataabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farayn
m.f.dh eeg faree. la-mid: farays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farayn
-ta: (n) the act of fingering
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farayn
-ta: (magac, dhedig, keli) faro ku taabtaabasho.
farayn -ta: (magac, dhedig, keli) is le'ekeysiinta iyo habaynt maydhaxda iyo wixii la mid ah ah ee kebdaha laga sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farcan
farcan¹: m.l 1. Aabbayaalkii laga soo unkamay. 2. Badasho; tarmid.
farcan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) 1. Wax tarmay noqosho. 2. Ka f.: wax meel ka soo unkamay noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farcan
farcan¹: m.l 1. Aabbayaalkii laga soo unkamay. 2. Badasho; tarmid.
farcan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) 1. Wax tarmay noqosho. 2. Ka f.: wax meel ka soo unkamay noqosho. m.f.dh, farcamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farcan
v. have many offspring; multiply
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farcan
-farcamay / farcantay: (v) breed offspring; reproduce (ri-poro-dhuus); propagate (prope-geeyt) ~ taran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farcan
(fal) taran oo bado.
farcan -ka: (magac, lab, keli) taranka iyo tafiirta awow mid ah ka soo jeeda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farcan
de: have many offspring; multiply rw: farac
lx: farcan
pd: (farcamay)
ps: v1=
key: farcan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fargad
fargad¹: m.l la-mid: fargasho.
fargad²: m.dh (-do, m.l) Keebka buntukha.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fargad
m. n. writhing, struggle
fargad [feminine] n. trigger
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fargad
-ay / tay: (v) twist in or struggle with pain, discomfort or suffering; writhe (reeyth)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fargad
-da: (magac, dhedig, keli) riishadda ama keebka qoriga laga rido. Dh: firgad, fakad, baxsad.
fargad -da: (magac, dhedig, keli) keebka qoriga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fargal
m.l 1. (-llo, m.dh) la-mid: fargashi. 2. la-mid: faraggal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fargal
m.l 1. (-llo, m.dh) la-mid: fargashi. 2. la-mid: faraggal.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fargal
Annulus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fargal
-ka: (magac, lab, keli) walax yar oo wareegsan oo macdan ka samaysan oo faraha la gashado iyadoo qurux laga dayayo. Dh: faraartin, fargashi, kaatun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fargax
m.l Foolbeenaad, fooldiin (hasha geela).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farsan
[adjective] good handwriting
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farxan
farxan¹: f.mg1 (-xamay, -xantay; -xmi) Miro kuwa kale ku darsan noqosho.
farxan²: f.mg4 (-naa, -nayd) Miro wax kale ku darsan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farxan
inch. v. be glad, become joyful, get happy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farxan
de: be glad, become joyful, get happy
lx: farxan
pd: (farxamay)
ps: v1=inch
key: farxan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fataan
m.l (-nno, m.dh) Qof dadka isku dira; fidnoole; diradiroole.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fataan
m.l (-nno, m.dh) Qof dadka isku dira; fidnoole; diradiroole.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fataan
m. n. instigator, one who rouses insurrection ~ incites rebellion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fataan
-ka: (magac, lab, keli) rabshadwade fidnad iyo isku dir ka shaqeeya. Fataan lalama saaxiibo. Dh: fidnawale, rabshoole.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fataan
bw: Arabic
de: instigator, one who rouses insurrection ~ incites rebellion
lx: fataan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: fataan
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Fayaan
name-m joy. Syn: Farxiya
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayaan
(fal) murqaan dareen; firfircooni saa'id ah yeelo.
fayaan -ka: (magac, lab, keli) mirqaanka la dareemo marka qaad iyo wax la mid ah la cuno. Dh: mirqaan. Li: caajis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaan
m.l la-mid: garaamme.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haraan
(Haraan-ka)
Dhar la tolay ama la iibshey cad ka soo haray.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haraan
m. n. leftover piece of cloth, remnant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haraan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhar la iibshay ama la tolay in yar oo ka soo hadhay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haraan
de: leftover piece of cloth, remnant
lx: haraan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: haraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karaan
(Karaan-ka)
Awood; karti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karaan
m.l Awood wax qabad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
karaan
m.l Awood wax qabad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
karaan
m. n. ability
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
karaan
-ka: (n) ability (abiliti); talent (taalant); competence (kam pi tansi) ~ awood -da, karti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaan
-ka: (magac, lab, keli) farsamo iyo tab iyo itaal wax lagu qaban karo. Dh: karti, awood, itaal, tabar, maaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
karaan
de: ability
lx: karaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: karaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maagan
(tilmaame) ka jooga oo inuu horay ugu socdo diiddan. Awr biyo ka maagan lama tallaabin karo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraan
-ka: (magac, lab, keli) qof fudfudud oo sidii wax waalan u socsocda. Dh: maraate.
maraan -ta: (magac, dhedig, keli) gabadh fudfudud oo sidii wax waalan u socsocota. Ta uu qof maraan moodayaa midbay marwo u tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
margan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax margaday ahaansho (nafley). la-mid: mergan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
margan
der. [adjective] choked, strangled
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
margan
(tilmaame) cunaha u jooga. Qori ayaa ku margan saca.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
margan
de: choked, strangled
lx: margan
pd: (marganaa)
ps: adj-der
key: margan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sargan
-ka: (magac, lab, keli) ultan, sargaan is la dhaca.
sargan-ka: (magac, lab, keli) ugaadha jaad kamida oo duur jog ah. Sargan kaa ugaadhiyo. Dh: ugaadh, dugaag, saryan.