faradhuxul
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faradhuxul
-ka: (magac, lab, keli) qof caydh ah oo gacmihiisa ku goosta waxay u qaban karaan.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Faraduub
Coercizione
Coercition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraduub
-ka: (magac, lab, keli) faraha oo inta meel la isugu keeno, loo diyaarsho in ay wax ku dhacaan ama iska caabbiyaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faradduub
m.l Khasab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faradduug
m.l Wax yar oo abaalmarin ahaan loo siiyo hawl la qabtay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Faacuul
nickname-m a short, chubby person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Faacuul
magac loo baxsho wiil gaaban oo buuran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faradur
-ka: (magac, lab, keli) wax yar oo la iska eegayn, kurtin ama dhagax oo lagu turunturoodo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farahal
farahal¹: m.l Biyaha lagu farahasho.
farahal²: f.mg1 (-alay, -ashay) U f.: gacmaha qofka mayrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraxal
(Faraxal-ka)
Biyo faraha lagu mayro; farammayr; faradhaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraxal
faraxal¹: m.l Biyo yar oo faraha lagu dhaqo. la-mid: faradhaq¹, farammayr.
faraxal²: f.mg1 (-alay, -ashay) Cid gacmo u dhaqid. la-mid: faradhaq².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faraxal
faraxal¹: m.l Biyo yar oo faraha lagu dhaqo. la-mid: faradhaq, farammayr.
faraxal²: f.mg1 (-alay, -ashay) Cid gacmo u dhaqid. m.f.dh, faraxalid. la-mid: faradhaq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faraxal
m. n., [compound] water for hand-washing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faraxal
-ka: (n) water for cleansing or washing hands ~ farxal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraxal
-ka: (magac, lab, keli) biyo gacmanadiifinta loo isticmaalin cuntada horteed ama dabadeed. Dh: faradhaq, faramayr.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faraxal
de: water for hand-washing
lx: faraxal
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: faraxal
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Farduus
name-f paradise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laadhuu
-da: (n) dice (dhaays)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laadhuu
-ga: (magac, lab, keli) ciyaar lagu dheelo laf yar oo siddeed gees ah oo dhinacyadeeda siman ay mid walba tiro dhibco ahi ku taal. Dh: laandhuu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faradhaq
faradhaq¹: m.l la-mid: faraxal¹.
faradhaq²: f.mg1 (-qay, -qday) la-mid: faraxal².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faradhaq
m. n., (mass n.): water for hand-washing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faradhaq
-a: (n) see [eeg] farxal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faradhaq
(fal) «u ~» cid kale, faraha u maydh ama biyo ugu shushub.
faradhaq -a: (magac, lab, keli) maydhitaanka faraha. Dh: faraxal, gacmodhaq, faramaydhad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faradhaq
de: water for hand-washing
lx: faradhaq
pd: (-a)
ps: n2a-m-mass
syn: faraxal {S & C}
key: faradhaq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fardhaxo
(Fardhaxa-da)
Faraha calaacasha tan ugu dheer oo ugu dhexaysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fardhaxo
f. n. middle finger
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fardhaxo
de: middle finger
lx: fardhaxo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: fardhexo
key: fardhaxo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fardhexo
m.dh Farta u dhexeysa murugsatada iyo kayarada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fardhexo
m.dh Farta u dhexeysa murugsatada iyo kayarada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fardhexo
f. n. middle ~ third finger
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fardhexo
-fardhexada: (n) middle finger
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fardhexo
-da: (magac, dhedig, keli) shanta farood ee calaacasha ku yaalla tan ugu dheer ee lababa dhinac ka xigto. Dh: fardhexo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fardhexo
de: middle ~ third finger
lx: fardhexo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: fardhexo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baranugul
m.l la-mid: baraqnugeyl.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barashuud
m.l Dallaayad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barashuud
m.l Dallaayad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barashuud
-ka: (magac, lab, keli) dallad diyaaradaha lagaga boodo iyada oo cirka duulaysa. Bayloodkii barashuud ayuu ku booday. Dh: baarashuud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabadhuub
-ka: (magac, lab, keli) qof aan dhaqanka iyo diinta midna qaddarin. Dh: kabacad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faadhumay
(fal) lugaha kala saar oo si wanaagsan u joogso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faradhaqo
f.mg3 (-qday, -qatay) la-mid: faraxalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faradhaqo
v., [compound] wash one's hands
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faradhaqo
-faradhaqday / faradhaqatay: (v) wash or cleanse hands ~ farammayro, faraxalo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faradhaqo
(fal) faraha biyo ku nadiifi oo ku maydh; faraha maydho. Dh: faramayro, faraxalo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faradhaqo
de: wash one's hands
lx: faradhaqo
pd: (faradhaqday)
ps: v3b=cmp
syn: farammayro, faraxalo {S & C}
key: faradhaqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fardafuul
fardafuul¹: m.l 1. Aqoon loo adeegsado sida fardaha loo fuulo. 2. F. ah: qof ku xeel dheer sida fardaha loo fuulo.
fardafuul²: f.g1 (-uulay, -uushay) Faras dusha ka korid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fardafuul
-ka: (magac, lab, keli) qof habka fardaha loo fuulo ee loo eryo aad u yaqaan. Dh: kooragoo, farsafuul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fardofuul
(magac, lab, keli) eeg fardafuul.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
paradoxal
paradoxal, adj. - ka gaar ah; fikradiisu duwan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaranfuul
(Qaranfuul-ka)
Qorfe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaranfuul
m. n., [collective] cloves
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaranfuul
-ka: (magac, lab, keli) qolof udgoon oo xawaashka cuntada lagu macaaneeyo ka mid ah. Shaaha waxan ku daray hayl iyo qaranfuul. Dh: qorfe, qoronfol, qolonfol.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaranfuul
cf: qorfe
de: cloves
lx: qaranfuul
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: qaranfuul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraqnugul
f.mg4 (-glaa, glayd) Qof fulay ah ama biiq ah ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraqnugul
(tilmaame) qof habnugul oo aan dhiirranayn. Nin baraqnugul oo dhan naga reeba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaradhuub
-ta: (magacwadareed) xabbadda qoryaha laga rido ee wax lagu dilo. Dh: rasaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabradduul
m.l Duullaan rogaalcelis ah oo cid dhowaan la dhacay lagu sameeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabradduul
-ka: (magac, lab, keli) duullaan rogaalcelis ah oo cid dhowaan la dhacay lagu sameeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faradhabad
-ka: (magac, lab, keli) hub ama ul la'aan socod. Dh: sacabalay Li: farallaab.
faradhabad -ka: (magac, lab, keli) sacabbada isku dhufasho si la isaga duuliyo boodh ama daqiiq iyo wixii la mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faradhacsi
-ga: (magac, lab, keli) ciyaar quruurux kulkulucsan lagu ciyaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faradhaqad
m.l la-mid: faraxalasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faradhaqad
-ka: (magac, lab, keli) maydhista faraha iyo baabacooyinka wax lagu cunayo. Dh: faraxalad, faramaydhad, faraxalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faradhaqan
f.mg4 (-qnaa, -qnayd) la-mid: faraxalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faradhaqid
m.dh la-mid: faraxalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faradhaqid
-da: (magac, dhedig, keli) faraha gacanta, uskagga ka maydhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faradheere
(Faradheera-ha)
Geed xoolaha loo qodo oo ay ku dhacartaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faradheere
m.l Geed xididkiisa xoolaha loo qodo oo ay ku dhacarsadaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faradheere
m. n., [collective] plant species, used for grazing livestock
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faradheere
-ha: (magac, lab, keli) geed xoolaha loo qodo oo ay ku dhacartaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faradheere
de: plant sp., used for grazing livestock
lx: faradheere
pd: (/ha)
ps: n7-m-col
key: faradheere
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farachunguri
m.l (daaw.) Mid ka mid ah dhuumaha hawada ee sambabka. Hunguri cadku wuxuu u qaybsamaa laba f. h. oo waaweyn, iyada oo sambab waliba mid leeyahay kuwaas oo u sii kala qaybsama f. h.yaal yaryar, kaddibna noqda farac hunguri yarayaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farachunguri
-ga: (magac, lab, keli) mid ka mid ah dhuumaha hawada ee sambabka.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qaradh gudub
Tear fault
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fantaxdhuus
-ka: (magac, lab, keli) leebka oo la rido isagoon fantaxdiisu hagaag u dul fadhiyin xadhigga qaansada.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
FARA-DHEERE
(Faradere) N Entada abyssinica A.Rich. Mimosaceae.
N Entada leptostachya Harms: Mimosaceae.
N Farsetia longisilinqua Decne. Crucferae
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fardadhaari
m.l (-iyo, m.dh) Nin fardaha aad u yaqaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fardadhaari
-ga: (magac, lab, keli) fuullaandhaaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fardadhacsi
(Fardadhacsi-ga)
Cayaar quruurux kulkulucsan lagu cayaaro; fargan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fardadhacsi
m.l Nooc ciyaaraha dhallinyarada ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fardadhacsi
vl. n., [compound] playing game of marbles
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fardadhacsi
-ga: (magac, lab, keli) ciyaar quruurux kulkulucsan lagu ciyaaro. Dh: fargan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fardadhacsi
cf: fardo + dhacsi
de: playing game of marbles
lx: fardadhacsi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m-cmp
key: fardadhacsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farac-hunguri
m.l (daawo) Mid ka mid ah dhuumaha hawada ee sambabka. Hunguri cadku wuxuu u qaybsamaa laba f. h. oo waaweyn, iyada oo sambab waliba mid leeyahay kuwaas oo u sii kala qaybsama f. h.yaal yaryar, kaddibna noqda farac hunguri yarayaal.