farabutto
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
farabutto
s.m. - dhagarrow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraguuto
-da: (magac, dhedig, keli) in aan badnayn oo faraha lagu qaadi karo oo aan muqdur ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faragguuto
(Faragguuta-da)
In aan badnayn oo faraha lagu qaadi karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faragguuto
m.dh (-ooyin, m.l) Wax yar oo far iyo suul lagu qaadi karo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faragguuto
f. n. handful
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faragguuto
de: handful
lx: faragguuto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: faragguuto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farato
-da: (magacwadareed) eeg fadhato.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
baratto
s.m. - badeeco lays dhaafsado.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
barbuto
agg. - garweyne.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faramugo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg faramagooggo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraxumo
m.dh 1. Tuugo iyo wax qaadqaad. 2. la-mid: faraxumeyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faraxumo
m.dh 1. Tuugo iyo wax qaadqaad. 2. la-mid: faraxumayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faraxumo
f. n., [compound] behaving badly with (a woman), sexual abuse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faraxumo
-faraxumada: (n) molestation (malasteeyshin)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faraxumo
de: behaving badly with (a woman), sexual abuse
lx: faraxumo
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: faraxumo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farabaxso
(fa) «u ~» xaggiisa u carar oo dagaal ula tag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farabbaro
f.g3 (-rtay, -ratay) Neef curtay agabarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farageeto
-da: (magac, dhedig, keli) qaaddada faraha leh ee lagu cuno baastada. Dh: malqaacad, shawkad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faragubyo
-da: (magac, dhedig, keli) waxyeello iyo haltago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farajucso
f.mg3 (-saday, -satay) la-mid: farajannayso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farajucso
v. crack the knuckles of one's fingers
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farajucso
-farajucsaday / tay: (v) crack one's knuckles (nakelis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farajucso
(fal) farhaaga isku jejebi oo jimicso. Dh: farajannayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farajucso
de: crack the knuckles of one's fingers
lx: farajucso
pd: (farajucsaday)
ps: v3a=intr
key: farajucso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farabbaxso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Cararid. 2. Ka f.: wax la hayey gacan ka fakasho. 3. U f.: qof inuu la dagaallamo qof kale u fakasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farabbaxso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Cararid. 2. Ka f.: wax la hayey gacan ka fakasho. 3. U f.: qof inuu la dagaallamo qof kale u fakasho. m.f.dh, farabbaxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraggubyo
(Faraggubya-da)
Qof hawl qabtay siiba wax karinta, wax la siiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraggubyo
m.dh 1. Faraha gacanta ama lugta oo gubta. 2. Abaal marin yar oo la siiyo qof cunto kariyey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faraggubyo
f. n., [compound] reward
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faraggubyo
de: reward
lx: faraggubyo
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: faraggubyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faragubyoo
(fal) faraha lugaha ama gacmaha, ka gubo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farammuggo
m.dh la-mid: farammaggooggo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tarabuster
tarabuster, v. - ku buugid
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
farmacèutico
agg. - ku shaqa leh dawo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
adatto
agg. - ku habboon.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
aratro
s.m. - qalabka carrogeddinta.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
brutto
agg. - foolxun, xun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carabo
magac loo baxsho gabadh u dhalatay midab cad oo u eg ka Carabta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darato
(Darata-da)
Cudur idaha ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darato
m.dh Cudur halis ah sambabada idaha ku dhaca oo diif iyo qufac badan leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
darato
m.dh Cudur halis ah, sambabada idaha ku dhaca oo diif iyo qufac badan leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darato
f. n. disease afflicting sheep
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darato
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun ku dhaca xoolaha marka ay goonka cunaan ee ay xaaraan dhimashana ku timaaddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darato
de: disease afflicting sheep
lx: darato
pd: (/da)
ps: n0-f
key: darato
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faafto
m.dh Ceel maaxda oo dowlis lagaga cabbo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faafto
-da: (magac, dhedig, keli) ceel maaxda oo dowlis lagaga cabbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faanto
(Faanta-da)
Dhiriqda lo'da, kd.; dhabcan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faanto
m.dh Xaar lo'aad oo qoyan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faanto
m.dh Xaar lo'aad oo qoyan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faanto
f. n., [collective] dung (of cattle, etc.)
faanto [feminine] n. orange soda, Fanta
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Faanto
-da: (n) Fanta; orange pop
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faanto
-da / faantada: (n) dung (dhaang); manure (ma nuu) ~ digo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faanto
-da: (magac, dhedig, keli) dhiriqda (saxaro) lo'da ee jilicsan. Lo' barwaaqo joogtaa ugu faanto badan. Dh: dhabcan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fakato
m.dh Nooc digirta ka mid ah oo marka ay geedka ku bislaato qarxata.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falato
-da: (magac, dhedig, keli) dadka beeratada ah.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fritto
agg. - shiilan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
frutta
s.f. - miro, furuto.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
marabù
s.m. - cantallay, qalawle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marato
-da: (magac, dhedig, kell) xayawaan bog k socotada ka mid ah oo waxa ay cunayso intay qaniinto haddana isku duuduubta co jejebisa Bakayihii marato ayaa liqday: Dh: jebiso, jahisa.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tratto
s.m. - xarriiq; (ad un t.: gabal, in).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warato
(Warata-da)
Geddisleyda yaryar oo aan dukaammada lahayne, dibadda ama balbalooyin gudohood, wax ku iibsata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warato
m.dh.u Ganacsato yaryar oo aan dukaamo lahayn oo meel bannaan ama balbalooyinka hoostooda wax ku iibsada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
warato
m.dh.u Ganacsato yaryar oo aan dukaamo lahayn oo meel bannaan ama balbalooyinka hoostooda wax ku iibsada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
warato
f. n. market-trader (without a shop), street vendor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
warato
-waratada: (n) street sellers or vendors; venders (veenders); peddlers (ped-lers)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Warato
Venditori con bancarella
Stall holders
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warato
-da: (magac, dhedig, keli) eeg wadhato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
warato
de: market-trader (without a shop), street vendor
initial: w
lx: warato
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: bacadle
key: warato
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabutey
-da: (magac, dhedig, keli) wargad siyaabo kala duwan loo ekaysiiyo oo inta xadhig lagu xidho ay carruurtu ku ciyaarto oo dabaysha raaciso.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
àrbitro
s.m. garsoore (ciyaar), aarbito.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
arbuste
arbuste, n.m. - Dhirta laama-yarada ah ee dhowarka Jirridood (ee yaryar) leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baratoo
-ga: (magac, lab, keli) ciyaar, kolba qof la taabto oo la beegsado.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
baratte
baratte, n.f. - Haanta ama dhiisha weyn ee caanaha lagu lulo si subag looga saaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabulo
(fal) sarci jallo ah oo uud yaal daldalo oo meel geyso. Dh: daadgurayso.
daabulo-da: (magac, dhedig, keli) in dameer gaado oo jaad ah oo u dhiganta afartan marduuf. Arooska waxa la keenay shan daabulo oo jaad ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faadumo
(Faaduma-da)
Farta u dhexaysa fardhaxada iyo faryarada; kayaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faadumo
m.dh Farta u dhaxeysa faryarada iyo fardhexaadda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faadumo
m.dh Farta u dhaxeysa faryarada iyo fardhexaadda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Faadumo
pr. n., [feminine] Fatima, Faduma
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faadumo
f. n. ring ~ fourth finger
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faadumo
-da: (magac, dhedig, keli) farta u dhaxaysa fardhexada iyo faryarada. Faryaro jabtay faadumaa lagu kabaa. Dh: kayaro, faadimo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
FAAGATO
(Faghiete) C,S Paederia pospischilii K.Schum. Rubiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraati
(Faraati-ga)
1. Fargashi; kaatun.
2. Ilmasideenka madaxiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraati
m.l (-iyo, m.dh) 1. Shay farta la gashado xarrago darteed. 2. Ilmasidaha afkiisa (minka).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faraati
m.l (-iyo, m.dh) 1. Shay farta la gashado xarrago darteed. 2. Ilmasidaha afkiisa (minka).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faraati
m. n. ring (for the finger); cervix of the womb
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faraati
-ga: (n) ring worn on the finger ~ faraanti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraati
-ga: (magac, lab, keli) ilmagaleenka madixiisa. Faraatigaa hasha ka soo dhacay.
faraati -ga: (magac, lab, keli) kaatun farta la gashado. Faraati dahab ah baa gabadha lagu meheriyey. Dh: fargal. Wa: faraatiyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faraati
cf: fargashi, kaatun
de: ring (for the finger); cervix of the womb
lx: faraati
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: faraati
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farabar
(fal) neef ugub ah oo hadda curatay bar lis. Dh: layli, jarabar, agabar, tababar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farabax
-a: (magac, lab, keli) cid aan maaro loo hayn oo xeerka iyo sharciga ka baxsan.
farabax-a: (magac, lab, keli) xoolabeelid. Farabax baa ku dhacay dadkii lo'da lahaa. Dh: caydhaw kacid. Li: cayniqabad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faradur
-ka: (magac, lab, keli) wax yar oo la iska eegayn, kurtin ama dhagax oo lagu turunturoodo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farasho
m.f.dh eeg faro. la-mid: faarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faratir
-ka: (magac, lab, keli) waraaqaha yaryar ama marada faraha iyo afka la iskaga masaxo. Dh: afmaris, faratirtir, tirtire.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farbaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) 1. Qof wax dhigasho billaabid. 2. Qof farshaxannimo billaabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farbaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) 1. Qof wax dhigasho billaabid. 2. Qof farshaxannimo billaabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farbaro
v., [compound] learn to write; be literate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farbaro
-farbartay I farbaratay: (v) learn how to write: become literate
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farbaro
de: learn to write; be literate
lx: farbaro
pd: (farbartay)
ps: v3b=cmp
key: farbaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farxumo
m.dh la-mid: farxumi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Cid garab ka dhigasho. 2. Wax garab saarasho.