far_soomaali
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Far_Soomaali
de: Somali script a native version was developed by Osman Yusuf Kenadiid in the 1920's
lx: Far Soomaali
ps: np
key: Far_Soomaali
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Far Soomaali
n. phr. Somali script
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
af_Soomaali
de: Somali, the Somali language
lx: af Soomaali
pd: (-ga)
ps: np-m
xe: Do you know Somali?
xv: Af Soomaaliga ma taqaannaa?
key: af_Soomaali
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhigid
-da: (n) 1. the act of writing (raayting) ~ dhigmo, qoraal. Ex: dhigidda far Soomaaliga; the writing of the Somali language. 2. the act or process of putting or placing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhigniin
-ka: (n) the act of writing (raayting) ~ dhigmo, qoraal. Ex: dhigidda far Soomaaliga; the writing of the Somali language. 2. the act or procfess of putting or placing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
far
-ta: (n) finger (fingger) —fara maran: [Phrase adj] unsuccessful; empty-handed — ku farayarayso -ku farayaraystay: (v) complete successfully and skilfully
far -ta: (n) writing (raayting); handwriting; penmanship. Ex: far Soomaali; Somali writing
far -ay / tay: (v) pass on information; send (sandi). Ex:farriin ufar; send him /her a message
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
g
(ga'): xarafka toddobaad ee xuruufta Far Soomaaliga; waa shibbane u qorma: G, g. 9.g.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
l
(la'): xarafka labo iyo tobnaad ee Alifba'da Far-Soomaalida, ahna shibbane u qorma: L, l.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
m
(ma'): xarafka saddex iyo tobnaad ee xuruufta far Soomaalida ahna shibbane u qorma: M, m.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
n
(na'): xarafka afar iyo tobnaad ee Alifba'da Far-Soomaaliga ahna shibbane u qorma: N, n.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
o
(o'): xarafka shan iyo tobnaad ee xuruufta Far Soomaalida oo ah shaqal u qorma: O, o.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ontorro
-da: (magac, dhediq, keli) eeg ontor. oo: shaqalka dheer ee xarafka 15aad ee Alifba'da Far Soomaaliga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
q
(qa'): xarafka lix iyo tobnaad ee xuruufta Far-Soomaalida ahna shibbane u qorma: Q. q.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaf
-ka: (magac, lab, keli) xarafka kow iyo labaatanaad ee alifba'da Carabiga oo u dhigma xarafka 'Q' ee Far Soomaalida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
r
(ra): xarafka toddoba iyo tobnaad ee xarfaha Far-Soomaalida ahna shibbane u qorma: R. r.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sh
-(sha'): cod ka mid ah codadka Alifba'da Far Soomaaliga; waa shibbane u qorma: Sh, sh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqal
(fal) wax ku qurxi oo korka kaga tol ama kaga dheji ama kaga xaradh; shaqal u yeel.
shaqal -ka: (magac, lab, keli) wax, wax kale dushiis lagu qurxiyo, lagu duhaadho; marada weelka dusha lagaga tolo. Shaqal ayaa lagu tolay caagadii biyaha si ay u qaboojiso biyaha.
shaqal -ka: (magac, lab, keli) farta alifba'deeda intooda wax lagu xarakeeyo oo ku codaynta shibbanayaasha rogroga oo labada dhinacba ka гааса, midkood; shaqallada alifba'da far Soomaaligu waxay ka koobmaan shaqallo gaaggaaban: a, e, i, o, u, shaqallo dhexe: 'aw; ay; ey; ow; oy' iyo shaqallo dhaadheer: 'aa, ee, ii, oo, uu'; waxayna dhammaantooda cayn ahaanta u sii kalabbaxaan, kuwo lab, kuwo dheddig iyo kuwo bohon ah oo aan cayn lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shibbane
-ha: (magac, lab, keli) alifba'da farta inta neg oo aamusan oo aan keli ahaan loogu dhawaaqi karin, midkood; shibbanaha waxa codkiisa haga ku xidhiidhinta shaqalka oo marba docda uu ka raaco ama caynta uu yahay ku hoggaamiya ku codayntiisa; waxa ka mid ah shibbanayaasha far Soomaaliga: b, c, d, f, g iyo wixii la mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
y
(ya'): xarafka saddex iyo labaatanaad ee xarfaha Far Soomaalida ahna shibbane u qorma: Y, y.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
af Soomaali
m. n. Somali, the Somali language
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
af-Soomaali
-ga: (magac, lab, keli) afka qoomiyadda Soomaalidu ku hadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawasoomaali
-da: (magac, dhedig, keli) daawo laga sameeyo dhir la isku dardaray oo loo adeegsado daaweynta dadka oo laga dhaxlay Soomaalidii hore. Dh: dawodhaqameed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqal-Soomaali
-ga: (magac, lab, keli) aqal dhaqan u leedahay Soomaalidu oo ka samaysan dhigo, udub, alool, caws, kebdo, haylaanno iyo hararro, la na raran karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaroomaale
m.l Caws adag oo rarada laga sameeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaroomaale
-ha: (magac, lab, keli) caws adag oo rarada laga sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqalsoomaali
m.l Aqal gembis ah, rarma, oo ka kooban raro, dhigo udbo, saamo iyo xargo oo miyiga Soomaaliya laga dhisto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaroofali
(Qaroofali-da)
Maro dhulka Hindi laga keeno, oo badanaa marsiinoooyin dumarku ka samaysto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaroofali
m.dh Maro midab leh oo dalka Hindiya laga keeni jirey oo ay dumarku marsiino ka dhigan jireen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaroofali
f. n., [collective] Indian cloth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaroofali
(fal) cid wajiga iyo indhaha ku guuhaadi. Dh: qaaqaayir.
qaroofali -da: (magac, dhedig, keli) maro Hindiya laga keeno oo badanaa marsiimooyin dumarku ka samaysto. Daaqad qaroofali ah ayay tukaanka dhigatay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaroofali
cf: marsiino
de: Indian cloth (used by Somali women for their robes)
lx: qaroofali
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: qaroofali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aroomaatig
m.l (-gyo, m.dh) (kiimika) Iskudhis orgaanig ah oo dhiskiisu ka koobanyahay giraamo bensiin ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aroomaatig
m.l (-gyo, m.dh) (kiim.) Iskudhis orgaanig ah oo dhiskiisu ka koobanyahay giraamo bensiin ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harqoodaal
m.l (-llo, m.dh) Harka galabtii walxaha iyo nafleydu yeeshaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaroomaysi
m.l la-mid: qaroomaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaroomaysi
-ga: (magac, lab, keli) rogrogid iyo farsamo wax lagu furdaamiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarsoonaan
(Qarsoonaan-ta)
Wax qarsoon ahaan; xasaysnaan; dahsoonaan,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarsoonaan
m.f.dh eeg qarsoon². la-mid: qarsoonaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarsoonaan
f. n., [abstract] secrecy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarsoonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qarsoon con la arkayn ahaan. Sirtu qarsoonaan ayay ku fiican tahay. Dh: xasaysnaan, dahsoonaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarsoonaan
de: secrecy
lx: qarsoonaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: qarsoonaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raasammaali
m.l (-iyiin, m.dh) Qof hanti badan leh. la-mid: raasummaali.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raasammaali
m. n. capitalist, one who has capital
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raasammaali
-ga: (n) capitalist (kapa-teliist); investor (in-vees-ter); wealthy person ~ rasomaali
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raasammaali
-ga: (magac, lab, keli) eeg raasammaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raasammaali
bw: Arabic
de: capitalist, one who has capital
lx: raasammaali
pd: (-ga Pl: raasammaaliyiin (ta))
ps: n8-m
key: raasammaali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raasummaali
m.l la-mid: raasammaali.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raasummaali
-ga: (n) capitalist (kapa-teliist); investor (in-vees-ter); wealthy person
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farasmagaale
m.l la-mid: farasmagaalo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farasmagaale
-farasmagaalaha: (n) 1. down town; the business center of a city. 2. bus station
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farasmagaalo
m.dh Bartamaha magaalada. la-mid: farasmagaale.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farasmagaalo
m.dh Bartamaha magaalada. la-mid: farasmagaale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farasmagaalo
-ha: (magac, lab, keli) suuq caan ah oo dadku iskugu yimaaddaan oo magaalo kasta u ah badhtanka, inteeda ugu gacansi badan ama dhismo ahaan ugu qurxoon oo dhinacyada oo dhan laga xigo. Fooxdoon haddaad tahay tukaan furan ma weydeene, maxaa farasmaagalaha ku dhigay fiidka laga hoyday. Dh: suuq.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
REER-SOOMAGALE
(Rer-somagale) C, N Ormocarpum muricatum Chiov. Papilionaceae.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Berri-Soomaal
n. phr. Somalia, Somaliland
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhar_shaqaale
de: overalls, fatigue uniform
lx: dhar shaqaale
ps: np
key: dhar_shaqaale
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wax_soo_saare
de: producer
initial: w
lx: wax soo saare
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: wax_soo_saare
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Farashimbiraale
Bird foot delta