faqash
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faqash
-ka: (n) a dirty or corrupt person; filth (filth)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faqash
-ta: (magac, dhedig, keli) qof naaxay oo garaadkuna ku yaryahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faqash
de: loyalist, person loyal to the 'wrong leader'
lx: faqash
pd: Pl: faqash (ta))
ps: n5-m, n2a-m
key: faqash
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faash
faash¹: m.l la-mid: faas¹.
faash²: f.g1 (-shay, -shtay) la-mid: faas².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faash
v. chop with an axe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faash
-ka: (magac, lab, keli) eeg faas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faash
de: chop with an axe
lx: faash
pd: (faashay)
ps: v1=tr
see: faas
key: faash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqash
-ka: (magac, lab, keli) daanka hoose ee ishinka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fatash
(Fatash-ka)
Faaqidaad; baaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fatash
fatash¹: m.l Baaritaan meel ama wax lagu sameeyo. la-mid: fatish¹, fetesh¹.
fatash²: f.g1 (-shay, -shtay) Meel ama wax baaritaan ku sameyn. la-mid: fatish², fetesh².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fatash
fatash¹: m.l Baaritaan meel ama wax lagu sameeyo. la-mid: fatish.
fatash²: f.g1 (-shay, -shtay) Meel ama wax baaritaan ku samayn. la-mid: fatish.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fatash
m. n. search, inspection
fatash v. search, inspect
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fatash
-ay / tay: (v) search (seerj); ransack (raansaak); frisk (firisk) ~ baar, fatish, fetesh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fatash
(fal) alaab iyo wax la mid ah, baadh oo wax la rabay ka raadi. Dh: fatish, baadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naqash
(Naqash-ka)
Xarad ama midabyo ama wax kale ku qurxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqash
naqash¹: m.l Xarar ama midab wax lagu qurxiyo.
naqash²: f.g1 (-qshay, -qashtay; -qshi) Wax xardhid ama midab ku qurxin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naqash
naqash¹: m.l Xarar ama midab wax lagu qurxiyo.
naqash²: f.g1 (-qshay, -qashtay; -qshi) Wax xardhid ama midab ku qurxin. m.f.dh, naqshid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naqash
m. n. decoration
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqash
(fal) farshaxan iyo xadhadh ku samee.
naqash -ka: (magac, lab, keli) farshaxanka iyo xadhadhka wax lagu sameeyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naqash
bw: Arabic
de: decoration
lx: naqash
pd: (-ka)
ps: n2a-m
see: naqshad
key: naqash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qodasho
-da: (magac, dhedig, keli) beer falasho. Dh: beerasho.
qodasho-da: (tilmaame) god ciidda ka gurid oo is u diyaarsasho. Dh: faqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baqasho
(Baqasha-da)
Wax cabsi leh, ka cararid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqasho
m.f.dh eeg baqo². la-mid: baqe, baqo¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baqasho
vl. n. fear, flight from fear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baqasho
-baqashada: (n) 1. the feeling of fear; fearfulness. 2. the state or condition of fleeing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqasho
-da: (magac, dhedig, keli) dareen cabsiyeed oo xoog leh. Dh: baqdin, bajin. Li: dhiirrasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baqasho
de: fear, flight from fear
lx: baqasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: baqasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caqasho
m.dh la-mid: aqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg caqad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fagasho
(Fagasha-da)
Qodqodasho; qufasho; faagasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fagasho
m.f.dh eeg fago.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fagasho
vl. n. digging, scrabbling (of animal)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fagasho
-fagashada: (n) the act of digging or unearthing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagasho
-da: (magac, dhedig, keli) qodqodadka ama qufashada wax gabaabsi ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fagasho
de: digging, scrabbling (of animal)
lx: fagasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: fagasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fakasho
(Fakasha-da)
1. Wax la hayey oo faraha ka baxsada; farabbaxsasho.
2. Cararid; baxsasho; roorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fakasho
m.f.dh eeg fako. la-mid: fakad, fikad, fikasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fakasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fakad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
falaash
-ka: (n) thermos bottle or thermos (theer-mas) ~ tarmuus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falaash
-ka: (magac, lab, keli) eeg falaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falasho
m.f.dh eeg falo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falasho
-da: (magac, dhedig, keli) beer qodasho. Xilligani waa xilligii falashada. Dh: beerasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanasho
m.f.dh eeg fano.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fanad. fanax: magac loo baxsho wiil labadiisa fool ee hore kala durugsanyihiin ama debinta sare sarantahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farasho
m.f.dh eeg faro. la-mid: faarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fatasho
f.g3 (-shtay, -shatay) Wax, wax kale ka dhex baarasho. la-mid: fatisho, fetesho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fatasho
f.g3 (-shtay, -shatay) Wax, wax kale ka dhex baarasho. la-mid: fatisho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haqasho
m.f.dh eeg haqo. la-mid: haqad (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warqash
-ka: (magac, lab, keli) haruur firidiisu dhimatay. Wargash lama iibgeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqas
e.d la-mid: akhas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqas
inter. Yuck!, How disgusting!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aqas
(interj.) yuck (yak); used to express rejection or strong disgust ~ akhas
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aqas
a: akhas
de: Yuck!, How disgusting! Expression indicating that s.t. is bad, dirty or a shame
lx: aqas
ps: intj
key: aqas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faah
faah¹: m.l la-mid: faaf¹ (2), faafid.
faah²: f.mg1 la-mid: faaf².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faas
(Faas-ka)
Bir godinta u eg oo daab leh; masaar; jidib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faas
faas¹: m.l (-sas, m.l) Qalab bir ah oo godinta u eg oo loo isticmaalo geeda gooynta. la-mid: faash¹.
faas²: f.g1 (-say, -stay) Faas wax ku goyn. la-mid: faash².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faas
m.l (-sas, m.l) Qalab bir ah oo godinta u eg oo loo isticmaalo geeda gooynta. la-mid: faash.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faas
m. n. axe
faas v. chop with an axe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faas
-ka:(n) ax or axe (akis) ~ gudin, masaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faas
-ka: (magac, lab, keli) bir af leh oo sida gudinta wax lagu gooyo daabna la geliyo. Dh: jubbi, jidib, faash, saaf.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Faas
Qalab dhirta kaawin lagula jaro.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
faas
فأس
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qash
m.l 1. Geedo yar oo isku baxay; fuur. 2. Q. ah: cunto si xun loo karshay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qash
m.l 1. Geedo yar oo isku baxay; fuur. 2. Q. ah: cunto si xun loo karshay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qash
m. n., [collective] badly cooked ~ tasteless food
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qash
-ka: (magac, lab, keli) cunto si aan wanaagsanayn loo kariyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qash
de: badly cooked ~ tasteless food
lx: qash
pd: (-ka)
ps: n0-m-col
key: qash
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
abash
v.tr., rog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baash
m.l la-mid: baashi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baqas
(Baqas-ka)
Hodantooyo; baraare; barwaaqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqas
m.l Barwaaqo badan; baraare.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baqas
m. n., [collective] prosperity, well being
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqas
(fal) wax qiimo ridis. Dh: bakhas.
baqas-ka: (magac, lab, keli) wax tiro badan. Baqas adhiya boqolaalka geel, baarqab iyo goolal.
baqas -ka: (magac, lab, keli) nabad iyo nimcad ku naalood. Baqas baa lagu jiraa badiba reerkiiye. Dh: badhaadhe, baraare, barwaaqo, hodonti. baqasho -da: (magac, dhedig, keli) baxsashada iyo cararka cabsi darteed looga tago goob aad degganayd. Baqashada beesha waxa sababay basaas war beena u keenay. Dh: cararis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baqas
de: prosperity, well being
lx: baqas
pd: (-ka)
ps: n0-m-col
key: baqas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daash
(Daash-ka)
Daarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daash
m.l (-shash, m.l) Dhismo kor ka dadan, hareeraha ka furan oo carshaanta, baraakooyinka, mundullada iyo wixi lamida hortooda lagu dhiso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daash
m.l (-shash, m.l) Dhismo kor ka dadan, hareeraha ka furan oo carshaanta, baraakooyinka, mundullada iyo wixi lamida hortooda lagu dhiso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daash
m. n. fenced yard
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daash
-ka: (magac, lab, keli) ardaa kor ka awdan ama ka furan oo aqalka ku dhegsan oo la hadhsado. Daash yar buu leeyahay gurigu. Dh: daarad, ardaa. daash-ka: (magac, lab, keli) dhismo ka samaysan qoryo iyo joonyado oo sida badan lagu yagaan suuqyada jaadka. Dh: daas, waab, cooshad, buush.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daash
cf: daarad
de: fenced yard
lx: daash
pd: (-ka Pl: daashash)
ps: n4-m
key: daash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faadh
(fal) dhulka qod oo ciid ka soo gur, meel wax ka soo quf; ciid iyo wax la mid ah qori ama wax kale oo fiiqan ku qodqod oo baadhbaadh. Dh: faar, faag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facas
(fal) budo, iyo wixii la mid ah, rufaaq oo cajiin.
facas-ka: (magac, lab, keli) bul qallafsan oo timaha u eg oo weelasha lagu xuruudo si uskagga looga gooyo, gaarahaan weelasha dufanka leh. Dh: liif.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faqan
(tilmaame) wax fadhan ama meel godan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faqis
m.l la-mid: fiqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faqis
-ta: (magac, dhedig, keli) si sir ah, u wada sheekaysad. Dh: faqid.
faqis-ta: (magac, dhedig, keli) meel dhulka ah, god ka qodid. Dh: faqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faras
(Faras-ka)
Neef lab oo gammaanka kamid ah; wuxuu lee yahay afar addin oo xoogag badan oo qoobab ku dhammaada, guud iyo qanaan dheer: waa la fuulaa, waa la rartaa ama lagu xoojiyaa, beerahaa lagu fashaa...
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faras
m.l (-rdo/-rso, m.l) 1. (cilmiga naflayda) Naasley qurxan, dheereysa, afar addin leh, guudka iyo qanaanta halab dheer oo jilicsan ku leh oo loo adeegasado fuulidda, rarashada iyo falashada beeraha. 2. Fardaha kooda lab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faras
m.l (-rdo/-rso, m.l) 1. (cilmiga naflayda) Naasley qurxan, dheereysa, afar addin leh, guudka iyo qanaanta halab dheer oo jilicsan ku leh oo loo adeegasado fuulidda, rarashada iyo falashada beeraha. 2. Fardaha kooda lab. m.l.w, fardo.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
faras
horse
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faras
m. n. horse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faras
-ka: (n) horse (hoors), stallion (istaalyon)
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Faras
(I) Cavallo, generico;
(E) Horse, generic
(S) FARAS (S. g.: Faràs)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faras
-ka: (magac, lab, keli) noole gammaanka ka mid ah oo leh afar addin oo xoog badan oo ku dhammaada qoobab. Waxa kale oo uu leeyahay guud iyo qanaan dheer. Inta la fuulo ayaa lagu dagaallamaa, la rartaa ama lagu xoogsadaa, beerahana waa lagu fashaa. Dh: sange.
faras -ka: (magac, lab, keli) cabbir lagu garto tamarta mooteerrada. Waxa saaran mishiin toban faras ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faras
bw: Arabic
de: horse
lx: faras
pd: (-ka Pl: fardo (/ha))
ps: n2a-m, n8-m
key: faras
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
faras
فرس، حِصان
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fasas
(Fasas-ka)
1. Nabar furan oo siduu u roonaa, inta wax qoonsada soo xumaada; hurgun; caabaq; caallir;
2. Wax wadajir loo qasho, qofkii lahaana hadhow wadajir loogu gudo; waraar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasas
fasas¹: m.l 1. (daawo) Caallir dhaawac yeesho. 2. F. ah: neef si wada jir ah loo qasho, qofkii lahaana hadhow si wadajir ah loogu gudo.
fasas²: f.mg1 (-say, -stay) (daawo) Dhaawac caallirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fasas
fasas¹: m.l 1. (daaw.) Caallir dhaawac yeesho. 2. F. ah: neef si wada jir ah loo qasho, qofkii lahaana hadhow si wadajir ah loogu gudo.
fasas²: f.mg1 (-say, -stay) (daaw.) Dhaawac caallirid. m.f.dh, fasasid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fasas
m. n. infection; wound
fasas [inchoative] v. become infected
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasas
(fal) dhaawac, millil oo yacarun iyo dheecaan yeelo.
fasas -ka: (magac, lab, keli) nabar furan oo siduu u roonaa, inta wax qoonsado soo xumaada. Dh: hurgun, caabuq, callar.
fasas-ka: (magac, lab, keli) wax wadajir loo qasho, qofkii lahaana hadhow wadajir loogu gudo ama loo siiyo. Dh: waraar.