fanfare
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fanfare
/faanfer/ (n) cod-muusig, oo badanaa turumbo laga yeersiiyo kolka qof la soo dhaweynayo ama xaflad iwm, la furayo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
affare
s.m. - arrin, dan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
andare
v.intr. - aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canfar
m.dh Neef ido ah oo canka diilliin cad ku leh.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fanale
s.m. - nal weyn sida kan baabuurta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fangar
fangar¹: m.dh Meel wax ka go'ay daloolka ay yeelato. la-mid: fongor¹ (3).
fangar²: f.g1 (-ray, -rtay) Wax dalool u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fangar
fangar¹: m.dh Meel wax ka go'ay daloolka ay yeelato. la-mid: fongor.
fangar²: f.g1 (-ray, -rtay) Wax dalool u yeelid. m.f.dh, fangarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanjar
m.dh la-mid: janfar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fanjar
f. n. male sex gland
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fanjar
-ta: (n) glans penis (galaans piines) ~ dhalfo, janfar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanjar
-ta: (magac, dhedig, keli) buuryada ama caarada hore ee xubinta taranka ee ragga. fanjeedi: (fal) meel fog aad; fogow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fanjar
de: male sex gland
lx: fanjar
pd: (-ta)
ps: n1-f
see: janfar
key: fanjar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farfar
(Farfar-ka)
Qodqod; faarfaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farfar
farfar¹: m.l 1. F. ah: meel biyo dhow oo laasaska laga qoto; xaarxaar. 2. Furuqdhoon. la-mid: faarfaar¹.
farfar²: f.g1 (-ray, -rtay) Dix biyo ka gureen iyo wixi lamida qodqodid. la-mid: faarfaar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farfar
m. n. ground full of holes
farfar v. dig up ~ into (small holes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farfar
-ka: (magac, lab, keli) nabar iyo wixii la mid ah qodqod oo diirka ka googoo. Dh: fadfadh.
farfar: (tilmaame) erey la macno ah meel kasta iyo luuq walba.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
GANFAR
[GAMFAR, GAMFOR] Grewia fallax 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janfar
m.dh (-ro, m.l) Dhalfo; gonfor; jeefaar. la-mid: fanjar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
janfar
f. n. male reproductive organ ~ sex gland, glans
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
janfar
-ta: (n) the glans of the penis ~ dhalfo, fanjar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
janfar
-ka: (magac, lab, keli) haragga yar ee xubinta taranka ee lab laga gooyo. Dh: buuryo, farjan, jeefar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
janfar
a: fanjar
de: male reproductive organ ~ sex gland, glans
lx: janfar
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: janfar
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sanare
v.tr.- daaweyn, caafimaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanfar
(Xanfar-ka)
Dabayl.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanfar
m.l Dabayl bus wadata.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xanfar
m.l Dabayl bus wadata.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xanfar
m. n. wind, gust (that kicks up dust)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xanfar
-ka: (n) blast (balaast); strong gust (gast) of wind
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanfar
-ta: (magac, dhedig, keli) dabayl xoog badan oo wax kala daadisa. Xanfar ayaa aqalka jiingadda ka qaadday. Dh: dabayl.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xanfar
de: wind, gust (that kicks up dust)
initial: x
lx: xanfar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: xanfar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banfade
-ha: (magac, lab, keli) qof wax ma hubsade ah. Ma hubsade hanfade noqay. Dh: iimaanyuug.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
cantare
v.tr. - heesid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danyare
-ha: (magac, lab, keli) qof hanti yar ama caydhba ah oo aan wax badan haysan. Kol haddaan danyare ahay, duunyo ii dareerayn; deldellaadi waa adi. Dh: danlay.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
danzare
v.tr. - qoob ka cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faddare
m.l.kh 1. F. ah: qof ku dhaqma wax aan diinta Islaamka iyo dhaqanku oggoleyn; nijaas. 2. F. ah: wax nijaasi gaartay. la-mid: faddaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faddare
m.l.kh 1. F. ah: qof ku dhaqma wax aan diinta Islaamka iyo dhaqanku oggoleyn; nijaas. 2. F. ah: wax nijaasi gaartay. la-mid: faddaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddare
-ha: (magac, lab, keli) wax aan nadiif ahayn oo ay naftu kahato; wax wasakh iyo uskag badan oo ay naftu nacdo. Meesha innaga hagaaji yaanay faddaro noqonin e. Dh: faddaaddo, faddare, nijaas, wassakh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fagaare
(Fagaara-ha)
Meel madal loo wadajoogo sida meelaha lagu cayaaro ama lagu dabbaaldego ama lagu doodo; gole; shir; madal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fagaare
m.l (-rayaal, m.l/dh) Meel dad badani isugu soo baxay oo ciyaar iyo wixi lamida lagu hayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fagaare
m.l (-rayaal, m.l/dh) Meel dad badani isugu soo baxay oo ciyaar iyo wixi lamida lagu hayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fagaare
m. n. public meeting place; sports ground, arena, forum
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fagaare
-fagaaraha: (n) a public meeting place for open discussion; forum (fooram); court (koort) ~ gole, madal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagaare
-ha: (magac, lab, keli) meel dad badani isugu soo baxo oo tartan, ciyaar, xaflad ama wax kale lagu qabto. Dh: madal, shir, gole, goob.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fagaare
de: public meeting place; [ext.] sports ground, arena, forum
lx: fagaare
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: fagaare
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fondare
v.tr. - aasaasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanfade
m.l (-dayaal, m.l/dh) Qof illowshiinyo badan oo fudud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanfade
-ha: (magac, lab, keli) qof si hunguri xumo ah wax u doona oo aan xishoon.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mancare
v.intr. - maqnaansho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mandare
v.tr. - dirid, u dirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
santare
-ha: (magac, lab, keli) weel caw falageed ka samaysan oo korka laga jaxaaso, weel gurgur weyn oo alaabta yaryar ee muhiimka ah lagu gurto, laguna rarto. Dh: santadhe.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
vantare
v.tr. - faanin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
warfare
/woor-fer/ (n) dagaal (xarbi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farafaree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) Wax fara ku taataabasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farafaree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) Wax fara ku taataabasho. m.f.dh, farafarayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farafaree
v. touch (with the fingers, to fix ~ mess up something)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farafaree
-yey / say: (v) 1. handle something with the fingers. 2. make a mess of; screw up; spoil (ispooyl). Ex: ha farafarayn; don 7 mess up [screw up]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farafaree
(fal) eeg farafaray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farafaree
de: touch (with the fingers, to fix ~ mess up s.t.)
lx: farafaree
pd: (farafareeyey)
ps: v2b=tr
xe: Who messed with my computer?
xv: Kombiyuutarkayga yaa farafareeyey?
key: farafaree
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
infangare
v.tr.- dhoogo marin: dhaleecayn.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
avanzare
v.intr. - horusocosho, horukicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bangaree
f.g2 (-reeyay, -reysay) la-mid: bamgaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banjarle
-ha: (magac, lab, keli) goobta shaagagga baabuurta lagu banjariyo. Banjarlaha gee shaagga oo soo buuxi.
banjarle-ha: (magac, lab, keli) qofka yaqaanna ee xirfadda u leh banjarinta shaagagga. Buraale waa banjarle heer sare ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
car fare
/kaarfeer/ (n) nooli (lacagta baabuur lugu raaco).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danqaare
m.l la-mid: danqaaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danqaare
-ha: (magac, lab, keli) taabasho la taabto wax kolka horeba aan luga adag ku joogin. Dh: dangaro, danqaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faanfaan
faanfaan¹: m.l 1. Fal kibir ku jiro oo cid muujiso si loogu ammaano. 2. la-mid: faanfaanid.
faanfaan²: f.mg1 (-nay, -ntay) Fal kibir ku jiro muujin si loogu ammaano.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faanfaan
m.l Fal kibir ku jiro oo cid muujiso si loogu ammaano.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faanfaan
v. boast, give oneself airs continously, show off
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faanfaan
-ka: (n) the act or an instance of bragging; boasting (bowsting) ~ faan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faanfaan
-ka: (magac, lab, keli) farxad iyo raynrayn lagu hadaaqo. Dh: damaashaad, dabbaaldeg, faanfaanid, faanfaanis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faanfaan
de: boast, give oneself airs continously, show off
lx: faanfaan
pd: (faanfaanay)
ps: v1=pl
key: faanfaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facfacle
-ha: (magac, lab, keli) eeg faataadhugle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faddaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax faddaro ka dhigid, wax baabi'in.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faddaree
v. dirty, make dirty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faddaree
-yey faddarasay: (v) contaminate (kon taam e neeyt); make dirty or impure ~ wasakhee, najaasee. Syn: befoul, foul, poison, pollute, taint
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddaree
(fal) uskagee oo wasakh mari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faddaree
de: dirty, make dirty
lx: faddaree
pd: (faddareeyey)
ps: v2b=
key: faddaree
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Fadfadle
nickname-m one who has pock- marks on the face
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fagaaree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) U f.: fagaare u samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fagaaree
v. do in public; compete, run ~ hold a sporting competition; referee; witness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagaaree
(fal) madal la wada joogo, keen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fagaaree
de: do in public; compete, run ~ hold a sporting competition; referee; witness
lx: fagaaree
pd: (fagaareeyey)
ps: v2b=
key: fagaaree
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
falciare
v.tr. - shafid, gurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fangaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax fangar leh ahaansho. la-mid: fongoran (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fangaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax fangar leh ahaansho. m.f.dh, fangarnaan. la-mid: fongoran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fangarid
m.f.dh eeg fangar².
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fantasme
fantasme, n.m. - iska yeelyeel ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faranfar
(Faranfar-ka)
Bahal yar oo caanaleyda kamid ah oo godadka gudohooda ku nool; wuxuu lee yahay indho iyo dhego aad u yaryar oo aan ishu fudayd u qaban karin; labo cagood oo hore oo serfo la moodo, gafuur yuuban iyo dhogor jilicsan; wuxuu ku nool yahay oo cunaa cayayaanka; kolkuu god qodanayo, dibaddaa laga arkaa ciidda uu kor u soo tuurtuura hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faranfar
m.l (-rro, m.dh) (cilmiga naflayda) Naasley yar, god uu dhulka ka qotay ku nool oo leh laba ilig oo dhaadheer iyo af dhuuban. la-mid: ferenfer.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faranfar
m.l (-rro, m.dh) (cilmiga naflayda) Naasley yar, god uu dhulka ka qotay ku nool oo leh laba ilig oo dhaadheer iyo af dhuuban. la-mid: ferenfer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faranfar
m. n. mole species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faranfar
-ka: (n) [animal] mole (mool)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faranfar
-ka: (magac, lab, keli) bahal yar oo caanaleyda ka mid ah oo godad uu qotay ku nool. Wuxuu leeyahay indho iyo dhego yaryar, fuq yuuban iyo maqaar ama dhogor jilicsan. Dh: fadhanfadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faranfar
de: mole sp.
lx: faranfar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: faranfar
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farfar_1
a: faarfaar
de: ground full of holes
hm: 1
lx: farfar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: farfar_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farfar_2
de: dig up ~ into (small holes)
hm: 2
lx: farfar
pd: (farfaray)
ps: v1=
key: farfar_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farfarid
(Farfarid-da)
Godgod yaryar u yeelid; qodqodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farfarid
m.f.dh eeg farfar². la-mid: faarfaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farraare
-ha: (magac, lab, keli) meerayaasha dhulka ku meera midkood oo u dhexeeyaa cirjeexda, dhulka iyo mushtar ama mariikh. Farraaraha raggaa tagay iskamaysan fuuline farsamay ku gaadheen.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fasciare
v.tr. - duubid.