fandharid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fandharid
(Fandharid-da)
Nabar oogada ku yaal aayar af ugu yeelid ama mid furan gudihiisa, hawl lagu raago miyir iyo aayar aayar, uga qabasho; farafarayn; qodqodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fandharid
m.f.dh eeg fandhar. la-mid: findhirid, findhirin, findhiris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fandharid
-da: (magac, dhedig, keli) nabar oogada ku yaal aayar af ugu yeelid ama mid furan ka dhigid. Dh: farafarayn, qodqodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wandharid
(Wandharid-da)
Wax wandharan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wandharid
m.f.dh eeg wandhar². la-mid: wandhar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wandharid
-da: (magac, dhedig, keli) hilib wadhid; saafid; kala dhigdhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
findhirin
m.dh la-mid: fandharid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
findhiris
m.l la-mid: fandharid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fandhar
(Fandhar-ka)
Nabar oogada nafleyda ku yaal, oo gudihiisa la farafaraynayo ama hawl dhib badan oo lagu raagoo aayar laga qabanayo; qodqod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fandhar
f.g1 (-ray, -rtay) Meel malax ama qodaxi ku jirto aayar furid. la-mid: findhir, findhiri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fandhar
f.g1 (-ray, -rtay) Meel malax ama qodaxi ku jirto aayar furid. m.f.dh, fandharid. la-mid: findhir, findhiri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fandhar
v. lance (a boil), remove (a thorn ~ sliver)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fandhar
-ka: (magac, lab, keli) nabar oogada naflayda ku yaal oo wax laga qabanayo ama la faafaadhayo. Fandhar la'aan dhakhtarradu wax ma daaweeyaan. Dh: qodqod.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fandhar
de: lance (a boil), remove (a thorn ~ sliver)
lx: fandhar
nt: fandhar (ka) [vn-m]
pd: (fandharay)
ps: v1=
key: fandhar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fangarid
m.f.dh eeg fangar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
facsharid
m.f.dh eeg facshar². la-mid: facshar1 (2), faxshar¹, faxsharid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facsharid
-da: (magac, dhedig, keli) kashifid iyo shaacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fansaarid
(Fansaarid-da)
Fangelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fansaarid
m.dh la-mid: fangelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fansaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, xagga danbe ee muurka aad wadato, korsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faxsharid
m.dh la-mid: facsharid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faxsharid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qarsoonal qaawin ama kashifid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
findhirid
m.dh la-mid: fandharid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
candhakarid
m.f.dh eeg candhakar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
candhokarid
m.f.dh eeg candhokar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
candhaaqid
m.f.dh eeg candhaaq². la-mid: candhaaq¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) barraaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhandhamid
m.dh la-mid: dhadhamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhandhamid
-da: (magac, dhedig, keli) sida cunto ama cabbitaan carrabku u dareemo oo uu dhandhankoogu yahay. Dh: dhadhamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
facsharmid
m.f.dh eeg facsharan. la-mid: faxsharmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facsharmid
-da: (magac, dhedig, keli) kashifmid iyo asturnaan la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faradhaqid
m.dh la-mid: faraxalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faradhaqid
-da: (magac, dhedig, keli) faraha gacanta, uskagga ka maydhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faxsharmid
m.dh la-mid: facsharmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faxsharmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax asturnaa kashifmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaqdhawrid
(Xaqdhawrid-da)
Qof xaqdhawr ku wadid, ku dhiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaqdhawrid
m.f.dh eeg xaqdhawr².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaqdhawrid
-da: (magac, dhedig, keli) ilaalinta iyo ixtiraamka xuquuqda qofka kale. Dh: ixtiraamid, xushmayn.
xaqdhawrid-da: (magac, dhedig, keli) ixtiraamid oo si ay xurmo ku jirto u qaddarin cid aanad xumaan u quudhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dharid
(Dharid-da)
1. Godad ama aroorro ama haryuub yeelasho, sida kolka miraba qaarkood inta bislaad dhaafaan engeg soo galo oo kankoonsanaantii iyo dibbirkii ka ba'aan oo isku soo ururaan.
2. Haryuub iyo duudduub yeelashada oogada dadka kolkay gabowdo oo jilicdo; qaaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharid
m.f.dh eeg dhar². la-mid: dhadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dhadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faarid
(Faarid-da)
1. (caano) faar yeelasho, noqosho.
2. Qodid; faagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarid
m.dh 1. la-mid: faarniin. eeg faar². 2. la-mid: farid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg faadhid.
faarid-da: (magac, dhedig, keli) caano ama carro dhanaan faar yeelasho. Kulaylkaa caanaha faaridda ugu wacan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fadhid
Excavation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhid
-da: (magac, dhedig, keli) fagidda ama ururinta wax firi leh oo daatay. Dh: fadhis, fagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
angarid
m.f.dh eeg angar². la-mid: angar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
angarid
-da: (magac, dhedig, keli) ka tegitaan; ka dhaqaaqitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faadhid
-da: (magac, dhedig, keli) ciid ama wax la mid ah qodid oo meel ka soo faqid. Dh: faarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fadhiid
(Fadhiid-ka)
Ilmaha cudur aawadi ama dheefxumo darteed asaaggi ka hara oo fadhiga ku raaga oo aan soconnin; curyaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadhiid
m.l.kh F. ah: ilmo cudur, nafaqaxumo awgeed waqtigii uu socon lahaa aan socon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fadhiid
m.l.kh F. ah: ilmo cudur, nafaqaxumo awgeed waqtigii uu socon lahaa aan socon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fadhiid
m. n. underdeveloped child (due to disease ~ malnutrition); sedentary person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fadhiid
-ka: (n) growth retardation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhiid
-ka: (magac, lab, keli) ilmo nafaqodarro ama cudur awgeed u lafjabay oo aan socodka horey u baran; ilmo xilligii socodka ama gurguurdka ka gadaal maray ama da'diisii ka dib dhacay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fadhiid
de: underdeveloped child (due to disease ~ malnutrition); sedentary person
lx: fadhiid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: fadhiid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhxid
-da: (magac, dhedig, keli) isku daridda labo shey iyo in ka badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fakarid
m.dh eeg fakar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fakarid
-da: (magac, dhedig, keli) maskaxda wax ku mashquulin; arrin xalkeed, maxkaxda ka raadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandhar
m.l.kh Q. ah: qof madax adayg oo waxa uu damco aan laga qancin karin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qandhar
m. n. stubborn ~ obstinate person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandhar
(tilmaame) qof madax adag oo aan la fahmi karin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qandhar
de: stubborn ~ obstinate person
lx: qandhar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: qandhar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wandhar
(Wandhar-ka)
Wax la qalay oo hilibkiisii sidii sar la dhisay, loo kala baxshey, loo saafay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wandhar
wandhar¹: m.l Hilib sidii sar la dhisay loo kala baxshay, loo safay. la-mid: wandharid.
wandhar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax la qalay saafid ama kala bixin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wandhar
m. n. meat laid out (to dry); anything laid open ~ spread out
wandhar v. spread out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wandhar
(fal) hilib wadh oo kala dhigdhig. Wandhar hilibka muqmad ayaa laga dhigayaaye. Dh: wadh.
wandhar -ka: (magac, lab, keli) saafid iyo ballaadhin lagu sameeyo cadka marka haragga laga saaro oo la kala bixiyo. Wandhar la'aan muqumad lama sameeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhabid
-da: (magac, dhedig, keli) qof, wax aanu odhan ka sheegid; si wanjelid ah wax uga sheegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhaqid
-da: (magac, dhedig, keli) af wax cunay ama cabbay, maydhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badmarid
m.dh Safarka biyaha dushooda ama hawada dhexdeeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badmarid
-da: (magac, dhedig, keli) badmaaxid oo arrimaha badaha khibrad u yeelasho. Badmarid nin ku daalayoo waxaan ahay, doonya loo raraye. Dh: badmaaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banjarid
-da: (magac, dhedig, keli) neef ka bixidda shaagga. Banjaridda shaagga wax ugu wacan musbaar muday.
banjarid -da: (magac, dhedig, keli) gerigo'an ku dhacid; meel cidla' ciirsila' ah ku go'doomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
banmarid
m.f.dh eeg banmar². la-mid: banmar¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banmarid
-da: (magac, dhedig, keli) nadaafadxumo sac lagu lisay darteed u caano yarayn. Xooluhu banmaridda way ku naasabeelaan. Dh: balmarid. banmarin -ta: (magac, dhedig, keli) neef gacan aan nadiif ahayn ku lisid oo sababtaa darteed u caanayarayn. Dh: balmarin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bantarid
m.f.dh eeg bantar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bantarid
-da: (magac, dhedig, keli) caatoobid oo wax hilib weyd ah leh noqosho. Gaajada ayaa neefka bantaridda ugu wacan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaarid
-ka: (magac, lab, kali) xiddig ka mid ah sagaalka cirjiidh ee loo adeegsado faalka magiiganaha, wuxuu na ka dhexeeyaa Jaamac iyo Istamiic.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cantarid
m.f.dh eeg cantar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantarid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan macne lahayn ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dardarid
m.f.dh eeg dardar³. la-mid: barbarid, berberid, dardar¹, derder¹, derderid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dardarid
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) biirbiirin.
dardarid -da: (magac, dhedig, keli) dareere ama wax kale oo weel ku jira, kolba in yar ka qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawdarid
m.dh eeg dawdar². la-mid: dawdar¹; dowddarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadfadid
m.f.dh eeg fadfad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fadhiyid
(Fadhiyid-da)
Qof fadhiya oo salka dhulka ama wax kale ku haya ahaansho; degganaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadhiyid
m.dh eeg fadhi². la-mid: fadhi¹, fadhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhiyid
-da: (magac, dhedig, keli) salka dhulka ku hayn oo degganaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fandhaal
(Fandhaal-ka)
Qalab jiko oo leh dabo la qabto iyo af godan oo qaabka ugaxda leh: cunnadaa lagu qaataa ama la darsadaa oo lagu cabbaa ama lagu walaaqaa; qaaddo; macalgad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fandhaal
m.l (-llo, m.dh) Qaaddo qori ka samaysan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fandhaal
m.l (-llo, m.dh) Qaaddo qori ka samaysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fandhaal
m. n. wooden spoon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fandhaal
-ka: (n) spoon made of wood ~ qude
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fandhaal
-ka: (magac, lab, keli) qalab laga qoro geedaha oo dabo la qabto iyo af godan leh oo cuntada lagu qaadqaato, sida malqacadda. Goor ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen baad timid. Dh: fundhaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fandhaal
bw: gure
de: wooden spoon
lx: fandhaal
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: macalgad, qaaddo
key: fandhaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fannadid
-da: (magac, dhedig, keli) meel la baadhayo aad u faaqidid. Aqalkii baa fannadid lagula kacay. Dh: fatishid, baadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farbarid
-da: (magac, dhedig, keli) sida wax loo qoro ama loo akhriyo qof kale barid. Dh: farbaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farfarid
(Farfarid-da)
Godgod yaryar u yeelid; qodqodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farfarid
m.f.dh eeg farfar². la-mid: faarfaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fashalid
(Fashalid-da)
(arrin) ka jibakeenid la'aan; ku guuldarraysasho; dhicisoobid; jabid; dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fashalid
m.f.dh eeg fashal². la-mid: fashal¹ (2), fashalaad, fashil¹, fashilaad, fash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashalid
-da: (magac, dhedig, keli) guuldarraysad iyo jab.