falnaq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falnaq
m.l (-qyo, m.dh) (daawo) Hawl uu fuliyo, ogaanla'aan, xiriirka ugu fudud ee unug maskaxeed iyo muruq. Sidaas darteed dareenka xannunka leh sida irbad mudid waxay keeneysaa dhaqaaq deg-deg ah oo faraha lala boodo inta maskaxdu ayan amar u soo dirin muruqii ay saameysan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
falnaq
m.l (-qyo, m.dh) (daaw.) Hawl uu fuliyo, ogaanla'aan, xiriirka ugu fudud ee unug maskaxeed iyo muruq. Sidaas darteed dareenka xannunka leh sida irbad mudid waxay keeneysaa dhaqaaq deg-deg ah oo faraha lala boodo inta maskaxdu ayan amar u soo dirin muruqii ay saameysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirrid-maskaxeed
m.l (-dyo, m.dh) (daawo) Qaybta maskaxda ee ka kooban maskax dambeed, maskax dhexaad iyo boonas. Waxay u egtahay kuna xidhiidhsantahay xangullaha. Maskax dhexaadku waxay xukuntaa isuna keenta falnaqyada, sida neefsashada kuwaas oo ka yimaada xarumaha sare ee maskaxda iyaga oo sii mara marinno dareenwade oo wada shaqeeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskax-dambeed
m.dh (-yo, m.dh) (cilmiga naflayda) Qaybta dambe ee maskaxda ee ku dhereran ilaa iyo xangulaha. Shaqooyinka ay qabato waxa ka mid ah xidhiidhinta gujooyinka qaabilayaasha taabashada, maqalka iyo organnada dhadhanka. Waxa kale oo ay xukuntaa hababka iswada sida garaaca wadnaha, isku soo ururka iyo kala baxa dhuumaha dhiigga iyo falnaqyo kale duwan.

muruq iraadla'
m.l (-qyo ..., m.dh) (cilmiga naflayda) Muruq aan dhaqdhaqaaqiisa xukumin rabitaan, laakiinse uu wado habdhiska darenwadka iswada. Inta badan waxa uu ku dhacaa falnaq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jirridmaskaxeed
m.l (-dyo, m.dh) (daaw.) qaybta maskaxda ee ka kooban maskax dambeed, maskax dhexaad iyo boonas. Waxay u egtahay kuna xidhiidhsantahay xangullaha. Maskax dhexaadku waxay xukuntaa isuna keenta falnaqyada, sida neefsashada kuwaas oo ka yimaada xarumaha sare ee maskaxda iyaga oo sii mara marinno dareenwade oo wada shaqeeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maskax-dambeed
m.dh (-yo, m.dh) (cilmiga naflayda) Qaybta dambe ee maskaxda ee ku dhereran ilaa iyo xangulaha. Shaqooyinka ay qabato waxa ka mid ah xidhiidhinta gujooyinka qaabilayaasha taabashada, maqalka iyo organnada dhadhanka. Waxa kale oo ay xukuntaa hababka iswada sida garaaca wadnaha, isku soo ururka iyo kala baxa dhuumaha dhiigga iyo falnaqyo kale duwan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muruq iraadla'
m.l (-qyo ..., m.dh) (cilmiga naflayda) Muruq aan dhaqdhaqaaqiisa xukumin rabitaan, laakiinse uu wado habdhiska darenwadka iswada. Inta badan waxa uu ku dhacaa falnaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirridmaskaxeed
-da: (magac, dhedig, keli) qaybta maskaxda ee ka kooban maskax dambeed, maskax dhexaad iyo boonas. Waxay u egtahay kuna xidhiidhsantahay xangullaha. Maskax dhexaadku waxay xukuntaa isuna keenta falnaqyada, sida neefsashada kuwaas oo ka yimaada xarumaha sare ee maskaxda iyaga oo sii mara marinno dareenwade oo wada shaqeeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maskaxdambeed
-da: (magac, dhedig, keli) qaybta dambe ee maskaxda ee ku dhereran ilaa iyo xangulaha. Shaqooyinka ay qabato waxa ka mid ah xidhiidhinta gujooyinka qaabilayaasha taabashada, maqalka iyo organnada dhadhanka. Waxa kale oo ay xukuntaa hababka iswada sida garaaca wadnaha, isku soo ururka iyo kala baxa dhuumaha dhiigga iyo falnaqyo kale duwan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falnaan
m.f.dh eeg falan². la-mid: falnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhul qodan oo la beeray ahaan. Dh: qodnaan. Li: qardaysnaan.
falnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax baaban co la sixray ahaan. Dh: baabnaan, sixranaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaq
(fal) islaweynaw oo kibir kolka noloshaadu sare u kacdo. Dh: kibir.
faaq-a: (magac, lab, keli) kibir iyo islaweyni ka yimaad nimco Eebbe oo la mahadin waayo; ismahadin qofku yeesho kolka dhaqaalihiisu biiro. Dh: kibir, qabweyni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abnaq
abnaq¹: m.l (-qyo, m.dh) (xisaab) Tirada soo baxda marka la isku dhufto dhammaan abyooneyaasha togan ee ka yar ama le'eq abyoone togan ee la isa siiyey. Abnaqa abyoone n oo loo qoro n! waa: (n - 1) (n - 2) (n - 3) ... 3. 2. 1. Cidala isku raacay o! = 1.
abnaq²: m.l Cilmiga abtiriska.
abnaq³: f.mg1 (-qay, -qday) U a.: cid u abtirin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abnaq
m.l (-qyo, m.dh) (xisaab) Tirada soo baxda marka la isku dhufto dhammaan abyooneyaasha togan ee ka yar ama le'eq abyoone togan ee la isa siiyey. Abnaqa abyoone n oo loo qoro n! waa: (n - 1) (n - 2) (n - 3) ... 3. 2. 1. Cidala isku raacay o! = 1.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Abnaq
Factorial
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abnaq
m. n. genealogy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abnaq
(fal) «u ~» qof kale u abtiri; magacda adawyadii uu ka soo jeeday sheegsheeg.
abnaq -a: (magac, lab, keli) cilmiga abtiriska qofka iyo isirkiisa. Abuukar waa nin abnaqa Soomaalida aad u yaqaan. Dh: abtiris, abtirsi.
abnaq -a: (magac, lab, keli) erey xisaabta loo adeegsado oo ah tirada soo baxda mark ala isku dhufto abyoonayaasha togan ee ka yar ama le'eg abyoone togan oo la isa siiyay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abnaq
de: genealogy
lx: abnaq
pd: (-a)
ps: n0-m
syn: abtiris
key: abnaq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afnaq
afnaq¹: m.l la-mid: afnaqid.
afnaq²: f.mg1 (-qay, -qday) 1. Magac qof kale ku hadlid; afhayn. 2. Ku a.: qof, qof kale xurmad ka mudan si uusan jecleysan ugu warcelin; afceli.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afnaq
f.mg1 (-qay, -qday) 1. Magac qof kale ku hadlid; afhayn. 2. Ku a.: qof, qof kale xurmad ka mudan si uusan jecleysan ugu warcelin; afceli. m.f.dh, afnaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afnaq
(fal) u qof ajnabi ah u afceli; cid kale oo an afka aqoon u turjumaan.
afnaq: (fal) (u ~) cid kale oo ku wakiilatay afkeega ku hadal. U afnaq inankaagu haddii uu ku wakiishay.
afnaq-a: (magac, lab, keli) cid kale oo an afka lagu hadlayo aqoon u turjumaanid.
afnaq -a: (magac, lab, keli) afhaynta cid kale; magac qof kale ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balaq
balaq¹: m.l (-qyo, m.dh) 1. Cad yar oo hilib ah oo aan waxtar lahayn. 2. Cad hilib ah oo meel ka lusha. 3. Afka b. ha igu siin: ha ila hadlin!
balaq²: f.mg1 (-qay, -qday) Balaq noqosho (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
balaq
m.l (-qyo, m.dh) 1. Cad yar oo hilib ah oo aan waxtar lahayn. 2. Cad hilib ah oo meel ka lusha. 3. Afka b. ha igu siin: ha ila hadlin!
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
balaq
m. n. lean meat from a very thin animal; worthless piece of meat
balaq v. become weak ~ limp and flabby
balaq: [feminine] n., (mass n.): small quantity of liquid
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
balaq
-a: (n) [Pl. balaqyo-da] not fleshy or fat piece of meat; lean (liin)
balaq: (v) knock down. Ex: balaq buu uga siiyey; he knocked down
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaq
(erycodeed) lagu tilmaansado sanqadha dareere inta weelkii lagu shubay buuxsamay, in yari ka daadatay.
balaq-a: (magac, lab, keli) xalxal iyo jeebab biyo ah, oo hilibka laga sifeeyo oo la tuuro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalaq
m.dh.sh.r Cod tilmaama socod kedis ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalaq
f. n. sudden ~ unexpected entrance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dalaq
(v) enter quickly with permission or unexpectedly. Ex: dalaq buu soo yiri; he entered quickly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalaq
(ereycodeed) si degdeg ah meel ku gal ama ugu dhac. Dalaq dheh ceelka. Dh: muluq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dalaq
de: sudden ~ unexpected entrance
lx: dalaq
pd: (dheh)
ps: np-f-expr
key: dalaq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaq
f.g1 (-nqay, -naqday) Nabar, boog iyo wixi lamida dhiig ama dheecan ka keenid. la-mid: damaq, damqi, danqi, daqan, daqmi, daqni, dinqi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danaq
f.g1 (-nqay, -naqday) Nabar, boog iyo wixi lamida dhiig ama dheecan ka keenid. m.f.dh, danqid. la-mid: damaq, damqi, danqi, daqan, daqmi, daqni, dinqi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danaq
v. hurt (in a sore ~ wounded area)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danaq
de: hurt (in a sore ~ wounded area)
lx: danaq
pd: (danqay / danaqday)
ps: v1=intr
key: danaq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fadaq
(Fadaq-a)
Qof badanaa da' yar oo fudfudayd iyo wax-jejebis badan; aad u xasil daran; qalqaalli; laayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadaq
m.l.kh F. ah: qof badnaa da' yar oo aan xasilloonayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fadaq
m.l.kh F. ah: qof badnaa da' yar oo aan xasilloonayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fadaq
m. n. hyperactive ~ restless child
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fadaq
-a: (n) rascal (raaskal) rabshoole, faraq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadaq
(tilmaame) qof badanaa da' yar oo fudfudayd iyo wax jejebis badan. Dh: qalqaalli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fadaq
cf: qalqaalli
de: hyperactive ~ restless child
lx: fadaq
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: fadaq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falag
falag¹: m.dh la-mid: falko.
falag²: f.g1 (-lgay, -lagtay) la-mid: falki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fąlag
m.l la-mid: feleg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
falag
f. n. large mat; process of interlacing palm fibers with which mats are made
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
falag
-ga: (n) [Astronomy] galaxy (gaalaksi) ~ ururka xiddigaha
falag -ta: (n) method of weaving mats
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falag
(fal) gogol caw ah ama laamaha timirta laga sameeyay, furfur.
falag-ga: (magac, lab, keli) cilimiga iyo aqoonta ku saabsan cirka, xiddigaha iyo gegeddoonka waayaha dayaxa iyo cadceedda. Falag ninkii doonayaa faalka sii roga e. Dh: falak, feleg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
falag
de: large mat; process of interlacing palm fibers with which mats are made
lx: falag
pd: (-ta)
ps: n-f
key: falag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falan
1. (qof, wax) la falay; sixran.
2. (-keed, kd.) falmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falan
falan¹: m.l 1. F.kay, f.kaa iyo wixi lamida: dartay, dartaa iyo wixi lamida. 2. “F.kiisii gal!”: “Arrintiisii gal!”.
falan²: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) 1. Wax sixran noqosho. 2. Beer wax la falay noqosho. 3. Dhul wax la banneeyey noqosho.
falan³: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la falay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
falan
falan¹: m.l 1. F.kay, f.kaa iyo wixi lamida: dartay, dartaa iyo wixi lamida. 2. F.kiisii gal! Arrintiisii gal!
falan²: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) 1. Wax sixran noqosho. 2. Beer wax la falay noqosho. 3. Dhul wax la banneeyey noqosho. m.f.dh, falmid.
falan³: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la falay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
falan
der. [adjective] plowed
falan [derived] [adjective] bewitched
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
falan
-aa: (adj) ploughed (palaawidh) ~ carrorogan, liman
falan -aa: (adj) crazed (kareeyzidh), maniacal (manaayikal); having a screw loose; driven mad; unbalanced; bewitched- qaaddan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falan
(fal) «ku ~» ku garran ama ku dacwi.
falan: (tilmaame) wax la falay ahaan oo baabnaan. Sheekhu wuxu dabiibay nin falan. Dh: sixran, baaban.
falan: (timaame) beer la qoday; beer la fajaasay oo biqishay. Dh: qodan, beeran. Li: qardaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falax
-da: (magac, dhedig, keli) sumad ka mid ah kuwa geela lagu dhigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanad
-ka: (magac, lab, keli) meel dheer korid, Dh: fanasho, fuulid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fanal
fanal, n.m. - tiriigga
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fanax
(Fanax-da)
(ilko) labada fool oo yare kala durugsan oo lagu dhasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanax
fanax¹: m.l Meesha laba farood oo kasta iska galaan.
fanax²: m.dh (-nxo, m.l) Laba fool oo kala durugsan inta u dhexeysa (ilkaha dadka).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fanax
fanax¹: m.l Meesha laba farood oo kasta iska galaan.
fanax²: m.dh (-nxo, m.l) Laba fool oo kala durugsan inta u dhexeysa (ilkaha dadka).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fanax
f. n. space ~ crack between the two upper front teeth
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Fanax
nickname-m gap-tooth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fanax
-da: (n) the gap between the two front teeth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanax
-a: (magac, lab keli) gacanta xaggeeda hore ee faraha iyo dhundhunka u dhaxaysa ee baabacada dusheeda ama labo farood dhexdooda. Abeeso far la siiyay fanaxa ayay u booddaa.
fanax -da: (magac, dhedig, keli) kala fogaanta labada fool ee sare ay kala fogyihiin. Dh: fantax.
fanax -da: (magac, dhedig, keli) dillaac abuur ah oo faruurta sari dhexda ku kala go'an tahay. Dh: faruurni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fanax
de: space ~ crack between the two upper front teeth
lx: fanax
pd: (-da Pl: fanxo (/ha))
ps: n3-f
key: fanax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraq
(Faraq-a)
1. Daliigo yaryar oo badan oo laamaha geeduhu yeeshaan; raamo.
2. Dun soohan ama wax u eg oo maryaha dacalkooda iyo alaabadii kaloo la qurxina hayo loo yeelo oo laga lullulo; bul; taarash.
3. Farqi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraq
faraq¹: m.l (-qyo, m.dh) 1. Daliigo yaryar oo badan oo laamaha geeduhu yeeshaan; raamo. 2. Dun soohan ama wax u eg oo maryaha dacalkooda iyo alaabadii kaloo la qurxina hayo loo yeelo oo laga lullulo; bul; taarash.
faraq²: m.l (xisaab) Inta ay laba xaddi is- dheeryihiin ama jawaabta la helo marka laba xaddi ama tibaax la kala gooyo. la-mid: farqi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faraq
faraq¹: m.l (-qyo, m.dh) 1. Daliigo yaryar oo badan oo laamaha geeduhu yeeshaan; raamo. 2. Dun soohan ama wax u eg oo maryaha dacalkooda iyo alaabadii kaloo la qurxina hayo loo yeelo oo laga lullulo; bul; taarash.
faraq²: m.l (xisaab) Inta ay laba xaddi is-dheeryihiin ama jawaabta la helo marka laba xaddi ama tibaax la kala gooyo. la-mid: farqi.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Faraq
Difference
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faraq
m. n. difference
faraq m. n. end of a garment, fringe, band
faraq m. n., [collective] cracks in trees ~ bark
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faraq
-a: (n) fringe (firiify, frill (firiil) ~ taf-ta
faraq -ah: (ah) rascal (raaskal) ~ fadaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraq
-a: (magac, lab, keli) laamo dhuudhuuban oo qoyan oo dhirta fiilaysaa bixiso. Dh: magool, baar, raamo.
faraq-a: (magac, lab, keli) labo shey ama fikradood oo la is barbar dhigay waxa ay ku kala duwan yihiin. Dh: farqi.
faraq-a: (magac, lab, keli) marada cidhifyadeeda mid ka mid ah. Dh: cidhif, darif, fadhaq.
faraq-a: (magac, lab, keli) dun soohan ama wax u eg oo maryaha dacalkooda iyo la qurxinayo dhinacyadooda laga laadlaadsho. Dh: bul, taarash.
faraq -a: (magac, lab, keli) inta ay labo tiro kala badan yihiin. faraqa 8 iyo 3 waa 5.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasaq
fasaq¹: m.l la-mid: fasakhid.
fasaq²: f.g/mg1 (-qday, -qatay) la-mid: fasakh².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fasaq
vl. n. annulment (of marriage), divorcing (one's husband)
fasaq m. n. faded color
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasaq
(fal) midabka midab kale ku laaq oo kii hore ka beddel.
fasaq-a: (magac, lab, keli) beddelaadda wax midab hore lahaa.
fasaq-a: (magac, lab, keli) haweenay ninkeedii ka furid isagoon oggolaan, sabab sharci ah awgeed sida isagoo waashay iyo wixii la mid ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fauna
Foona
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fauna
/foona/ (n) xayawaanka degaan gooni ah ku-wada nool.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fauna
s.f. - xoolo, xayawaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fawna
m.dh la-mid: foona.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halaq
(Halaq-a)
1. Nafleyda inta bogga ku socota sida maska iyo goodka; xamaarato.
2. Masaska mid kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaq
m.l (-qyo, m.dh) 1. Xamaaratada inta bogga ku socota sida maska, goodka iyo wixi lamida. 2. Nooc ka mid ah masaska. 3. Jinni.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
halaq
m.l (-qyo, m.dh) 1. Xamaaratada inta bogga ku socota sida maska, goodka iyo wixi lamida. 2. Nooc ka mid ah masaska. 3. Jinni.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halaq
m. n. reptile, snake
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halaq
-a: (n) snake (isneeyk)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaq
-a: (magac, lab, keli) nafleyda inta bogga ku socota ee xamaaratada ah.
halaq -a: (magac, lab, keli) mas weyn oo sun badan oo qaniinyadiisa lagu dhinto. Wa: halaqyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halaq
de: reptile, snake
lx: halaq
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: halaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halna
(falkaabe) midna; xabbadna.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanaq
m.l (-qyo, m.dh) Dhuunta meesheeda hoose oo godan; galaw; halaw.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hanaq
m.l (-qyo, m.dh) Dhuunta meesheeda hoose oo godan; galaw; halaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanaq
-a: (magac, lab, keli) wadnaha ama saabka laabta ee uu ka laalaado. Dh: wadane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalaq
m.l.sh.r 1. In yar oo biyo ama caano ah oo weel guntiis ku haray. 2. Koor yar oo laba carrab leh oo geela lagu xiro. 3. Dheg u j. sii: hadal raacid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jalaq
m.l.sh.r 1. In yar oo biyo ama caano ah oo weel guntiis ku haray. 2. Koor yar oo laba carrab leh oo geela lagu xiro. 3. Dheg u j. sii: hadal raacid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jalaq
f. n. drop; sound of dripping
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalaq
-a: (magac, lab, keli) In yar oo biyo ama caano ah oo weel guntiis ku haray.
jalaq -a: (magac, lab, keli) koor yar oo labo carrab leh oo geela lagu xidho.
jalaq-da: (magac, dhedig, kali) maqal iyo addeecid. Dhaaxaan jalaadee dheg baan jalaq la ii siine.
jalaq -da: (magac, dhedig, keli) kalagoyska dhudhunka iyo sacabka u dhexeeya. Jalaqda ayaa qori iga muday maanta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jalaq
de: drop; sound of dripping
lx: jalaq
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: jalaq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballaq
ballaq¹: m.l la-mid: balliqid.
ballaq²: f.g1 (-qay, -qday; -liqi) 1. Albaab, dariishad iyo wixi lamida wada furid. 2. Arrin wax ka qabashadeeda cid u dhigid. Tusaale: “Maxamed arrinti wuxuu u ballaqay maxkamadda”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ballaq
f.g1 (-qay, -qday; -liqi) 1. Albaab, dariishad iyo wixi lamida wada furid. 2. Arrin wax ka qabashadeeda cid u dhigid. Tusaale: Maxamed arrinti wuxuu u ballaqay maxkamadda. m.f.dh, balliqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ballaq
v. open wide, throw open
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ballaq
-ay day: (v) open the entrance or the exit; open and leave it open