falleydh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falleydh
-ka: (magac, lab, keli) qayb ama badh. Falleydh weyn oo loox ah aya ka soo go'ay aqalka. Dh: fallidh, falladh, qayb, falleyr.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fallaydh
-a: (magac, dhedig, keli) summad geela ama fardaha lagu dhigo oo dhegta badhtankeeda laga jeexo. Awr fallaydh leh baa geela ku qooqan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falleedh
-a: (magac, lab, keli) sumad xoolaad oo dhegta la kala jeexo gaar ahaan geela. Dh: hayl.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falaydh
-a: (magac, dhedig, keli) summad geela ama fardaha lagu dhigo oo dhegta badhtankeeda laga jeexo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falladh
-ka: (magac, lab, keli) shay siddeed meelood loo qaybiyey meel ahaan '1/8'. Dh: fallar.
falladh -ka: (magac, lab, keli) qayb yar oo wax wayn ka go'aday. Falladh meel ka soo duulay baa foodda ii galay e. Dh: fallidh, gobol, qurub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falleyr
(Falleyr-ta)
Summad geela iyo lo'da dhegta lagaga dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falleyr
m.dh (-ro, m.l) Dillaac dhegaha xoolaha summad ahaan loogu yeelo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
falleyr
f. n. brand, mark of ownership put on animal's ear
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
falleyr
a: falleer
de: brand, mark of ownership put on animal's ear
lx: falleyr
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: falleyr
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fallidh
-ka: (magac, lab, keli) eeg falladh.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fallaadh
Ray
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fallaadh
-a: (magac, dhedig, kali) qalabkii hore ee dagaalka mid ka mid ah. Waa ul dhuuban oo adag oo xagga hore laga gelsho bir sumaysan oo wax mudi og, xagga danbena lagaga taago baarrumo oo qaansada laga gano. Fallaadhi gilgilasho kaagama go'do. Dh: leeb, fallaar, gantaal, gamuun.
fallaadh -a: (magac, lab, keli) cudur dadka kaga dhaca madaxa iyo gaar ahaan dhegaha oo la iska gubo dhafoorrada. Odayga fallaadh baa laga gubay.
fallaadh -a: (magac, lab, keli) cudur xanuun kulul oo dadka kaga dhaca naasaha hoostooda xilliyada qaboobaha iyo roobka. Dh: fallaar, oofwareen.
fallaadh-a: (magac, dhedig, keli) dhud ilays ah oo ka soo baxda walax ifaysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
falliidh
m. n. splinter, chip
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falliidh
(fal) (ka ~) wax weyn wax yar oo ka mid ah, ka dillaaci. Dh: falliir.
falliidh: (fal) «kala walax isku taallay, labo u kala dillaaci. Qoriga qaadi kari mayside, kala faldhiidh. Dh: dhanbal.
falliidh -ka: (magac, lab, keli) eeg falladh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
falliidh
de: splinter, chip {N}
lx: falliidh
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: falliidh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gallaydh
-ka: (magac, lab, keli) shimbir beycad ah oo manjaha iyo bogga cad oo hilbka cuna. Wuxuu badana ugadhsadaa halaqqa iyo shinbiraha yaryar Dh: gallayr.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fallaadho
-ha: (magacwadareed) 'xisaab' urur baro ah oo ka kooban bar xariiq ku taalla iyo dhaamaanba bara dhinac ka xiga oo ku yaalla xariiqda.
fallaadho-ha: (magacwadareed) fallaadho birtu qalloocin karin oo dhex mara walxaha ilaysku ka gudbi karin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faamallaydh
-ka: (magac, lab, keli) daldaloollo hawadu ka soo gasho guriga daarta ah oo daaqadaha ka korreeya; dariishadda yar ee aan badanaa la furin oo hawadu ka baxdo kana soo gasho oo ka korraysa daaqadaha waaweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Alleh
eeg Alla.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
alley
/aalli/alleys; (n) surin; dariiq ama wadiigo yar oo dhismayaal ama meel kale dhex marta.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
alley
/aali/ (n) luuq (jiiry)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alleyl
m.l Habeen bar, saqdhexe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alleyl
-ka: (magac, lab, keli) habeen oo dhan. Sidi kawsaroow xamar alleyl koore lagu taagay. Li: hir salaad.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fallen
/folen/ (v) fall, oo fal hore ah.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
filled
a., buuxsan; be filled, buuxsan, buuxsanow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galley
(Galley-da)
Geed la abuuro oo dhala badar waxtar weyn leh: dadka iyo duunyadaa cuna; waxaa kaloo laga sameeya saliid la cuno oo wanaagsan, qaarkeedna laga dhigo, dawo, saabbuun, khal, nacnac, xabko, asal iyo ranji, cadar udgoon, waxyaalo qaraxda, kd.; geedku bal taagan oo caleemo dheerdheer iyo sabuul iniino badan oo sarac sarac ahi ku yaalliin buu lee yahay; arabbikhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galley
m.dh Geed ka mid ah dalagga la beerto oo leh caleemo balballaaran, dhaadheerna, wuxuuna dhalaa iniino badar oo la cuno lagana miiro saliid; arabbikhi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galley
m.dh Geed ka mid ah dalagga la beerto oo leh caleemo balballaaran, dhaadheerna, wuxuuna dhalaa iniino badar oo la cuno lagana miiro saliid; arabbikhi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
galley
/gaali/ (n) jikada markabka
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galley
-da: (n) maize (meeys); corn (koon) ~ gallay, arab-bikhi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galley
-da: (magac, dhedig, keli) midho sida masaggada loo beerto oo ka baxda meelaha biyaha badan leh oo xasiid la dubto leh. Dh: arabakhi, arabikhi, garraax, bokolli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malley
-ga: (magac, lab, keli) xayawaan biyaha ku nool oo jaadad badan leh oo ka neefsada waafyo. Cad wanaagsan weeyee cuna malleyga. Dh: kalluun, mallaay.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Valley
Dooxo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
valley
/vaali/ (n) tog (waadi).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
valley
n., bohol, -shi, dooxo, -adi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balladh
-ka: (magac, lab, keli) eeg ballaadh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bileydh
-ka: (magac, lab, keli) eeg bilaydh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaydh
-ka: (magac, lab, keli) naqa roobku soo saaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fahleyn
(Fahleyn-ta)
Si fahle ah u socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fahleyn
m.f.dh eeg fahlee. la-mid: fahleys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fahleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) furmid oo kolba furmid, iyada oo codka 'fal' lagu celcelinayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fahleys
(Fahleys-ka)
Fahleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fahleys
m.l la-mid: fahleyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fahleys
vl. n. act of walking gracefully
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fahleys
-ka: (magac, lab, keli) eeg fahleyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fahleys
de: act of walking gracefully
lx: fahleys
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: fahleys
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falleer
m.d la-mid: falleyr.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falleer
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg falleedh.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GAHEYDH
(Gaheir) N Blepharispermum fruticosum Klatt. Compositae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaydh
m.l (-dhyo, m.dh) (kiimika) Iskudhis uu ku jiro halojiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
halaydh
m.l (-dhyo, m.dh) (kiim.) Iskudhis uu ku jiro halojiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalleyf
(Qalleyf-ka)
Aan jilicsanayn; adayg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalleyf
m.l Aan jilicsanayn; adayg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalleyf
m. n. hardness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qalleyf
-ah: (adj) hard (haardh); rugged (rag-gidh); not easily bendable or flexible.
qalleyf -ka: (n) hardness (haardh-nes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalleyf
(tilmaame) wax fudud oo jimidh yar.
qalleyf -ka: (magac, lab, keli) adayg iyo qombobsanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalleyf
de: hardness
lx: qalleyf
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: qalleyf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salladh
-ka: (magac, lab, keli) khudaarta inteeda cagaaran oo la cuno oo caleenta keliya ah. Salladh la'aan baasto ma cuno. Dh: sallar, salaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ballaadh
m. n. width, breadth, broadness, space
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ballaadh
-ka: (n) width (width); breadth (bareedhath); broadness (baroodh-nes) ~ ballaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaadh
-ka: (magac, lab, keli) wax kala fidsanaan; wax cidhifyadiisu kala fog yihiin. Ballaadhka dhulka dhaayuhu ma koobi karaan. Dh: ballac, balladh, fidsanaan, dherer. Li: dhuuban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ballaadh
a: ballaar {N}
de: width, breadth, broadness, space
lx: ballaadh
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: ballaadh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kollaydh
m.dh (-ooyin, m.l) (baayoloji) Kollaydhada markii ugu horreysey waxa uu u qeexay Thomas Graham sannadkii 1861, walxo ahaan, sida istaarj ama jellatiin, kuwaas oo aan ka gudbi karin xuub.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kollaydh
m.dh (-ooyin, m.l) (baay.) Kollaydhada markii ugu horreysey waxa uu u qeexay Thomas Graham sannadkii 1861, walxo ahaan, sida istaarj ama jellatiin, kuwaas oo aan ka gudbi karin xuub.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falliidhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax weyn oo isku yaal, wax yar oo ka mid ah ka dillaacin. Dh: falliirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gallaydhee
(fal) nabadee ama heshiisii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ballaadhi
v. widen, broaden
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ballaadhi
yey / say: (v) expand (ikispaandh); widen (waaydhen); make wide ballaari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaadhi
(fal) ka yeel wax fidsan. Innoo ballaadhi gogosha. Dh: fidi, ballaari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ballaadhi
a: ballaari
de: widen, broaden
lx: ballaadhi
pd: (ballaadhiyey)
ps: v2a=
key: ballaadhi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faalleeye
m. n. commentator
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faalleeye
de: commentator
lx: faalleeye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: faalleeye
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Galley-ga
maïs.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabaydh
-ka: (magac, lab, keli) meesha labo waddo ama labo xarriiq isku gooyaan ama ku kala weecdaan. Dh: isgoys, kalabayr.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
callaydhiye
-ha: (magac, lab, keli) geednagaadh bixiya caleemo yaryar oo aad u caraf badan oo dhulka kulaylaha ah ka baxa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
callaydhshe
-ha: (magac, lab, keli) eeg callaydhiye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falfalliidh
(fal) faas ama gudin ku yaryaree xaabo iyo wixii la mid ah. Dh: jeexleex, dildullaaci.
falfalliidh -ka: (magac, lab, keli) digir inta la dubo oo la tumo la kariyo. Dh: faracad.
falfalliidh-ka: (magac, lab, keli) wax la jeexjeexay ama la dildillaacshey; wax falliidho laga dhigay. Dh: falfalliir.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fallaadha-X
X-rays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gallaydhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale oo is khilaafsan, nabadayn ama heshiisiin.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Jalaqley-da
poignet.