fallaagayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fallaagayn
(Fallaagayn-ta)
Fallaago ka dhigid; in cidi fallaago noqoto ku jirrabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fallaagayn
m.f.dh eeg fallaagee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fallaagayn
-ta: (magac, dhedig, keli) fallaago noqod ama cid kale fallaago ka dhigid. Dh: budhcaddayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fallaagay
(fal) fallaago noqo oo amardiiddo samee; budhcad noqo.
fallaagay: (fal) mucaarad inuu noqdo sababu ahaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fallaagays
-ka: (magac, lab, keli) fallaago noqod ama cid kale fallaago ka dhigid. Dh: fallaagayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fallaageyn
m.f.dh eeg fallaagee. la-mid: fallaageys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fallaagad
m.dh (-do, m.l) Naag fallaago noqotay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fallaageys
m.l la-mid: fallaageyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tallaabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tallaabada oo meel cabirkeed lagu qiyaaso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhallaamayn
m.f.dh eeg dhallaamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhallaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhallaan ka dhigid; da' yarayn oo wax ciyaal ah ka dhigid. Dh: ciyaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fallaag
m.l Nin fallaag ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fallaag
-ga: (magac, lab, keli) bunduq ama qori. Dh: qori, buntukh, bunduq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fallaan
(Fallaan-ta)
Qof la falay oo kale ahaan; fallaansho; (ama falnaan).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fallaan
f. n., [abstract] state of being bewitched
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fallaan
-ta: (n) the state of being ploughed (palaawidh) ~ carrorogan
fallaan -ta: (n) the state of being under a curse; bewitched (bewiijidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fallaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof la falay oo kale ahaan; qof la baabay ahaan. Dh: fallaansho, falnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fallaan
a: falnaan
de: state of being bewitched
lx: fallaan
pd: (-ta)
ps: n2-f-abs
key: fallaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaabayn
m.f.dh eeg alaabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xafiis iyo wax la mid ah, qalab shaqo soo dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falakayn
-ta: (magac, dhedig, keli) figaynta iyo fuudhafuudhaynta qof la kadeedayo. Dh: falakays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fallaago
(Fallaaga-da)
1. Dadka la dagaallamo colka ama cadowga dhulkooda xoogga ku qabsada.
2. Qaanuunka iyo taliska dalkooda naca oo ku kaca oo la dagaallama.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fallaago
m.l.u 1. Dad hubaysan oo dawlad ka fakaday oo duur ku jir ah; burcad. 2. Nin f. ah: qof ka mid ah dad hubaysan oo burcad ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fallaago
m.l.u 1. Dad hubaysan oo dawlad ka fakaday oo duur ku jir ah; burcad. 2. Nin f. ah: qof ka mid ah burcad hubaysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fallaago
f. n., [collective] rebels, outlaw(s), gangster(s)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fallaago
-fallaagada: (v) 1. rebel (ribeel)-, rebellion (ri beelyen), insurgency (inseerjansi) ~ jabhad, mucaarad. 2. gangster; a thug hoodlum (huudlam)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fallaago
-da: (magac, dhedig, keli) koox ama jabhad ku kacsan dawlad ama nidaam meel ka dhisan oo amardiiddo iyo qas wadda. Dh: jabhad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fallaago
de: rebels, outlaw(s), gangster(s)
lx: fallaago
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: fallaago
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaagan
halaagan¹: f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) Wax baaba'ay noqosho. la-mid: halligan¹.
halaagan²: f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax baaba'ay ahaansho. la-mid: halligan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
halaagan
f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) Wax baaba'ay noqosho. m.f.dh, halaagmid. la-mid: halligan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halaagan
der. [adjective] annihilated, defeated; extinguished; extinct, dead
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halaagan
(adj) destroyed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaagan
(tilmaame) wax baaba'san oo rafaad iyo dhibaato qaba. Dh: halaagsan, baaba'san.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halaagan
de: annihilated, defeated; extinguished; extinct, dead
lx: halaagan
pd: (halaagnaa)
ps: adj-der
key: halaagan
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Allamagan
name-m under God's protection, sanctuary or refuge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Allamagan
magac loo baxsho wiil loo baryayo Eebbe in uu ka badbaadiyo col, abaar ama geeri ay dhalashadiisu ku soo beegantay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax samayntiisa laga maagayo oo dadka hortii la falo si inta kale ay ugu dhiirrato. Dh: balaalaxayn, biimayn. balaambal -ka: (magac, lab, keli) carcaraaf iyo saxaariir dhib badan. Dh: balanbal, balambal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ballaaran
Ballac weyn leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Wax ballac weyn leh ahaansho. 2. Wax waasac ah ahaansho (dhul, weel iyo wixi lamida).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ballaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Wax ballac weyn leh ahaansho. 2. Wax waasac ah ahaansho (dhul, weel iyo wixi lamida). m.f.dh, ballaarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ballaaran
der. [adjective] wide, broad, large, spacious
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ballaaran
-ballaarnaa / ballaarnayd: (adj) widen (waay dhen); broad (haroodh); large, great ~ ballaaran, waasac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaaran
(tilmaame) kala fidsan oo ballaadhan. Loox ballaaran ii keen. Dh: ballaadhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ballaaran
de: wide, broad, large, spacious
lx: ballaaran
pd: (Pl: balballaaran)
ps: adj-der
key: ballaaran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calaamayn
(Calaamayn-ta)
Calaamo u yeelid; astayn; calaamadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamayn
m.dh la-mid: calaamadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fagaarayn
(Fagaarayn-ta)
(u fagaarayn) legdan, feer, tartan, dabbaaldeg, kd.. meel fagaare ah oo la wada joogo u samayn, u golaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fagaarayn
m.f.dh eeg fagaaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagaarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tartan iyo wax la mid ah, fagaaro u samayn; ciyaar iyo wax la mid ah, meel fagaare ah oo la wada joogo u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falanqayn
(Falanqayn-ta)
(hadal, arrin) caddayn; kala saarsaarid; kala dhigdhigid; ka faallayn; gelid; gorfayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falanqayn
m.f.dh eeg falanqee. la-mid: falanqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
falanqayn
f. n. explanation, analysis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falanqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) faaqidaadda xog la helay. Dh: faallayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fallaagee
f.g/mg2 (-geeyay, -geysay) 1. (f.g) Cid fallaago ka dhigid. 2. (f.mg) Cid fallaago noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fallaagee
v. cause to rebel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fallaagee
(fal) eeg fallaagay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fallaagee
de: cause to rebel
lx: fallaagee
pd: (fallaageeyey)
ps: v2b=
key: fallaagee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fallaagow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Fallaago noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fallaagow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Fallaago noqosho. m.f.dh, fallaagoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fallaagow
(fal) jabhad, dawlad ama nidaam la dagaallanta noqo; amardiiddo samee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faylagoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) boqnagoyn oo si daran u dhaawicid.
faylagoyn-ta: (magac, dhedig, keli) labada faylood jarid. Dh: faylajarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galladayn
m.f.dh la-mid: galladid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galladayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, guulayn oo mahad iyo wanaag gaadhsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haltagayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhibaato iyo waxyaallo gaadhsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Illaacayn
(Illaacayn-ta)
Cunid; ilayn; dhabataysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illaacayn
m.f.dh eeg illaacee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jallaadan
Jallaad lagu rogey; la dahaaray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jallaadan
jallaadan¹: f.mg1 (-dmay, -dantay; -dmi) Kutub wax jildi la geliyey noqosho. la-mid: jillaadan¹.
jallaadan²: f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Kutub wax jildi la geliyey ahaansho. la-mid: jillaadan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jallaadan
der. [adjective] covered, bound
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jallaadan
(tilmaame) Quraan ama wax kale oo la subciyay
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jallaadan
de: covered, bound
lx: jallaadan
ps: adj-der
key: jallaadan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lallabayn
m.f.dh eeg lallabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lallabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) lallabo dareemid. Dh: yaqyaqsi, laqanyood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talaabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) talaabo ku cabbirid; tilaabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tallaagad
-da: (magac, dhedig, keli) qaboojiyaha korontada ku shaqeeya ee lagu rido quutal daruuriga. Dh: tallaajad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tallaalan
La tallaalay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tallaalan
tallaalan¹: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Wax la lallaalay noqosho.
tallaalan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la tallaalay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tallaalan
tallaalan¹: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Wax la lallaalay noqosho. m.f.dh, tallaalmid.
tallaalan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la tallaalay ahaansho. m.f.dh, tallaalnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tallaalan
der. [adjective] innoculated, vaccinated; grafted, transplanted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tallaalan
(tilmaame) dhir lagu muday kuwo kale.
tallaalan: (tilmaame) geed la beeray. Geed wuu tallaalan yahay.
tallaalan: (tilmaame) caruur ama cid kale oo lagu muday daawo kahortag ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tallaalan
de: innoculated, vaccinated; grafted, transplanted
initial: t
lx: tallaalan
nt: tallaalan (tallaalmay) [v1=inch]
pd: (tallaalnaa)
ps: adj-der
key: tallaalan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Walaalayn
(Walaalayn-ta)
Walaalo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walaalayn
m.f.dh eeg walaalee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) walaalo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xalaalayn
(Xalaalayn-ta)
Xalaal ka dhigid; Bannayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalaalayn
m.f.dh eeg xalaalee. la-mid: xalaalays.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Xalaalayn
Legittimazione
Legitimize
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ilmo yar gaar ahaan gabadh baaro ka goyn. Dh: gudid, gudis.
xalaalayn-ta: (magac, dhedig, keli) xalaal ka dhigid oo inuu bannaan yahay sheegid. Dh: bannayn xalaalays.
xalaalayn-ta: (magac, dhedig, keli) neef dhimanaya gawracid. Bisinka ku bilaw xalaalaynta neef. Dh: gawricid, birayn. Li: duufin.
xalaalayn -ta: (magac, dhedig, keli) ammaano ciddii lahayd illawsiin oo iska yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalladayn
-ta: (magac, dhedig, keli) macaanayn oo wax dadka soo jiita ka dhigid. Dh: xalladays, qurxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faataalayn
m.dh la-mid: faataadhugleyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si islaweyni ah u dhaqmid. Dh: faataadhuglayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fallaagoob
inch. v. become an outlaw, rebel ~ gangster
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fallaagoob
-ay / fallaagowday: (v) oppose by force an established ruling authority; be a rebel
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fallaagoob
de: become an outlaw, rebel ~ gangster
lx: fallaagoob
pd: (fallaagoobay)
ps: v1=inch
key: fallaagoob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faylaggoyn
m.f.dh eeg faylaggoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gallayrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) galleyr isu ekaysiin; habka gallayrka samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haylaamayn
m.dh la-mid: haylid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haylaamayn
vl. n. brand, branding marks on cattle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haylaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) aqal daso ah, haylaan dusha ka saarid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haylaamayn
de: brand, branding marks on cattle (consisting of a cut in the ear from which a part is left hanging)
lx: haylaamayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: haylaamayn