falakays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falakays
-ka: (magac, lab, keli) eeg falakayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falakay
(fal) figay ama fuudhafuudhay; cid kale, u xidh si adag oo ciqaab ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falakayn
-ta: (magac, dhedig, keli) figaynta iyo fuudhafuudhaynta qof la kadeedayo. Dh: falakays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halakays
-ka: (magac, lab, keli) eeg halakayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falakaysan
(tilmaame) qof la fuudhfuudheeyay ama figaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaas
m.l 1. Nooc ka mid ah cayaaraha turubka oo qof kasta oo cayaaraya saddex xabbo la siiyo. 2. Tarmuus.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
falaas
-ka: (n) porker (poo-ker)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falaas
-ka: (magac, lab, keli) weel shaaha iyo biyaha lagu shubto, oo qabawga iyo kulaylka labadaba xajiya. Dh: darmuus.
falaas-ka: (magac, lab, keli) jaad cayaaraha turubka ka mid ah oo qof kasta oo cayaaraya saddex xabbo la siiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halakay
(fal) nabarro gaadhsii; aad u waxyeellee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taakays
-ka: (magac, lab, keli) eeg taakayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaladays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg aaladayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calalays
-ka: (magac, lab, keli) eeg calalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalarays
-ka: (magac, lab, keli) dalayn u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halakayn
(Halakayn-ta)
Nabarro xunxun gaarsiin; aad wax u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halakayn
m.f.dh eeg halakee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halakayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaawacyo culculus gaadhsiin. Dh: dhibaatayn, waxyeelayn, halukayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalabays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qalabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salabays
-ka: (magac, lab, keli) eeg salabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarakays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xarakayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afkalahays
m.l la-mid: afkalahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afkalahays
-ka: (magac, lab, keli) eeg afkalahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fallaagays
-ka: (magac, lab, keli) fallaago noqod ama cid kale fallaago ka dhigid. Dh: fallaagayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farakuhays
m.l la-mid: farakuhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farakuhays
-ka: (magac, lab, keli) eeg farakuhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halakaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax halako ku dhacday ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barakayso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Hanti yar iimaansasho. 2. (f.g) Hanti yar tashiilasho. 3. (f.mg) Cid barako ka doonasho. 4. (f.mg) Sadaqo la bixid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barakayso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Hanti yar iimaansasho. 2. (f.g) Hanti yar tashiilasho. 3. (f.mg) Cid barako ka doonasho. 4. (f.mg) Sadaqo la bixid. m.f.dh, barakaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barakayso
(fal) barako iyo khayr ka raadi. Awliyada ka barakayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaradays
-ka: (magac, lab, keli) eeg faaradayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataxays
-ka: (magac, lab, keli) eeg faataxayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddarays
-ka: (magac, lab, keli) eeg faddarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falanqayn
(Falanqayn-ta)
(hadal, arrin) caddayn; kala saarsaarid; kala dhigdhigid; ka faallayn; gelid; gorfayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falanqayn
m.f.dh eeg falanqee. la-mid: falanqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
falanqayn
f. n. explanation, analysis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falanqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) faaqidaadda xog la helay. Dh: faallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farataysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg fadhataysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farsamays
-ka: (magac, lab, keli) eeg farsamayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooladays
-ka: (magac, lab, keli) eeg fooladayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galabaysi
m.l la-mid: galabaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galabaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg galabaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galabayso
f.mg3 (-stay, -satay) Ku g.: galab meel joogid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galabayso
f.mg3 (-stay, -satay) Ku g.: galab meel joogid. m.f.dh, galabaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galabayso
(fal) ilaa gellinka danbe ee maalinta, meel wax ku sug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halabaysi
(Halabaysi-ga)
Halabaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halabaysi
m.l la-mid: halabaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halabaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg halabaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halabayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Timo halab ah samaysasho. 2. Xoolo la soo dhacay hilib ka qalasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halabayso
v.auto: steal ~ take possession of stray animals
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halabayso
(fal) timaha xabbad xabbad iskugu tidco ama iskugu sooho oo halab yeelo. Dh: xamro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halabayso
de: steal ~ take possession of stray animals
lx: halabayso
nt: halabaysad (ka) [vn-m], halabaysasho (/da) [vn-f], halabaysi (ga) [vn-m]
pd: (halabaystay)
ps: v3b=auto
key: halabayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magmakays
-ka: (magac, lab, keli) eeg magmakayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaxaysi
m.l la-mid: malaxaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaxaysi
-ga: (magac, lab, keli) malax yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaxayso
f.mg3 (-stay, -satay) (daawo) Malax yeelasho (nabar). Majaajillo samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
malaxayso
f.mg3 (-stay, -satay) (daaw.) Malax yeelasho (nabar). Majaajillo samayn. m.f.dh, malaxaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
malaxayso
v. suppurate, form pus, become pussy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaxayso
(fal) malax ha ku gasho oo dheecaan yeelo. Naburoow malaxayso aad bogsatide. Dh: dheecaamayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
malaxayso
de: suppurate, form pus, become pussy
lx: malaxayso
pd: (malaxaystay)
ps: v3b=intr
key: malaxayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malookays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg malookayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaalays
-ka: (magac, lab, keli) eeg walaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wasakhays
-ta: (magac, dhedig. keli) eeg wasakhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wasladays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg wasladayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalaalays
m.l la-mid: xalaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalaalays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xalaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalladays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xalladayn. xalladee: (fal) xallad u yeel oo wax dadka soo jiita ka dhig. Dh: qurxi, xalladay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadqalalays
-ka: (magac, lab, keli) qalalaase iyo qas abuurid. Dh: fadqalalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafalafaysi
-ga: (magac, lab, keli) wax walba qaadid aan waxba laga yaqyaqsan ama aan la hanbayn. Nin wen kolkaad tahay lafalafaysiga waa laga xishoodaa. Dh: agagaas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafalafayso
(fal) waxaad haleeshaba qaad oo waxbaa ha ka yaqyaqsoonin. Dh: agagaas.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
flaky
/fleyki/ (adj) jajabaya, jab-jab usoo dhacaya
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabays
-ka: (magac, lab, keli) eeg aabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanays
-ka: (magac, lab, keli) eeg aanayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Abakas
Abacus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adkays
-ka: (magac, lab, keli) eeg adkayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alkayn
m.l (-no, m.dh) (kiimika) Koox ka tirsan haydarokaarboonnada aan dheregsanayn; loona yaqaan sitayliinno. Waxay wadaagaan naanaysta guud ee C H-na waa abyoone.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
alkayn
m.l (-no, m.dh) (kiim.) Koox ka tirsan haydarokaarboonnada aan dheregsanayn; loona yaqaan sitayliinno. Waxay wadaagaan naanaysta guud ee C H-na waa abyoone.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
always
/oolweys/ (adv) had iyo jeer; mar kasta. e.g. I always go to the library.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
always
/oolweys/ (adv) mar kasty, mar welby. He is always late.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
always
ad., goor walba, kol walba, goor iyo galab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dakays
-ka: (magac, lab, keli) sariir iyo wax la mid ah, ku dul dakayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fagaas
(Fagaas-ka)
Xakame weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fagaas
m.l (-syo, m.dh) Bir ama qori la geliyo afka fardaha iyo baqlaha marka la xakamaynayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fagaas
m. n. bridle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fagaas
-ka: (n) bridle (baraaydhel) ~ xakame
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagaas
(fal) faras xakame ku xidh. Faraska si fiican u fagaas. Dh: xakamee.
fagaas -ka: (magac, lab, keli) xakame weyn oo gammaanka lagu xidho. Fagaaska ku xidh faraska Dh: xakame.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fagaas
de: bridle
lx: fagaas
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: fagaas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fajaas
(Fajaas-ka)
Nabar laysku dhufto, qalab bir ah (seef, waran, masaar, kd.) inta, isagoo gacanqabsi ah, oo xoog u dhaca haya, kor lay saga keeno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fajaas
fajaas¹: m.l 1. F. ah: nabar weyn oo samaysma marka qof xoog loogu dhufto yaambo, faas iyo wixi lamida. 2. la-mid: fajaasid. la-mid: fujaas¹.
fajaas²: f.g1 (-say, -stay) Qalab bir ah oo af leh wax ku faasid. la-mid: fujaas².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fajaas
m. n. laceration, severe wound
fajaas v. strike someone with a metal weapon; wound badly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fajaas
(fal) cid kale, nabar ku dhufo; qalab bir ah sida seef oo kale, isaga oo gacanqabsi ah, cid kale, kor kaga keen oo ku dhufo.
fajaas: (fal) beer shiniyee oo iniinyaha dhulka ku daadi. Dh: shinniyay, shinniyee.
fajaas -ka: (magac, lab, keli) cid kale, nabar ku dhufo.
fajaas -ka: (magac, lab, keli) awrka qallaciisa uu madaxa awrka ay dagaalamayaan kaga saydho. Dh: qallac, saydhmo, qallacaad.
fajaas-ka: (magac, lab, keli) mici ku dhufashada maska. Dh: saydhmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fajays
(Fajays-ka)
Fajayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fajays
m.l la-mid: fajayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fajays
vl. n. massage, act of massaging
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fajays
-ka: (magac, lab, keli) eeg fajayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fajays
de: massage, act of massaging
lx: fajays
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: fajays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falaad
(Falaad-ka)
1. Abuur; dhalan; dabeecad; sansaan; ged; baxaalli.
2. Hawlo aan qabashadooda dan weyni ku jirin; madaddaalo; baashaal; maararrow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaad
falaad¹: m.l (-ddo/-dyo, m.dh) 1. Fal aan ujeeddo lahayn oo waqtiga lagu lumiyo. 2. Anshax, dhaqan.
falaad²: f.mg1 (-day, -dday) Hawl aan ujeeddo laga lahayn oo waqtiga lagu luminayo qabasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
falaad
falaad¹: m.l (-ddo/-dyo, m.dh) 1. Fal aan ujeeddo lahayn oo waqtiga lagu lumiyo. 2. Anshax, dhaqan.
falaad²: f.mg1 (-day, -dday) Hawl aan ujeeddo laga lahayn oo waqtiga lagu luminayo qabasho. m.f.dh, falaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
falaad
n. temperament, character, conduct
falaad m. n. pastime, entertainment
falaad v. pass the time, be entertained
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
falaad
-ka: (n) 1. meaningless writing; marks or lines; doodle (dhuu dhel)', scribble (iskirib bel). 2. the way a person acts; conduct (kondhakt), habit (haab it), behavior patterns ~ dhaqan