falaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falaad
(Falaad-ka)
1. Abuur; dhalan; dabeecad; sansaan; ged; baxaalli.
2. Hawlo aan qabashadooda dan weyni ku jirin; madaddaalo; baashaal; maararrow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaad
falaad¹: m.l (-ddo/-dyo, m.dh) 1. Fal aan ujeeddo lahayn oo waqtiga lagu lumiyo. 2. Anshax, dhaqan.
falaad²: f.mg1 (-day, -dday) Hawl aan ujeeddo laga lahayn oo waqtiga lagu luminayo qabasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
falaad
falaad¹: m.l (-ddo/-dyo, m.dh) 1. Fal aan ujeeddo lahayn oo waqtiga lagu lumiyo. 2. Anshax, dhaqan.
falaad²: f.mg1 (-day, -dday) Hawl aan ujeeddo laga lahayn oo waqtiga lagu luminayo qabasho. m.f.dh, falaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
falaad
n. temperament, character, conduct
falaad m. n. pastime, entertainment
falaad v. pass the time, be entertained
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
falaad
-ka: (n) 1. meaningless writing; marks or lines; doodle (dhuu dhel)', scribble (iskirib bel). 2. the way a person acts; conduct (kondhakt), habit (haab it), behavior patterns ~ dhaqan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falaad
-ka: (magac, lab, keli) hawlo aan qabashadooda dan weyni ku jirin. Dh: baashaal. falaadid -da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) daalasho iyo baashaalid. Dh: maararrow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalaad
m.dh (-dyo, m.dh) Dhul bannaan oo aan dhir waaweyn lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalaad
m.dh (-dyo, m.dh) Dhul bannaan oo aan dhir waaweyn lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Facaad
(Facaad-da)
1. Fac; da'.
2. Dhallaanciil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
facaad
m.dh la-mid: fac (3).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
facaad
f. n. age
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facaad
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan sannad dhannayn oo ilmaha filkiisa ku jira oo loo tiriyo sida bil ama maalmo. Dh: dhallaanciil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
facaad
de: age
lx: facaad
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: facaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaas
m.l 1. Nooc ka mid ah cayaaraha turubka oo qof kasta oo cayaaraya saddex xabbo la siiyo. 2. Tarmuus.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
falaas
m.l 1. Nooc ka mid ah cayaaraha turubka oo qof kasta oo cayaaraya saddex xabbo la siiyo. 2. Tarmuus.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
falaas
-ka: (n) porker (poo-ker)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falaas
-ka: (magac, lab, keli) weel shaaha iyo biyaha lagu shubto, oo qabawga iyo kulaylka labadaba xajiya. Dh: darmuus.
falaas-ka: (magac, lab, keli) jaad cayaaraha turubka ka mid ah oo qof kasta oo cayaaraya saddex xabbo la siiyo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Falaax
name-m farmer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falxad
(Falxad-da)
Nasiibwanaag; barako; abshir; khayr; samaan; sareedo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falxad
m.dh Wax la abshireysto oo nasiib wanaagsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
falxad
m.dh Wax la abshireysto oo nasiib wanaagsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
falxad
f. n., [collective] good fortune, good luck
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Falxad
name-m good fortune, good luck. Syn: Digaale, Falxado
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
falxad
-da: (n) something believed to bring luck or good fortune
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
falxad
de: good fortune, good luck
lx: falxad
pd: (-da)
ps: n1-f-col
xe: She brought them luck. [i.e., after her birth they got lucky and prospered]
xv: Falxad bay u ahayd.
key: falxad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasaad
-ka: (magac, lab, keli) fal sharcidarro ah. Ummadihii hore waxaa lagu rogay fasaadkii ay galeen. Dh: fasahaad, xumaan. Li: wanaag, suubis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalaad
(fal) tawaawac ama jibaad xaddhaaf ah isku xiiji; hantaatac iyo baryootan ku tiigaal. Dh: tawaawac.
jalaad -ka: (magac, lab, keli) shalaadka culimadu qaaddo ee ay qasiidooyinka ku qaadaan. Jalaad badan ayaa xadrada ka socda caawa. Dh: shalaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalaad
1. Dhul kale ama tol kale ah; aan sokeeye ahayn; shisheeye.
2. (Qalaad-ka) Orgida orgaysan cidooda dheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalaad
qalaad: s. Dhul kale ama tol kale ah; aan sokeeye ahayn; shisheeye.
qąlaad¹: m.l Cida orgiga marka uu riyaha orgeynayo.
qąlaad²: f.mg1 (-day, -dday) Orgi qooqan ciyid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qalaad
qalaad: s. Dhul kale ama tol kale ah; aan sokeeye ahayn; shisheeye.
qąlaad¹: m.l Cida orgiga marka uu riyaha orgeynayo.
qąlaad²: f.mg1 (-day, -dday) Orgi qooqan ciyid. m.f.dh, qąlaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalaad
m. n. foreign, exotic, strange
qalaad m. n. bellow ~ cry of billy goat in heat
qalaad v. bellow, cry in heat (billy goat)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qalaad
nickname-m foreign, exotic, strange. Lit: someone who has strange manners
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qalaad
(adj) foreign (fooran); alien (eel 'yan); extrinsic (ikis-tirin-sik)
qalaad -ka: (n) the cry of a male goat while mating [with female goat]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalaad
(tilmaame) aan la garanayn ah oo shishiiye ah. Dhul qalaad ayaad na keentee na celi.
qalaad: (fal) habeen oo dhan qayli oo dhawaaq. Sida orgida u qalaad haddaad doonto.
qalaad -ka: (magac, lab, keli) sawaxan iyo qaylo ay orgidu sameeyaan marka ay qooqan yihiin. Orgi qooqani qalaad ma daayo wadaadna qiil uu wax ku bannaysto ma waayo. Dh: qaylo, alaad.
qalaad -ka: (magac, lab, keli) beero badan oo isku hal beer oo weyn ah oo cidi wada leedahay. Qalaadkii maanta cagafcagaf ayaa lagu qoday. qalaadi: (fal) aad u qayli. Weligaaba qalaadi. Dh: qayli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Salaad
(Salaad-da)
1. Baryo ka kooban wax afka laga akhriyo iyo wax addimmada laga falo (joogsad, rukuuc; sujuud, fadhi, ...) oo waqtiyo la yaqaan Muslinku oogo; tukasho.
2. Waqtiga salaadda subax la tukado; subax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salaad
m.dh 1. Subixii aroorta hore. 2. (-do, m.l) Baryo ka kooban wax afka laga akhriyo iyo addimada laga falo oo waqti la yaqaan muslinku oogaan; tukasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
salaad
m.dh 1. Subixii aroorta hore. 2. (-do, m.l) Baryo ka kooban wax afka laga akhriyo iyo addimada laga falo oo waqti la yaqaan Muslinku oogaan; tukasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
salaad
f. n. prayer, regular Muslim prayers
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Salaad
name-m prayer. Lit: blessed. Syn: Salaado
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
salaad
-da: (n) prayer (pareeyar); especially the five obligatory prayers in Islam, that a Muslim must perform everyday
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Salaad
magac loo baxsho wiil loogu magacdaray salaadda la tukado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salaad
-da: (magac, dhedig, keli) tiir ka mid shanta tiir ee Islaamka oo xidhiidh lala sameeyo Eebbe oo leh falal af iyo addin ba ah oo Quraan iyo ducooyin la akhriyo oo farad ah oo shan jeer la sameeyo maalintii iyo habeenkeeda. Waana tiirka labaad. Siddeetan nin gaadhay oo aan salaad tukan haynin waraabaha sayntalaa siduu yahay dhaama. Dh: tukasho.
salaad -da: (magac, dhedig, keli) waqtiga ku abbaaran salaadda aroortii; kallaha hore. Salaadda hore ee berri ha la raro dhaanka. Dh: hiir, subax, aroor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
salaad
bw: Arabic
de: prayer, regular Muslim prayers
initial: s
lx: salaad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: salaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaad
(fal) xoog u qayli; xanuun darteed la wataatac. Dh: warraaq, cabaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Alab
(Alab-ka)
Ged; caado; falaad; sha'ni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Basar
(Basar-ka)
1. Sansaanka qofku ku dhaqmo; falaad; falfal; baxaalli.
2. Tab; hab; qaab; hannaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Basarxumo
(Basarxuma-da)
Falaadxumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baxaalli
(Baxaalli-ga)
Sida ama qaabka ama habka qof, kd. loo abuuray; falaadka, sansaanka iyo abuurta; baxaal; baxnan; dhalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuunirraacnimo
(Dhuunirraacnima-da)
Dhalanka iyo falaadka dhuunirraaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duufsasho
(Duufsasha-da)
1. Falaad ama dhaqan xun oo qof loo macaansho si uu ugu bogo oo isagana u falo oo u raaco.
2. (-') Sanka oo xoog loo fiifsado, si duufka ku jiraa uga yimaado; duuf iska keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falbax
(Falbax-a)
Dhalan iyo baxaalli wanaagsan; sansaanwanaag; falaad san.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falfalxumo
(Falfalxuma-da)
Dabeecadxumo; sansaanxumo; falaadxumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ikhyaarnimo
(Ikhyaarnima-da)
Ikhyaar ahaansho; sansaanka iyo falaadka ikhyaarka; wabarnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isyeelyeel
(Isyeelyeel-ka)
Sansaan iyo falaad aan run ahayn oo lagu kaco, ha lagaa sheego, ama wax ku dhagar darteed; ismagangad; si aan dhab ahayn wax u qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sansaan
(Sansaan-ka)
Falaad; baxaalli; dhaqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shalaabad
(Shalaabad-da)
Dad-la-dhaqanka wanaagsan; dhalan; abuur; baxaalii; falaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yeel
Yeel: 1. (Yeel-ka) a) Alaabada hawsha lagu qabto, siiba tan xoolaha lagu shubo wadajirkeed. b) Fal; falaad.
2. (Yee-sha) Jaad xargaha ka mid ah.
Yeel-: — (yeelkay, yeelkiis, yeelkood, ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaadxumaan
m.f.dh eeg falaadxun. la-mid: falaadxumaansho, falaadxumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaadxumaansho
m.l/dh la-mid: falaadxumaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaadxumo
m.dh 1. Dhaqan xumo. 2. la-mid: falaadxumaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
falaadxumo
m.dh 1. Dhaqan xumo. 2. la-mid: falaadxumaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
falaadxun
f.mg4 (-umaa, -umayd) Wax dhaqan xun ahaansho. m.f.dh, falaadxumaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afqalaad
m. n., [compound] foreign language; incomprehensible speech
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afqalaad
-afka qalaad: (n) foreign language (foorin laanguweeyj) ~ luuqad ajnabi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afqalaad
-ka: (magac, lab, keli) afka lagaga hadlo dalkaaga dibaddiisa. Afqalaad aqoontu miyaa?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afqalaad
de: foreign language; [ext.] incomprehensible speech
lx: afqalaad
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: afqalaad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
falaad_1
cf: baxaalli, dhaqan, sansaan
de: temperament, character, conduct
hm: 1
lx: falaad
pd: (-ka)
ps: n2(a)-m
key: falaad_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
falaad_2
de: pastime, entertainment
hm: 2
lx: falaad
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: falaad_2
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
falaad_3
de: pass the time, be entertained
hm: 3
lx: falaad
pd: (falaaday)
ps: v1=
key: falaad_3
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falaadid
(Falaadid-da)
Madaddaalasho; baashaalid; maararroobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaadid
m.f.dh eeg falaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falagsad
m.l la-mid: falkasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fallaadh
Ray
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fallaadh
-a: (magac, dhedig, kali) qalabkii hore ee dagaalka mid ka mid ah. Waa ul dhuuban oo adag oo xagga hore laga gelsho bir sumaysan oo wax mudi og, xagga danbena lagaga taago baarrumo oo qaansada laga gano. Fallaadhi gilgilasho kaagama go'do. Dh: leeb, fallaar, gantaal, gamuun.
fallaadh -a: (magac, lab, keli) cudur dadka kaga dhaca madaxa iyo gaar ahaan dhegaha oo la iska gubo dhafoorrada. Odayga fallaadh baa laga gubay.
fallaadh -a: (magac, lab, keli) cudur xanuun kulul oo dadka kaga dhaca naasaha hoostooda xilliyada qaboobaha iyo roobka. Dh: fallaar, oofwareen.
fallaadh-a: (magac, dhedig, keli) dhud ilays ah oo ka soo baxda walax ifaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falsafad
m.dh la-mid: falsafo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
falsafad
f. n., [collective] philosophy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
falsafad
-da: (n) philosophy (faloosafi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falsafad
-da: (magac, dhedig, keli) cilmi diraaseeya mabaadi'da iyo salka waxyaalaha kawnka dushiisa ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
falsafad
a: falsafo (/da) [n6-f]
bw: Arabic
de: philosophy
lx: falsafad
pd: (-da)
ps: n1-f-col
key: falsafad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasilaad
m.dh la-mid: fasiraad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasilaad
-da: (magac, dhedig, keli) tolmaha dharka oo la qaabeeyo. Dh: dawaarin.
fasilaad -da: (magac, dhedig, keli) qeexidda iyo bayaaninta dersi cid loo aqriyayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afaraad
m.l/dh.t.j Tirada jagaale, keeda u dhigma afarta. la-mid: afraad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afaraad
m.l/dh.t.j Tirada jagaale, keeda u dhigma afarta. la-mid: afraad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afaraad
numeral: fourth
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Afaraad
quatrième.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afaraad
-ka: (n) fourth (foorth)-, 4lh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afaraad
-ka: (magac, lab, keli) tirada jagaale, keeda u dhigma afarta; midka saddexaad iyo ka shanaad, ka u dhexeeya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afaraad
a: afraad
de: fourth
lx: afaraad
pd: (-ka)
ps: num-ord-m
key: afaraad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaadh
-ka: (magac, lab, keli) kala fogaanta cidhifyada uu shay fidsani leeyahy. Masafta balaadh baa loo tolaa dabaqana waa la godaa. Dh: ballaadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calaqad
(Calaqad-da)
1. Naag wax takhtarta iyadoo aan shahaado dugsi lahayn.
2. Cayaaraha mingiska naagta u madaxa ah; (ama alaqad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaqad
calaqad¹: m.l (-dyo, m.dh) Nin madax ka ah ciyaarta mingiska.
calaqad²: m.dh (-do, m.l) Haweeney madax ka ah ciyaarta mingiska.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calaqad
f. n. female traditional healer; leader of possession cult
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calaqad
-ka: (n) one who cures a demon spirit [evil spirit]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaqad
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaaraha mingiska naagta u madaxda ah; haweenay saarka tunta. Dh: alaqad
calaqad -ka: (magac, lab, keli) qofka ciyaaraha mingiska u madaxa ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calaqad
de: female traditional healer; leader of possession cult
lx: calaqad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: calaqad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalaad
m.l (daawo) Caddaadka isha birteeda taaso keenta aragga oo xumaada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhalaad
m.l (daaw.) Caddaadka isha birteeda taaso keenta aragga oo xumaada.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHALAAD
(Dalad) May Euphorbia cuneata Vahl. Euphorbiaceae.
C Commiphora kua (J.F.Royle) Vollesen. Burseraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalaad
-ka: (magac, lab, keli) bar cad oo isha ku samaysanta. Dhaalaad ayaa isha igaga yaalla.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaaji
f.g2 (-iyay, -isay) Dhoobo, dambas iyo wixi lamida walaaqid.