fakato
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fakato
m.dh Nooc digirta ka mid ah oo marka ay geedka ku bislaato qarxata.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falato
-da: (magac, dhedig, keli) dadka beeratada ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farato
-da: (magacwadareed) eeg fadhato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolbaxsad
-ka: (magac, lab, keli) xanuunka foosha oo lala hallaabo; cararka neefku foosha qabata darteed la fakato. Dh: foolhallow, foolcarar.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
FAAGATO
(Faghiete) C,S Paederia pospischilii K.Schum. Rubiaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhato
-da: (magacwadareed) dad bililiqaysi iyo boob ku kaca. Dh: farato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fakasho
(Fakasha-da)
1. Wax la hayey oo faraha ka baxsada; farabbaxsasho.
2. Cararid; baxsasho; roorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fakasho
m.f.dh eeg fako. la-mid: fakad, fikad, fikasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fakasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fakad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makasto
m.dh.u la-mid: makas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
makasto
f. n., [collective] ignorant people, stupid persons
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
makasto
-makastada: (n) illiterate people; know-nothings; ignorant people; ignoramuses (ig noreey-masis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makasto
-da: (magac, dhedig, keli) qof weyn oo dumar ah oo maan gaaban. Makasto ku ledegtey kaama kacdo. Dh: makas, magarato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
makasto
de: ignorant people, stupid persons
lx: makasto
pd: (/da)
ps: n-f-col
key: makasto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fako
f.mg3 (-kaday, -katay) 1. Si xoog leh u ordid. 2. Wax gacmo ka farabaxsasho. 3. Meel ama wax ka baxsasho. 4. Halis ka badbaadid. la-mid: fiko.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fako
f.mg3 (-kaday, -katay) 1. Si xoog leh u ordid. 2. Wax gacmo ka farabaxsasho. 3. Meel ama wax ka baxsasho. 4. Halis ka badbaadid. m.f.dh, fakasho. la-mid: fiko.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fako
v. slip out of one's hand; escape, flee; be saved
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fako
-fakaday / fakatay: (v) get free of; save oneself: escape (iskeeyp) fakasho -fakashada: (n) the act or an instance of escaping
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fako
(fal) cabsi darteed, meel lagugu hayay ka carar. Dh: firxo, baxso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fako
de: slip out of one's hand; escape, flee; be saved
lx: fako
pd: (fakaday)
ps: v3a=
key: fako
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fato
s.m. - aayatiin, aayo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
-aato
(suffix)-, if she... Ex: hadday jeclaato; if she likes; hadday fiicnaato; ifshe gets better
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-aato
de: may you / she be
lx: -aato
ps: v5a-2sg/3f-opt
xe: May she like the house!
xv: Guriga ha jeclaato!
key: -aato
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caato
(Caata-da)
1. Aan hilib iyo baruur lahayn; weyd; xayeesi.
2. Daal, noog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caato
m.dh 1. Caataysnaanshada. 2. C. ah: nafley hilibka iyo baruurta jirkiisu yaryartahay. 3. Hilib aan dux lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caato
m.dh 1. Caataysnaanshada. 2. C. ah: nafley hilibka iyo baruurta jirkiisu yaryartahay. 3. Hilib aan dux lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caato
f. n. thin person, slim man, skinny one
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caato
nickname-m thin, slim, skinny
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caato
-ah: (adj) lean or slender in form; skinny (skint); thin (thin); slim (islim) ~ xayaysi, caataysan. Ex: wiil caato ah; a thin boy
caato -caatada: (n) thinness; leanness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caato
-da: (magac, dhedig, keli) daalka iyo rafaadka qofku ka qaado socodka iyo shaqada badan.
caato: (tilmaame) aan hilib iyo baruur lahayn. Dh: weyd. Li: shilis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caato
cf: macaluul
de: thin person, slim man, skinny one
lx: caato
pd: (/da)
ps: n6-f
key: caato
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
caato
نحيل
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faago
f.g/mg3 (-gtay, -gatay) 1. (f.g) Dibi jixinaya raaf dhul ku jiidid. 2. (f.g) Dhul hoos u qodid. 3. (f.mg) Ka f.: in yar ka fogaasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faago
f.g/mg3 (-gtay, -gatay) 1. (f.g) Dibi jixinaya raaf dhul ku jiidid. 2. (f.g) Dhul hoos u qodid. 3. (f.mg) Ka f.: in yar ka fogaasho. m.f.dh, faagasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faago
v. dig; burrow for oneself (of animals)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faago
(fal) cabsi darteed ama xishood, dib u guro; cid aad is hayseen dib uga bax.
faago: (fal) dibi, kan kale ka fogow oo jeenyaha dhulka ku qod, adiga oo dagaal isku diyaarinaya.
faago: (fal) halkaad taagantahay dib uga guro; dhowr tallaabo dib u durug. Dh: durug.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faago
a: fago
de: dig; burrow for oneself (of animals)
lx: faago
pd: (faagtay)
ps: v3b=
key: faago
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaro
f.g3 (-rtay, -ratay) la-mid: faro¹ (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faayo
-ha: (magac, lab, keli) wejiga iyo jaaha hore ee qofka. Dh: fool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fakad
(Fakad-ka)
Fakasho; carar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fakad
m.l 1. F. ah: qof meel uu joogey fasax la'aan ka tegey; baxsad. 2. la-mid: fakasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fakad
m.l 1. F. ah: qof meel uu joogey fasax la'aan ka tegey; baxsad. 2. la-mid: fakasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fakad
vl. n. escape, flight
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fakad
-ka: (n) fugitive (fyuujativ); deserter (dizeerter); escapee (is keeypii) ~ baxsad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fakad
-ka: (magac, lab, keli) baxsashada iyo cararka qof ama neef cabsanaya. Dh: baxsi, baxsad.
fakad: (tilmaame) xaaladda uu noole baxsanayaa ku jiro. Awr fakad ah ayaa halkan xalay bariday. Dh: baxsi, baxsad, baadi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fakad
a: fakasho (/da) [vn6-f]
de: escape, flight
lx: fakad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: fakad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fakar
fakar¹: m.l la-mid: feker¹.
fakar²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: feker².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fanto
(Fanta-da)
Cudur jirka ku dhaca oo nabarro dhacaan iyo malax lihi ka soo yaacaan oo googgooyaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanto
m.dh (daawo) Cudur jirka ku dhaca oo nabarro dhacaan iyo malax lihi ka soo yaacaan oo goggooyaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fanto
m.dh (daaw.) Cudur jirka ku dhaca oo nabarro dhacaan iyo malax lihi ka soo yaacaan oo goggooyaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fanto
f. n., [collective] smallpox
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanto
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fando.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fanto
de: smallpox
lx: fanto
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: fanto
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fatto
s.m. - fal, arrin; xaqiiq; dhacdo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fiato
s.m. - neef, adkeysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maato
(Maata-da)
Beesha inteeda tabarta yar; xaas; hoomo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maato
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Dadka intiisa tamarta yar sida carruurta, waayeelka, iyo haweenka. 2. la-mid: maati. Warqadaha turubka mid ka mid ah oo wax nin u eg ku sawiranyahay, mar kastana raaci karta; jookar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maato
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Dadka intiisa tamarta yar sida carruurta, waayeelka, iyo haweenka. 2. la-mid: maati. Warqadaha turubka mid ka mid ah oo wax nin u eg ku sawiranyahay, mar kastana raaci karta; jookar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maato
f. n., [collective] dependents, weakest elements in the community: children, old people, the poor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maato
-maatada: (n) disadvantaged people, such as children, women, aged persons; vulnerable groups ~ maati
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maato
-da: (magacwadareed) eeg maati.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maato
bw: maati
de: dependents, weakest elements in the community: children, old people, the poor
lx: maato
pd: (/da)
ps: n6-f-col
syn: hoomo, marras
key: maato
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saato
-da: (magac, dhedig, keli) cunto la kariyay oo aanan aad u bislaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakat
-da: (magac, dhedig, keli) sakad; seked.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabato
(Dabata-da)
Dad aalaa ku nool ugaar ay dabtaan oo cunaan keliya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabato
m.dh.u Dad ugaarsi ku nool.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabato
m.dh.u Dad ugaarsi ku nool.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabato
f. n., [collective] hunters, people who live by hunting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabato
-dabatada: (n) hunters (hantens); people who make their living by hunting ~ ugaarsato
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabato
-da: (magacwadareed) ugaadhsatada duurjoogta. Dh: ugaadhsato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabato
de: hunters, people who live by hunting
lx: dabato
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: dabato
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dakano
(Dakana-da)
Godob; utun, asaaye; aar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dakano
m.dh (-ooyin, m.l) Godob, utun, dhagar. la-mid: dakane.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dakano
f. n. fault; hard ~ bad feelings (due to betrayal ~ suspicion)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dakano
-dakanada: (n) feud (fiyuudh) enmity (enmi-ti), antagonism, animosity ~ cadaawo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dakano
-da: (magac, dhedig, keli) xumaan in badan la isu hayo oo aargoosi laga maaggan yahay. Dh: aar, godob, utun, asaaye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dakano
cf: godob, sagan
de: fault; hard ~ bad feelings (due to betrayal ~ suspicion)
lx: dakano
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dakano
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darato
(Darata-da)
Cudur idaha ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darato
m.dh Cudur halis ah sambabada idaha ku dhaca oo diif iyo qufac badan leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
darato
m.dh Cudur halis ah, sambabada idaha ku dhaca oo diif iyo qufac badan leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darato
f. n. disease afflicting sheep
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darato
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun ku dhaca xoolaha marka ay goonka cunaan ee ay xaaraan dhimashana ku timaaddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darato
de: disease afflicting sheep
lx: darato
pd: (/da)
ps: n0-f
key: darato
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faafto
m.dh Ceel maaxda oo dowlis lagaga cabbo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faafto
-da: (magac, dhedig, keli) ceel maaxda oo dowlis lagaga cabbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faanto
(Faanta-da)
Dhiriqda lo'da, kd.; dhabcan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faanto
m.dh Xaar lo'aad oo qoyan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faanto
m.dh Xaar lo'aad oo qoyan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faanto
f. n., [collective] dung (of cattle, etc.)
faanto [feminine] n. orange soda, Fanta
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Faanto
-da: (n) Fanta; orange pop
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faanto
-da / faantada: (n) dung (dhaang); manure (ma nuu) ~ digo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faanto
-da: (magac, dhedig, keli) dhiriqda (saxaro) lo'da ee jilicsan. Lo' barwaaqo joogtaa ugu faanto badan. Dh: dhabcan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fakaag
-ga: (magac, lab, keli) xilli hawluhu kaa kala yar yihiin. Dh: nefis, fursad, kansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasaqo
f.g3 (-qday, -qatay) la-mid: fasakho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fasaqo
-fasaqatay: (v) end marriage with (one's husband) by way of legal divorce ~ iska fasakh, iska fasaq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasaso
f.g3 (-stay, -satay) Fasas qaybsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fasaso
v. slaughter (an animal) jointly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasaso
-ha: (magac, lab, keli) qalitaanka xoolo qurbaan ah xilliyada baahida.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fasaso
de: slaughter (an animal) jointly especially during hard times or famine
lx: fasaso
pd: (fasastay)
ps: v3b=
key: fasaso
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fégato
s.m. beer.