fajaciso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fajaciso
-da: (magac, dhedig, keli) arrin kaa yaabiya; masiibo kugu habsata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fajeciso
m.dh la-mid: fajiciso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fajiciso
m.dh.kh F. ah: dhacdo amankaag iyo argagax leh. la-mid: fajeciso, fejeciso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fajiciso
f. n. surprise, something shocking
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fajiciso
-fajicisada: (n) something or someone that causes surprise or wonder
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fajiciso
-da: (magac, dhedig, keli) dhacdo dadka yaab ku ridda; arrin fajac iyo yaab kugu rida. Dh: yaabiso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fajiciso
a: fejeciso
de: surprise, s.t. shocking
lx: fajiciso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: fajiciso
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
traumatic
(adj) relating to or resulting from trauma.
fajaciso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
layaab
(fal) wax ka fajac oo yaab ha kugu dhaco. Dh: lafajac, ashqaraar, irkig.
layaab -ka: (magac, lab, keli) fajac iyo amakaag qofka ku dhaca, kolka wax ka keenaa uu helo. Dh: yaab, fajaciso, ashqaraar, irkig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Faa'iso
bw: Arabic
de: Faizo
lx: Faa'iso
ps: name-f
key: Faa'iso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faaliso
(Faalisa-da)
Naagta faalka dhigta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faaliso
f. n. fortune-teller (female)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faaliso
-faalisada: (n) fortuneteller (female) (foorjantelar) ~ [opposite of faalalow]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaliso
-da: (magac, dhedig, keli) haweeney faalka wax ka sheegta oo uu dadku ujeeddadaa ugu tago; naagta faalka dhigta. Faaliso warkeed lama raaco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faaliso
de: fortune-teller (female)
lx: faaliso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: faaliso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fajaaso
(fal) beer shinni ku daadso si ay kuugu baxdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fajacid
-da: (magac, dhedig, keli) la yaabidda wax ay naftu ka anfariirto. Dh: amankaagid, anfariirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajabiso
-da: (magac, dhedig, keli) arrin ku yaab geliya ama aad la dhaygagto. Dh: yaabiso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fejeciso
f. n. surprise, something shocking
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fejeciso
a: fajiciso
de: surprise, s.t. shocking
lx: fejeciso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: fejeciso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fejiciso
m.dh la-mid: fajiciso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaaliso
m.dh la-mid: fulaaliso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falaaliso
-da: (magac, dhedig, keli) Allabariga loo sameeyo haweenay foolanaysa in uu Ilaahay u dhibyareeyo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fanatismo
s.m. - mitidnimo, seeflaboodnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fajac
(Fajac-a)
Yaab daran; amakaag; argaggax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fajac
fajac¹: m.l Amankaag; ashqaraar; yaab.
fajac²: f.mg1 (-cay, -cday; -jici) Si aad ah wax ula yaabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fajac
fajac¹: m.l Amakaag; ashqaraar; yaab.
fajac²: f.mg1 (-cay, -cday; -jici) Si aad ah wax ula yaabid. m.f.dh, fajicid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fajac
v. be amazed
fajac vl. n. amazement, surprise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fajac
-ay / day: (v) [with the preposition la] surprise (sarparaays) ~ la yaab. —Syn: wonder, astonish, amaze, astound, dumbfound
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fajac
-a: (magac, lab, keli) layaab weyn oo wax la arkay ama la maqlay lala yaabo. Dh: amakaag, anfariir, shaamareer.
fajac: (fal) yaab oo amakaag. Fajac oo ayaamahan, filinkooga ii daar. Dh: argagax, anfariir, irkig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ajarso
f.mg3 (-saday, -satay) Ka a.: cid si ajar looga kasbado wax ay u baahantahay siin. la-mid: ajarayso, ajirso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajarso
(fal) (ka ~) dar Alle wax u sii. Martida kuu soo hoyatay ka ajarso oo neefkan u qal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baacis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg baacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baacso
f.g3 (-saday, -satay) Wax cararaya ceyrsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baacso
f.g3 (-saday, -satay) Wax cararaya ceyrsasho. m.f.dh, baacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baacso
(fal) gogol iyo wixii la mid ah oo duubnaa, fidso oo ballaadhso. Furaashka baacso oo ku seexo. Dh: goglo, fidso.
baacso: (fal) eryo oo ku daba dhac. Baacso tuugga oo soo qabo. Dh: caydhso, eryo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caacis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg caacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daacis
(magac, dhedig, keli) diisitaanka meeli hoos u diisanto ama godoto. Dhigta daacis baa ku dhacday. Dh: liicis. Li: dhiibis.
daacis: (magac, dhedig, keli) ka soo bixitaanka naqasku ka soo baxo caloosha marka qofku dhergo ama uu dareere naqas leh cabbo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faacil
-ka: (n) [Grammar] subject (sabjekt); the doer of the action in a sentence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faadis
-ta: (magac, dhedig, keli) rogidda maro ama daah. Dh: faadid.
faadis-ta: (magac, dhedig, keli) hurdo daal keenay la gam'id; hurdo aan waxba lala dareemin gam'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faafis
(Faafis-ka)
Faafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faafis
m.l la-mid: faafin¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faafis
vl. n. act of spreading, disseminating, publishing, issuing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faafis
-ka: (magac, lab, keli) amar, wareegto ama dhanbaal la baahinayo faafin.
faafis-ta: (magac, dhedig, keli) eeg faafid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faafis
de: act of spreading, disseminating, publishing, issuing
lx: faafis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: faafis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faagis
-ta: (magac, dhedig, keli) qoditaanka beerta ka hor, carro rogis. Dh: faagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faahis
m.l la-mid: faafin¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faalis
m.l la-mid: faalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faanis
m.l la-mid: faanin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faanis
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, wanaag ka sheegid. Dh: faanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg faarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Caano faar u yeelasho. 2. Caano faar ka gurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaxis
m.l la-mid: faafin¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaxis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg faaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fajaas
(Fajaas-ka)
Nabar laysku dhufto, qalab bir ah (seef, waran, masaar, kd.) inta, isagoo gacanqabsi ah, oo xoog u dhaca haya, kor lay saga keeno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fajaas
fajaas¹: m.l 1. F. ah: nabar weyn oo samaysma marka qof xoog loogu dhufto yaambo, faas iyo wixi lamida. 2. la-mid: fajaasid. la-mid: fujaas¹.
fajaas²: f.g1 (-say, -stay) Qalab bir ah oo af leh wax ku faasid. la-mid: fujaas².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fajaas
m. n. laceration, severe wound
fajaas v. strike someone with a metal weapon; wound badly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fajaas
(fal) cid kale, nabar ku dhufo; qalab bir ah sida seef oo kale, isaga oo gacanqabsi ah, cid kale, kor kaga keen oo ku dhufo.
fajaas: (fal) beer shiniyee oo iniinyaha dhulka ku daadi. Dh: shinniyay, shinniyee.
fajaas -ka: (magac, lab, keli) cid kale, nabar ku dhufo.
fajaas -ka: (magac, lab, keli) awrka qallaciisa uu madaxa awrka ay dagaalamayaan kaga saydho. Dh: qallac, saydhmo, qallacaad.
fajaas-ka: (magac, lab, keli) mici ku dhufashada maska. Dh: saydhmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fajays
(Fajays-ka)
Fajayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fajays
m.l la-mid: fajayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fajays
vl. n. massage, act of massaging
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fajays
-ka: (magac, lab, keli) eeg fajayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fajays
de: massage, act of massaging
lx: fajays
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: fajays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fajici
f.g2 (-iyay, -isay) Cid fajac ku ridid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fajici
f.g2 (-iyay, -isay) Cid fajac ku ridid. m.f.dh, fajicin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fajici
v. amaze
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fajici
-yey / say: (v) [ with preposition ka] cause someone to be amazed or wonder
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fajici
de: amaze
lx: fajici
nt: fajicin (ta) [vn-f]
pd: (fajiciyey)
ps: v2a=tr
key: fajici
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasaso
f.g3 (-stay, -satay) Fasas qaybsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fasaso
v. slaughter (an animal) jointly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasaso
-ha: (magac, lab, keli) qalitaanka xoolo qurbaan ah xilliyada baahida.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fasaso
de: slaughter (an animal) jointly especially during hard times or famine
lx: fasaso
pd: (fasastay)
ps: v3b=
key: fasaso
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fàscio
s.m. - xirmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fujiso
f.g3 (-stay, -satay) la-mid: fuqso.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
FUJISO
(Fuggiso) S Crotalaria comanestiana Volk. Papilionaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaacis
(Gaacis-ka)
Gaacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaacis
m.l la-mid: gaacin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaacis
vl. n. resistance to an invasion
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaacis
de: resistance to an invasion
lx: gaacis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: gaacis
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jabiso
-jabisada: (n) python (paay-thoori)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabiso
-da: (magic, dhedig, kali) xamaarato sida bayda oo kale ah oo is buuxisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laacis
-ta: (magac, dhedig, keli) bidhaan indhaha u quruxsan oo soo jiidata sida dhir ama doog. Dh: laactan, laacdan.
laacis-ta: (magac, dhedig, keli) wax ku ag yaal ama kaa durugsan gacanta ku fidin si loo soo qaado.
laacis-ta: (magac, dhedig, keli) wax kaa sarreeya ama samada soo heehaaba, gacanta ama afka la tiigsad. Dh: tiigsi
laacis-ta: (magac, dhedig, keli) caano, mar qudh ah dhammaysasho. Dh: laasasho, laacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaacis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qaacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raacis
m.l la-mid: raacin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raacis
-ka: (magac, lab, keli) sharaab iyo wixii la mid ah oo marka la dhergo dabadeed la cuno. Raggu intaanay kicin raaciskiina soo sii.
raacis-ta: (magac, dhedig, keli) eeg raacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raacso
(fal) ku darso; ku biirso. Alaabtaada tayda raacso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xajiso
(fal) hayso oo ku fara'adayg. Lacagtaa adaa lehe xajiso. Dh: hayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaacis
m.l la-mid: yaacin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaacis
-ka: (magac, lab, keli) 'dareere' yaacin.
yaacis-ta: (magac, dhedig, keli) 'noole' eryid.
yaacis-ta: (magac, dhedig, keli) 'finan' dubka ka soo dareerid. Dh: dareerid, yaacid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaniso
m.dh la-mid: baanise (1).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baaniso
m.dh la-mid: baanise.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaniso
-da: (magac, dhedig, keli) eeg baanise.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balacso
f.g3 (-saday, -salay) Daymoo; dhugo; milicso; ilkuxad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
balacso
f.g3 (-saday, -salay) Daymoo; dhugo; milicso; ilkuxad. m.f.dh, balacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balacso
(fal) wax duubnaa, kala fidsasho.
balacso: (fal) ildayo, fiirso. Aarkuba wuxuu balacsadaa booddo ka horow e.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faa'ido
(Faa'ida-da)
Dheef; korsaar; rubisaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faa'ido
m.dh (-ooyin, m.l) la-mid: faa'iido.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faa'ido
-da: (magac, dhedig, keli) macaashka laga helo ganacsi iyo wixii la mid ah. Dh: dheef, korsaar, rubbisaar, macaash.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faadimo
magaca farta labaad ee faryarta ku xigta.