fagni
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagni
-da: (magac, dhedig, keli) meel la faqay ahaan. Dh: fagnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagni
-da: (magac, dhedig, keli) wax la dagay ahaan. Li: foojigni, digtooni, soojeedid. dagniin -ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, si xeelad ah iyada oon digtoonayn wax u yeelid. Dh: dagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faani
f.g2 (-iyay, -isay) Faan ka sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faani
f.g2 (-iyay, -isay) Faan ka sheegid. m.f.dh, faanin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faani
v. commend, praise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faani
-yey I say: (v) express admiration; praise (pareeyz); laud (loodh); commend, extol
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faani
(fal) cid kale wax wanaagsan ka sheeg: waad wanaagsan tahay ku dhe. Li: xaqir, bahdil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faani
de: commend, praise
lx: faani
pd: (faaniyey)
ps: v2a=tr
key: faani
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faqni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg faqnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faxni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg faxnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg fagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faanbi
(Faanbi-ga)
1. Baaris ama faaqidid aan turaal ku jirin ee silcis iyo tuurtuur ah.
2. Si foolxun oo wax loo dhaco oo loo boobo.
3. Baaris maskaxeed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faanbi
vl. n. rummaging through, thorough search; ransacking; robbery
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faanbi
(fal) qof ama wax aanad aqoon hore u lahayn aad wax uga ogow; si xoog leh wax u baadh. Dh: baadh.
faanbi: (fal) boob ama xoog wax ku dhac.
faanbi -ga: (magac, lab, keli) si foolxun oo wax loo boobo. Dh: dhac, boob.
faanbi -ga: (magac, lab, keli) baadhis ama faaqidid aad u adag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faanbi
de: rummaging through, thorough search; ransacking; robbery
lx: faanbi
pd: (-ga)
ps: vn-m
see: faambi
key: faanbi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faanid
(Faanid-da)
Faan isku sheegid; is faanin; is ammaanid; tookhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faanid
m.f.dh eeg faan³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faanid
vl. n. bragging, boasting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faanid
-da: (magac, dhedig, keli) wax wanaagsan naftaada ka sheegid; is'amaanid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faanid
de: bragging, boasting
lx: faanid
pd: (-da)
ps: vn1-f, vn2a-f
key: faanid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faanin
(Faanin-ta)
Qof ama wax kale, wax faan ah, ku sheegid; ammaanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faanin
m.f.dh eeg faani. la-mid: faanis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faanin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, wanaag ka sheegid; aad u ammaanid. Li: xaqirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faanis
m.l la-mid: faanin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faanis
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, wanaag ka sheegid. Dh: faanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhni
-da: (magac, dhedig, keli) wax fadhan ama fagan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagiig
-ta: (magacwadareed) xoolaha inta da'da yar ee yaacda, sida lo'da ugubka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fagmid
m.f.dh eeg fagan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagmid
-da: (magac, dhedig, keli) mid la fagtay noqod; kolba miiq u saarmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fannid
fannid¹: m.l la-mid: fannidid.
fannid²: f.g1 (-day, -dday) 1. Wax, wax kale ka dhex raadin. 2. Wax heerheer u kala saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fannid
f.g1 (-day, -dday) 1. Wax, wax kale ka dhex raadin. 2. Wax heerheer u kala saarid. m.f.dh, fannidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fannid
(fal) war ama xog la sheegtay, beenee adiga oo daliil iyo xujo kala hortegaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foogni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg foognaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagni
-da: (magac, dhedig, keli) wax taagan ahaan; sare u joogid. Taagni ayuu igula hadlay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faagniin
-ka: (magac, lab, keli) qoditaanka beerta ka hor, carro rogis. Dh: faagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ani
(Ani-ga)
(aniga; aan; i; ii) qofka hadla haya ama wax qora haya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ani
mu.eb la-mid: aniga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ani
pron., sg. I, me
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ani
(pronoun) I (aay); me (mii) ~ aniga. Ex: yaa hadlay?, ani; who spoke?, me
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ani
(magac'uyaal) qofka koowaad ee hadlaha ah; 'aniga; aan; i; ii'. Nin ani yidhi dad iska sooc.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ani
cf: aniga
de: I, me
lx: ani
pd: (an)
ps: pro-red-1sg
key: ani
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fag
fag¹: m.dh.sh.r F. dheh: orod!
fag²: f.g1 (-gay, -gtay) Dhul si aan dheereyn u qodid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fag
m.dh.sh.r F. dheh: orod!
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fag
v. dig, dig up
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fag
/faag/ (n) 1. khaniis (n) 2. sigaar.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fag
-ay / tay: (n) dig (dhig); unearth (aneerth); excavate (ekiska-vaayt) ~ qod, faag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fag
(fal) miiqmiiq u saarsaar oo rif. Dh: rif, fadhqi.
fag: (fal) si tamar la'aan ah dhulka u qod. Fag geedka hoostiisa oo biyo ku shub. Dh: faq, fadh, far. Li: aas.
fag: (fal) fag dheh oo orod isa sii daa!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fag
de: dig, dig up
lx: fag
pd: (fagay)
ps: v1=
key: fag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fan
(Fan-ka)
1. (gammaan) meesha kooraha la saaro iyo qanaanta inta u dhexaysa.
2.* Falsami; Farshaxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fan
m.l la-mid: fąn (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fąn
m.l 1. Xirfad bani-aadamku ku soo bandhigo ama ku matalo dareenka uu ka qabo dabeecadda ama dhacdooyinka nolosha. 2. la-mid: fan. Dusha gaadiidka, qaybta hore ama dambe ee alaabta yaryar la saaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fan
fąn: m.l 1. Xirfad bani-aadamku ku soo bandhigo ama ku matalo dareenka uu ka qabo dabeecadda ama dhacdooyinka nolosha. 2. la-mid: fan. Dusha gaadiidka, qaybta hore ama dambe ee alaabta yaryar la saaro.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
fan
jidbo
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fan
Marawaxad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fan
m. n., [collective] art, craft, handiwork; arts and crafts
fan m. n. croup of a horse ~ camel, rump
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fan
/faan/ (n) 1. marawaxad (n) 2. babbis (n) 3. taageere (v) 4. babbin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fan
-ka: (n) the art or field of entertaining, especially concerts or plays
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Fan
Marwaxad, babbiye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fan
-ka: (magac, lab, keli) cilmiga darsa sida wax loo qurxiyo cod iyo farshaxan wuxuu ahaado ba.
fan-ka: (magac, lab, keli) gammaanka, dhugdhugleyda iyo wixii la mid ah, meesha qofka labaad fadhiisto. Dh: qas, gadoob.
fan -ka: (magac, lab, keli) farshaxannimada iyo falsamida.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
fan
n., marawaxad, -di; (instrument for winnowing grain) masaf, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Amni
(Amni-ga)
Nabad; bedbaado; nabaaddiino.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amni
m.l Nabad, nabadgelyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
amni
m.l Nabad, nabadgelyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
amni
m. n. safety, security
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
amni
-ga: (n) safety (seey-fti)-, security (si-kuuriti) ~ nabad, ammaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amni
-ga: (magac, lab, keli) kalsooni iyo degganaansho dareemid. Ciidamada amniga ayaa maanta u dabbaaldegay sannadguuradiisii afartanaad. Dh: nabadgelyo, badbaado, nabad. Li: colaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
amni
cf: nabad
de: safety, security
lx: amni
pd: (-ga)
ps: n2-m, n7-m
key: amni
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayni
m.l (-iyo, m.dh) 1. Tayada ay wax leeyihiin. 2. Da'.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ayni
m.l (-iyo, m.dh) 1. Tayada ay wax leeyihiin. 2. Da'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayni
-ga: (magac, lab, keli) fil ama asaag. Dh: da'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cagi
(Cagi-da)
Haddeer, amminka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagi
m.dh 1. Wakhtiga markaa la joogo; haddeer; imminka. 2. Meel.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cagi
f. n. now, the present time
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagi
-da: (magac, dhedig, keli) imikadaa la joogo. Dh: hadda, imika, eegga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cagi
cf: cag (2)
de: now, the present time
lx: cagi
pd: (-da)
ps: n0-f-time
syn: haddeer, amminka ~ imminka
key: cagi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dani
dani¹: m.l Qof mas'uul ka ah baabuur, bas iyo wixi lamida. la-mid: deni.
dani²: m.dh Geed weyn, ciinka iyo dharkeenka ay isku bahyihiin oo ceelasha, guryaha, waraha iyo wixi lamida deyr looga dhigo; dano.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dani
dani¹: m.l Qof mas'uul ka ah baabuur, bas iyo wixi lamida. la-mid: deni.
dani²: m.dh Geed weyn, ciinka iyo dharkeenka ay isku bahyihiin oo ceelasha, guryaha, waraha iyo wixi lamida deyr looga dhigo; dano.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dani
-ga: (magac, lab, keli) male iyo mala'awaal aan xaqiiqo ku fadhiyin. Doob dani baa dilay. Dh: danni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faan
(Faan-ka)
Wax wanaagsan oo qof ama wax kale, lagu sheego; ammaan; dhood; tookh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faan
faan¹: m.l Hadal aan dhab ahayn oo cid lagu ammaano.
faan²: m.dh (-no, m.l) 1. Ilig dheer. 2. Foolasha maroodiga ee dhaadheer midkood.
faan³: f.mg1 (-nay, -ntay) Hadal aan dhab ahayn isku ammaanid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faan
faan¹: m.l Hadal aan dhab ahayn oo cid lagu ammaano; ammaan.
faan²: m.dh (-no, m.l) 1. Ilig dheer. 2. Foolasha maroodiga ee dhaadheer midkood.
faan³: f.mg1 (-nay, -ntay) Hadal aan dhab ahayn isku ammaanid. m.f.dh, faanid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faan
f. n. fang, tusk
faan m. n. bragging, boasting, praise
faan v. boast, brag
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faan
-ka: (n) the act or an instance of bragging; boast (bowst) ~ faanfaan
faan: -ay / tay: (v) glorify oneself in speech; brag (braag); boasting (bowsting); crow, vaunt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faan
(fal) sheego in aad tahay ruuxa ugu sarreeya ama ugu fiican; wax wanaagsan sheego. Dh: tookh, dhood.
faan -ka: (magac, lab, keli) wax wanaagsan oo la haysto ama la sameeyo oo dadka hortooda lagu sheegsheegto iyada oo loola jeedo is tus iyo is muujin. Faan waa xoolo aan laguu sheegan karin. Nin is faanshay waa ri' is nuugtay.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
faan
تَفَاخُر
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fago
f.g3 (-gtay, -gatay) Qof iskiis wax u qodasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fago
v. dig, burrow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fago
-fagtay / fagatay: (v) dig (dhig); unearth (an eerth); excavate (ekis ka veeyt) ~ qodo, faago
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fago
(fal) miiqmiiq u saaro oo rifo; ilkaha ama ciddiyaha ku googooso. Gorgorkaan ku soo fagan lahaa gawsdanbeedyada e.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fago
a: faago
de: dig, burrow
lx: fago
pd: (fagtay)
ps: v3b=
key: fago
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faki
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid halis ka badbaadin. 2. Wax waasac ka dhigid. 3. Wax meel si xoog leh u qabsaday ka sii deyn. la-mid: fiki.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faki
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid halis ka badbaadin. 2. Wax waasac ka dhigid. 3. Wax meel si xoog leh u qabsaday ka sii deyn. m.f.dh, fakin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faki
v. let slip, let escape
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faki
-yey / say: (v) free someone from captivity or danger; set free; rescue (reskiyuu); save (seeyv) ~ badbaadi. —Syn: reclaim, redeem, deliver
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faki
(fal) hallee oo sii daa; faraha ka qaad wax aad haysay. Dh: lumi. Li: daryeel, xafid, ilaali, eeg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faki
de: let slip, let escape
lx: faki
pd: (fakiyey)
ps: v2a=
key: faki
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fang
/faang/ (n) micida-xayawaanka ee halista ah.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
fang
n., (tusk) mici, -di.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fano
f.g3 (-ntay, -natay) Meel fuuliddeedu dhib tahay, xeelad ku korid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faqi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: fiqi².