fagaarageyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fagaarageyn
m.f.dh eeg fagaaragee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagaarageyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aad u qarsoonaa, bannaanka soo dhigid; meel fagaare ah geyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fagaarayn
(Fagaarayn-ta)
(u fagaarayn) legdan, feer, tartan, dabbaaldeg, kd.. meel fagaare ah oo la wada joogo u samayn, u golaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fagaarayn
m.f.dh eeg fagaaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagaarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tartan iyo wax la mid ah, fagaaro u samayn; ciyaar iyo wax la mid ah, meel fagaare ah oo la wada joogo u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fagaaragee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Wax meel fagaare ah ku soo bandhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fallaageyn
m.f.dh eeg fallaagee. la-mid: fallaageys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wagaradeyn
m.f.dh eeg wagaradee. la-mid: we- geredeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wagaradeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) gammaan suunka ku giijin. Bal waraabahaa daya siduu wagaradka u giijay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafageyn
-ta: (magac, dhedig, keli) kaxayn gabadh la guursanayo reerkooda laga kexeeyo oo meel masaafo jirta lagu soo meheriyo iydoo weligeeda lagala baxsanayo. Dh: masaafaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaradeyn
m.f.dh eeg aaradee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaradeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) macawis ama gunti, geftin iyo cidhif u samayn.
aaradeyn -ta: (magac, dhedig, keli) macawis, daah iyo wax la mid ah, cidhifkiisa, liid maro ah ku sharraxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaarayn
(Abaarayn-ta)
Abaar ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaarayn
m.f.dh eeg abaaree. la-mid: abaaraysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhul iyo deegaan barwaaqo ahaa, xaalufin ama abaar ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Araarayn
(Araarayn-ta)
Labo qolo oo dagaallama haya kala joojin; dagaal joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
araarayn
m.f.dh eeg araaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
araarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) labo qolo oo dagaallamaya kala joojin. Araaraynta reeraha, aabbaa innoo dhigay. Araare ajal ma oosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awaarayn
m.f.dh eeg awaare.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awaarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ciid ku rogid, hadhuuka shinnida ah marka ciidda lagu rogo. Awaaraynta hadhuudhku waa berri.
awaarayn-ta: (magac, dhedig, keli) baxsasho darteed, siigo kicin. Ilko dheere iyo luuq haddaan, laga awaaraynin.
awaarayn -ta: (magac, dhedig, keli) (kala ~) ka dhaqaajin; ka tegitaan. Nin kaloo Ilaah kuu idmaba kala awaaraynay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax cagaartay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cagaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax cagaartay ahaansho. m.f.dh, cagaarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cagaaran
der. [adjective] green
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cagaaran
-cagaamaa / cagaamayd: (adj) 1. green (giriin); made with green. 2. lush (lash) ~ laac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaaran
(fal) midab cagaar ah, yeelo.
cagaaran: (tilmaame) wax midab cagaar ah leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cagaaran
cf: laac
de: green
lx: cagaaran
pd: (cagaarnaa)
ps: adj-der
key: cagaaran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fagaaree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) U f.: fagaare u samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fagaaree
v. do in public; compete, run ~ hold a sporting competition; referee; witness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagaaree
(fal) madal la wada joogo, keen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fagaaree
de: do in public; compete, run ~ hold a sporting competition; referee; witness
lx: fagaaree
pd: (fagaareeyey)
ps: v2b=
key: fagaaree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaarheyn
m.dh Gaarhaye ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugaarayn
m.f.dh eeg ugaaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ugaadh ka yeelid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daraarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto duco looga jeedo, karin. Xilliga barwaaqada ah daraaraynta beereleydu waa joogto. Dh: casuumadayn, daraarays, ducayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faaradayn
(Faaradayn-ta)
Faarad marin, ku sinsimid; raandayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaradayn
m.f.dh eeg faaradee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) loox, faarad marin.
faaradayn -ta: (magac, dhedig, keli) looxaan, faarad kaga shaqayn oo ku hagaajin. Dh: raandayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faddarayn
(Faddarayn-ta)
Wax faddaraysan ka dhigid; najaasayn; wasakhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faddarayn
m.f.dh eeg faddaree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faddarayn
-ta: (n) contamination (kon taam e neey shin); foulness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wasakh ama nijaas gaadhsiin. Dh: faddaaddayn. Li: nadiifin.
faddarayn -ta: (magac, dhedig, keli) dhaqan xun barid. Dh: aafayn. Li: tarbiyadayn, edbib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaraweyn
m.dh Ciidan gaar ahaaneed oo ka tirsanaa xooggii Daraawiishta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaraweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) ciidan gaar ahaaneed oo ka tirsanaa xooggii Daraawiishta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) magaalo ka dhigid. Dh: magaalays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magaaleyn
(Magaaleyn-ta)
Magaalo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magaaleyn
m.f.dh eeg magaalee.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Magaaleyn
Urbanization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaaleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg magaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sagaal ka dhigid, tiro sagaal gaadhsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tagaabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kaalmo u baahan wax tarid. Dh: caawin, taakulayn, waxtar. tagaabee: (fal) cid kale, kaalmee; caawi; taageer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tagaabeyn
m.f.dh eeg tagaabee. la-mid: tagaabo (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tagaabeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, caawin; kaalmayn; taageerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaafayn
m.f.dh eeg xagaafee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xawaarayn
(Xawaarayn-ta)
Orod xawaare ah, ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xawaarayn
m.f.dh eeg xawaaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xawaarayn
-ta: (magac, dhedi, keli) orod xawaare ah oo aad ah ordid. Dh: ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fallaagayn
(Fallaagayn-ta)
Fallaago ka dhigid; in cidi fallaago noqoto ku jirrabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fallaagayn
m.f.dh eeg fallaagee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fallaagayn
-ta: (magac, dhedig, keli) fallaago noqod ama cid kale fallaago ka dhigid. Dh: budhcaddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fallaageys
m.l la-mid: fallaageyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farafarayn
m.f.dh eeg farafaree. la-mid: farafarays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farafarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel la dhigay faraha la galid. Dh: taataabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafagey
(fal) meel masaafo jirta gee oo ku soo meheri. Gabadh aabbeheed nool yahay masaafagey ha odhane aabbeheed u yeedh. Dh: masaafee.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
NAGAARDEEY
(Nagardei) C Pleuropterantha revoilii Franch. Amaranthaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacaayadeyn
m.dh la-mid: dicaayadeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacaayadeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, hadal dacaayad ah ka fidin oo sumcadiisa hoos u dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafageys
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg masaafayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraabagoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) samafalka iyo wanaagga qaraabada ka fogaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaarageddin
-ta: (magac, dhedig, keli) qulubaageddin oo dekendekan ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaarageddi
(fal) qulubaageddi oo dekendekan ka dhig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxraxleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg madaxraxlayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Magaalo weyn
Metropolis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magacdarreyn
m.f.dh eeg magacdarree. la-mid: magacdarreys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafageysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg masaafaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafageyso
(fal) in masaafo jirta ku soo guurso weli la'aan, Ninka kugula taliya masaafageyso ha ka yeelin. Dh: masaafee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shataaradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shataarad wax kaga qaadid. Dh: shataaradays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faataadhugleyn
(Faataadhugleyn-ta)
Faataadhugle iska dhigid; faataadhuglennimo samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faataadhugleyn
m.f.dh eeg faataadhuglee. la-mid: faataalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataadhugleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) kibir iyo isfaantaarin; isqaadqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaaraggeddin
m.f.dh gabaaraggeddi². la-mid: gabaaraggeddi¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaaragurdayn
-ta: (magac, dhedig, keli) afar addin ku socosho ama ku kicid, naxdin ama wareer ama ciyaar darteed. Dh: farandullayn.
gabaaragurdayn -ta: (magac, dhedig, keli) ciyaar carruurtu afarta addin ku oroddo sida gurguurashada. Li: taltallaabsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aaladeyn
(Aaladeyn-ta)
Aalad u yeelid; qalabayn; hubayn; qurxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ąaladeyn
m.f.dh eeg ąaladee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaladeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg aaladayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) nirgaha geela ee labojir u yaryahay. Aaloweynta nirgood iyo, ubadkii laga soocay, kama soo irirawne, oodda ma uga rognay. Dh: qaan, eeloweyn, ilweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agaagase
-ha: (magac, lab, keli) wax badan oo la helo, inta yar ee laga baxsho. Agaagase haddaan baxshana, bakhayl baa la igu odhan!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaabayn
m.f.dh eeg alaabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xafiis iyo wax la mid ah, qalab shaqo soo dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
askarayn
m.f.dh eeg askaree. la-mid: caskarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
askarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xoog iyo khasab, askar kaga dhigid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Barafeyn
Glaciation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaagan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax aan kabo haysan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cagaagan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax aan kabo haysan ahaansho. m.f.dh, cagaagnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaagan
(tilmaame) qof aan wax kabo ah xidhnayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaarad
-ka: (magac, lab, keli) cagaar noqod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaarin
m.f.dh eeg cagaari. la-mid: cagaaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) cagaar ka dhigid; cagaaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagagoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) aad u eryesho oo daalin; orod ku daalin. Nafleydu waa adoo kale ee cagagoynta ka ilaali oo mar mar nasi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cararayn
m.f.dh eeg cararee. la-mid: cararin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daangeyn
m.f.dh eeg daangee.