fadhikudirir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhikudirir
-ka: (magac, lab, keli) qof dagaal aan goobtiisa tegin oo abaabulka fadhiga kaga qayb qaata iyada oo aan hub la isu adeegsanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadhiisin
fadhiisin¹: m.dh la-mid: fariisin¹.
fadhiisin²: m.l la-mid: fariisin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhiisin
-ka: (magac, lab, keli) lacagta ugu horraysa ee ilmaha dugsi ama malcaamad galaya laga bixiyo. Aabbahay 1000 faran oo fadhiisin ah buu iga bixiyay. Dh: diimaasi, diimaaji.
fadhiisin -ka: (magac, lab, keli) ood buuxsin ah oo irridda reerka miyiga lagu oodo. Laan fadhiisin ah soo goo. Dh: jiitin, buuxsin.
fadhiisin-ta: (magac, dhediq, keli) qof taagan salka dhulka u dhigid; qof sara jooga oo la fadhiisiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhifurid
-da: (magac, dhedig, keli) samaynta falka ballanjebinta iyo weydaarashada wax la isku ogaa. Badhifuridda iga daa, anba been ma sheegee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhifuris
-ta: (magac, dhedig, keli) ballanfuris iyo axdijebin. Dh: badhifuritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddaadiir
-ta: (magacwadareed) quruurax yaryar oo sidii kubadda u malaasan oo ay carruurtu u ciyaarto siyaabo kala duwan. Dh: fataatiir.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Fakhrudiin
name-m the glory of the faith
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farakutiris
-ka: (magac, lab, keli) aad iyo aad u tiro yar. Dh: dhif, naadir. Li: badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidiyokudiririd
-da: (magac, dhedig, keli) mintidid; aad u dagaallamid.