fadhicarbeed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhicarbeed
-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah gogosha la dhigo qolka fadhiga oo ka kooban saldhigyo adadag iyo barkimooyin teedsan oo lagu dangiigsado ama lagu jiqilaysto. Fadhi Carbeed faan ma galo. Dh: fadhi Sucuudi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadhibarad
m.l Ilmo yar oo bilaabay fadhi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fadhibarad
m.l Ilmo yar oo bilaabay fadhi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhibarad
-ka: (magac, lab, keli) marka ilmuhu dhashay baranayo sida dabada loogu fadhiisto. Fadhibaradka maansada markaan farafaraynaayay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidhibdambeed
-da: (magac, dhedig, keli) waxa arrini ku dhamaato. Dh: aayatiin, ciribdambeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadhigacmeed
-ka: (magac, lab, keli) eeg gaadhigacan.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
shaag Carbeed
Arabian cartwheel
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhidibeed
Axial
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadhibaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Ilmo yar gaarid waqti uu fadhiisto isagoon cidi hayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhijable
-ha: (magac, lab, keli) eeg badhijab.
badhijugle -ha: (magac, lab, keli) xagga dambe ee badhida oo uu qof u dhaco ama loo rido. Wiilkii yaraa badhijugle ayuu u dhacay. Dh: barijugle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhaqbood
(fal) si sahlan oo degdeg ku jiro arrin uga bax. Dh: faraqbood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fandambeed
m.l/dh (-dyo, m.dh) Dusha xoolaha la rarto dhankeeda dambe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fandanbeed
-ka: (magac, lab, keli) aagaan yar oo biyo ah oo lagu xidho doonta dabadeeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadhcuneed
-ka: (magac, lab, keli) nin gadh xiiris badan oo aan oggolaan inuu soo baxo. Dh: gadhcun, gadhxiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bah-cadceed
m.dh (-ho ..., m.l) (c.fal) Koox walax cireeddo ah oo ka kooban qorraxda, meereyaasha, oo ku dul meeraysta, meereyareyaasha (plannetoid or asteroid), seefta cirka, shuhuubaha, cirka-soo-dhacaha iyo dayax gacmeeddada ku meeraysta meerayaasha, sida dayuxu dhulka ugu meeraysto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bah-cadceed
m.dh (-ho ..., m.l) (c.fal) Koox walax cireeddo ah oo ka kooban qorraxda, meereyaasha, oo ku dul meeraysta, meereyareyaasha (plannetoid or asteroid), seefta cirka, shuhuubaha, cirka-soo-dhacaha iyo dayax gacmeeddada ku meeraysta meerayaasha, sida dayuxu dhulka ugu meeraysto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaxfareed
m.l la-mid: maskaxfareed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madbacadeed
n. phr., genetive: typographical; related to printing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madbacadeed
de: typographical; related to printing
lx: madbacadeed
ps: np-gen
key: madbacadeed
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MADHICIROOD
Caucanthus albidus 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbirlabeed
-ka: (magac, lab, keli) agagaarka u dhaw birlabta ee laga dareemo xoogga ka imanaya. Birlabtu waxay soo jiidataa jidhiidha biraha ah ee yaalla badbirlabeedka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadhibarasho
m.f.dh eeg fadhibaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhibarasho
-da: (magac, dhedig, keli) koritaanka ilmaha, kolka uu ku jiro marxaladda barashada fadhiga. Gurguurad hortii ilmuhu fadhibarashuu soo maraa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huud-carbeed
-ka: (magac, lab, keli) jaad kaluunka ka mid ah.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MIRA-CARBEED
(miro-arbed) N Ceratostigma abyssinicum (Hochst) Schweinf. Plumbaginaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuun-carbeed
-ha: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah kalluunka badda laga soo saaro.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Haydh midabeed
Chromatic aberration
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kolaydh careed
Soil col Hods
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bad birlabeed
n. phr. magnetic field
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bad_birlabeed
de: magnetic field Pl: bad birlabeedyo
lx: bad birlabeed
ps: np
key: bad_birlabeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadhaq-dareen
m.l (daawo) Miiqaqo dareenwadaha ee unugga dareenwade, kuwaasi oo u gudbiyo gujooyinka dareen wade jidhka unugga dareen wadaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fadhaq-dareen
m.l (daaw.) Miiqaqo dareenwadaha ee unugga dareenwade, kuwaasi oo u gudbiyo gujooyinka dareen wade jidhka unugga dareen wadaha.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hab xisaabeed
Sistema contabile
Accounting system
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Lakab carreed
Horizon soil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magdharaareed
(tilmaame) mag kol qudha la wada bixiyo oon waxba dib loo kala dhigin waxana laga qaadaa cidda dil gardarro geysata.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cidhifbirlabeed
m.l (-dyo, m.dh) (fiisikis) Dacallada birlabta ee u muuqda in xoogagga birlabeed ay ka unkamaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fallaadh-cireed
m.l (-dyo, m.dh) (fiisikis) Kaaha saxar tamaraysan oo soo gaadha dhulka kana yimaada cirka. Waxa ay badanaaba ka koobanyihiin borotoono leh xaddiyo yaryar oo bu'o culus ah. Waxa kale oo ku jira footoono iyo nooc ka mid ah niyuutaroonada dhexdhexaadka ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fallaadh-cireed
m.l (-dyo, m.dh) (fiisikis) Kaaha saxar tamaraysan oo soo gaadha dhulka kana yimaada cirka. Waxa ay badanaaba ka koobanyihiin borotoono leh xaddiyo yaryar oo bu'o culus ah. Waxa kale oo ku jira footoono iyo nooc ka mid ah niyuutaroonada dhexdhexaadka ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaadhi-carabiga
m. n. trade truck
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganjidh-tarmeed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Organno had iyo jeer lammaane ah oo laga helo xayawaanka, kuwaas oo soo saara gaameytyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjidh-tarmeed
m.l (cilmiga naflayda) Organno had iyo jeer lammaane ah oo laga helo xayawaanka, kuwaas oo soo saara gaameytyo.