fadeexoob
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fadeexoob
inch. v. become disgraced
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fadeexoob
ay / fadeexowday: (v) become dishonored or disgraced ~ fadeexow
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fadeexoob
de: become disgraced
lx: fadeexoob
pd: (fadeexoobay)
ps: v1=inch
key: fadeexoob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fadeexoobid
(Fadeexoobid-da)
Ceeb weyni gaarid; facsharmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadeexoobid
m.f.dh eeg fadeexow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadeexoobid
-da: (magac, dhedig, keli) ceeb iyo canbaar yeelasho. Dh: kashifan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canbaaroobid
(Canbaaroobid-da)
1. Canbaar yeelasho.
2. Ceeboobid; dhaleecoobid; fadeexoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fadeexo
(Fadeexa-da)
Ceeb weyn; facshar; bayuur; (ama fadeexad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadeexo
m.dh (-ooyin, m.l) Fal xun oo aan qarsoonayn; ceeb, facsharo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fadeexo
m.dh (-ooyin, m.l) Fal xun oo aan qarsoonayn; ceeb, facsharo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fadeexo
f. n. disgrace, scandal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadeexo
-da: (magac, dhedig, keli) ceeb weyn oo bayuur ah. Dh: fadeexad, ceeb, ceebaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fadeexo
de: disgrace, scandal
lx: fadeexo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: fadeexo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadeexow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Fadeexo la kulmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fadeexow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Fadeexo la kulmid. m.f.dh, fadeexoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadeexow
(fal) adigu kashifan oo ceebow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadeexadow
(fal) eeg fadeexadaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadeexad
m.dh la-mid: fadeexo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fadeexad
-da: (n) scandal (skaandal) ~ fadeexo, facshar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadeexad
-da: (magac, dhedig, keli) foolxumo la geystay oo inta la khashifo cid walba la gaadhsiiyo. Dh: ceeb, kashifaad, fadeexo, faxshar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadeexaw
(fal) ceebow oo kashifan; fadeexaddaada dadku ogaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadeexee
f.g2 (-xeeyay, -xaysay) Cid fadeexo ku samayn; dacaayadeyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fadeexee
f.g2 (-xeeyay, -xaysay) Cid fadeexo ku samayn; dacaayadeyn. m.f.dh, fadeexayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fadeexee
v. insult someone in public, disgrace
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fadeexee
-yey fadeexaysay: (v) scandalize (skaan-dhal-aayz); dishonor or disgrace ~ facshar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadeexee
(fal) qof kale, ceeb iyo canbaar dusha uga tuur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fadeexee
de: disgrace
lx: fadeexee
pd: (fadeexeeyey)
ps: v2b=
key: fadeexee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faddaroob
inch. v. become dirty, get filthy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faddaroob
de: become dirty, get filthy
lx: faddaroob
pd: (faddaroobay)
ps: v1=inch
key: faddaroob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fadeexayn
(Fadeexayn-ta)
Ceeb weyn u yeelid ama ku sheegid; facsharid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadeexayn
m.f.dh eeg fadeexee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadeexayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, ceeb iyo kashifaad u geysad. Dh: ceebayn, canbaarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadeecoobid
m.f.dh eeg wadeecow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadeecoobid
-da: (magac, dhedig, keli) lumitaanka xoolo ama wax kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadeexadaw
(fal) ceebi ha ku raacdo; ceeb iyo canbaari ha ku gaadho; ceebow oo kashifan.
fadeexadaw-ga: (magac, lab, keli) qalad aad samaysay oo kashifma, ceeb iyo canbaar yeelasho. Dh: fadeexadow, fadeexoobid, ceeboobid, kashifan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadeexaday
(fal) cid kale ceebee oo cambaaree. Dh: fadeexadee, ceebee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadeexadee
(fal) eeg fadeexaday.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waayeeloob
inch. v. become ~ get old; become an elder ~ leader
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waayeeloob
-ay waayeelowday: (v) become old; age (eeyj); go gray
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waayeeloob
de: become ~ get old; become an elder ~ leader Alt sp: waayeelow
initial: w
lx: waayeeloob
pd: (waayeeloobay)
ps: v1=inch
key: waayeeloob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adeego
f.mg3 (-gtay, -gatay) 1. Cunto maalmeed suuq ka soo iibsasho. 2. Hawl keligii qabsasho (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
adeego
f.mg3 (-gtay, -gatay) 1. Cunto maalmeed suuq ka soo iibsasho. 2. Hawl keligii qabsasho (qof). m.f.dh, adeegasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
adeego
v. do one's own work, do tasks for oneself
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
adeego
de: do one's own work, do tasks for oneself
lx: adeego
pd: (adeegtay)
ps: v3b=
key: adeego
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aneexo
(Aneexa-da)
Geed dhirta yaryar ka mid ah oo bixiya miro arorro leh oo ceeriinka iyo bisaylkaba lagu cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aneexo
m.dh.u (botani) Geed nagaar faalala oo leh caleemo yaryar oo xanaf leh iyo miro kulkulucsan oo la cuno. la-mid: uneexo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aneexo
m.dh.u (botani) Geed nagaar faalala oo leh caleemo yaryar oo xanaf leh iyo miro kulkulucsan oo la cuno. la-mid: uneexo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aneexo
f. n., [collective] small plant species, with edible fruit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aneexo
-da: (magac, dhedig, keli) geed dhirta yaryar ka mid ah oo bixiya midho aroorro leh oo ceedhiinka iyo bisaylkaba lagu cuno. Aneexo ayay ciyaalku soo gurteen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aneexo
de: small plant sp., with edible fruit
lx: aneexo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: aneexo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dadoob
inch. v. become human, take on human characteristics
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dadoob
a: dadow
de: become human, take on human characteristics
lx: dadoob
pd: (dadoobay)
ps: v1=inch
key: dadoob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadgoo
m.dh la-mid: fadgooyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faseex
(tilmaame) qof codkar hadal toosan ah; qof aftahan ah ama hadalyaqaan. Dh: fasiix.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gadoob
(Gadoob-ka)
1. Lafdhabar; xiriir.
2. Misko; dib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadoob
m.l (-byo, m.dh) 1. Saabley. 2. Qaybta dambe ee lafdhabarta. 3. Weel aan buuxin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gadoob
m.l (-byo, m.dh) 1. Saabley. 2. Qaybta dambe ee lafdhabarta. 3. Weel aan buuxin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gadoob
m. n. backbone, spine
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadoob
(tilmaame) wax aan dhamaystirnayn.
gadoob -ka: (magac, lab, keli) lafdhabarta inta danbe iyo qaska.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gadoob
de: backbone, spine
lx: gadoob
pd: (-ka)
ps: n2a-m
syn: lafdhabar, xiriir
key: gadoob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Radeeb
(Radeeb-ka)
(alaab, kd.) af aan wax goyn oo gamuuxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
radeeb
radeeb¹: m.l 1. R. ah: mindi, waran iyo wixi lamida oo aan af wax gooya lahayn. 2. radeebid.
radeeb²: f.g1 (-bay, -btay) 1. Mindi, waran iyo wixi lamida wax la radeebay noqosho. 2. Ciid, dhagax iyo wixi lamida wax hoos loo nabay noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
radeeb
m. n., [abstract] bluntness
radeeb v. blunt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
radeeb
(fal) saawir waxba goyn ama mudin noqo. Dh: gamuur.
radeeb -ta: (magac, dhedig, keli) af beelid iyo saawirnimo. Dh: rabeeb.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadexo
-da: (magac, dhedig, keli) geed cawsaad aan xooluhu ilaa ay gaajoodaan cunin ama inta ay caws kale haystaan oo sedex dhegood dusha ku leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaxoob
f.mg1 (-bay, -btay) la-mid: yoxoob².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaxoob
-ka: (magac, lab, keli) firxashada lo'du firxato kolka uu roob helo. Lo' yaxoob ah ayaa na weydaaratay. Dh: hufaraac.
yaxoob -ka: (magac, lab, keli) fadhi badhida iyo cagaha dhulka la saaro, jilbaha na kor loo taago oo suun amma maro la isku xajiyo. Haddaad fadhiga ku raagayso yaboob u fadhiiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adeegso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Cid adeeg u dirsasho. 2. (f.mg) U a.: wax samayntooda qalab ama wax kale u isticmaalid. Tusaale: “Baaritaanka dhiigga kombiyuutar ayaa loo adeegsadaa”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
adeegso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Cid adeeg u dirsasho. 2. (f.mg) U a.: wax samayntooda qalab ama wax kale u isticmaalid. Tusaale: Baaritaanka dhiigga kombiyuutar ayaa loo adeegsadaa. m.f.dh, adeegsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
adeegso
v. employ, use the services of another person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
adeegso
-adeegsady /adeegsatay: (v) use (yuus); put into service or apply for a purpose. Ex: waxay adeegsadeen qalab casri ah; they used modern equipment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adeegso
(fal) qof ama qalab, ku shaqayso oo hawl ku gudo. Adeegsoo qalinka iyo, ogow ereygaa wax tara.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
adeegso
de: employ, use the services of another person
lx: adeegso
pd: (adeegsaday)
ps: v3a=
key: adeegso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adeegto
m.dh (-ooyin, m.l) Haweenay shaqo hoosaad ka qabata guryaha, xafiisyada iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
adeegto
m.dh (-ooyin, m.l) Haweenay shaqo hoosaad ka qabata guryaha, xafiisyada iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
adeegto
f. n. maid servant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
adeegto
-adeegtada: (n) maid (meydh); a woman servant; housekeeper (haws-kiipar); ~ xoojiso, booyaaso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adeegto
-da: (magac, dhedig, keli) qof dhedig oo xafiisyada ama guryaha ka shaqaysa. Adeegto ayay xaafaddu u baahan tahay. Dh: jaariyad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
adeegto
de: maid servant
lx: adeegto
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: jaariyad
key: adeegto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adeeryo
(Adeerya-da)
Goodirka dheddig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adeeryo
m.dh (-ooyin, m.l) Goodirka midkiisa dheddig. la-mid: aadeer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
adeeryo
f. n. female kudu (antelope)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adeeryo
-da: (magac, dhedig, keli) jaad ugaadha ka mid ah oo buuraha iyo meelaha ayda ah ayay ku nooshahay, labkeeguna waa goodir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
adeeryo
cf: goodir
de: female kudu (antelope)
lx: adeeryo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: adeeryo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badeeco
(Badeeca-da)
Badeecad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badeeco
m.dh (-ooyin, m.l) la-mid: badeecad (1).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badeeco
m.dh (-ooyin, m.l) la-mid: badeecad .
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badeeco
f. n. merchandise, goods; water pipe (for smoking)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badeeco
-badeecada: (n) merchandise (mar jan dhaays); commodity (ko mooditi); product (parodhakt) badeecad
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Badeeco
Merce
Goods; merchandise
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badeeco
-da: (magac, dhedig, keli) eeg badeecad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badeeco
de: merchandise, goods; water pipe
lx: badeeco
pd: (/da)
ps: n6-f
see: badeecad
key: badeeco
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beenoob
inch. v. be untrue ~ false, be a lie
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beenoob
beenoobay / beenowday: (v) be false or untrue ~ beenow. Ex: warkii waa beenoobay; the news was untrue
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beenoob
de: be untrue ~ false, be a lie
lx: beenoob
pd: (beenoobay)
ps: v1=inch
key: beenoob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadwoob
m.l (baayoloji) Jidh huruud ah oo ku dhex samaysma moqorka Goonka garaaf ee ilma galeenka naasleyda marka ay ukunta sii daayaan kaddib. Waxay dhiiqdaa hormoonka borojestaroon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadwoob
m.l (baay.) Jidh huruud ah oo ku dhex samaysma moqorka Goonka garaaf ee ilma galeenka naasleyda marka ay ukunta sii daayaan kaddib. Waxay dhiiqdaa hormoonka borojestaroon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ceeboob
inch. v. be shamed, get disgraced
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ceeboob
-ay / ceebowday: (v) feel shame, embarrassment, or become disgraced
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ceeboob
de: be shamed, get disgraced
lx: ceeboob
pd: (ceeboobay)
ps: v1=inch
key: ceeboob