faddo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faddo
(Fadda-da)
Meel kore; dibad; cidla.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faddo
m.dh 1. Meel dhulka kale in yar ka sarreysa, bannaan oo la dego waqtiga roobabawda. 2. Taag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faddo
f. n. wilderness, 'bush'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddo
-da: (magac, dhedig, keli) meel kore oo sarraysa.
faddo -da: (magac, dhedig, keli) dibad ama meel cidla'.
faddo -da: (magac, dhedig, keli) waa hore; mar hore. Faddo ayaan seexday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faddo
a: cidla'
de: wilderness, 'bush'
lx: faddo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: faddo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaddo
-da: (magac, dhedig, keli) qofka ad walaalaha tihiin, dhedig iyo lab kuu doonaba ha ahaadee. Faadumo waa aaddaday hooyo.
aaddo: erey dad waalaalo ah ay isugu yeedhaan. Dh: abboowe, abbaayo, huunno, walaal,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caddo
(Cadda-da)
Bisha dayaxa labadeeda toddobaad oo hore; habeen dayax leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddo
m.dh 1. Dayaxa labadiisa toddobaad ee hore. 2. Habayn dayax leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caddo
m.dh 1. Dayaxa labadiisa toddobaad ee hore. 2. Habayn dayax leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caddo
f. n. full moon
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caddo
name-f moony night; full moon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caddo
-caddada: (n) moonlight (muun-laayt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Caddo
magaca loo baxsho gabadh u dhalatay midab cad oo qurux badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddo
-da: (magac, dhedig, keli) habeennada dayaxu buuxo ee uu dhan yahay. Caddo ayaa la guuri karaa. Li: gudcur, gurcud.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caddo
de: full moon
lx: caddo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: caddo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddo
m.dh la-mid: deddo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddo
-da: (magac, dhedig, keli) aad iyo aad u miyirdoorsamid.
daddo -da: (magac, dhedig, keli) carcarta u horraysa ee nabarka. Dh: carcar.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
faddy
/faadhi/ (n) xiisaloow (qof habda wax xiiseeya).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fando
-da: (magac, dhedig, keli) cudur jidhka ku dhaca oo finan dheecaan leh yeesha jidhkuna googo'o. Dh: fanto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fardo
m.l.w eeg faras.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fardo
m. n., pl. horses
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fardo
-fardaha: (n) [plural of faras] horses (hoorsis)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fardo
de: horses
lx: fardo
pd: (/ha Sg: faras)
ps: n8-m-pl
key: fardo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fawdo
-fawdada: (n) state of disorde disarray (disareey); disorde (disoordher)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faydo
(fal) marada jidhka intiisa hoose qarisa, sare u qaad oo ilaa kubabka gaadhsii. Dh: xaydo, feydo.
faydo -da: (magac, dhedig, keli) faa'iido iyo macaash. Dh: ribix.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feddo
m.dh (-ooyin, m.l) Dhul sare oo siman.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feddo
-da: (magac, dhedig, keli) buuraha oogada sare ee loo baxo. Fedda daan wareegaa sidii faraw ugaadheede.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maddo
(Madda-da)
1. Ceelka bartankiisa, meesha ilaha biyuhu isugu wada yimaadaan.
2. Meesha wax walba u ah bartamaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maddo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Ceelka bartankiisa, meesha ilaha biyuhu isugu yimaadaan. 2. Meesha wax walba u ah bartamaha. 3. Ceelasha aan biyahoodu go'in.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maddo
f. n. center of a well, fount; central area
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maddo
-da: (magac, dhedig, keli) ceelka bartankiisa, meesha ilaha biyuhu isugu yimaadaan.
maddo -da: (magac, dhedig, keli) meesha wax walba u ah bartamaha.
maddo -da: (magac, dhedig, keli) ceelasha aan biyahoodu go'in.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maddo
de: center of a well, fount; [fig.] central area
lx: maddo
pd: (/da)
ps: n-f
key: maddo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waddo
(Wadda-da)
1. Jid; dhabbe; marin; hilin; daw; dariiq.
2. Raso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waddo
m.dh (-ooyin, m.l) Dhul falan oo la maro; jid; dhabbe; marin; hilin; daw.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waddo
m.dh (-ooyin, m.l) Dhul falan oo la maro; jid; dhabbe; marin; hilin; daw.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waddo
f. n. road, path, street
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waddo
-waddada: (n) road (rowdh); street (istiriit) ~ rasto, jid, dariiq, dhabbe,
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Waddo
Strada
Road
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waddo
-da: (magac, dhedig, keli) meel la maro oo daw ah. Waddo ceel bay ku geysaa. Dh: dariiq, daw, jid, hilin, wadiiqo, dhabbe, marrin.
waddo-da: (magac, dhedig, keli) eeg raso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waddo
cf: dariiq, dhabbe, hilin, jid, marin, surin, tub
de: road, path, street
initial: w
lx: waddo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: waddo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
waddo
طريق، شارع
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faddaro
(Faddara-da)
Aan nadiif ahayn oo naftu kahato; uskag iyo dhusuq badan; faddaaddo; najaaso; wasakh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faddaro
m.dh.kh la-mid: faddare.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faddaro
f. n., [abstract] dirtiness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faddaro
-faddarada: (n) dirty or foul matter; filth (filth); pollution (puluu-shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddaro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg faddare.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faddaro
cf: najaaso
de: dirtiness Opp: nadiif
lx: faddaro
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: faddaro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaddow
-ga: (magac, lab, keli) dad wada dhashay noqosho. Dh: walaalow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddow
caddow¹: m.l la-mid: caddaad (1).
caddow²: f.mg3 (-daaday, -daatay) Wax cad noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caddow
f.mg3 (-daaday, -daatay) Wax cad noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Caddow
name: Addow
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caddow
inch. v. become white; be clear, clarified, proven
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caddow
name-m white; be clear, clarified, proven. Syn: Caddey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Caddow
magac loo baxsho wiil midab caddaan ah u dhashay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddow
(fal) midab cad yeelo.
caddow: (fal) mid warkiisu cad yahay noqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddoo
f.mg3 (-ooday,-ootay) la-mid: deddoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddoo
(fal) dhaxan iyo qabaw daraaddii, la qadhqadhyoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) la-mid: deddow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faddil
v. favor, value
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faddil
de: favor, value
lx: faddil
pd: (faddilay)
ps: v1=
key: faddil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadgoo
m.dh la-mid: fadgooyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiddow
m.l la-mid: fidde.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiddow
-ga: (magac, lab, keli) xoolaha la qalo iyo Allebariga loo sameeyo qofka geeriyooday. Dh: fidde, axan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fréddo
agg. - qabow gamooje.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Fududo
magaca gabadh xaambaaristeedu fududayd ahayd ama miisaan yarayd xilligay dhalatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaaddo
(Gaadda-da)
Laab; shaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaddo
m.dh 1. Xabad. 2. (-ooyin, m.l) Ulo af dhuuban lehoo shacdurka lagu ciyaaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaaddo
m.dh 1. Xabad. 2. (-ooyin, m.l) Ulo af dhuuban leh oo shacdurka lagu ciyaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaaddo
f. n. chest; pectoral muscles
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaaddo
-gaaddada: (n) the comers of the chest
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaaddo
-da: (magac, dhedig, keli) halka ay dadka naasuhu kaga yaallaan. Dh: geeddo, laab, shaf, labac, xabbad.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Gaaddo
Sarrax, shaf, sakaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaaddo
de: chest; pectoral muscles
lx: gaaddo
pd: (/da)
ps: n-f
key: gaaddo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaddo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Saddexda nooc walxaha dunida yaalla u qaybsamaan mid ka mid ah oo kala ah: adke, hoore, iyo neef. 2. Qayb cilmiyeed isku wax ka hadleysa. la-mid: maaddad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maaddo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Saddexda nooc walxaha dunida yaalla u qaybsamaan mid ka mid ah oo kala ah: adke, hoore, iyo neef. 2. Qayb cilmiyeed isku wax ka hadleysa. la-mid: maaddad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaddo
-da: (magac, dhedig, keli) wax la taaban karo oo walaxi ka samaysan tahay. Dawadu dhawr maaddo oo la isku daray ayay ka samaysan tahay. Dh: curiye.
maaddo -da: (magac, dhedig, keli) xiisadaha kala duwan ee iskuulka lagu dhigto mid ka mid ah. Sahal maaddada carabida ayuu ku liitaa. Dh: xiisad.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
maaddo
مادة (علمية)
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
màdido
agg. aad u qoyan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaaddo
(Qaadda-da)
1. Fandhaal; macalgad.
2. Bir yar oo wareegsan ama afargees ah, oo badanaa dhexda carrab yar oo af dhuuban ku leh, oo suumanka iyo wixii la mid ah inta madax lagaga xiro, madaxa kale daldaloolladiisa la suro oo lagu qabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaddo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Fandhaal macdan ka samaysan; malgacad. 2. Bir yar oo wareegsan ama afar gees ah oo badanaa dhexda carrab yar oo af dhuuban ku leh oo suumanka iyo wixi lamida inta madaxa lagaga xiro, dacalka kale daldaloolladiisa la suro oo lagu qabto. 3. eeg qaa'id.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaaddo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Fandhaal macdan ka samaysan; malgacad. 2. Bir yar oo wareegsan ama afar gees ah oo badanaa dhexda carrab yar oo af dhuuban ku leh oo suumanka iyo wixi lamida inta madaxa lagaga xiro, dacalka kale daldaloolladiisa la suro oo lagu qabto. 3. eeg qaa'id.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaaddo
f. n. ladle, spoon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaaddo
-qaaddada: (n) spoon (ispuun) ~ malgacad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaddo
-da: (magac, dhedig, keli) fandhaal wax lagu cuno ama lagu dardaro oo macdan ka samaysan. Bariiska faraha ha ku cunine qaaddo ku cun. Dh: malqaacad.
qaaddo -da: (magac, dhedig, keli) eeg qadhabi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaaddo
de: ladle, spoon
lx: qaaddo
pd: (-da)
ps: n6-f
syn: fandhaal, gure, kaal, macalgad, qarsin
key: qaaddo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saaddo
(Saadda-da)
1. Doqon.
2. Gaaddo; shaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaddo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Xabadka. 2. Garanbiyoole.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saaddo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Xabadka. 2. Garanbiyoole.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saaddo
f. n. chest
saaddo [feminine] n. stupid person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaddo
-da: (magac, dhedig, keli) shaf, baaddil. Dh: gaaddo.
saaddo -da: (magac, dhedig, keli) haweeney cagli xun. Dh: dogon, nacas, calaan, sagaga, sacsac, dabbaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faddarow
(Faddarow-ga)
Faddaroobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faddarow
faddarow¹: m.l la-mid: faddaroobid.
faddarow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax, faddaro noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faddarow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax, faddaro noqosho. m.f.dh, faddaroobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faddarow
vl. n. act of becoming dirty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddarow
(fal) wax hore nadiif u ahaa, faddaaddow.
faddarow-ga: (magac, lab, keli) wax hore nadiif u ahaa, faddaaddo noqosho. Dh: faddaroobid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faddarow
de: act of becoming dirty
lx: faddarow
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: faddarow
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Add
U gee
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
add
/aadh/add up; (v) 1. xisaab isku darid ama isugeyn. e.g. Add together all your expenses. (v) 2. hadal ku siyaadin. e.g. He also added that he will arrive tomorrow.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
add
/ad/ (v) iskydarow. If you add two and one, you get three.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fad
(Fad-ka)
1. (daruur) madax; dhool.
2. Cad; jab.