faddaray
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddaray
(fal) eeg faddaadday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faddarayn
(Faddarayn-ta)
Wax faddaraysan ka dhigid; najaasayn; wasakhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faddarayn
m.f.dh eeg faddaree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faddarayn
-ta: (n) contamination (kon taam e neey shin); foulness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wasakh ama nijaas gaadhsiin. Dh: faddaaddayn. Li: nadiifin.
faddarayn -ta: (magac, dhedig, keli) dhaqan xun barid. Dh: aafayn. Li: tarbiyadayn, edbib.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddarays
-ka: (magac, lab, keli) eeg faddarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faddaroobid
(Faddaroobid-da)
Wax faddaraysan noqosho; wasakhoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faddaraysnaan
m.f.dh eeg faddaraysan. la-mid: faddaraysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faddaraysnaansho
m.l/dh la-mid: faddaraysnaan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
contaminate
/kontamineyt/ (v) faddarayn; barxid. e.g. Don't contaminate the food.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
defile
/dhefayl/ (v) wasakhayn (faddarayn).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
contaminare
v.tr. - sumayn, faddarayn.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
corrótto
agg. - faddaraysan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
incorruttibile
agg. - aan la faddarayn karin, aan la laaluushi karin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddaaddaysan
(tilmaame) wax faddaraysan ahaan; wax wasakhaysan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wasakhay
(fal) wasakh u yeel. Wasakhay marada oo tuur. Dh: wasakhee, faddaray.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CADDAAY
(Adai) S Adenia globosa Engl. Passifloraceae.
S Adenia venenata Forsk. Passifloraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faddare
m.l.kh 1. F. ah: qof ku dhaqma wax aan diinta Islaamka iyo dhaqanku oggoleyn; nijaas. 2. F. ah: wax nijaasi gaartay. la-mid: faddaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faddare
m.l.kh 1. F. ah: qof ku dhaqma wax aan diinta Islaamka iyo dhaqanku oggoleyn; nijaas. 2. F. ah: wax nijaasi gaartay. la-mid: faddaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddare
-ha: (magac, lab, keli) wax aan nadiif ahayn oo ay naftu kahato; wax wasakh iyo uskag badan oo ay naftu nacdo. Meesha innaga hagaaji yaanay faddaro noqonin e. Dh: faddaaddo, faddare, nijaas, wassakh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faddaro
(Faddara-da)
Aan nadiif ahayn oo naftu kahato; uskag iyo dhusuq badan; faddaaddo; najaaso; wasakh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faddaro
m.dh.kh la-mid: faddare.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faddaro
f. n., [abstract] dirtiness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faddaro
-faddarada: (n) dirty or foul matter; filth (filth); pollution (puluu-shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddaro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg faddare.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faddaro
cf: najaaso
de: dirtiness Opp: nadiif
lx: faddaro
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: faddaro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badyaray
-da: (magac, dhedig, keli) bad aan weyneyn. Badyarayda Casal ee Jabuuti waa meel dalxiiska loo tego. Li: bad, badweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faddaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax faddaro ka dhigid, wax baabi'in.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faddaree
v. dirty, make dirty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faddaree
-yey faddarasay: (v) contaminate (kon taam e neeyt); make dirty or impure ~ wasakhee, najaasee. Syn: befoul, foul, poison, pollute, taint
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddaree
(fal) uskagee oo wasakh mari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faddaree
de: dirty, make dirty
lx: faddaree
pd: (faddareeyey)
ps: v2b=
key: faddaree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faddarow
(Faddarow-ga)
Faddaroobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faddarow
faddarow¹: m.l la-mid: faddaroobid.
faddarow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax, faddaro noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faddarow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax, faddaro noqosho. m.f.dh, faddaroobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faddarow
vl. n. act of becoming dirty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddarow
(fal) wax hore nadiif u ahaa, faddaaddow.
faddarow-ga: (magac, lab, keli) wax hore nadiif u ahaa, faddaaddo noqosho. Dh: faddaroobid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faddarow
de: act of becoming dirty
lx: faddarow
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: faddarow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maddarab
m.l la-mid: maddaraq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maddaraq
m.l (-qyo, m.dh) Bir xoogan oo leh af ballaaran iyo mid dhuuban iyo daab dheer oo meelaha adag lagu qodo; garweyn. la-mid: maddarab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maddaraq
(fal) eeg madaraq.
maddaraq -a: (magac, lab, keli) eeg madaraq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaddaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax Eebbe qaddarey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaddaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax Eebbe qaddarey ahaansho. m.f.dh, qaddarnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaddaran
(tilmaame) xukuman oo ilaahay horay u gaddaray ah. Wax adi kuu qaddaran cidi kaama qadiso.
qaddaran: (tilmaame) wax qiyaasan ama xadaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faddaraysan
Faddaro gaartey; wasakhi ku ba'day.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faddaraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la faddareeyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faddaraysan
der. [adjective] dirty, filthy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faddaraysan
-aa ayd: (adj) contaminated (kon taam eneey-tidh); unclean; dirty; polluted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddaraysan
(tilmaame) qof ama dad dhaqan xun oo akhlaaq daran. Dh: fasaqmay, xumaaday.
faddaraysan: (tilmaame) ahaanta wax wasakhoobay. wax ay najaaso ama faddaro gaadhey.
faddaraysan: (tilmaame) wax wasakhaysan ama nijaasaysan. Maro faddaraysan laguma tukado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faddaraysan
de: filthy
lx: faddaraysan
pd: (faddaraysnaa)
ps: adj-der
key: faddaraysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddaadday
(fal) uskagee oo faddaree. Dh: uskagee, faddaray, faddaree, wasakhee. Li: nadiifi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddaabay
(fal) neef gammaan ah, daddaabe ku xidh. Dh: shakaal, shakal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaddirad
m.dh Bil soon haweenay af-furan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddannac
(falkaabe) qaab orodka xooggan ah oo aan loo meel dayine, si kedis ah loo boodo oo inta badan baxsashada loo isticmaalo. Dh: taw.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faddaroob
inch. v. become dirty, get filthy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faddaroob
de: become dirty, get filthy
lx: faddaroob
pd: (faddaroobay)
ps: v1=inch
key: faddaroob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fagaarayn
(Fagaarayn-ta)
(u fagaarayn) legdan, feer, tartan, dabbaaldeg, kd.. meel fagaare ah oo la wada joogo u samayn, u golaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fagaarayn
m.f.dh eeg fagaaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagaarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tartan iyo wax la mid ah, fagaaro u samayn; ciyaar iyo wax la mid ah, meel fagaare ah oo la wada joogo u samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farafaray
(fal) wax faraha la galgal. Dh: taataabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haddaanay
conj., vl. pron., neg. if she / it [fem.] ... not
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haddaanay
de: if she / it [fem] ... not = hadda + aan + ay
lx: haddaanay
pd: (haddaaney)
ps: conj + neg + vpro
key: haddaanay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaddarjab
qaddarjab¹: m.l la-mid: maskarjab¹.
qaddarjab²: f.mg1 (-bay, -btay) la-mid: maskarjab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaddarjab
(fal) dhimo adoon guursan; dhallinyar adoo ah ku dhimo. Wilka ha ku odhan qaddarjab.
qaddarjab -ka: (magac, lab, keli) dhimashada yaraan lagu dhinto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddaqayn
m.dh la-mid: sadaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddaqays
m.l la-mid: sadaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaddaarad
m.dh (-do, m.l) la-mid: xadaarad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaddaarad
f. n. civilization
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaddaarad
-da: (n) civilization (sivili-zeey-shin) also civilisation ~ ilbaxnimo, xaddaaro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaddaarad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg xadaarad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaddaarad
bw: Arabic
de: civilization Alt sp: xadaarad
initial: x
lx: xaddaarad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: xaddaarad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddaaddayn
-ta: (magac, dhedig, keli) faddaraynta iyo wasakhaynta wax nadiif ahaa. Dh: faddaaddays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddaaddays
-ka: (magac, lab, keli) eeg faddaaddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fahmaddaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax xanuun aan weynayn hayo ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fahmaddaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax xanuun aan weynayn hayo ahaansho. m.f.dh, fahmaddarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fahmaddaran
der. [adjective] indisposed, ill, not feeling well
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fahmaddaran
de: indisposed, ill, not feeling well rw: fahmo
lx: fahmaddaran
pd: (fahmaddarnaa)
ps: adj-der
key: fahmaddaran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaray
-da: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah shimbiraha oo midabka dambaska leh. Aaray ayaa geedkaa fuushan. Dh: adar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daray
(Daray-ga)
Geed, jaadka berdaha ah, oo miro wanaagsan oo la cuno bixiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daray
m.l (daray, m.dh) Geed weyn, ka baxa biyamareennada iyo qararka webiyada oo miro waaweyn, macaan oo la cuno leh; mukay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daray
m.l (daray, m.dh) Geed weyn, ka baxa biyamareennada iyo qararka webiyada oo miro waaweyn, macaan oo la cuno leh; mukay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daray
m. n. tree species, with edible fruit
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DARAY
(Darai) N Ficus quibeba Ficalho. Moraceae.
N Ficus sycomorus L. Moraceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daray
-ah: (adj) 1. fresh (fareesh); juicy (jww-iz) ~ cusub 2. daray -ga: (n) tree with edible fruit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daray
-ga: (magac, lab, keli) noloshaada oo hoos u dhacda.
daray -ga: (magac, lab, keli) geed ka mid ah jirdawaynta ahna midhood wayn oo ka baxa dhulka biyaha leh. Midho daray haddaan beri, duuduub ku ligi jirey, doorkan waxa aan hubsanayaa, dirxi inuu ku hoos jiro.
daray-ga: (magac, lab, keli) calaf la cuno oo cusub, gaar ahaan waxa dhulka ka soo baxa sida khudradda. Li: baryood, baarixi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daray
de: tree sp., with edible fruit
lx: daray
pd: (-ga)
ps: n5-m
key: daray
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
faddy
/faadhi/ (n) xiisaloow (qof habda wax xiiseeya).
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Faray
(I) Cavallo bianco;
(E) White Horse
(S) FARAY (S. c. m.: Frai)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faray
(fal) faraha la gal oo ku taabtaabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
araray
(fal) gogoldhig ama hordhac samee. Si habboon u araray maqaalka. Dh: araree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaray
(fal) baar ka dhig; ka dhig wax sare oo fiican. Dh: baaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaray
-da: (magac, dhedig, keli) magaca loo yaqaan goodirka kiisa dhedig ee yerista ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadday
(fal) muuqaal filim ku yaal, warqad ku wareeji. Kolkii filimkii la caddeeyey, ayaa sawirradii si fiican loo arkay. Dh: maydh.
cadday: (fal) shaah iyo wixii la mid ah, caano ku dar. Shaaha iga soo caddee. Dh: caanee.
cadday: (fal) arrin madmadaw ku jiro shaaca ka qaad oo si la fahmi karo u dheh. Gabadhi waa tii ilkaheeda caddaysa oo rumay ku caddaysa, wiilna waa kii hadalkiisa caddeeya ee runta sheega. Dh: caddee. Li: maldah.
cadday: (fal) gidaar, loox, iwm wax cad dusha ka mari. Dh: caddee.
cadday: (fal) nadiifi oo uskagga ka dul qaad. Ilkaha caddee oo huurada ka bi'i. Dh: caddee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faarad
(Faarad-da)
Qalab bir af lihi ku jirto oo alwaaxda iyo qoryaha lagu xaquuqo oo lagu simo; raando.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarad
m.dh (-do, m.l) Qalab yar oo gacan buuxis ah oo dhexda ku leh xalleefato loo isticmaalo turxaanbixinta iyo sulux ka dhigidda alwaaxda; raando.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faarad
m.dh (-do, m.l) Qalab yar oo gacan buuxis ah oo dhexda ku leh xalleefato loo isticmaalo turxaanbixinta iyo sulux ka dhigidda alwaaxda; raando.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faarad
f. n. plane (carpenter's tool)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faarad
-da: (n) carpenter's plane; plane (paleeyn) ~ raandho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarad
-da: (magac, dhedig, keli) qalab biro af badan ku jiraan oo siyaabo kala duwan u samaysan. Looxaanta iyo qoryaha ayaa lagu farsameeyaa. Dh: raando.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faarad
bw: Arabic
de: plane (carpenter's tool)
lx: faarad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: faarad